Monday 23 June 2025
Hannaan waxa uu uga jeedaa hababka iyo qaababka isku xidhan ee wax loo sameeyo. Buuggan hannaanka liidashada waxa lagu tiriyaa buugaagta dhaliilaya Galbeedka iyo cusboonaysiinta Galbeedka ka hanaqaadday oo ah qaab dhiirrigelisa adeegsiga walxaha oo aan waxba reebin. Suuqa, dhaqaalaha, hantida iyo alaabaha ayaa ah waxa imika jaangooya nolosha aadamaha. Dhibtu ma aha in dhaqaale la yeeshay ama dadku hanti leeyihiin, sababtoo ah waa wax aan laga maarmayn, se dhibaatadu waxa ay ku jirtaa in aadamaha la la falgeliyo suuqa, oo loo beddelo mashiin uu xukumo macaashka suuqu.
Waxa la yaab leh in macnotirka noloshu xitaa saamaysay jaamacadaha iyo haayadaha cilmiga. Qofka waxa lagula talinayaa in uu dhinac iska dhigo buugaagta kakan ee fikirka uga baahan, buugga xisaabaadka ganacsi ayaa uga faa’ido badan, lamana rabo in uu kuurgal iyo cilmibaadhis dhab ah sameeyo. Lama rabo in uu qofku hal-abuur keeno, wax ka gungaadho ama fikrad toolmoon keeno, sababtoo ah timirtii horeba dab loo waa. Si guud, hannaanka macnotirku waxa uu cadaw la yahay dunida fikirka iyo u fiirsiga, dadkaas madadaalada ku jiraana waxa ay u ekaanayaan jabhad isu urursatay duullaanka fikirka toolmoon, waxaana gacanta u galaya awoodda waxyaabo ay ahayd in dad hal-abuur leh maamulaan. awooddaas ugama jeedno awoodda siyaasadeed, ee waa awoodda ah in qofka la xakamayn karo qaabka uu u noolaanayo noloshiisa maalinlaha ah. Qoraagu waxa uu xusay mid ka mid ah tilmaamaha macnotirka ee hadda jira oo ah ku baraarugsanaan la’aanta muhiimadda wakhtiga. Waxa uu yidhi: beri dhow kuwa fahmay qiimaha wakhtiga ayaa maamuli doona kuwa wakhtiga macnotiraya. Waxa dedaal badan loogu jiraa in la innagu cadaadiyo in aynnu wakhtiga dilno, oo weliba isku dhaafinno waxyaabo aan macno lahayn oo madadaalo u badan.
Jaamacadda waxa sidii uu jecelyahay u hagi kara dhinaca markaas diyaarka u ah in uu maalgeliyo. Hannaanka suuqa iyo xayaysiiska ayaa jaamacadaha iyo haayadaha cilmiga saameeyey, jaamacaduhuna kama duwana astaamo ganacsiyeed. Shirkadaha waaweyn ee dunida ka jiraa, si ay kalsooni buuxda ugu helaan mashaariicdooda, waxa ay saamayn ku yeeshaan laababka tijaabada cilmiga ah, waxaanay go’aamiyaan warbixinta la soo saarayo si aanay natiijadu uga hor iman danahooda maaliyadeed. Saamaynta intaas le’eg ee shirkadaha waxa keenay maalgelinta ay siiyaan jaamacadaha, oo halkii laababka wax lagu baadhayaa ay qaadan lahaayeen kaalinta in ay iyagu korjoogtaynta badqabka alaabaha la isticmaali doono, arrinku waa uu is geddiyey, oo laababkaasi ma shaqayn karaan haddii aan shirkaduhu maalgelin, sidaas darteed, waa wax adag in laababku soo saaraan dhibaatooyinka caafimaad ee ay sababi karaan alaabaha ay soo saaraan shirkadaha cunnada, dawooyinka iyo shirkadaha kale ee waaweyn. Haddii xitaa laabku soo saaro dhib caafimaad oo alaabta shirkadi leedahay, waxa la isku deyayaa in la dedo, halkii la soo bandhigi lahaa ceebtaas.
Jaamacadaha dhexdooda waxa baaba’ay fikirkii xeeshadheeraa iyo u kuurgalka hal-abuurka keena. Cilmibaadhisaha la sameeyo waxa la mariyaa habab tignikaal ah oo aan waxba soo kordhinayn, waana sababta qofku u noqonayo sidii mashiin aan waxba ka beddeli karin habka wax u socdaan, ee keliya tallaabooyin isku xigxiga oo loo yeedhiyey raacaya. Injineerka, dhakhtarka ama khabiirka tignikaal ee wax kasta oo kale, badanka wax aqoon dheeraad ah uma laha taariikhda, falsafadda iyo laamaha kala duwan ee aqoonta, oo ah waxa u suurogalin lahaa maskaxtuujin iyo in uu dhinacyo kala duwan wax ka istaago, se haddii qofku tignikaal ahaan uun wax aqoon u leeyahay, kama duwana mashiinka sida joogtada ah wax isugu xidhxidhaya.
In qofku aqoonta uu isku weydiin karo ka arradanyahay, se tignikaal ahaan uu u garanayo shaqada uu qabanayo, waxa uu awoodi waayayaa in uu kala saaro farqiga u dhexeeya aadamaha iyo agabka kale ee barbaryaalla. Qofka tignikaal ahaan u dhisani waxa uu u nugulyahay in uu yeelo baaqa hannaanka suuqa oo uu ka fikiro waxii macaash degdeg ah leh, arrinkan awgiina, fikirku waxa uu noqonayaa wax macno la’aan ah, oo cilmibaadhayaashu aanay dan ka gelin, waxaana beddelaya waxii macaash roon. Dadka sidan ah agtooda macno kama laha fikirkii iyo kuurgalkii ay sameeyeen dadkii innaga horreeyey, ee isku deyayey in ay wax yar uun nolosheenna ku soo kordhiyaan.
Qoraagu sida uu ku doodayo, dagaalka hadda waxa libtiisa haya dadka macnobeelka ah, oo waxa soo afjarantay dunidii xaqa iyo anshaxa, sababtuna waa in dadkaas macnobeelka wadaa ay wax kasta gacanta ku dhigeen. Kol haddii qiyamkii iyo anshaxii wanaagsanaa meesha ka baxay, dadka waxa loo sawiraa dhaqanno booskii anshaxa wanaagsan u gala. Xilligani waa xilliga ay calanwallaynayaan dadka aan guntooda wax ku jirin, markasta oo qofku sii dhex dabbaasho macno la’aanta, waxyaabaha liita, dhaqanbiisnimada iyo xumaan oo dhan, waa markasta oo uu qofku shacbiyad badan helo, caannimana dhaxlo. Qofka faafinaya wax aan macno lahayn ayaa ku helaya tiro badan oo raacsan, dad badanna waxa uu u yahayba geesi iyo hormuud lagu dayanayo. Waxa la yaab leh in shirkadaha waaweyni qofkaas u arkaan qof u sahlaya iibkooda oo ay ku suuqgaysan karaan alaabahooda, sidaas ayaa ay macno la’aantiina u noqonaysaa xirfad lagu shaqeeyo. Qoraagu waxa uu aaminsanyahay in baraha bulshadu kaalinta koowaad kaga jirto soo shaacsaaridda dadka macno la’aanta ah, oo dadkaasna loo beddelo geesiyaal hormuud u ah jiilal badan.
Dhinaca metelaadda siyaasadda iyo golayaasha dalka, oo ah dhinacyo ay tahay in la ilaaliyo sharafta dadka ka shaqeeya iyo dadka ay u adeegaanba, beryahan dambe waxa ay u gacangaleen shirkadaha waaweyn ee danaha kala duwan leh, waxaana la arki karaa hoggaanno saamiyo ku leh shirkadaha waaweyn. In ay saami yeeshaan waa xaq ay leeyihiin, se in ay macaashka shirkadahaas ka soo dhex saaraan golaha ay dad kale ku metelayaan waa sharaf-dhac iyo khiyaano.
Ka hortagga iyo cidhibtirka hannaanka macnotirku waxa uu ku suurogalayaa uun in wacyiga dadka kor loo qaado, oo dadka la dareensiiyo muhiimadda fikirka iyo jiritaanka aadamaha. Qofku waa in uu ogaado in uu ka duwanyahay agabka mareegta adeegsiga ku dhex baaba’a, ee marka wakhtigiisu dhamaadana la tuuro, lagana maarmo. Aadamaha qiimahiisa ma jaangoyn karo waxa uu xidhanayo, waxa uu cunayo ama waxa uu cabbayaa, se waxa jira waxyaabo intaas ka macno ballaadhan oo macno dhab ah u samaynaya jiritaanka aadamaha. Marka aadamuhu aqoontiisa kobciyo, wax baadho, hal-abuur yeesho, ruuxdiisa dhiso, kuurgal iyo cusboonaysiin sameeyo oo wax gorfeeyo, waxa hoos u dhacaya caqliyadda kooxda yar ee macno la’aanta buunbuunisa. Marka dadku aqoon yeeshaan waxa hoos u dhici doona nidaamyada xun ee dimuqraadiyadda halista ku ah, waxaana baabi’i doona shirkadaha anshaxa ku tunta ee booba khayraadka dalalka kale.
Guudmarkan buug waxa laga soo turjumay halkan.