Skip to main content

Saturday 18 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Waraysi

Cabdiraxmaan Baadiyow: “Waa in la keeno hal-abuur la iskugu xejin karo diinta, qabiilka iyo dawladnimada casriga ah”

9 August, 2025
Image
Cabdiraxmaan Baadiyow: “Waa in la keeno halabuur la iskugu xejin karo diinta, qabiilka iyo dawladnimada casriga ah”
Share
Cabdiraxmaan Baadiyow oo ah qoraa iyo cilmi baadhe, waraysigan dhexdiisa waxa uu badka keenayaa aragtidiisa uu ula baxay aragtida dhammeyska ah (comprehensive perspective), iyo waxa ay kaga duwantahay dugsiyada kale ee lagu daraaseeyo Soomaalida. Waxa uu ku doodayaa in ay lama huraan tahay isku xejinta diinta, qabiilka iyo dawladnnimada si loo gaadho dawladnimo dhab ah. 

Cilmibaadhista Soomaalida waxa ka jira dugsiyo fekradeed oo kala duwan, kuwaas oo  habab kala jaad ah u daraaseeyay Soomaalida. Waxa ay diiradda saaraan waayaha bulsheed, taariikheed, siyaasadeed, diineed, iyo dhaqan-dhaqaale ee Soomaalida—iyaga oo ku daraaseynaya aragtiyo kala duwan. Kolkii hore, waxa Soomaalida daraaseeyay cilmibaadheyaal Reer Galbeed ah oo baadha dhaqannada reer bariga (orientalists) kuwaas oo ay dhaqaajinayeen dano gumeysi iyo xukun. Waxa ay Soomaalida ka bixiyeen aragtiyo kiciyey doodo miiggan oo ay dad badani si weyn uga soo horjeesteen, kuwaas oo xusay in sida loo daraaseeyay Soomaalidu aanay ahayn si habboon ee ay tahay "timir ay laf ku jirto" iyo ujeeddooyin dhaqan oo xanbaarsan muquunin.

Halkaas waxa ka dillaacay dugsiyo kala geddisan, oo uu mid waliba kan kale la beegsanayo naqdin culus, isaga oo soo bandhigaya iimaha iyo goldaloollooyinka uu leeyahay. Sidaas ayaa ay ku hirgaleen dugsiyo aragtiyeed oo aragti curin iyo dood dhalin u go'ay, kuwaas oo saaxadda cilmibaadhista Soomaalida ka noqday shaacsane cusub. Haddaba, Dr. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Baadiyow, oo ah aqoonyahan iyo qoraa Soomaaliyeed oo ku takhasusay taariikhda casriga ah ee Islaamka, ayaa aan kala sheekaystay dugsiyada kala duwan ee cilmibaadhista Soomaalida ka jira. Mudane Baadiyow waa qoraa leh buugaag ay ka mid yihiin: "The Islamic Movement in Somalia: A Study of the Islah Movement (1950-2000)", "Making Sense of Somali History"  iyo "Somalia: A State in Search of Exceptional Leadership.Kolkan, waxa aan si gaar ah uga waraystay waxa ay aragtidiisa ‘dhammeyska ahi -  comprehensive perspective’ u taagan tahay, sida ay Soomaalida u qeexayso iyo waxa ay kaga duwan tahay aragtiyaha kale ee ka jira cilmibaadhista Soomaalida.

Mudane Baadiyow, intii uu ku jiray cilmibaadhista Soomaalida, waxa uu curiyey doodo waxgal ah oo wax badan ku biiriyey fasirka laga bixiyey waleecaadka bulsheed, siyaasadeed, diineed iyo dawladeed ee Soomaalidu la daalaadhacaysay soddonkii sano ee u danbeeyey.                         

Baadiyow, waraysigan uu Geeska siiyey waxa uu ku taariikheeyey sida ay ku timid aragtidiisu iyo halka ay ka gelayso cilmibaadhista Soomaalida. Waxa uu ka hadlay hirdanka ka dhex aloosan qabiilka, diinta iyo dawladnimada casriga ah, maaddaama oo uu mawduucan ku lafaguray qoraalkii cilmiyeed ee uu ku qaatay shahaadada labaad oo uu cinwaankiisu ahaa: "Tribalism, Nationalism and Islam: The Crisis of political loyalty in Somalia." Sida oo kale, waxa uu ka hadlay khilaafka ka dhex shidan haldoorka Islaamiyiinta iyo kuwa aan Islaamiyiinta ahayn (non-Islamist elites), isaga oo carrabka ku ballaadhiyey in khilaafkoodu ku sal leeyahay "dabeecadda dawladnimo" ee Soomaalida lagu xukumayo. Intaa waxa dheer in uu si toos ah ugu jidbixiyey dhaqan-siyaasadeedka shiiqiyey haykalkii dawladeed iyo hay'adeheedii, kuna xukumay rejoxumo iyo hubanti la'aan mustaqbaleed. Waxa uu u carrabbaabay, si dulmar ah, isaga oo tilmaamay in wixii faahfaahin ah loogu laabanayo daraasadda loogu wanqalay: "Somali Elite Political Culture: Conceptions, Structures, and Historical Evolution."

Dhanka kale, waxa uu ka jawaabay doodda tidhaahda 'qaran' iyo 'qabiil" labo aan is qaban, isaga oo xusay in fekraddani ay tahay middii gumeysiga ee isugu biyashubanaysay casriyeynta. Ugu danbayntii, dhallinyarada xiisaysa daraasaadka Soomaalida ayaa uu la wadaagay talooyin wax ka tari kara akhriskooda ku aaddan Soomaalida, isaga oo xusay in si gaar ah loo akhriyo oo loo naqdiyo aragtidiisa guud, waxna lagu biiriyo. Cabdiraxmaan Baadiyow, cilmibaadhistiisa la yidhaahdo "Revisiting Somali Historiography: Critique and Idea of Comprehensive Perspective", ayaa aynu ugu tagi doonnaa naqdinta uu u miisay dugsiyada kala duduwan ee daraasaadka Soomaalida, iyo xalka ay waddo aragtidiisa dhammeyska ah.   

Axmed Xisaam Miido: Haddii aan ku bilaabo wayddiin gudaggal u ah waraysigeenna: Cilmibaadhista Soomaalida waxa ka jira dugsiyo kala geddisan oo Soomaalida siyaalo kala duduwan u fasiray. Haddaba, aragtidaada dhammeyska ah (comprehensive perspective), maxaa ay kaga duwan tahay dugsiyadaas? Sidee ayaa aad se Soomaalida u sharxaysaa?

Cabdiraxmaan Baadiyow: Mahadsanid. Kolka taariikhda la daraaseynayo waxa lagu daraaseeyaa dugsiyo iyo manhajyo falsafadeed oo kala duwan. Soomaalida waxa daraaseeyay aqoonyahanno reer Galbeed ah oo ka dhaqaaqayey indho isticmaar iyo xukun. Kolkii ugu horreysay, waxa Soomaalida lagu daraaseeyay dugsi antrobooloji ah – cilmibaadhista dadka iyo dhaqannadooda, oo seeskiisu yahay in la fahmo dadyowgii la gumeystay dhaqankooda, luuqaddooda iyo diintooda, si loo xukumi karo.

Dugsigan waxa hormuud u ah antroboolijistaha bulsheed ee reer Ingiriis ee la dhaho I. M. Lewis (1930-2014), waxana taabacsan aqoonyahanno Soomaali iyo shisheeyaba isugu jira. Dugsigani waxa uu ku dhisan yahay haddii aad tihiin dadka la gumeystay, oo Soomaalidu dabcan ay ku jirto in "waxoodu", xun yihiin. Waxa ay isu arkaan in reer Galbeedku ilbax yihiin, dadka kalana ay yihiin dibusocod aan ilbaxnimo lahayn, oo wixii dhaqan iyo habnololeed ah ee ay leeyihiin aanu la jaanqaadi karin xaddaasada (ilbaxnimada). Sidaa awgeed, waxa ay ku baaqeen in dhaqankooda la yeesho, waxa ayna saaxadda keeneen aragtida casriyeynta (Modernization theory/نظرية التحديث), oo ah in dadka la ilbixiyo oo habnololeedkooda la caynad-geddiyo, si jaanta loo la helo Galbeedka. Fekerkan waa la qaatay, oo ururradii gobonnimadoonka, oo ay SYL ugu horreysay, ayaa ku saamoobay, oo kolkiiba waxa ay dardargeliyeen in qabiilka iyo qabyaaladda la la diriro. Dhanka kalana, kaalintii diinta waxa lagu reebay mawlacyada iyo xarumaha diin-barashada. Wax walba se, waxa ay isbeddeleen kolkii uu kacaanku dhashay, oo waxa uu cagta mariyey diintii Islaamka iyo qabiilka oo ah qaabdhismeedka bulsheed ee Soomaalida.

Dugsigan antaroboolojiga ahi waxa uu la dagaallamay habnololeedkii Soomaalida. Waxa aanu afgenbiyey caqliyaddii bulsheed, oo uu ka sayidcaleeyey isaga oo raadeeyey siyaasiin, indheergarad iyo waxgarad badan oo Soomaaliyeed oo aaminay in la raadguro jidka reer Galbeedka si loo dawladoobo. Kolkii uu militarigu xukunka yimi ee uu kacaanku curtay ee hantiwadaagga la qaatay, waxa soo baxay dugsi lid ku ah fekerka antaroboolojiga, midkaas oo ah dugsiga Maarkiisiga. Waxa dugsigan galay Soomaali iyo shisheeye kale oo badan.

Fekerka Maarkiisigu waxa uu ku dhisan yahay nidaam dabaqi ah. Sidaa awgeed, aqoonyahanno badani waxa ay Soomaalida u daraaseeyeen qaab Maarkiisi ah, iyada oo aanay Soomaalidu lahayn dabaqado iyo dad hantigoosteyaal ah. Dugsigani waxa uu Soomaalida ku sharraxay aragti aan qabanayn habnololeedkooda. Waxa dhacday in dugsigani uu kolkii danbe shaqayn waayo, sababta oo ah dawladdii ayaa hantiwadaaggii ka guurtay, siddeetannadii, ugu danbayntiina waxa burburay Midowgii Soofiyeedka oo aragtidan metelayey, sidaas ayaanu ku fashilmay.

Kolkii ay dawladdii burburtay, waxa soo baxay rag aqoonyahanno ah oo ka dhiidhiyey sida loo tirtiray, loo quursaday oo loo xaqiray bulshada ku hadasha afka Maayga. Sidaa awgeed, waxa ay bedka keeneen dugsi xanbaarsan dibu-eegis taariikheed (revisionist of thought). Dugsigani waxa uu ku dooday in taariikhda la qoraa ay u badan tahay midda dadka ku hadla afka ‘Maxaatiriga’ ee aanay ahayn taariikh Soomaaliyeed oo loo dhan yahay. Waa taariikh ay qoreen dadkii geellayda ahaa ee xukunka qabsaday; in taariikhdii iyo xukunkii israaceen ayaa ay ku doodeen. Waxa ay soo bandhigeen in taariikhdan aanay ku jirin bulshada Maayga, iyo si guud dad badan oo Koonfurta Soomaaliya ku nool. Kooxdani wax cusub ma soo kordhin, ee sheegad kale ayaa ay xoogga saareen, waa ay se u miro-dhaleen shaqadoodii iyo dedaalkoodii oo waxa distoorka Soomaaliya lagu qoray afka Maayga iyo Maxaatiriga, waxa laga qaybgeliyey awood-qaybsiga 4.5, waxa ay heleen maamulgoboleed oo Koonfur Galbeed ayaa dhisantay. Si guud se, falsafad cusub ma aysan keenin.

Markii aan dugsiyadan akhriyey, waxa ii soo baxday in mid ka mid ahi ay tahay dood maxalli ah oo waa middan danbe. Labada kale se, wax Soomaali shuqul ku leh ma aha oo waa doodo laga soo minguuriyey Galbeedka iyo Bariga adduunka. Sidaa awgeed, waxa aan yaqiinsaday in aanay aragtiyahani ahayn wax Soomaaliyeed. Kolkaa, sidaas ayaa ay aragtidan dhammeyska ahi ku timi. Waxa aan, kolkii ugu horreysay, bilaabay dabshidkii 1989-kii, aniga oo arday ka ah Machadka Daraasaadka Islaamiga ee Jaamacadda Migilli, Kanada. Soomaali kolka laga hadlayo waxa xaqiiqo ah: 1) in ay qabaa'il yihiin oo aan la dafiri karin, iyo 2) in ay Muslim yihiin. Labadan hayb ayaa sees u ah Soomaalida, waana midda aragtida dhammeyska ahi xanbaarsan tahay. Dhanka kalana, waa labada ay dugsiyada fekradeed, qaar ka mid ahi, la dagaallameen.

Aragtidaydu waxa ay ku baaqaysaa in qabiilka, diinta Islaamka iyo dawladnimada casriga ahi ay yihiin saddex hayb oo ay Soomaalidu leedahay, sidaa awgeedna ay muhiim tahay in la heshiisiiyo oo dawladnimadooda lagu dhiso. Waa in aan bulshada la jaahwareerin. Waa in la keeno diin la isku raacsan yahay oo aan fadqalallo abuurayn, waa in qabaa'ilka iyo dhaqankooda laga heshiiyo, waana in dawladnimo lagu laab-san yahay oo heshiis lagu yahay, oo wadar-oggol ah oo ummadda dhaqi karta la helo. 

Middan waxa lagu heli karaa in la isku "falkiyo” haybaha Soomaalidu leedahay, si sal dawladnimo oo xididdo adag ku taagan loo dhidbo. Aragtida dhammeyska ah sidan ayaa aan u soo ururin karnaa, wixii dheeraad ahna daraasaadkayga ayaa laga daalacan karaa.

AXM: Qaranjabkii Soomaaliya ku dhacay waxa aad xididkiisa hoose la xidhiidhisay hirdanka iyo loollanka ka dhexeeya: qabiilka, diinta iyo dawladnimada casriga ah. Waxa aad noo sharraxdaa loollankaas halka salka u ah?

CB: Isku dhaca waxa keenay nidaam dawladnimo oo aynu isticmaarkii ka dhaxalnay oo qooqay. Marka aynu dawladnimo ka hadlayno waxa aynu ka hadlaynaa nukhbadii (haldoorkii) uu isticmaarku tababbaray ee fekerkiisii dhaxlay, kuwaas oo qabiilkii iyo diintii la dagaallamay, si gaar ah nidaamkii kacaanka oo cagta mariyey labadaas arrimood. Dagaalkaasi waxa uu sababay in qabiilkii uu raadhikaal (xagjir) noqdo, jabhadoobo oo uu dawladnimadii xididdada u siibo. Dhanka kale, ururro Islaami ah oo caro miiggan ka qaaday diinta la la diriray ayaa, iyaguna, raadhikaal noqday oo hubka qaatay dhankoodana ka galay dagaalkii kacaanka la gula jiray, ilaa ay qaybo ka mid ahi xagjiroobeen oo ay duurka galeen.

Kolkii ay dawladnimadii Soomaali ka dhexeysay burburtay, waxa keli ah ee soo haray waxa ay noqdeen qabiilkii iyo diintii. Sidaa awgeed, waxa bilaabmay dagaallo qabaa'il oo lagu hoobtay iyo dagaallo ay wadaaddadu la galeen qabaa'ilka. Isku dhaca saddexdaas kore salkeedu waa kolkii ay gardarrootay dawladnimo ay shidhka u fadhiyeen nukhbo aan fahansanayn qaabnololeedka Soomaalida, middaas ayaa keentay in bayr laga qaado dawladnimo sal adag ku taagan oo awood leh. Maxaa wacay?! Weli waxa jirta xasuustii xumayd ee laga biirsaday xukun dawladeed oo la urursaday.   

AXM: Daraasaddaada la yidhaahdo "Theorizing Stability of Somali State", waxa aad ku xustay in, Soomaaliya, kooxaha is haya ay ku jiraan haldoorkii bulsheed. Waxa aad noo sharraxdaa sida ay isku hayaan iyo waxa ay isku hayaan?

CB: Cilmibaadhistaasi waxa ay ka hadlaysaa in gumaysiga ka hor ay jireen labo nukhbo oo kala ah: oday-dhaqammeed iyo culimo taqliidi ah (soojireen ah), kuwaas oo aanu ka dhexeyn khilaaf xooggan, sababta oo ah cid waliba waxa ay lahayd kaalin gaar ah. Gumeysigii kaddib, waxa soo kordhay labo nukhbo oo casri ah: Islaamiyiin iyo kuwo aan Islaamiyiin ahayn (non-Islamist). Kuwan danbe waxa ka dhex aloosan hirdan aad u weyn, oo xididkiisu u laabanayo 'dabeecadda dawladnimo' ee la rabo in Soomaalida lagu xukumo. Islaamiyiintu waxa ay rabaan dawlad uu Islaamku xukumo ama dawlad waafaqsan mabaadi'da Islaamka (waxa aan ka hadlayaa Islaamiyiinta miyirka qaba ee aan mitidka hubaysan ahayn). Kuwa aan Islaamiyiinta ahayni waxa ay rabaan dawladdii isticmaarka laga dhaxlay ee ku dhisanayd mabaadi'dii falsafadeed ee Galbeedka. Kolka khilaafkooda iyo is aqbalaad la'aantooda waxa sal u ah dabeecadda dawladnimo oo ay isku hayaan.

AXM: Aragtiyahaaga waxa ka mid ah in haldoorkii siyaasadeed ay fashilmeen oo ay la yimaaddeen dhaqan-siyaasadeed ragaadiyey dawladnimadii Soomaaliya, una horseeday dibudhac bulsho. Haddaba, wax ma nooga sheegi kartaa dhaqan-siyaasadeedkaa hortaagan dibu-dhiska dalka?

CB: Waqooyi iyo Koonfur waxa kala gumeystay Ingiriis iyo Talyaani. Ingiriisku waxa uu ku dhaqmayey xukun dadban (indirect rule) oo laciif ah, waxa aanu awood siinayey Kaaba-qabiillada. Talyaanigu waa uu ka duwanaa; mar waxa uu ahaa nidaam Faashiiste ah (1923-1941) oo waxa uu dadka ku qasbayey dhaqanka, afka iyo xukunka Talyaaniga. Intii danbe, waxa Soomaalida loo diyaarinayey dawladnimo. Haldoorka Koonfurtu waxa ay qaateen dhaqankii Talyaaniga oo ah: tafaraaruq faro badan, musuqmaasuq baahsan, laaluush iyo qabyaalad siyaasadeed. Intaa waxa dheer, dhaqankii Soomaalida oo wax badan oo iimo ah hoosta ku watay. Kolkaa waxa abuurmay afar dhaqan-siyaasadeed oo ay ka mid yihiin: 1) siyaasad qabyaaladaysan. 2). Siyaasad boob ah. 3) siyaasad shisheeye-kalkaal ah, oo dawlado shisheeye la isu soo adeegsado, iyo 4) siyaasad ganacsiyeysan oo wax la kala gadanayo. Dhaqan-siyaasadeedkaasi waxa uu hortaagan yahay in la helo dawladnimo xerudhalad ah oo taabbagasha, waxa aanu curyaamiyaa dadaalladii dawlad-dhiska.

AXM: Waxa aad ku doodday in ay lagama-maarmaan tahay in la heshiisiiyo qabiilka, diinta iyo dawladnimada casriga ah, si loo dhiso dawladnimo Soomaaliyeed oo xasilloon. Haddaba, waxaa jira aqoonyahanno Soomaaliyeed oo qaba in sideeda bannaanba aanay is qaban karin 'qaran' iyo 'qabiil'. Maxaa aad dooddaas kaga jawaabaysaa? 

CB: Dadkaasi waa dadka rumaysan fekerkii reer Galbeedka ee ahaa ‘casriyeynta’ bulshooyinka ee ku baaqayey in la qubo dhaqanka iyo soojireennada bulshooyinka, taasina ma aha suurtagal. Waxa muhiim ah in la xuso in Soomaalida dhexdeeda uu qabiilku ka jiri doono. Sidaa awgeed, qabiil lama 'tirtiri' karo. Waa se in la soo ururiyo oo meesha uu munaasibka ku yahay lagu hayo. Lama rabo in qabiilka la siyaasadeeyo, si aan loo siyaasadaynna waa in la keeno farsamo. Arrintaasi waxa ay u baahan tahay daraasad iyo feker ka bilaabmaya sidii la iskugu hayn lahaa qabiilka, diinta iyo dawladnimada, waana lagu qasban yahay in saddexdan la isu xejiyo, haddii la rabo dawladnimo deggan oo hanaqaadda.

AXM: Maxaa aad kula talin lahayd dhallinyarada xiisaysa cilmibaadhista Soomaalida? 

CB: Kolka hore, waa in la ogaado feker sax ah waxa ka dhashaa in uu yahay ficil sax ah oo toolmoon. Haddii fekerku hagaago, dawladnimada iyo nolosha kalaba waa ay toostaa. Soomaaliya waxa dibudhaca baday waa in la rumaystay fekrado qaldan. Waxa ay taladaydu tahay in wax la akhriyo, oo indho naqdineed wax lagu fiiriyo. Waxa aan si gaar ah u soo jeedin lahaa: in aragtidayda la akhriyo, dood la geliyo, la daraaseeyo, la naqdiyo, haddii ay wax ka dhiman yihiin lagu daro, la toostoosiyo oo la dhammaystiro, si uu inoogu soo baxo feker sax ah oo dawladnimo Soomaaliyeed lagu dhiso. Waxa aan rabaa in la keeno halabuur la iskugu xejin karo diinta, qabiilka iyo dawladnimada.       

Qoraallada kale ee qoraaga

Aragti

Xayiraaddii Kacaanka ee Fekerka

Buug

Xasuusihii Muqdisho