Skip to main content

Sunday 20 April 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Waraysi

Cabdiraxmaan C Warsame: "Mucaaradaddu waa qayb dawladnimada ka mid ah"

31 January, 2025
Image
Cabdiraxmaan
Share

Soomaaliya sidii ay uga duntay dawladdii dhexe, waxa gebi ahaanba meesha ka baxay hay'adihii dawladeed, waxa dhulku uu la go'ay nidaamkii maamul, waxa dhalanrog gun iyo baar ahi ku yimi maanhaggii dawladnimada laga haystay. Jamhuuriyaddii saddexaad ee Carta lagu soo dhidbay, waxa ay in muddo ah la daalaadhacaysay: maamul xumo, eex, kutagrifal awoodeed iyo musuqmaasuq baahsan. Waxa haykalkii dawladeed wiiqay siyaasiyiin aragti gaaban oo danaystayaal ah, kuwaas oo aan lahayn feker dawladeed. Muddadaas waxa la waayey wax nidaam siyaasadeed ah, oo si hagaagsan u shaqaynaya, waxa la waayey mucaarad nuxur leh. Waxa la waayey xisbiyo siyaasadeed oo aragti ku dhisan, kana korran falsafadaha abaaday ee Soomaalida noloshooda aafeeyey. Intaas la'aanta la la' yahay waxa ay sababtay in hoobadkii la galay lagu raago. Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ahaa indheergarad Soomaaliyeed buuggiisa, "Dal Dad Waayey iyo Duni Damiir Beeshay", waxa uu ku xusay hoobadka la galay in uu leeyahay labo sifo: meehannow iyo mugdi-ku-dirir. Sababta looga bixi waayey waxa uu ku fasiray, garaad wadareedkii ummadda oo jirran, iyo in la waayey haldoor siyaasadeed oo aragti leh.  

Haddaba Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah siyaasi iyo xildhibaan ka duwan oo ka sheeggan siyaasiyiinta Soomaalida, ayaan kala sheekaysanay mawduuc ku tacalluqa: mucaaradnimada siyaasadeed ee Soomaaliya. Cabdiraxmaan waraysigan uu Geeska  siiyey, waxa uu ku sharraxay mafhuumka mucaaradaddu waxa uu yahay, iyo waxa ay uga dhigan tahay Soomaaliya oo ah dal fashilmay. Waxa uu  tilmaamay sababaha ku riixay in uu noqdo mucaarad siyaasadeed oo mintid ah, isaga oo ku lammaaniyey aragtida uu dawladnimada ka qabo. Waxa uu afka ku ballaadhiyey halisaha ku gedaaman mucaaradadda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo dabinnada aasan. Cabdiraxmaan waxa uu si weyn u naqdiyey adduun-aragga ay Soomaalidu ka haysato dawladnimada. Waxa uu si heer sare ah u faaqiday, sababta mucaarad fekradeed loo waayey. Xisbiyada siyaasadeed ee dimuqraaddiga ah, sababta ay Soomaalida dhexdeeda uga shaqayn waayeen, ayuu si macne leh ugu jidbixiyey, isaga oo ku dooday in uu jiro bisayl la'aan ku aaddan xagga fekerka iyo dawladnimada. Waxa kale oo uu waraysigan ku qaadaadhigay arrimo badan oo ragaadiyey geeddisocodka qarandhiska dawladeed ee Soomaaliya.

Ta aadka u xusidda mudan waa in mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur dabayaaqadii sannadkii 2024 uu soo saaray buuggiisa xasuusqorka ah ee uu ugu wanqalay, "Adkaysi." Waa xasuusqor uu si kal furan ugaga sheekaynayo noloshiisii qofeed oo dabcan aanay sina uga marnayn noloshiisii siyaasadeed. Wax badan oo waraysigan ku saabsan, faahfaahintiisa waxa aynu ugu tagaynaa, Adkaysi, oo ah buug si xeeeldheer inoo baraya qofka uu yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.


Axmed Xisaam Miido: haddii aan ku bilaabo, su'aal gudaggal ah: waa maxay mafhuumka mucaaradadda siyaasadeed? Sharraxaad naga sii?

Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame: Mahadsanid. Marka hore, mucaaradaddu waa qayb ka mid ah dawladnimada. Adduunka dalalka ay siyaasaddoodu furfuran tahay ee ku shaqeeya nidaamka dimuqraaddiyadda, mucaaradadda siyaasadeedi waxa ay ka mid tahay dawladda, ma aha "xukuumadda." Waxa ayna leeyihiin miisaaniyad, aqoonsi, sharciyad ay ku shaqeeyaan iyo koox dad ah oo taabacsan. Sidaa awgeed waxa uu qayb ka yahay dawladnimada. Dalalka ay dimuqraaddiyaddoodu xooggan tahay, mucaaradka siyaasadeed waxa loogu yeedhaa, dawladda hadhka (shadow government/حكومة الظل), nuxur ahaan waa xukuumad aan rasmi ahayn, waxay se u dhisan tahay sidii dawladdii oo kale. Ujeedka mucaaradku waa in uu toosiyo, hagaajiyo, oo naqdiyo kolba maamulka markaas jira. Waana in uu soo bandhigo aragti, ka duwan ta maamulka jira uu ku shaqaynayo. Doc kale arrinkan aynu ka warramayno, diinta Islaamka qudheeda asal ayey ku leedahay, oo nebigu (NNKH), waxa uu yidhi: "jihaadka ugu weyn Alle agtiisa, waa erey xaq ah oo laga hor dhaho, ruux madax ah oo gaboodfalaya." Waxa kale oo la inoo tilmaamay in haddii imaamka masjidka  tujinaya uu qaldamo, in aynu saxno. Mucaaradaddu salkeedu waxa uu ku aroorayaa in wax la saxo, oo la toosiyo. Waana ta aynu ka hadlayno ee loo yaqaanno, mucaaradadda togan. Mucaaradaddu waa waajib waddani ah, akhlaaqi ah, oo diini ah. Kolka fahanka guud intaas ayeynu ku ururin karnaa.

AXM: Maxaa kugu riixay in aad noqoto mucaarad mintid ah, xilli Soomaaliya ay ku jirto shaybaadhka dawladaha fashilmay?

CCW: Waa weyddiin wanaagsan. Mar walba waxaa iga go'an in wax la hagaajiyo, oo dalka lagu hago tub ina gaadhsiinaysa horukac iyo horusocod bulsheed. Dhan kale waxa igu jirta ruux awood badan oo mintid ah, oo aqbalsan in wax la beddeli karo, dalkana laga samatabixin karo xaaladdan xun ee uu qaayibay. Sidaa awgeed mar walba waxa aan u taagnaa in wax la saxo. Kolkii aan ku jiray xukuumaddii hore ee Sheekh Shariif, waxaan ahaa shakhsi gudaha maamulka wax ka toosiya. Waxaan qabay in la sameeyo dibuhabayn siyaasadeed, maamul iyo dawladeed. Markii toosintaydii dheg jalaq loo siin waayey, waxaan dharaar cad go'aansaday in aan xilka wasiirnimada iska casilo. Sidaa si la mid ah, maamulka Xasan Sheekh ee hadda jira, markii uu ii magcaabay Ergayga Abaaraha, waxaan la taagnaa naqdis iyo wax sixid, si hoose iyo si badheedh ahba. Intii aan dibadda joogayna waxaan waday olole ah in wax la beddeli karo, doodahayguna waxa ay ku saabsanaayeen cudurradii uu eeday qarankii Soomaaliyeed. Waxa mucaaradadda igu riixay oo tiirdhexaad u ah: in qarandhiska Soomaaliya aan lagu kabin, tab la mid ah tabtii uu u jabay. Wixii qaranka jabiyey waxay ahaayeen: kelitalisnimo siyaasadeed, nin toocsi, qaraabokiil iyo musuqmaasuq. Weli waxaan shaki igaga jirin in dawlad-dhiska Soomaaliya lagu wado, jidkii uu ku jabay. Arrimahaas kore baa igu bixiyey, in aan noqdo mucaarad siyaasadeed oo togan, dhinaca kalana igu riixay in aan xilka madaxtinnimada u ordo.

AXM: Wax ma noo sheegi kartaa duruufaha iyo halisaha ku gedaaman, si guud mucaaradnimada siyaasadeed ee Soomaaliya?

CCW: Runtii mucaaradnimadu halis ayey leedahay, qudhayduna halisahaas mucaaradnimadu leedahay waan la kulmay. Mucaaradnimada siyaasadeed ee Soomaaliya waxa ku lammaan: khaarijis, handadaad, sumcad-dil, safarrada oo lagaa xayiro, baasaboorka diblumaadka oo lagaa la laabto, iyo in lagaa faafiyo diyaacayado aan sal iyo raad toona lahayn. Duruufaha ku gedaaman waxa ka mid ah: in dadku aanay u bislayn mucaaradnimada, in aanu jirin feker mucaaradnimo oo banyaal ah, in bulshadu ku naxsan tahay naqdinta iyo wax toosinta, in loo qaato haddii aad wax naqdiso, in aad cid geeloodii soo faragashatay. Tan malaha waxay salka ku haysaa maanhagga aynu dawladnimada ka haysanno oo ah: "Maandeeq." Fahankaas qaldan ee dawladnimada, waxa uu keenay in la waayo feker mucaarad ah oo qumman. Mucaaradku halista ugu weyn ee uu wajihi karo, waa in ay kala dhaqaaqaan isaga iyo ciddii soo dooratay. Dadkeennu adduun-aragga ay dawladnimada ka haystaan, waa in la biisho. Waa in cid xilal la la raadiyo, waa in cid waxbarasho loo diro, waa in cid caafimaad la la baadi goobo, waa in dhac dhac la soo dhiciyo, wad uun..... Xisaabtaas oo idil baa meel kugu sugaya, kolkaa haddii aad mucaarad noqotid cidda ugu horreysa ee aad isa seegi doontaan waa deegaan doorashadaadii. Markii aad kuwaas kala huleeshaan, waxaa dhinaca kale kugu sugaysa halistii mucaaradnimada ee qayaxnayd, taas oo laga yaabo in aad naftaada ku weydo. Mucaaradnimada siyaasadeed ee Soomaaliya ma sahlana, waa se dhaabad muhiim ah in la jabiyo.  

AXM: Sida la og yahay, mucaaradka siyaasadeed ee Soomaaliya ma aha mucaarad feker iyo aragti xanbaarsan, keli ah mucaaradaddoodu waxay ku eg tahay kursiga, arrinkaas maxaa loo aanayn karaa? Ta kale feker la'aantaasi, ma macna tiri kartaa nuxurkii mucaaradadda looga dan lahaa?

CCW: Waa dhab ma jiro mucaarad feker xanbaarsan, tan waxaa keenay fahanka aynu dawladnimada ka haysanno oo ah: QANIIMO. Waa in dawladnimadii loo arko meel laga noolaado, lagu naaxo oo lagu bararo, se aan loo arag in ay tahay meel ummad loogu adeego. Fahanxumadaasi waxay dhashay in mucaaradku noqdo dhuuniraac; in la iibsado, in xilal lagu laaluusho, iyo aanu yeelan mabda' iyo aragti joogto ah. Taa beddelkeeda se uu noqdo ruux fursad gaad—dantii yaqaan ah, oo ku fooggan dano shakhsi ah. Waana waxa saaqid ka dhigay nukhbadii siyaasadeed. Cidhibxumadii arrinkaas waxa uu noqday in mucaaradku macna beelo, dadkuna ku jaahwareero. Maxaa wacay, waxaad arkaysaa mucaarad shalay wixii uu diiddanaa, maanta falaya. Waxaad arkaysaa mucaarad is burinaya. Si kooban tani, waa maanged (paradox).

AXM: Maxaad nooga sheegi kartaa si-aragga ay Soomaalidu ka haysato xisbiyada siyaasadeed, oo ah minbar lafdhabar u ah dimuqraaddiyadda iyo mucaaradadda?

CCW: Waa weyddiin aad muhiim u ah. Waqti noloshayda ka mid ah waxaan ku noolaa dalka Biritan. Waxaan ka tirsanaa Xisbiga Shaqaalaha, bil kasta waxaan bixin jiray qaadhaan lacageed, oo saddex bawn ah. Waxaa laga yaabaa saddex milyan oo qof in xisbiga ay ka diiwaangashan yihiin, oo ay qaadhaankaas dhiibaan. Marka xisbigaasi dhaqaale ku filan buu haystaa, dawladdana waxa ugu jira miisaaniyad. Sidaa awgeed waa xisbi ay xukumaan dadkii dhistay, ee ku tabcay. Inaga bulshadeennu weli ma gaadhin in xisbi ay maalgashadaan, oo ay iyagu mulkiyaddiisa hantaan. Adiga uun baa lagaa sugayaa; dhaqaale, tamar, feker, halabuur iyo wax walba oo ku tacalluqa xisbiga. Sidaa awgeed waxa unkamay xisbiyo madax ka nool ah oo qof keli ahi horjooge u yahay, oo aan wax macne ah xanbaarsanayn. Geesta kale nukhbada siyaasadeedi ma aha dad feker leh, waa dad fursad gaad miidhan ah, oo kolba halkay dani ugu jirta u geeddi guura. Arrimahaasi waxay sababeen fahanxumo ku aaaddan xisbiyada siyaasadeed.    

Inaga bulshadeennu weli ma gaadhin in xisbi ay maalgashadaan, oo ay iyagu mulkiyaddiisa hantaan. Adiga uun baa lagaa sugayaa; dhaqaale, tamar, feker, halabuur iyo wax walba oo ku tacalluqa xisbiga.

AXM:  Dhallinyarada rabta in ay noqodaan mucaarad siyaasadeed oo “wax u taagan”, waa maxay talada aad siin lahayd?    

CCW: Waa weyddiin muhiim ah. Waxaan kula talin lahaa 1) is diyaariya, oo aan ula jeedo: aqoon isku hubay, wacyigaaga dhis, wax akhri, fahan ballaadhan u yeelo siyaasadda. 2) baahidaada yaray. Dhallinyarada siyaasadda soo gala, waxay rabaan in ay u noolaadaan si ka sarreysa heerkooda nololeed. Taasi waxay ugu danbayn keentaa in uu u dulloobo qofka xukunka haya, oo uu daba ordo. Sidaa awgeed baahidaada xakamee. 3) masuuliyadaha ha isku badin, haddii ay noqoto; guur, carruur, iyo hawlo kale oo ka baxsan siyaasadda. Masuuliyadahaasi waxay dhaabad ku noqonayaan, shaqada mucaaradnimada oo ah "hawl", sideeda u mixnad badan. 4) noqo halis qaate. Marar badan oggolow in aad u badheedhi karto halis, maaddaama ay mucaaradnimada ku hareeraysan yihiin wax badan oo khataro ah. 5) danta iyo damiirka, mar walba loollan xooggan baa ka dhexeeya, iskudday in aad isu soo dhowayso oo aad sulxi ka raadiso. Haddii kale damiirka u go', oo yeysan baahida iyo dantu ku hoggaamin, si aysan karkaarka kuu weydaarin, oo aanay kuugu xukumin qudhjar siyaasadeed, oo aan laga soo waaqsan.