Skip to main content

Friday 14 February 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Buug

Buuggag Dunida Gilgilay

12 December, 2024
Image
Buug silsiladaysan
Xuquuqda Sawirka: Guido Cavallini via Getty images.
Share

Buugagga sida fikradaha dhiirran waxa ay leeyihiin dhadhan gaar ah, waxaana u sabab ah fikradaha cusub ee aan loo baran ee ay xanbaarsan yihiin, kuna cusub akhristayaasha, waxa kale oo dhadhan u yeela doodda ballaadhan ee laga galo mawduuca buuggaas iyo qofka qorayba. Doodda buuggaas ka dhalataa waxa ay gilgishaa waxyaabo lama taabtaan ah bulshada dhexdeeda, akhrinta dooddaasina waxa ay kuu dhawaynaysaa fahanka hab-fekerka bulshada iyo waxa ay daneeyaan.

Ilaa beri fog, qoraayadu waxa ay ka dhib mudan jireen caddaynta iyo ku dhiirrashada fikrado ay qabaan oo markaas ka duwan qaabka bulshadu u fikirto ama ka duwan waxa bulshadu aaminsantahay. Arrinkani waxa uu qoraayo badan ku khasbay in ay qoraalladooda wax ka beddelaan si ay ula jaanqaadaan aaminaadda guud iyo wakhtiga la joogo, kuwo kalena waxa ay qoraalladooda ku faafiyeen magacyo aan rasmi ahayn oo ay la baxeen, si aan ciddi u aqoonsan, tuhunka loo soo jeediyana uga bedbaadaan. Waxa kale oo jira qoraayo buugaagtooda qabyo-qoraal ku daayay oo aan daabicin, amaba la wadaaga dad kooban oo saaxiibbadood ah. Waxa jira qoraayo dhiirraday oo waxa ay sheegeen awgii dhib badan ku mutay.

Waxa aynnu xusi karnaa qoraagii reer Tuunis, Daahir al-Xaddaad oo qoray buugga “Gabadheena: Shareecada iyo Bulshada”. Waxa kale oo la mid ah qoraa Nasri Xaamid abuu Sayd oo dhib badan ka maray in lagu tuhmay in uu diinta kaga baxay qoraalladiisa. Arrinka la yaabka iyo maaddaba lihi waa in dadkaas dhibta weyn la mariyey, xuquuqdoodana laga hor istaagay, ama arrimahan loo dilay, haddana si fudud afkaartoodii loo aqbalo muddo ka dib, jiilasha dambena fikradahani ula muuqdaan kuwo aan dhib ku jirin.

Sooyaalka iyo isbeddellada waaweyn

Inta badan isbedellada waaweyn ee wax ka beddela aaminaadaha dadka iyo fikradda ay ka haystaan jiraalka iyo dunidaba waxa saamayn weyn ku yeesha dhiirrasho iyo caddayn ka dhasha dagaallada oo hore u dhaqaajiya dhaqanka bulshada iyo aqoontooda. Dagaalku waxa uu abuuraa dhiirranaan nafsadeed ama bulsheed oo dhinacyada is haya ah, oo dhinac kastaa waxa uu ku dedaalaa ka faa’idaysashada dhinaca kale. Dagaallada waxa la mid ah musiibooyinka dabiiciga ah sida dhulgariirrada, iyo daadadka oo dakharro kaga taga dadka, isla mar ahaantaana dhaliya in dadku wax iska wayddiiyaan jiraalka.

Marka laga yimaaddo dagaallada iyo musiibooyinka, isbedellada waaweyn ee taariikhiga ah waxa sababay buugag dhiirran. Taariikhda aadamaha, dhaqamada kala duwan waxa kasoo dhex baxa buugag baraarug weyn abuura oo fikrado dhiirran bedka keena. Waxa ka curta dood ballaadhan iyo wayddimo cusub, dadkuna waa ay ku kala duwanaadaan, bulshadana waxa dhex gala doodahaas. Buugaggaas dhiirran ee dhaqanka ka baxsan waxa loo kala qaybin karaa laba qaybood: buuggag falcelin iyo hadallo ka dhasha oo dadka oo dhammi is weydaarsadaan. Falcelinahaas iyo doodahaasi waxa ay ku salaysnaadaan aaminaadaha iyo madaahibta dadkaasi ku abtirsadaan, badanka buugagga sidan ahina waa buugaag u xaglinaya fikir kooxeed ama koox kasoo horjeedda burinaya, inta badanna saamaynta buugagga sidan ahina muddo kooban ayaa ay kusoo afjarantaa. Waxa jira buuggag kale oo hadalhayntooda iyo saamayntoodu casriyo isaga gudubto, oo doodda ka abuurantayna aanay ku istaagin xilligaas uu soo baxay. Buugagga sidan ahi waxa ay dood ka dhaliyaan qaddiyado soo jireen ah oo aan hore dood looga keenin, waxaanay dib u qaabayn ku sameeyaan hab-fekerka qaddiyado aadamaha noloshooda khuseeya.

Waxa aynnu tusaale u soo qaadan karnaa buugagga sidan ah buugga uu qoray Maxamed al-Qasaali ee “Tahaafut al-Falaasifa”. Dad badan ayaa buuggan u arkay in uu yahay dubbe ku dhacay iskibrinta falaasifada sheegtay in ay wax kasta oo qaddiyadaha qaybka la xidhiidha ah ku garan karaan caqligooda. Buugga Qasaali waxa ku xigay buugga Ibnu Rushdi ee “Tahaafut al-Tahaafut” oo isla buugga Qasaali ugu jawaabay. Labada buugba waxa ay bilawgii lahaayeen saamayn, muddadii ka dambaysayna waxa ay reebeen hadalhayn gaal iyo Islaamba ka sheekeeyo, ilaa haddana waxa taagan doodda Qasaali falaasifada kaga soo horjeestay iyo jawaabtii Ibnu Rushdi.

Aqoonta casriga ah waxa jira buugag baraarug xooggan abuuray oo doodo dhiirran bilaabay, waxaana aynnu tusaale u soo qaadan karnaa buuggii Daarwin ee uu kaga hadlayey asalka noolayaasha. Waxa uu soo saaray 1859-kii, waxaanu saamayn weyn ku yeeshay  sayniska cusub, gundhigna waxa uu u noqday bayoolajiga. Buuggan waxa ka dhashay dood weyn oo saynis ah, waxa kale oo ka dooday falaasifadda iyo culimada diinta.

Qarnigii 20aad iyo buuggag dood dhaliyey

Qarnigii 20aad waxa dunida Carabta iyo Islaamkaba gilgilay buuggag dhawr ah oo abuuray dood ballaadhan, waxaanaynu ku sheegi karnaa buuggag dhiirran oo dood ka keenay waxyaalo bulshadu soo jireen iyo dhaqan u arkaysay, waxaanay wax ka beddeleen hab-feker muddo dheer bulshadu haysatay. Aynnu soo qaadanno saddex buug oo doodo dhaliyey, bulshadan baraarug cusub geliyey.

Buugga koowaad waa “Islaamka iyo Gundhigga Talada” oo uu qoray Sheekh Cali Cabdirisaaq, waxaanu soo baxay sannadkii 1925. Waxa uu ku dooday in aanu Islaamku jid cayiman u dejin talada, siyaasadduna tahay shuqul adduunyo oo dadku go’aamin karaan sida ay isugu talinayaan, waxaanu buriyey nidaamkii khilaafada ee Islaamka loogu abtirayaa in aanu diinta ka mid ahayn, ee keliya muslimiintii xilligaasi dejisteen.

Cali Cabdirisaaq waxa uu ka doodayaa qaddiyad udubdhexaad ah, waxaanu ku garramay in aanay jirin caddayn toos ah oo kitaabka ku jirta oo tilmaamaysa qaabka dawladda iyo talada muslimiintu noqonayso. Waxa uu aaminsanaa in dawladdii Islaamiga ahayd, ilaa bilawgeediiba ay ahayd dawlad siyaasadeed, ereybixinadda kala ah; imaamka, khaliifka iyo khilaafadubana aanay ku soo aroorin kitaabka iyo sunnada, arrinkanina keensanayo in dadku ka fekeraan qaabka ay siyaasaddooda u maamulayaan. Waxa uu isku dayey in uu mafhuumka dawladnimada iyo waxyaalaha la xidhiidha u sameeyo gundhig cusub, iyada oo sida soo jireenka ahi dawladda iyo siyaasaddaba diimayn jirtay. Xilligaas hore ka hadalka arrimaha khilaafada waxa loo daayay culimada, waxaana loo arkay wax aan dadku si fudud uga feker dhiiban karin.  

Buugga labaad waa “Suugaantii Jaahiliga” oo uu Daaha Xuseen soo saaray sannadkii 1926-kii. Buuggani waxa uu abuuray dood ballaadhan, sababtoo ah waxa uu gorfeeyey oo uu dhaliilay luuqadda Carabiga, kana duwan gorfayntii soo jireenka ahayd ee suugaanta lagu samayn jiray. Waxa aad uga soo horjeedsaday hormuudkii As’har, wadaaddadaas ayaana shaki geliyey iimaanka Daaha Xuseen, buuggiina waxa lagu khasbay in suuqa laga saaro si wax looga beddelo.

Buugga saddexaad waa dhiganaha la yidhaa “Fanka Sheekotebinta ee Quraanka”, oo uu Maxamed Axmed Khalfallaah diyaariyey si uu u helo shahaadada sare ee PhD. Buuggan waxa diiday guddigii ilaalada shahaadada, iyaga oo qoraaga na u diiday in uu qaato tiktoorada.  Buuggu waxa uu aragti cusub u keenayaa fahanka sheekooyinka ku jira Qur’aanka oo qayb badan ka ah Qur’aanka. Waxa uu ku doodayaa in Qur’aanku qaab farshaxamaysan oo suugaamaysan u soo gudbiyo sheekooyinka ku jira, sidaas darteed sheekooyinkaas aynnu xagal suugaameed ka istaagno  si fahanku u soo dhawaado. Dadka qaar baa ku tuhmay in Maxamed ku doodayo in Qur’aanka ay ku jiraan sheeko-xariiro, oo uu hadalkiisa ka dhalanayo in sheeko aan sal iyo raad lahayn se samays ahi ku jirto Qur’aanka, taas oo ah wax qofka diinta ka saari kara.  

 

Qoraalkan waxaa laga soo turjumay halkan.

Qoraallada kale ee qoraaga