Sunday 9 November 2025
Madaxweyneha Soomaaliya oo shalay socdaal taxaddar badan leh ku tagay Kismaayo ayaa maanta dib uga soo laabtay, iyada oo ay labada dhinac isku afgaran waayeen ujeeddooyinkii socdaalka oo dhan, sida ay sheegeen ilo ka ag dhaw kulanku.
Wada-hadalkan oo ay fududeynayeen saraakiisha Sirdoonka ee dalalka Itoobiya iyo Kiiniya ayaa uu Madaxweyneha Soomaaliya ku doonayay in uu hoggaamiyeha Jubaland ku soo xerogeliyo oo uu dib ugu soo noqdo Golihii Wadatashiga oo hadda isu beddelay Xisbiga uu Madaxweynuhu aasaasay, ka dibna laga wadahadlo sharciyadda la siinayo Axmed Madoobe oo xukuma Jubaland. Ha se ahaato e, waxa saaka lagu kala dhaqaaqay Kismaayo, iyada oo aan waxba lagu heshiin, aan ka ahayn afgobaadsi ah in wadahadalku sii socdo.
Khilaafka u dhexeeya Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka muuqday qoraallada ugu dambeeyay ee ay ka soo saareen kulankooda, iyada oo uu mid kaste iska ilaaliyay in uu soo hadalqaado magaca kan kale waana arrin muujinaysa halka ay marayso colaadda labada hoggaamiye oo hore ugu dagaallamay furino dhawr ah.
Madaxweyneha Soomaaliya ayaa waxa ku soo siqaya waqtigii talada waxana isa sii dhimaysa xulafadiisa siyaasadeed oo waxa uu sii galayaa go'doon siyaasi ah. Sidaas awgeed, waxa uu baahi daran u qabay in uu nooc heshiis ah la gaadho Axmed Madoobe iyo maamulkiisa Jubaland si uu isaga fudeydiyo culeyska mucaaridnimo ee ka soo horjeeda, xilli aanu haysan fakaag waqti oo uu siyaasado badan ku ciyaaro. Dhanka kale, Axmed Madoobe oo muddo dheer ku soo dhex jiray siyaasadaha qasan ee Soomaaliya, isagoo ah qabqable dagaal oo xagjir ah iyo isagoo ah Madaxweyne maamulgoboleed, waxa uu hadda u muuqdaa nin aanu waqtigu ku socon una diyaarsanayn jajabnaanta uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga baahan yahay.