Thursday 23 January 2025
Dhegaha bulshada iyo warbaahinta waxaa ku soo laalaabtay warar tibaaxaya in Maammulka Buntilaan laga fuliyo xukunno dil ah oo lagu qaadayo xubno ka kala tirsan ururrada al-Shabaab iyo Daacish. Nuxurka iyo farriinta ay xukunnadaasi wataani waa inay Buntilaan tahay maammul ay u degsan tahay siyaasaddiisa amni oo uusan ka leexan hadba madaxweynaha kursiga ku fadhiista.
Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ahaa asaasaha iyo madaxweynihii u horreeyay ee Buntilaan ayaa billaabay inaan gorgortan laga gelin amniga iyo degenaanshaha deegaannada iyo degmooyinka Buntilaan. Waxa uu dagaal culus oo lagu riiqmay la galay ururkii Itixaad oo isku fidiyay badi deegaannada Buntilaan illaa ay nabad qaateen oo ay qoryihii dhigeen. Wixii intaa ka dambeeyay Buntilaan waxa ay yeelatay ajande amni oo aad u dag oo aan gorgortan la gelin karin oo ay tahay inuu fuliyo Madaxweyne walba oo kursiga ku fadhiista. Waa sababta muddo-xileedyo kaladuwan isku si loogu la dagaallamay al-Shabaab iyo Daacish illaa ay Buntilaan noqotay qubuurtii Argaggixisada. Dhammaan dhacdooyinkii arrinkaa ku saabsan ma wada xusi karno balse, waxaynu dhawr kamida u soo qaadan karnaa tusaale.
Abriil, 2013: Barqo hore ayaa 13 xubnood oo ka tirsan ururka al-Shabaab lagu xiray tiirarka toogashada magaalada Boosaaso. Xubnahan ayaa u badnaa amniyaad dadka ku dila bistoolado. Dadkii ay shabakaddani khaarajisay waxaa kamid ahaa Sheekh DR Axmed Xaaji Cabdiraxmaan. Aroor kamida arooryadii December, 2011-kii ayay dileen isaga oo ka soo baxay masjid uu salaada subax ku tukanayay. Lixda shawaal maalinteeda shanaad ayaa uu sheekhu soonnaa. Maalinkaa ay dileen ilayskii ayaa ka damay reer Boosaaso iyo reer Buntilaan iyo ummadda oo dhan. Balse, sannad iyo bilooyin kadib raggii sheekha dilay waa laga dabageeyay.
Julaay, 2013: Waxaa subax lagu qureecday labo nin oo ka tirsanaa ururka al-Shabaab. Tiirarka geerida ee Garoowe ayaa lagu xiray oo lagu toogtay. Labadan nin ayaa Febraayo, 2013-dii dilay Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax. Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac oo ahaa ninkii gacantiisa ku dilay sheekha ayaa islamarkiiba waxaa qabtay dadweynihii meesha ka dhawaa, halka Cabdullaahi Cismaan Caynte oo ahaa iskudubbaridihii dilka iyo shirqoolka sheekha laga soo qabtay magaalada Laascaanood. Soomaalilaan ayaa qabatay oo u soo gacan galisay Buntilaan. Waxaana laga daba geeyay Sheekhii iyo indheergaradkii ay ummadda ka dileen.
Abriil, 2017: Shabakad shan nin ka koobnayd oo uruka Shabaab ka tirsanayd ayaa magaalada Boosaaso lagu toogtay. Shabakaddan ayaa dilal qorshaysan oo masuuliyiin ah fulisay. Dhammaadka sannadkii 2016 ayay gaysteen dilalkii ugu badnaa. Febraayo 2017 ayuu dil ku xukumay Cabdifataax Xaaji Aadan oo ahaa guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida.
Juun, 2017: Subax Jimco ah ayaa magaalada Bosaaso lagu toogtay toddobo nin oo ka tirsanaa ururka al-Shabaab. Labo kamida waxaa laga soo qabtay magaalada Gaalkacyo. Waxay ahaayeen kuwa bistooladaha wax ku dila, oo waxa ay dileen iskudarka labadaa nin 23 qof. Shanta kale ayaa lagu qabtay magaalada Boosaaso iyaga oo jawaanno qaad ah qarax ku dhexqarinaya.
Noofember, 2019: Markale waxaa magaalada Boosaaso lagu toogtay shan xubnood oo ka kala tirsan al-Shabaab iyo Daacish. Dhammaantood waxa ay ahaayeen kuwa bistooladaha wax ku dila ama loo yaqaano madax-jabiyayaasha. Kuwaas oo kooda u da’da weyni jiray 39 sanno, halka ka ugu yar uu jiray 19 sanno. Shantaba waxaa laga qabtay magaalada Boosaaso.
Juun, 2021: Markani, lama oran karo toogasho ee waa xasuuq. Waxaa subax kaliya tiirka la geeyay 21 xubnood oo ka tirsan ururka al-Shabaab. Saddex xubnood waxaa lagu toogtay Garoowe, hal xubinne waxaa lagu toogtay Qardho, halka toban iyo siddeeda soo hartay lagu toogtay magaalada Gaalkacyo. 21-dan xubnood ayaa u badnaa madax-jabis. Ammiirka shabakaddan ayaa ahaa Maxamed Xaashi oo beesha Xawaadle ka soo jeeda. Labadiisa kuxigeen ayaa ka soo jeeday beesha Majeerteen.
Julaay, 2021: Sagaal maalmood marka ay ka soo wareegatay 21-dii xubnood ee la toogtay, waxaa haddane tiirka la geeyay siddeed xubnood oo al-Shabaab ka tirsan. 35 jir ayaa u weynaa, 21 jirna waa u yaraa. Magaalada Gaalkacyo ayaa subax kaliya lagu toogtay xubnahaas. Sidaa awgeed, wax ka yar toban maalmood ayay Buntilaan tiirka gaysay 29 nin oo al-Shabaab ah.
Maarj, 2023: Magaalooyinka kala ah Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa subax kaliya waxa ka dhacay toogashada xubno isugu jiray argagaxiso ka kala tirsanaa al-Shabaab iyo Dacaaish iyo ciidanka Buntilaan oo dilal sharci darro ah geystay. 13 xubin waxa ay ka kala tirsanaayeen al-Shabaab iyo Daacish. Halka lix askar oo ka tirsan Buntilaan oo dilal gaystay lagu fuliyay xukunka qisaasta. Wadarta maalinkaa ayaa ahayd 18 nin oo tiirka la geeyay.
Febraayo, 2024: Waxaa magaalada Boosaaso dil toogasho lagu xukumay rag ajaanib u badnaa oo ka tirsanaa ururka Daacish. Lix nin oo dalka Marooko u dhashay ayay ahaayeen. Raggaas waxaa la la soo qabtay labo nin oo Soomaali iyo Itoobiyaan kala ah oo iyaga lagu xukumay min toban sanno oo xarig ah.
Ogost, 2024: Markale oo saddexaad waxaa tiirka geerida ee magaalada Gaalkacyo lagu xiray toban xubnood oo ka tirsan ururka arxanka daran ee al-Shabaab. Kolkaa waxay ka dhigan tahay in magaalada Gaalkacyo tiirkeeda geerida lagu xiray oo lagu toogtay soddon iyo lix xubnood oo ururka al-shabaab ka tirsan.
Maammulka Butilaan tiirka oo kaliya ma geynin ee sidoo kale waxa uu la galay dagaal toos ah. Waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa dagaalkii caanka baxay ee togga Suuj ee deegaanka Garmaal ee gobolka Nugaal ee Buntilaan. In ku dhow ama ka badan 400 oo dagaalyahanno al-Shabaab ah ayaa doomo ku yimid xeebaha Buntilaan. Waxaa jabhaddaas iyo guud ahaan jabhadda al-Shabaab ee Buntilaan ka dagaallanta amiir u ah Yaasiin Cismaan Kilwa oo jifo ahaan ka soo jeeda beesha Warsangeli.
Yaasiin Kilwa oo madaxiisu saran tahay $3M ayaa ururka wakiil uga ah deegaannada Buntilaan. Labo waajibaad ayay ururka uga fadhiyaan Yaasiin Kilwa inuu guto. Waxayna waajibaadyadaasi kala yihiin inuu soo afjaro Daacishta buuraha ku jirta ee uu amiirka u yahay odayga gadhka cas ee Cabdiqaadir Muumin iyo inuu la dagaallamo maammulka Buntilaan.
Maarj, 2016-dii dagaalyahannadii doomaha ku yimid ee afarta boqol ka badnaa waxay dadka qaar ku sheegeen in ujeedku ahaa inay xoojiyaan unugga Waqooyi-Bari ee al-Shabaab si ay dagaal weyn ugu qaadaan Daacish iyo Buntilaan. Balse, markiiba waxaa ka war helay colka culus ciidamada Buntilaan oo aanba sugin ee horay xabbadaha kaga billaabay intaysan nasan. Dagaal socday saacado badan kadib wax lagu sheegi karo xasuuq ayaa halkaa ka dhacay. Dhimashada AS ayaa kor u dhaaftay 70 dagaalyahan, waxaana maxbuus ahaan loo soo qabtay 35 dagaalyahan, hub iyo saanad ciidanna waa laga qaniimaystay. Dagaalkaas iyo dagaallo kale oo uu ururku la galay maammulka Buntilaan waxa uu ku waayay tiro ka badan 500 oo dagaalyahan, taas oo dhaawac culus oo aanu ka waaqsan ku noqotay.
Xilliga uu dagaalkaas dhacayay waxaa Madaxweyne ahaa Cabdiweli Cali Gaas, Ogost, 2024 oo toban xubnood la tooganayane waxaa Madaxweyne ah Saciid Cabdullaahi Dani, halka goortii tiirka la gaynayay raggii labada caalim dilay uu Madaxweyne ahaa Cabdiraxmaan Maxamed Faroole. Halkaa waxaa kaaga muuqanaya in la dagaallanka argagaxisadu tahay yool ka go’an oo ay ka midaysan yihiin madaxda Buntilaan. Shacabka Buntilaan ayaa iyaguna qayb weyn ka ah soo qabashada iyo in meel looga soo wada jeedsado lana garab istaago hay’adaha amniga. Koonfurta Soomaaliya badi ma jirto degmo degmo kale looga gudbi karo illaa diyaarad la raaco mooyee. Halka deegaannada iyo degmooyinka Buntilaan aad habeenkii guure kaga bixi kartid adiga oo saddexlahaaga dhaansaday, go’aaga iyo ushaadane horay u sii qaatay.