Saturday 15 March 2025
Waraysigan waxa marxuunka ka qaaday saxafigii iyo taariikhyahankii Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan, mar uu ku booqday hoygiisa Jabbuuti oo uu markaa degganaa. Waraysiga waxa lagu faafiyay Cadadkii 2aad ee joornaalka Bildhaan. Cinwaanka waraysiga ee Ingiriisiduna wuxuu ahaa: “”Interview with the late Abdullahi Qarshe (1994) at the Residence of Obliqe Carton in Djibouti.” Turjumaaddan waxaa bartiisa ku faafiyay 2020-kii Cabdicasiis Guudcadde.
Cabdillaahi Qarshe (CQ): Waxaan ku dhashay Moshe, oo Tansaaniya ah, sannadkii 1924.
CQ: Alla! Haa. Waa run. Magacayga dhabta ahi waa Cabdillaahi Maxamuud Maxamed, Qarshana waa naanaystii aabbahay. Wuxuu ahaa baayacmushtar iyo ganacsade ku jira dhoofka iyo xarraasidda xoolaha ee Afrikada Bari. Waxa lagu sheegaa in uu ahaa qof lexjeclo badan, ganacsigana ku ribxa. Waxaannu ahayn 5 wiil iyo gabadh. Waxaannu degganayn guri weyn oo ku yaal duleedka Moshe.
CQ: Aabbahay wuxuu ka soo tacabbiray gobolka Sanaag oo ka tirsanaa dhulkii markaa la odhan jiray Dhulkii Soomaalida ee Ingiriiska. Beryahaa tacabbirku aad buu ahaa. Ragguna waxay u sadcaali jireen si ay shaqo iyo nolol tooda dhaanta u raadsadaan, balse hawl fudud ma ahayn. Inta aadday Afrikada Bari, oo aabbahay ku jiray, waxay markii hore afka saareen dhankaa iyo koonfurta Soomaaliya, ka dibna waxay uga sii gudbeen Tansaaniya. Waxay ku safri jireen baabuur ama way lugayn jireen oo waxay dhex socon jireen aagag daran oo qallafsan. Qaar ka mid ah dadkii hayaamayay jidka ayay ku sii dhindhinteen, aabbahayna wuxuu ka mid ahaa intii yarayd ee samata baxday. Markii uu yaallay gobolka Sanaag, qoyska aabbahay wuxuu degganaa degmada Maydh. Wuxuu ku dhex jiray ganacsiga kalluunka iyo dhoofinta xoolaha iyo hargaha, iyo sidoo kale qori-dhiska, oo loo dhoofin jiray dalalka Khaliijka. Qoyskaygu sidoo kale wuxuu ahaa ehlu diin, wuxuuna muriid ka ahaa qudbiga Shiikh isaxaaq.
CQ: Haa, waxaannu ahayn muriidka Shiikh Isaxaaq, sidaa darteed aad baa na loo xushmayn jiray maaddaama aannu xilkaa hayno. Marka Tansaaniya ay noqotana, aabbahay wuxuu geeriyooday 1931. Hooyadayna way diidday in uu dumaalo adeerkay oo Tansaaniya na la degganaa. Dabadeed hantidii reerka oo dhan bay xaraashtay si aannu dib ugu guurno Soomaalilaan. Ugu horrayntii waxaannu aadnay Cadan, oo Yaman ah, in muddo ahna halkaas baannu joognay. Ka dibna doon baannu ku nimi Maydh, dabadeed baabuur baannu Ceerigaabo ku gaadhnay. Labo sanno ayaannu halkaa naallay, ka dibna waxaannu ku noqonnay Cadan oo noqotay hoygayaga rasmiga ah.
CQ: Wixii kowaad ee aan falaa wuxuu ahaa in aan Quraanka barto. Markii aannu Tansaaniya degganayn, macallin-Quraan baa xalqado gaargaar ah igu bari jiray Quraanka. Labadii sano ee aannu Ceerigaabo naallayna waxa la igu daray madrasad. Quraankana waxa ii dheeraa in aan markii kowaad noloshayda la falgalay Af Carabiga. Markii aannu degnay Cadan, waxaan galay madrasad ay asaastay jaaliyadda Soomaalidu. Sida runta ah anigu aad u ma xiisaynayn in aan sii wato barashada Quraanka, balse Hooyaday ayaa i soo marmarisay dhawr madrasadood si ay malaha xiisahayga u kiciso. Ma garan karo sababta aan uga cagajiidayay, waayo keliya maan ahayn arday wanaagsan e, sidoo kale arday caan ah baan ka dhex ahaa. Xataa kabiir baan fasalka u noqday. Adeerkay kale oo aan ahayn kii hore, Cadanna degganaa, ayaa Hooyaday dumaalay, sidaasna wuxuu ku noqday waalidkayo na ilaaliya. Wuxuu ahaa nin wanaagsan oo kasbaday qaddarinta Soomaalida Cadan oo dhan. Waxaan filayaa in taas ay ugu wacnayd derajada muriidnimada ee aabbahay laga dhaxlay.
Markii aan ka soo istaagay barashada diinta, waxa i soo jiitay dugsigii maaddiga ee Cadan. Adeerkay ayaan maalin wayddiistay in uu dugsiyadaa midkood i geeyo. Hasayeeshee, markii maalintii ballanta la gaadhay, gurigaannu ka baxnay masaafo door ahna waannu soconnay, waxaan se dareemay in adeerkay muraad kale u socdo. Intii aannu sii lugaynaynay, qaar saaxiibbadii ah ayaa jidka nagu soo maray oo rabey in ay na sii qaadaan balse wuu ka diiday wuxuuna u sheegay in aannaan meel durugsan u socon. Mar keli ah ayuun buu intuu istaagay i soo jalleecay oo i yidhi, “Cabdillaahiyow, waxaan kaa rabaa in aad diinta baratid, mana oggoli in aad aaddid iskuullada Ingiriiska. Haddii wax igu dhacaan, adigaa i beddeli doona. Waa taa arrinta aan rabey in aan maanta oo dhan kuu sheegaa.” Ka dibna waxaan ugu celiyay, “Oo intaas oo dhan maxay kaaga qaadatay si aad intan uun iigu sheegto?” Sidaa awgeed waan tixgeliyay doonistiisii, waxaanan galay madrasad aan soddonka jis ee Quraanka ku dhammeeyay.
CQ: Dabcan, Quraanka uun maan qaban e, waxaan sidoo kale bartay naxwaha Af Carabiga, fiqiga, iyo maaddooyin kale oo diini ah, maaddaama la ii wadey in aan adeerkay ka dhaxlo muriidnimada qoyska. Maalin buu walaalkay iga weyni iigu yimi si uu iigula taliyo in taladaydii hore, ee ahayd in aan iskuullada galaa, ay iiga fiicnayd jidka muriidnimada ee aan hayo. Dabadeed dugsi Ingiriis baan aaday, siiba iskuul habeenkii ah. Hasayeeshee, waxaan mar kale ku caajisay waxbarashada tooska ah, waxana i soo jiitay muusigga. Markaa, halkii aan waqtiga isaga lumin lahaa waxbarasho iyo iskuulgelid, waxaan saacado badan ku qaadan jiray dhegaysiga filimmaanta Hindida, anigoo weliba u dan leh in aan dhegaysto heesaha Hindida.
CQ: Haa. Sidoo kalana xiisahayga muusiggu wuxuu ku soo shaacbaxay dhacdo kale. Intii uu socday Dagaalweynihii Labaad, maamullada Ingiriiska ee Cadan joogaa waxay asaaseen idaacad. Afafka qalaad [aan Ingiriisida ahayn] ee idaacaddaa laga sii dayn jiray waxa ka mid ahaa Hindiga, Carabiga, iyo Soomaaliga, oo mid kasta la siin jiray nususaac. Barnaamishyada Hindida iyo Carabtuba waxay wateen muusig, balse kan Soomaalidu muu wadan. War-akhriye la odhan jiray Mahdi Ileeye ayaa akhrin jiray warka oo uu ku xigo gabay, dabadeedna waqtiga hadhay qaadan jiray. Marka Carabtu ay soo gaadho maqaaxiyaha Soomaalida, waxay nagu boobi jireen, “Maydaan muusig lahayn?” Sidaan hore u sheegayna, dhadhansigayga muusigga waxa ugu horrayntii kiciyay muusigga Hindida, ka dibna waxaan ku baraarugay in warfidiyeennada Laanta Carabigu ay qudhoodu adeegsanayeen muusig Hindiyaan ah oo ay, laakiin, ku dhex dareen codadkooda. Sidaa darteed, waxaan ka fekeray in aan sidaas oo kale sameeyo, balse wax aalad ah masrax ka ma tumi karayn. Marka ay heesaha noqoto, waxaan munaasibadaha ka qaadi jiray nashiidooyin, markaa waan ogaa haddii aan cuudka tumi kari lahaa in aan ku heesi kari lahaa. Maalin baan dabadeed suuqa ku arkay nin iibinayay cuud, oo aan damcay in aan ka gato. Markii aan lacagtii isla soo helay ayaan meel koone ah ka jalleecay nin yar oo kale oo aaladdii ku dheggan, dabadeed waxaan aad uga codsaday in uu ii daayo oo aan iibsado. Wuu iga yeelay oo nin wacan buu ahaa, ka dibna degdeg baan ula wareegay. Bal haddaba waa kan e, xaggeen dhigaa cuudkan? Xaafadda u ma qaadan karo, oo haysashadiisa ayaa reerka uga dhigan diincaasi weyn! Fekrad baa igu soo dhacday: Waxaan ku dhex riday qafis, waxaanan u geeyay saaxiib qoyskayaga u dhawaa oo aan ka codsaday in uu ka dhigo in uu kiisii yahay. Taas waxaan ka wadey in uu marmar gurigayaga kaga tago, haddii ciddi igu aragtana aan marmarsiiyo helo oo aan la i canaanan. Sidii buu saaxiibkani sameeyay. Markii la soo gaadhay ambabixiddaydii ilaa Soomaalilaanna, intuu qafiskii ku soo riday ayuu dekadda iigu keenay oo aan ula sii sadcaalay ilaa Hargeysa.
CQ: Hargeysaan imi oo aan la degay nin ay qoyskayaga isu dhawaayeen oo la odhan jiray Maxamuud Cabdi Carraale. Xilligaa Belwadii Cabdi-Sinimoo ayaa reer magaalka hanatay. Hasayeeshee muusishannada joogay way tirsanayaayeen, waxayna ahaayeen Carab ama Hindi ay soo jiidatay Belwada Soomaalidu. Labo nin baa ugu cadcaddaa: Ina Beenaale oo Hindi ahaa, iyo Cabdo Yuusuf oo Yamani ahaa. Aalado fudfudud ayay tumi jireen, oo waxa ugu muhiimsani uu ahaa dhexyarta (violin). In aan ka mid noqdo ayay ii soo jeediyeen, waanan ka aqbalay, balse aad ula maan qabsan tumista. Waxaannu isku daynay in aannu samayno midho ka fudud gabayga, oo ka dibna aannu muusig ku ladhno. Bilawgii arrini may fududayn, kooxdayaduna waxay ku koobnayd sacab, darbuugad, iyo durbaan. Tusaale ahaan, waxaannu isku daynay in aannu muusig ku mudno gabayadii Cilmi-Boodhari ee jacaylka ahaa, oo aannu heeso ka samayno. Meelaha isqaadashada erayadu aanay suuragal ahayn, waxaannu ku darnay erayo Hindi ama Carabi ah.
Marxaladdan waxaan rabey in aan lacag shaqaysto oo aan ka faa’ideeyo xirfaddii aan Cadan kala imi. Sababtaas baan shaqo karraannimo uga xeraystay maamulkii gumaysiga Ingiriiska, oo aan u helay. Markaa waxa la ii beddelay Burco, ka dibna Berbera. Berbera intaan joogay ayaan aad xoogga u sii saaray in aan la qabsado cuudkayga, mar aan la kulmay nin da’ ah oo la odhan jiray Bakri oo wayddiistay in uu aalladdan ii allifo. Waxaannu isla qaadannay in uu wax i baro anna aan maalin kasta qaadka u qaado. Ina Beenaale iyo Cabdo Yuusuf sidaa may rabin in ay sameeyaan. Waxaan filayaa waxay ka cabsanayeen in aan suuqa ka saari doono maaddaama aan ku socdey in aan noqdo muusishankii iyo laxamiistihii Soomaaliyeed ee u horreeyay.
CQ: Marxaladdaa intii aan ku jiray, horta u maan diyaarsanayn in aan hees curiyo, dabadeed waxaan qaatay codka heesihii hore. Hasayeeshee laxankii kowaad ee aan sameeyo waxaan saaray heesta “Ka Kacaay! Ka Kacaay!” Waa 1948.
CQ: Aad iyo aad. Waxa dhabanaysay dabayshii qoomiyadnimada, taas oo dad badan u ahayd xoog siyaasadeed oo saameeyay, dad ay ka mid yihiin mutacallimiintii koobnayd. Ururro siyaasadeed, sida Bulshada Qaranka Soomaaliyeed (Somali National Society, SNS) iyo Leegada (Somali Youth League, SYL), ayaa la asaasay oo soo mudhbaxay. Ururka SNS wuxuu laamo ku lahaa magaalooyinka maxmiyadda, sida Hargeysa, Burco, Boorama, Ceerigaabo. Wuxuu bilawgiisii ahaa urur samafal, markii danbana wuxuu isu beddelay xisbi siyaasadeedkii Ururka Umadda Soomaaliyeed (Somali National League, SNL).
Xilligaa Belwadu cirkaasay maraysay, heer baanay gaadhay ay wadaaddadu ka muraaradillaacaan. Tusaale ahaan, habeen ayaannu isku tijaabinaynay oo heeso ku tumanaynay guri ku yaallay aagga Sakatu Liire3 ee Hargeysa. Markii waagu soo guduutay, ayuu wadaad caan ahaa oo Sh. Cali Jawhar la odhan jiray eedaamay, ka dibna raaciyay digniin annaga toos noogu socota oo uu nagaga rabo in aannu joojinno “heesahan bidcada ah”—waa sida uu ku sheegay e. Markii sheekadaasi suuqii xushay, nacii dadweynuhu noo qabeen ayaa la kordhiyay. Magacbixintayadii Belwo ayay xataa u rogeen Belaayo!
CQ: Mutacallimiinta qaar ayaa qirsanaa in Belwo qudheedu ay horumarisay guud ahaan suugaantii iyo fankii Soomaaliyeed. Waxa ka mid ahaa Yuusuf Xaaji Aadan, oo ahaa bare hore ugu darsadayba heeso waddaniyad ah. Wuxuu soo jeediyay in erayga Belwo laga guuro oo la qaato Heello, si aannu uga takhallusno faquuqii belaayada. Yuusuf Ismaaciil Samatar, oo bare kale ahaa, ayaa isaguna na taageeray. Xilliyadaa waxa Soomaalilaan loo soo beddelay Guddoomiyihii degmada waqooyi-bari (NFD), Mudane Reece (oo Soomaalidu u taqaanay Kamakama). Imaanshihiisiina wuxuu ku soo beegmay dhisidda kiniisaddii u horraysay ee Hargeysa
Ka kacaay, ka kacaay ka kacaay! Kaftankii ma jiree
Ka kacaay, ka kacaay ka kacaay! Koroley la gubyay
Ka kacaay, ka kacaay ka kacaay! Kufaceen la dilyay
Ka kacaay, ka kacaay ka kacaay! Kufrigii badayay!
Kal horaynu jabnoo
CQ: “Ka Kacaay! Ka Kacaay!” wax sii ridan may ahayn. Markaa heestii u horraysay ee aan allifo waxaan filayaa in ay ahayd ”Garta Naqa”:
Gadh baan leeyahay oo
Guddida ma galee
Gugaygu ma weynee
Garta naqa.
Labada gelin gaalaa i dirata
Habeenkii ma gam’ee
Garta naqa.
Wax kaa gooni ah oo
Aan jidhkaaga gelayn oo
Aan kaa gaabinayn
Garta naqa.
Gabadha cishqigeedii baa i geloo
Wax baa ku gudban ee
Garta naqa.
Haddaan guursan lahaa
Gob weeyaan
Haddana ma geyo ee
Garta naqa.
Heesahani waxay ahaayeen 1948. Sidaan hore u soo sheegayba, karraani baan Ingiriiska ugu shaqaynayay 1948 ilaa 1949. Boolisku wuxuu lahaa koox faneed la odhan jiray Baanbooy (Band Boys) oo Mandheera ahayd. Waan xiiseeyay in aan kooxdaa ka ag dhowaado, karraani kale oo aannu saaxiib ahayn oo Mandheera ka shaqaynayay ayaanan wayddiistay in aannu is beddelno si aan halkaa u tago. Wuu iga yeelay. Warqad baanan maamulka u qoray, codsi beddelaad ah, waana la oggolaaday. Dadka qaar baa ku sheega in la ii beddelay si la iigu ciqaabo heestii “Ka Kacaay! Ka Kacaay!” Hasayeeshee xaqiiqdu waxay ahayd in aan anigu codsaday beddelaadda.
CQ: Alla! Haa. Heesta waxa loogu talagalay inantii aan guursaday ee inankaygana Hooyo u noqotay. Hasayeeshee, reer kalay yeelatay, markaa waxaan jeclaan lahaa in aanan heestaa soo hadalqaadin.
CQ: Waa ruuxeeda. Waxaannu isla qaadannay in aannu is guursanno. Balse markii danbaan ogaaday in nin kale la siinayo. Dhaqaale ahaanna xataa diyaar u ma ahayn guur. Markii aan maqlay in waalidkeed uu nin kale u qalqaaliyay, xigtadaydii Hargeysa joogtay baan ku dhex dhacay, si ay inanta qoyskeeda iiga doonaan. Reerkayaga waxa ka mid ahaa labo shaqaale oo rayid ahaa, Maxamuud Cabdi Carraale iyo Cali Siciid Carraale. Waxayba si gaar ah su’aal uga keeneen in aan guur ku geli karo. Imisa lacag ah baad haysataa, bay i wayddiiyeen. Waxaan ku idhi, “Boqol dollar.” Way igu qosqosleen, waxayna ii sheegeen in aanay sinaba inanta qoyskeeda ugu tegi karayn marba haddaan xaaladdaa xun ku suganahay. Waxaan u sheegay in aan mar hore go’aan gaadhay. Reerkeeda ayaan toos uga doonan, markaa ha i diidaan ama ha i yeelaan. Haddii la i diido, markaa reerkayaga ayay dhegxumo ku noqon doontaa. Markii dooddu kululaatay, ayuu Maxamuud Cabdi Carraale hadalka qaatay oo sheegay in aan ballantaa ka dhabaynayo oo aan ceeb reerka u soo jiidayo haddii aan la ii yeelin sidaan rabo. Dabadeed maalintii ku xigtayba gurigii inanta ayay ii raaceen, iyagoo gabbaatigii iyo sooryadii wada, guurkiina waa la isla qaatay.
Haddana waa in aan la dabbaashaa qarashaadka heerka labaad, marka inanta la soo wareejinayo. Waan ayaan wanaagsanaa oo beryahaa waxaan heeso u duubay shirkad Cadan ku taal oo ay lahaayeen labo Soomaali ah iyo mid Carab ahi. Waxay ii soo jeediyeen in aan saami ku yeesho, hasayeeshee waxaan ku adkeeyay in aan lacagta ugu baahanahay qarashaadka guurka.
CQ: Aad u ma xasuusto, balse waxuun bay ka mid ahaayeen heesihii ugu horreeyay ee aan duubo. Anigoo Landhan jooga ayay maalin gabadhi heesahaa qaar ka mid ah iiga shidday garamafoon (gramophone)5. Waxaan wayddiiyay bal in ay garanayso heesaaga qaadaya, waxayna iigu jawaabtay “haa.” In uu aniga yahay heesaagaasi ayaan u sheegay,
CQ: Dadku waxay iska yiyidhaahdaan in dabayl jaan iga jiidhay, balse xaqiiqdu waxay tahay in dhaawacani iga soo gaadhay kaneeco igu qaniintay Tansaaniya labo sano ka hor intii aanan Soomaalilaan ku soo laaban.
CQ: Wiil baa iiga dhashay guurkii kowaad. Waa Cartan. Waxaan magaca uga soo qaaday riwaayaddii Cartan iyo Ceebla, waayo wuxuu dhashay mar kooxdayadu riwaayaddaa dhigaysay.
CQ: Intii aan deegaankaa joogay, waxaan sameeyay dhawr heesood oo qaarkood aanay magacyo lahayn. In yar ka dibba waan ka tegay shaqadii, waxaanan goostay in aan Hargeysa ku laabto. Waxaan shaqo ka helay Raadyaw Hargeysa, oo aan labo masuuliyadood ka hayay. Waxaan wada ahaa maamul iyo warfidiyeenba. Intaa waxa dheeraa, marka aan saacadaha shaqada dhammeeyo, waxaan muusig iyo riwaayado la curin jiray muusishannidii jiray.
CQ: Waan kuu sheekadhaafee, markii aan iskuulka kaga jiray Cadan, waxaan barahaygii wayddiistay in aan ka qaybqaadan karo riwaayad sannaddugsiyeedka dhammaadkiisa ahayd. Ayaandarro wuxuu ii sheegay in aanu kaalin jilaannimo u ahayn qof laangadhe ah, markaa xoogay waan niyadjabay. Hasayeeshee wuxuu ii sheegay in haddii aan xiisaynayo, inta baroobadu socoto aan iska soo gaadhgaadhi karo. Riwaayaddi kowaad ee aan wax ka dhigo waxa lagu dhigay Burco, waxana lahaa Yuusuf Ismaaciil Samatar. Riwaayadaha Soomaalilaan waxay ka soo askunmi jireen dhammaadka sannaddugsiyeedka iskuullada, ee may soo saari jirin kooxo mihnadlayaal ahi. Samatar wuxuu horseeday hab cusub oo riwaayadaha loo soo saaro. Riwaayad uu qoray buu isugu dhex daray Soomaali, Ingiriisi, iyo Carabi. Qaybta Carabida ahi waxay ku saabsanayd aargoosi. Qaybta Ingiriisida ahi waxay faallaynaysay maamulka Ingiriiska iyo dadweynaha. Qaybta Soomaaliga ahina waxay naqdinaysay dadkii Belwa-diidka iyo Heella-diidka ahaa. Samatar wuxuu jilaayada riwaayaddiisa ku soo daray qaar ka mid ah karraanidii maxmiyadda, jilaa door weyn ka ciyaarayayna wuxuuba ahaa turjubaan haddana aan Ingiriisi hagaagsan ku hadli aqoon. Tusaale ahaan, si karti leh maamulka u muu gaadhsiin rabitaankii dadweynaha, rabitaankii maamulkana muu soo gaadhsiin dadweynaha.
Intaa ka dib, Xaruntii Iskaashiga ee shaqaalaha rayidka ah ee Soomaalida (ee Yuuniyanka) ayaa goob cusub, oo barkulan oo kale ah, u noqotay isweydaarsiga aaraa’da waxsoosaarka. Waxaan soo saaray riwaayad la dhaho Waano Aabbe, ku mana qancin sidii loo jilay, hasayeeshee waxay ahayd dedaal hal’abuurnimo oo iska fiican. Intaa wixii ka danbeeyay waxaan ka fekeray asaasidda koox faneed, waana halka ay ka dhalatay in aan sameeyo kooxdii Walaalaha Hargeysa.
CQ: Waxaan u badinayaa in ay ahayd bilawgii 1955; kooxdana waxa laga soo ururiyay fannaaniin iyo shaqaale rayid ah oo iska caadi ah. Waxa xus gaar ah mudan fannaan Hindi ah oo foodhida (flute) si caqiibo leh u yeedhiya.
CQ: Haa. Rao buu ahaa, fannaan buu ahaa heer sare ah, gacantayda midigna ahaa. Walaalaha Hargeysi waxay noqotay koox fannaaniin ah oo xul ah hibana leh, oo muusigga casriga ah ee Soomaaliyeed xiddigaha gaadhsiin doona.
CQ: Dabcan, heesuhu iska ciciyaar bay iska ahaayeen, haddana ashqaraar bay lahaayeen—tusaale ahaan, “Sidii Talyankii tacliin badaneey, Maryama-Tiijareey take myself!” Tusaale kale waa: “Naftaydana hoo, naftaadana keen, ha la isku tumee, tib ii keen!” Waxaad ku dartaa: ”Hablaha dhaanka wada, ma u dhuuntaa, mid uun dhexda ma iskaga duubaa?” Kuwan soo socdaa se kuwaa hore way ka rasiinsanaayeen: ”Guduuda-Carwooy gugii la arkaba; Allow yaa gashaanti kaa dhiga!” Iyo, ”Sidii cir ku hooray meel cosob loo; cadceedi u soo baxdaad tahay!”
CQ: Waxa la odhan jiray Soomaalidii Hore iyo Soomaalida Dambe, waxayna ku soo beegantay markii dhulkii Hawd la siiyay Itoobbiya 1955. Waxay ahayd baroordiiq loo dhigayo dhacdadaa argagaxa leh iyo dhacdooyinkii la jaadka ahaa ee ka dhacayay dhulka Soomaalida ee weli gacantii gumaysiga ku sii jiray. Waxay ku bilaabanaysay nin dhanbaal, ku saabsan cadaadiska Talyaaniga ee koonfurta Soomaaliya, u sida haweenay xaas ah oo Berbera deggan. Dhanbaalku wuxuu uga yimi qoyskeeda koonfurta deggan oo gacan ka raba. Ugu danbayntiina, odaygeedii ayay ku qancinaysaa in ay tagto oo qoyskeedii u gurmato. Marka uu wayddiiyo waxa u danbaynaya ubadkoodana, waxay u sheegaysaa in dalku ka muhiinsan yahay. Dulucda riwaayaddu waxay ahayd in daawatada la ogaysiiyo sida Soomaalidii hore dalkooda ugu soo dagaallameen.Riwaayadda gebigeeduba waxay lahayd hees keli ah oo la odhan jiray “Taah”, oo u dhacaysay sidan: “Intay adiga arliga tahay, asaani laabi laba ahaanayn, agtayda ha marin, ishayduna yay ku arkin, ha ii iman!”
CQ: Waxaannu ka fekernay wax isu keenaya jacaylka iyo dareenka Soomaalinnimada. Waxaannu rabney in aannu ku soo dhigno Muqdisho, Cadan, iyo Jabbuuti. Dabadeed kooxdu waxay soo saartay riwaayaddii Cartan iyo Ceebla. Aniga iyo Maxamed Siciid Guroonjire (oo ahaa shakhsi kale oo weyn oo kooxdu lahayd) ayaa u samaynay heeso iyo laxanno. Waxaannu ka faa’idaysannay heeso hore u sii jiray, sida “Jawhariyo Luula” iyo Ðhaawac,” oo aannu qaabkoodii laxanno cusub ku dul dhisnay.
CQ: Maya, haba sheegin. Waxay ahayd riwaayad Soomaaliyeed oo dhalad ah oo aan taa kale shaqo ku lahayn.
CQ: Nin baa jeclaanaya gabadh reerkeedu uu nin kale u wadey. Dabadeed gabadhii baa rooxaani gelaysaa, dhakhtar iyo dhaymo kastana way kula daalayaan. Maalin bay islaani soo booqanaysaa reerkii, oo ay sheegaysaa in gabadhu aanay bukin ee uu jacayl hayo. Waxay ahayd qiso is dhexgelinaysa soojireenka, awoodaha waalidka, iyo madaxbannaanida qofka. Riwaayadda labaadina waxay ahayd Isaseeg, aad bayna qaangaadh u ahayd. Toddobo heesood oo cusub bay lahayd; waxana ka mid ahaa “Nugul,” “Damaq,” “Danaakili,” iyo “Wadaag.” Jilaayada waxa ka mid ahaa nin jeclaanaya gabadh iyaduna dhankeedana ku jaran nin kale oo isaguna xaggiisa ku maqan gabadh kale. Waa riwaayad ay ka buuxaan laxaw iyo luggooyo. Dadweynuhu aad bay u bogaadiyeen riwaayaddaa. Erayada ugu xasuusta badan heesaheeda waxa ka mid ahaa: “Wiilooy, Warsamo ku weheshanayee; Wiilooy, ha is cunsiin waraabaha!”
CQ: Waxa ku jiray afmaldahanayaal loo fasiran karayey in ay siyaasad yihiin. Tusaale ahaan beydka ah, “Labo daran mid dooro lay yidhi,” waxa loo fahmay in loola jeeday doorashadii Jabbuuti ee 1958, oo dadweynaha la kala dooransiinayay in ay “haa” ugu codeeyaan siijoogista Faransiiska, ama “maya” ugu codeeyaan madaxbannaanida. Jilaayada ugu waaweyn ee riwaayaddaa waxa ka mid ahaa Maxamed Axmed, Cumar- Dhuule (oo labaduba dumar metelaya), Axmed Cali Dararamle, Xasan-Gini (oo metelayay khaaddin), iyo Cabdillaahi Jaamac Magaalo (oo metelayay aabbaha qalanjada riwaayadda). Maxamed Axmed iyo Cumar-Dhuule waxay kaalinta dumarka u qaateen maaddaama dadweynuhu aanay oggolayn jilayaal dumar ah.
Riwaayadda kale waxa la odhan jiray Kibiroow! Kab iga Xoor! In kastoo aanay wadan gabayo iyo geeraarro, waxaan filayaa in riwaayaddani ahayd tii ugu muhiinsanayd ee ay Walaalaha Hargeysa abid dhigaan. Qisadeedu waxay ahayd sidan: Afada nin xoogsato ah oo dakhligiisu kooban yahay ayaa ku saamoobaysa haweenay ganacsato ah. Haweenaysaasi waxay had iyo goraale afadan u keentaa dhar kala jaadjaad ah, iyo wayaabo kale waxayna ku qancinaysaa in ay gadato. Ugu danbayntii, afadu khaati bay ka istaagaysaa, waxayna haweenaydii u sheegaysaa in aanay jarayn alaabahan ay ku soo waddo maaddaama iyada iyo odaygeedaba dakhligoodu hooseeyo. Haweenaydii ganacsatada ahayd baa dabadeed odhanaysa: “Ha u biqin. Wixii aad u baahataba waan ku amaahin karaa, markaad doonto ayaanad iska soo bixin kartaa.” Afadii waxay iibsanaysaa dhar dheeraad ah. Odaygii wuxuu afadiisa uga cabanayaa sidan bilaa lexjeclada ah ee ay wax u qarashgaraynayso, dabadeed waxay iskaga sasabaysaa in aanay wax danbe iibsan doonin. Haweenaydii ganacsatada ahayd baa, ka dibna, afadii u sheegaysa haddii odaygeedu aanu waxba ka bixin karin in aanu u qalmin in uu odaygeeda sii ahaado—markaa waa in ay ka tagtaa, furriin dalbataa, oo meherkeedii naqad ku qaadataa. Waxayna u soo jeedinaysaaba in lacagta meherkaa ay ku maalgashan karto ganacsi qaad. Waxay ugu daraysaa xataa in marka la furo ay rag kale soo jiidan karto. Riwaayaddu waxay muujinaysay sida qoys sabool ah balse iska dhaqnaa uu qof soogelooti ah oo luggooyo iyo dhagar damaacinnimo ku hubaysani u qarribay una burburiyay.
CQ: 1960-kii waxaannu soo saarnay riwaayad aynu islaba soo hadalqaadnay oo ahayd Gardiid Waa Alladiid. Riwaayaddani waxay ku soo beegantay doorashadii madaxbannaanida Soomaalilaan. Riwaayaddu waxay saadaalisay natiijada doorashada iyo xisbiga siyaasadeed ee guulaysan kara. Xaqiiqdiina waxaannu soo bandhignay in xisbiyada SNL iyo USP ay heli doonaan kursiyada u badan, natiijadiina way waafaqday oddoroskayagii.
CQ: Alla! Haa. Walaalaha Hargeysi si buuxda ayay qayb uga ahaayeen geeddisocodka siyaasadeed ee gobannimada. Balse waxa jiray fannaaniin kale, sida Cismaan-Gacanlo Maxamed iyo Cali Fayruus oo taageersanaa xisbiyo kale sida NUF. Heesihii riwaayaddaa ku jiray waxa ka mid ahaa “Aan Maalno Hasheenna Maandeeq,” “Waa Mahad Alle,” iyo ”Geeskii Afrikaa gabyoo wuxuu yidhi.”
CQ: Maya, maya. Waxa lahaa Saxardiid Maxamed, oo sidoo kale lahaa heeso jacayl ah oo heer sarreeya.
CQ: Juun 27, 1960 ayaa aniga iyo badanka Walaalihii Hargeysa aannu qabsannay baabuur oo aannu safar dhulka ah ku galnay Muqdisho si aannu uga qaybqaadanno dabbaaldegyada waaweyn ee 1-da Julaay. Sidaan qabo, berigaa Koonfurta ka may jirin fannaaniin noo dhigantaa. Kooxo yaryar oo ciyaar dhaqameedda yaqaan ayaa naga la qaybgalay dabbaaldegyada.
CQ: Fannaaniintaasi way jireen, balse xirfaddooda waxsoosaar sida taayada u may gaasabixin, heerkooda samaynta heesaha iyo muusigguna kaayaga u ma dhigmayn.
CQ: Waa si fiican:
Lamumba mana noola mana dhiman Labada midna ha u malaynina
Inuu maqan yahay ha u moodina Labada midna ha u malaynina.
CQ: Maalin baa anigoo guriga ka soo baxay aan arkay dad ku urursan meel maqaaxi ah horteeda oo dhegaysanaya idaacadda. Warku wuxuu ku saabsanaa qalalaasihii Koongo ka taagnaa 1962. Ciidammadii Qarammada Midoobay ayaa markaa soo farageliyay dagaalkii sokeeya, iyadoo ujeeddadooda u weyni ahayd in ay badbaadiyaan Ra’iisalwasaarihii Koongo, Patrice Lumunba, oo ay haysteen markii danbana ay dileen mucaaradkiisu. Markaa “Lumumba mana noola mana dhiman,” wuxuun bay ahayd dareen Afrikaannimo oo ka dhashay dhiirranidii iyo higsigii waddaniyadeed ee Lumumba.
CQ: "Aqoon-la’aani waa iftiin-la’aan,
Waa aqal iyo ilays la’aane
Ogaada ogaada dugsiga ogaada
U aada u aada dugsiyada u aada
Walaalayaal u aada dugsiyada u aada
Indhaha aan ku kala qaadnee
Ifka ugu ilbaxsanaannee
Ogaada ogaada dugsiyada ogaada.”
CQ: Waxay ahayd Indhasarcaad. Waxay ahayd riwaayad siyaasadeed aad u muhiin u ah, oo codad iyo erayo hodan ah wadata, oo Walaalaha Hargeysi ay dhigeen. Markii aannu ku dhignay magaalamadaxda Muqdisho, daawato iyo caannimo badan ayay kasbatay. Tusaale ahaan, Ra’iisalwasaarihii Jamhuuriyadda, Cabdirashiid Cali Sharmaake, ayaa naga codsaday in aannu riwaayadda habeen u dhigno diblomaasiyiintii Muqdisho joogtay. Taliyihii Booliska, Janan Maxamed Abshir Muuse, ayaa sidaas oo kale nagu martiqaaday in aannu u dhigno ciidanka booliska. Waxaba la yidhaahdaa riwaayaddani waxay il laga shidaalqaato noqotay intii uu socday dagaalkii 1964 Itoobbiya iyo Soomaaliya ku dhex maray dhulka Ogaadeeniya.
CQ: Isla markii dabbaaldegyadii Julaay dhammaadeen, waxaan u guuray huteel ku yaal Muqdisho. Lacagyari baa i haysay, waxaanan naawilayay qarash igaga soo noqda duubisyadaydii si aan isugu debbaro. Koox fannaaniin reer Muqdisho ah, oo ay ku jiraan Cabdi Muxummad Amiin iyo Axmed Naaji Sacad, oo iyagu asaasayba koox faneed Kaah la dhaho, ayaa i wayddiistay in aan ka mid noqdo. Waan ka yeelay, ka dibna waxaan isla haddadiiba ka soo wareegay huteelkii waxaanan degay guri gaar ah. Markii danbe waxaannu ka mid noqonnay koox faneeddii Raadyaw Muqdisho, waxanuna soo wada saarnay heeso iyo riwaayado badan, annaga oo haysanna aalado fiican iyo qalab duubiseed. Markii aan sameeyay heesta Lumumba, dad badan oo aan i aqoon ayaa waxqabadkayga aad u sii daneeyay.
CQ: Ogsoonow, keli ah maan ahayn muusishan e, waxaan sidoo Maxmiyaddii Ingiriiska ee Soomaalilaan ka ahaa maamule iyo warfiyeed caan ah. Shaqadaydii hore dib baan u dalban karayey, hasayeeshee dawladda cusub waxba ma wayddiisan, cidina in ay igu soo celiso ii ma soo jeedin.
CQ: Muusigga calanka waxa lagu wadey in uu noqdo dhaadka qaranka6. In kasta oo aan la qaadan, haddana heestu dadweynaha dhexdiisa waxay ka ahayd dhaadkii qaranka. Hal’abuurkii weynaa, Xuseen Aw Faarax, oo aannu wax soo wada saari jirnay kana mid ahaa asaasayaasha Walaalaha Hargeysa, ayaa erayada lahaa aniguna waan laxameeyay. Waxaannu hawsheeda soo bilawnay 1955, markii aannu aragnay calanka cusub ee qaranka. Midabka iyo naqshadda calanka waxa lahaa nin la odhan jiray Cawaale Liibaan, oo 1954-tii fekraddiisa u gudbiyay guddidii eegaysay naqshadda calanka cusub, taas oo markii danbe aqbashay. 1960-kii, markii ay taagnayd gobannimadii Soomaalilaan, koox faneed Ingiriis ah ayaa ka timi Cadan si ay isugu diyaariso dabbaaldegyada. Waxa la i 6 “Dhaadka Qaranka” waxa beri hore lagu turjumay “National Anthem,” waana eraybixin ila qumman oo aan u arko in la soo nooleeyo—malaha shaacbaxeeduna wuxuu raacay burburkii ku yimi qarankii lagu dhaadan lahaa! [T] wayddiistay in aan sameeyo cod munaasibadda ku habboon. Waxaan u qaaday “Qolaba Calankeedu Waa Cayn.” Dabadeed xidhiidhiyihii baa igu yidhi, “Wax kale ma haysaa?” Ka dib baan u qaaday hees la odhan jiray “Dhulkayaga.” Taas bay u doorteen munaasibadda.
CQ: Waxaan Landhan aaday 1961, sababta ugu weynina waxay ahayd in aan lugta soo dawaysto. Markii hore safaaraddii Soofiyeedka ee Muqdisho ayaa soo jeedisay in aan Moosko aado. Laga se yaabaa in xukuumaddii Soomaaliyeed aanay arrintaa la dhacsanayn, sidaa awgeed waxay ii soo heleen jid kale oo waxaan deeq barashada muusigga ah iyo daryeel caafimaad oo sannad isku ah ka helay Golaha Dhaqanka Ingiriiska (British Council).
CQ: 1962-dii waxa Afrikada Bari ku rogmaday daadad khasaare geystay, gaar ahaan Soomaaliya, dabadeed urur samafal ayaa Landhan ku qabtay madal lacag loogu ururinayay dhiilladaa. Fannaaniin kale ayaan kala qaybqaatay sidii gargaar loogu qaadhaami lahaa dhibbanayaasha. Mar kalana, waxaan ka tumay Laanta Af Soomaaliga ee BBC, si aannu ugu dabbaaldegno sannadguuradii labaad ee madaxbannaanida Jamhuuriyaddii Soomaalida. Waxa dabbaaldeggan soo agaasimay safiirkii Soomaalida iyo hawlwadeennada Laanta Af Soomaaliga.
CQ: Waa badnaayeen. Waxaan tegay Shiinaha, Suudaan, Yaman (oo in badan ah), Masar, Kiiniya, Simbaabwi, Ciraaq, Talyaaniga, Faransiiska, iyo Nayjeeriya.
CQ: Aad iyo aad. Muusigga Soomaalida waxa ku jira bar ku tusinaysa cod Shiinays. Qaar ka mid ah hablihii fannaaniinta ahaa ee kooxdayadii danbe, Waaberi—sida Hibo Maxamed, Faadumo Qaasin, Dalays, iyo Maryan Mursal—ayaa Bijiin ka qaaday heeso Shiinays ah markii aannu xerta ku tagnay halkaa. Sidoo kalana orkastarada (orchestra) Shiinuhu waxay tumeen hees Soomaaliyeed oo uu curiyay Huryo oo lagu ammaanayay Mao Tse-Tung, aniguna aan laxameeyay. Hasayeeshee muusigga Shiinaysku waa dhinacyabadne—xataa waxay tumaan muusigga sooyaalka ah ee Yurub, oo innagu aynaan tumin.
CQ: Heestaa waxa curiyay lama-loodshaankii Cali Sugulle.
CQ: Maya. Weligii buu muusiggeennu jiray: aroosyada, sabaalada dhallaanka, aroorinta iyo waraabinta xoolaha, hawlqabashada, shurbada, sacab habeenkii la tumo, saarka. Waxaas oo dhami way jireen, laakiin waxa la odhan karaa uun aalado muusig uun baan raaci jirin. Sidaa darteed, qofna ma sheegan karo in uu yahay “Aabbaha Muusigga Soomaaliyeed.” Xataa muusigga casriga ah neecawdiisu way jirtay xilligii Cabdi- Sinimoo, oo loo yaqaan in uu yahay cabqarigii isu soo duway ee isugu habeeyay Belwo ahaan sidaana ku helay sumcad iyo magac. Laga yaabee in aan ahay Soomaaligii u horreeyay ee heesaha Soomaalida ku fadhiisiya kabanka.
CQ: 1956-dii ayaan kula kulmay Jabbuuti, annaga oo riwaayaddayadii kowaad ku dhigayna.
CQ: Waannu wada fadhiisannay oo ka sheekaysannay sida Belwadu ku soo baxday. Muu dheerayn, mana gaabnayn; muu dhuubnayn, mana buurnayn; wuxuu se xigay jimidh- yaraan. In uu fannaan yahay waxaad ka garanaysay sida uu u soconayo. Timajaraha ayuu aadi jiray, oo timaha oo dhan iska soo jari jiray marka laga reebo dhoor yar oo uu nasista ku soo reeban jiray.
Waxaan wayddiiyay sida Belwadu ugu timi. Wuxuu ii sheegay in mar uu gaadhigiisa watey, uu ku soo beegmay meel ciidtuul ah. Gaadhigii baa ka cilladoobay, wax isbeerbaadh ahna muu wadan. Baabuur kale ayaa ku soo leexatay si ay u caawiso, balse iyaguna wax isbeerbaadh ah may wadan. Xaaladdaa ay dadku rabaan in ay ku caawiyaan haddana aanay awoodayn, ayaa Belwo dhashay. Cabdi-Sinimoo wuxuu ii sheegay in goonidu godlasho wadato, oo uu bilaabay in uu ku luuqeeyo erayadan: ”Belwooy, hooy Belwooy/ Waxaa i baleeyay baabuur/ Waxaa i baleeyay Boorama!” (Cabdi-Sinimoo wuxuu ka yimi dhanka Jabbuuti oo Boorama ayuu ku soo socday. Wuxuu sii sawiranayay in ay saaxiibadiisii Boorama waqti fiicaan isu heli doonaan.) Sida aynu iminka naqaan, erayadaa koobani waxay keeneen Heellada casriga ah ee Soomaalida.
CQ: Waxaan ka wadey in muusigga u baahda aaladaha badani uu had iyo jeeraale yahay muusigga qoran, sida kan sooyaalka ah ee Galbeedka. Marka muusiggu qoran yahay, muusishan kastaa cod gaar ah buu gooni u tumayaa si ay u soo wada saaraan orkastara dhan. Dhanka kale, muusigga Soomaalida weli la ma qorin. Sidaa awgeed, wuxuu qurxoon yahay marka lagu tumo aaladaha soojireenka ah ee asaasiga ah, sida cuudka. Aalado badani waxay ku keeni karaan dhabqin (cacophony). Balse waxaan qabaa in codad muusig oo badan laga soo helayo Af Soomaaliga, oo qaarkood qadiim yihiin. Haddii burburkii argagaxa lahaa ee dawladdii Soomaaliyeed aanu dhaceen, waxa laga yaabi lahaa in aynu ugu danbayn muusiggeenna qoran lahayn oo aynu kaydin lahayn codad muusig oo badan.
CQ: Maya. Dhawr goor baan isku deyay. Markii aan Ingiriiska joogay xataa waxaan qaatay koorso ku saabsan aragtida muusigga.
CQ: Waxaan u aqaan Maxamed Siciid Guroonjire. Isku xilli baannu muusigga curintiisa bilawnay, tartan caloolxaadhan ayaana naga dhexeeyay. Codad macaansi leh ayuu curiyay, cuudkana wuxuu u tumi jiray si aynaan shaqo ku lahayn.
CQ: Xagga erayada, waxaan u dooranayaa marxuun Belaayacas, ama Barkhadcas sida dadku iminka jecel yihiin in ay ugu yeedhaan. Waxsoosaar asli ah ayuu lahaa, sidoo kalana waddani buu dhuuxa ka ahaa. Erayadiisu waxay u badan yihiin qarannimada Soomaalida iyo halgankii gobannimaddoonka. Xagga riwaayadahana, waxaan odhan karaa Xuseen Aw Faarax, oo aannu wax soo wada saarnay, ayaa facayagaa ugu sitay. Cali Sugullana sidoo kale ashqaraar buu lahaa, balse riwaayadihiisu waxay u badnaayeen siyaasadda. Way jiraan hal’abuurro heesaha iyo riwaayadaha curiya, Iyo muusishanno facyada danbe ah oo aanan waxqabadkooda si habaysan ula socon. Kolley se xiddigo way jiraan iminkaba.
CQ: Waa wayddiin wanaagsan, waxana laga yaabaa in aanay isku deyin. Waan hubaa hadday isku deyi lahaayeen in ay muusig u curin lahaayeen ama alaadaha u tumi lahaayeen sida ragga ay bahwadaagta yihiin.
CQ: Waan la dhacsanaa isbeddelka, si buuxdana waan u taageeray. Tusaale ahaan waxaan isku soo duway hees ku aaddan ammintaa taariikhiga ah, oo ku bilaabmaysa:
“Baga, baga, xooggayaga waan u baahnayne baga baga; haddii uu baarlamaankii baguugaha ka dhigay, waan u baahnayne baga baga; bishaara bishaara bishaara, bilataye Aktoobar bilkhayr dhaha, bilkhayr dhaha.”
Balse sida aad ogsoon tahay, beerqaadkaa noo galay qabsashadii askartu, oo aan Soomaali badan kala sinnaa, muu sii waarin. Heesahaygii ugu danbeeyay intii aanay dawladda Soomaaliyeed dumin waa laga mamnuucay in laga sii daayo Raadyaw Muqdisho. Waxa ka mid ahaa, “Ma Allaa baday suuqa madow, ma Allaa baday?” Waxaan, sida dad badan, garwaaqsaday burburka ay askartu bulshadii u geysatay, heestanina waxay ka turjumaysay garwaaqigaas damqashada leh.
CQ: Gurigaygaan joogay, oo aan waxba u jirin qasriga madaxtooyada, Filla Soomaaliya. Siyaad Barrihii baxsadka ahaa iyo ilaaladiisu gurigayga ayay soo hormareen. Saaxiibbo badan ayaan i soo magangalay, oo sidaas buu gurigaygu ugu sheekadhowaa aqalkii Abu Sufyaan. Waxaan filayaa in dadku ogaayeen haddii ay halkan yimaaddaan in ay ku nabadgelayaan. Gurigayga waxa joogay injineer Siciid Antaana, oo hayay furaha istuudyaha weyn ee Raadyaw Muqdisho. Waxay isku reer ahaayeen Siyaad Barre, oo markan ah reerka bartilmaameedka ah. Jabhaddii USC ee Janan Cayddiid ayaa unug u soo dirtay gurigayga si ay u kaxaystaan Siciid Antaana oo uu ugu soo furo istuudyaha qaranka. Waxaan u sheegay in ninku gurigayga magan u yahay, oo aanan ka oggolaan karin in ay kaxaystaan. Waxay igu dhaheen, “Cabdillaahi, waannu ku garanaynaa wax dhib ahina ma dhici doono. Siciidna waxaannu ka rabnaa uun in uu istuudyaha noo furo.” Sidii ay ballanqaadeen way ka dhabeeyeen. Maalmo yar ka dib, Muqdisho waan ka qaxay waxaanan galay Jabbuuti.
CQ: Ugu horrayntii xukuumadda Jabbuuti waxay ballanqaadday hoy iyo taageero, balse si ay ku dhacdayba ballanqaadkaasi ma dhaqangelin. Markii danbe, qaar ka mid ah xigtadayda ayaa qaadhaan ii soo ururiyay, waxayna isku noqotayba lacag fiican oo aan baahiyahayga ku dabooli karo. Sidaas maan doorbidi lahayn. Waxaan jeclaan lahaa in aan gacan ka helo Soomaali oo dhan halkii xigto kooban deeqdeeda aan isku hallayn lahaa.
CQ: Aad iyo aad.
CQ: Reerkii Hargeysaan u diray, aniguna waxaan isu diyaarinayaa in aan Landhan aado. Si guud marka aan u hadlana, Soomaalidu iminka waxay ka tallaabaysaa marxalad xasaasi ah oo taariikhdeeda ku suntanaanaysa. Waa waqti burbur iyo xadgudub yaqyaqsi leh. Cawaaqibku aad buu uga hooseeyaa heesihii waddaniga ahaa, oo shidaal u ahaa khayaalkayga hal’abuurnimo. Waa qalbijab in xumihii samaha ka adkaaday. Iminka qabyaalad iyo qarax ayaa ku badan saaxadda bulsheed ee Soomaalida. Xaal markuu halkaa marayana, waa in aynu Eebbe ku eerannaa. Labadaydii heesood ee u danbeeyay taas bay dabasocdaan. Tani waa baryo Eebbe laga tuugayo nabad iyo wadajir: “Roonoow Rabbiyoow Raxiimoow, Soomaalida u roonoow.”
CQ: Haa, 1959-kii, iyadoon gobannimadaba la qaadan. Waxa aniga iyo fannaaniin kale na la wada siiyay billadsharaf, markii ay socdeen dabbaaldegyada Muqdisho. Intaa waxa dheer, taliskii askartu wuxuu marar badan igu abaalmariyay billadsharafyo—mid qalin ah, mid dahab ah, mid maar ah. Balse waxa intaasba iga la muhiinsan, waxaan kasbaday jacaylka iyo taageerada ay ii hayso umadda oo dhami. Waana higsiga ugu weyn ee uu fannaan ku hirto.