Skip to main content

Monday 7 September 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Caalamiyeynta Kubbadda Cagta Afrika

23 July, 2026
Image
Caalamiyeynta Kubbadda Cagta Afrika
Share

Kubbadda cagta ee Afrika ma aha uun keliya ciyaar, ee waa xirfad sidda riyooyin iyo sheekooyin ka tarjumaya filashooyinkii gumaysiga ka dib. Waa sawir laga dheehdo la falgalka qaaradda ee hantigoosadka caalamiga ah oo caqabado badani ku gadaaman yihiin. Laga soo bilaabo kolkii gumaysigu soo galay Afrika, kolkii ay madaxbannaanida qaadatay, ilaa wakhtigan kubbadda cagta laga dhigay “ganacsi macaash badan”, Afrikaanku waxa ay ciyaartan ku jaangoynayeen si waafaqsan himiladooda iyo waaqacooda. Xilli dunidu u dabbaaldegayso oo ay bogaadinayso xirfadaha xiddigaha caanka ah ee Maxamed Salaax, Saadiyo Maane iyo Dorogba, haddana u kuurgalka waaqaca kubbadeed ee Afrika waxa kasoo baxaya sawirkaas hore ka duwan. Waa sawir ku suntan siyaasadaha dhaqaale ee Liberaaliyadda Cusub, barabixinta hibooyinka gudeed iyo sii ballaadhashada farqiga u dhexeeya ciyaaryahannada Afrikaanka ah ee Yurub ka dheela iyo kooxaha Afrika gudaheeda ka jira ee dhibaatooyinka joogtada noqday la daalaadhacaya.

Markii Afrika kubadda cagta la keenay, ma ahayn tallaabo sirmaqabnimo leh ama aan dhinacna loo danaynayn. Dhammaadka qarnigii 19aad iyo bilawga qarnigii 20aad, maamulladii gumaysigu ee Yurub, wadaaddadii diin-fidiyayaasha ahaa iyo caddaankii la degaameeyey waxa ay dekedaha iyo magaalooyinkii xarumaha gumaysiga ahaa keeneen ciyaartan; waa magaalooyin taxan xeebta, laga bilaabo Jasaa’ir ilaa Kayb Town, ama laga bilaabo Laagos ilaa Daarusalaam. Bilawgii, waxa ay ahayd ciyaar u gaar ah Yurubiyaanka, oo waxa loo arkayay ciyaar lagu ilbaxinayo bulshooyinka gumaysigu haysto, kala dambaynta iyo isyeeliddana lagu barayo. Afrikaanka kaalintoodu waxa ay ku koobnayd soo qabqabashada kubbadaha ama inay istaagaan si ay u noqdaan daawadayaal heerka labaad ah.

Se, bulshooyinkii la gumaysanayey, oo kubbadda ka dhiganaya agab iska caabbin, waxa ay u adeegsadeen agab ay iskaga dhiciyaan gumaystaha. Soddonaadkii iyo afartanaadkii qarnigii 20aad, bulshooyinkii Gaana, Nayjeeriya, Masar iyo Sinigaal waxa ay bilaabeen inay aas’aasaan naadiyo u gaar ah, garoonnada kubbadda cagtuna waxa ay isku beddeleen fagaarayaal lagu cabbiro diidmada iyo iskacaabbinta gumaystaha lagala horjeedo. Ciyaaraha kulmiya kooxaha Afrikaanka ah iyo kooxaha gumaystuhu waxa ay noqdeen dagaallo bilaa hub ah oo lagu difaacdo karaamada iyo jiritaanka bulsho. Naadigii Orlando Pirates ee Koonfur Afrika laga sameeyey 1937-kii, kuma koobnayn naadi kubbadeed, ee waxa uu ahaa koox iskacaabbin u taagan. Qaabkan ayay kubbadda cagtu ku noqotay fagaare dimuqraaddi ah oo u suurogaliyey bulshooyinkii gudaha qaaraddu inay cariyaan, si ku meelgaadh ahba ha noqotee, nidaamka takoor, midab-kala-sooca iyo kalasarraynta bulsho ee uu gumaysigu jideeyey. Kolkii dhaqdhaqaaqyada xorriyaddu bilaabmeenna, kubbadda cagtu waxay noqotay mid muujisa Afrika midaysan oo ka tarjunta himilada bulshooyinka.

Kolkii madaxbannaanida la helay, xorriyad siyaasadeed baa la helay, oo waxa suurogashay aasaasidda naadiyo iyo xulal kubbadeed oo qaran, se, jid ay kubbadda Afrika ku hesho aqoonsi caalami ahi ma ahayn mid fudud; waxa hor yaallay jidgooyooyin, halgan siyaasadeed iyo ku loollanka loo galo awoodda iyo maamulka.

Midawga Xulka Qaramada Afrika (CAF) waxa la aasaasay 1957-kii, isagoo ku yimi soo jeedin ka timid Suudaan, Itoobiya, Masar iyo Koonfur Afrika. judhiiba, midawgani waxa uu caqabad ku noqday mid ka mid ah mabaadi’dii aasaasiga ahayd ee nidaamkii takoorka iyo kala-sooca. Midawga Kubbadda Cagta Koonfur Afrika waxa haystay caddaanka, waxaanay diiddanaayeen inay midawgaas qayb ka noqdaan kooxo kala midabbo duwan. Midawga Kubbadda Cagta Afrika oo uu hoggaaminayey Cabdixaliim Maxamed oo Suudaani ahi waxa uu cadaadiskiisa u adeegsaday in xulka Koonfur Afrika laga caydhiyo Ururka Kubadda Cagta Adduunka. 1961-kii, FIFA waxa ay Koonfur Afrika u qabatay wakhti kama dambayn ah oo ah: ama in ciyaaryahanno kala midab duwan lagu soo daro midawga, ama inay ka baxaan FIFA. Ka dib markii masuuliyiinta Koonfur Afrika diideen u hoggaansanka qodobkan, xubinnimadeedii FIFA waa la laalay sannadkii 1964-kii, 1976-kiina waxa looga saaray si kama-dambays ah.

Guushan anshaxeed waxa ay qaabaysay isgoys muhiim ah oo Midawga Kubbadda Cagta ee Afrika gaadhay, sababtoo ah waxa uu noqday awood siyaasadeed oo ku kacsan midab-takoorka, waxaanu xaqiijiyey inaanay kubbadda cagtu keliya ahayn ciyaar, ee ay sidoo kale noqon karto agab lagu difaaco caddaaladda, lagu taageero dhaqdhaqaaqyada xornimodoonka ah oo la iskaga caabbiyo xadgudubka.

Ka sokow guulaha siyaasadeed, haddana qaybinta fursadaha ka qaybgalka Koobka Adduunka waxa ka jiray xadgudub iyo sinnaan la’aan daran. Ilaa laga soo gaadhayey 1966, Afrika, Eeshiya iyo Owshiyaaniya waxa ay ku tartamayeen hal fursad oo ah ka qayb noqoshada koobka Adduunka, xilliga isreebreebka. Madaxweyne Kuwaame Nakruuma iyo Wasiirkii Ciyaaraha ee Gaana Ohene Gyan oo horkacaya, Midawga Kubadda Cagta ee Afrika waxa uu qaaddacay Koobkii Adduunka ee 1966-kii, isagoo muujinaya diidmada qaaradda ee takoorkan. 1970-kii, Afrika waxa ay heshay hal fursad oo dammaanad qaadan oo Koobka Adduunka ah, Marooko ayaanay noqotay dalkii koowaad ee Afrika u soo baxa Koobka Adduunka, haddana se, fursaddaas kelida ahi waxa ay ahayd mid kooban oo aan weli ka tarjumayn baaxadda Afrika.

Xulka Saa’iir (oo hadda ah Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Koongo), kolkii madaxweynaha ka ahaa Mobutu Sese Seko, ayaa kusoo baxay isreebreebka Koobka Adduunka ee sannadkii 1974-kii, dalkan oo sidan ku noqday dalkii koowaad ee Afrikada Saxaraha ka hoosaysa kusoo baxa Isreebreebka Koobka Adduunka. Ha yeeshee, diyaargarowga xulku se waxa uu ahaa mid lagu baabi’iyey musuq iyo maamul xumo, sababtaas awgeedna, waxa uu helay natiijooyin aad u liita: Scotland ayaa 0-2 kaga badisay, Yuguslaafiya ayaa 0-9 kaga badisay, Baraasiilna 0-3. Waxa ay noqdeen natiijooyin sii qotodheereeya sawirkii laga haystay xirfad la’aanta kubbadeed ee Afrika, laakiin ma jirin xirfad darro iyo hibo la’aan, ee waxa jiray maamul xumo. Waxa xigay guulo is xigxigay oo ay gaadheen xulalka Tuunis iyo Aljeeriya koobabkii ka dambeeyey kaas.

Ka sokow guusha weyn ee ganacsi ee uu xaqiijiyey Koobka Qaramada Afrika, haddana waa guul ka hor imanaysa waaqaca adag ee ay ku sugan yihiin inta badan naadiyada gudaha Afrika ka jiraa. Taageerayaasha ku sugan magaalooyinka Afrika, sida Akra, Abiidjaan, Laagos iyo Nayroobi, waxa ay doorbidaan daawashada naadiyo Yurub, sida Liverpool, Arsenal iyo Real Madrid, halkii ay ka daawan lahaayeen naadiyaasha dalalkooda. Sidoo kale, waxa magaalooyinka Afrika gacanta ku dhigay kanaallo caalami ah, sida DStv, Canal+ iyo beIN Sports oo suuqa tebinta haysta, tayadooda iyo xuquuqda soo tebinta ee ay haystaan awgood. Sababahan awgood, naadiyada Afrika waxa ay la daalaadhacayaan taageero yaraan, macaash yari iyo tebin la’aan, marka laga reebo qaar ka mid ah naadiyada Waqooyiga Afrika iyo Koonfur Afrika ama kuwa maalgelin ka hela xukuumad ama qof hantiile ah.

Akaadamiyadaha kubbadeed waxa ay kaalin weyn ka qaateen kobcinta xirfadda kubbadeed ee Afrika, ha yeeshee, sidoo kalena waxa ay ka qayb qaateen in ciyaaryahannadii ugu mudnaa qaaraddu u wareegaan naadiyo Yurubiyaan, hibadiina guurto. Laga soo bilaabo guushii Kamaruun ay ka gaadhay Koobkii Dunida ee 1990-kii iyo Sinigaal ee 2002, waxa Afrika ku baahay akaadamiyado, sida Right to Dream ee Gaana ku taalla, ASEC Mimosas ee Ivory Coast ku taalla, Generation Foot iyo Diambars ee Sinigaal ku taalla, waxaanay noqdeen saylado laga dhoofiyo ciyaaryahannada u shaqo tagaya naadiyadaha Yurub.

Maanta, inta badan xulalka Afrika ee guusha gaadhay, kolka laga reebo Koonfur Afrika iyo Masar, waxa ay ku tiirsan yihiin ciyaaryahanno xirfaddooda kaga dheela meel ka baxsan Afrika, kuwooda ugu badanina ay sitaan dhalasho Yurubiyaan. Beryahan dambe se, waxa bilaabmay in ciyaaryahanno ku dhashay kuna barbaaray dalal Yurubiyaan ay metelaan dalalkii Afrika ee ay asal ahaan kasoo jeedeen. Waa arrin kor u qaaday awooddii kubbadeed ee xulalka Afrika, se, haddana waa arrin sii ballaadhiyey farqiga u dhexeeya ciyaaryahannada Yurub ka ciyaara iyo kuwa qaaradda gudaheeda ka ciyaara.