Skip to main content

Tuesday 15 September 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Budhcad-Badeednimadu Miyey Soo Laabatay?

24 August, 2026
Image
 Budhcad-Badeednimadu Miyey Soo Laabatay?
Share

Laba markab oo muddo kooban gudaheed la afduubtay, hal marin-biyood oo istaraatiiji ah iyo su'aal dib u soo noqotay: Budhcad-badeednimadii Soomaaliya ma soo laabatay, mise gobolka wuxuu galay weji cusub oo khataraha badda ah? Soomaaliya iyo budhcad-badeednimada dunidu muddo dheer si aan kala go' lahayn ayay isugu xidhiidhin jirtay. Xeebaha dhaadheer ee dalka, kuwaas oo noqon karay il dhaqaale oo ku dhisan kalluumaysi iyo ganacsi, ayaa mar noqday meel ay maraakiibta ganacsigu ka baqaan inay maraan. Weerarro ayaa ka dhici jiray badda, maraakiib ayaa la qabsan jiray, shaqaalahana waxaa loo hayn jiray madax-furasho.

Budhcad-badeednimadu sidaas ayay uga gudubtay xeebaha Soomaaliya, waxayna isu beddeshay arrin saamayn ku yeelata ganacsiga caalamka, kharashaadka caymiska, amniga maraakiibta iyo xasilloonida mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan dunida.

Markii hawlgallada ciidamada badda ee caalamiga ahi xoogaysteen, dawladuhu iska kaashadeen ilaalinta marinnada, shirkadaha maraakiibtuna qaadeen tallaabooyin amni oo dheeraad ah, weerarradii budhcad-badeeddu si weyn ayay hoos ugu dhaceen. Muddo sannado ahna waxaa muuqatay in boggii ugu madoobaa ee budhcad-badeednimada Soomaaliya la soo afjaray. Hase yeeshee, dhacdooyinkii Agoosto 2026 waxay dib u soo nooleeyeen su'aal aan si fudud loo iska indho tiri karin. 

17-kii Agoosto, markabka M/V Lutuf ayaa lagu qabsaday meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya. Saddex maalmood oo keliya kaddib, 20-kii Agoosto, markabka shidaalka qaada ee MT Sibu 1 ayaa lagu afduubay Gacanka Cadmeed, waxaana lagu soo warramay in loo weeciyay dhanka Soomaaliya. Labadan dhacdo waxay ka dhaceen laba dhinac oo ka mid ah isla aagga istaraatiijiga ah, waxayna keenayaan su'aasha ah: Budhcad-badeednimadii Soomaaliya ma dhab bay u soo laabanaysaa, mise waxa aynu wajahaynaa weji cusub oo khataraha badda ah? Jawaabtu ma aha mid degdeg loo bixin karo. Waxa muhiimka ahi waa in la fahmo waxa dhacay, goobta ay dhacdooyinku ka dhaceen, cidda ku lugta leh iyo sida ay khataraha cusub uga duwan yihiin budhcad-badeednimadii hore.

Markabka: MT SIBU 1

MT Sibu 1 ayaa 20-kii Agoosto marayay Gacanka Cadmeed, qiyaastii 136 mayl-badeed bari kaga beegan Al-Mukalla ee Yemen, markii markab aan la aqoonsan uu kusoo dhowaaday. Markabku wuxuu diray baaq degdeg ah oo looga dalbanayo gurmad, kaddibna lix nin oo hubaysan ayaa fuulay, la wareegay gacan-ku-hayntiisa, una weeciyay dhanka Soomaaliya. Markabka waxaa saarnaa 20 shaqaale ah, oo ay ku jiraan 16 badmaax oo Hindi ah. Masuul sare oo ka tirsan Wasaaradda Maraakiibta Hindiya ayaa xaqiijiyey in 16-ka Hindi ahi badqabaan, halka jinsiyadaha afarta shaqaale ee kale aan weli si cad loo shaacin. Sibu 1, oo hore loogu yiqiin Seamull, wuxuu ku shaqaynayay calan la sheegay inuu yahay kan Eritrea, inkasta oo xogta Equasis ay diiwaangelinta Eritreanka ku tilmaamayso mid aan sax ahayn.  Ka hor afduubka, xogta AIS waxay muujinaysay in dekedda Port Sudan ay ahayd halka uu markabku ku wajahnaa. 

Dhacdadan waxa kale oo ku jira arrin xasaasi ah: Maraykanku wuxuu Seamull saaray cunaqabatayn bishii Diseembar 2025, isaga oo ku eedeeyey inuu marar badan qaaday badeecooyin batrool oo Iiraan ah, oo ay ku jireen naphtha iyo gasoil, isla markaana uu ku xirtay dekedo Yemen ku yaalla oo Xuutiyiintu maamulaan. Haddaba, Sibu 1 laguma afduubin xeebaha Soomaaliya. Dhacdadu waxay ka dhacday Gacanka Cadmeed, meel u dhow Yemen, halka jihada loo waday ay ahayd Soomaaliya. Kala saariddani waa muhiim, maadaama ay muujinayso in khatarta badda ee gobolka aan lagu koobi karin hal xeeb ama hal dal.

Digniinta ka timid xeebaha Soomaaliya

Haddii Sibu 1 uu yahay dhacdo ka dhacday Gacanka Cadmeed, M/V Lutuf wuxuu si toos ah u taabanayaa xeebaha Soomaaliya. 17-kii Agoosto ayaa markabka Lutuf lagu qabsaday meel ku dhow xeebaha Soomaaliya, kaddib markii siddeed nin oo hubaysan ay fuuleen markabka oo ay la wareegeen gacan-ku-hayntiisa. Warbixinno laga helay hay'adaha la socda amniga badda ayaa sheegay in dhacdadu ka dhacday meel u dhow Mareeyo, Soomaaliya. Lutuf waa markab xamuul oo la dhisay 1995-kii

Dhacdadan ayaa si gaar ah u mudan in loo fiirsado, maadaama warbixinnadu tilmaamayaan in markabku siday xamuul xasaasi ah oo ay ku jireen qalab ciidan iyo isgaadhsiin. Halkaas ayay dhacdadu ka yeelanaysaa weji ka duwan afduub ganacsi oo caadi ah. Markab ganacsi oo lagu qabsado meel u dhow xeebaha Soomaaliya waa arrin amni; laakiin marka xamuulka markabku leeyahay muhiimad ciidan ama istaraatiiji ah, dhacdadu waxay yeelan kartaa saamayn ka ballaadhan madax-furasho iyo budhcad-badeednimo. Sidaa darteed, Lutuf waa in aan si degdeg ah loogu fasirin oo keliya inay tahay “budhcad-badeednimo soo noqotay.”

Budhcad-badeednimada iyo khatarta maanta

Budhcad-badeednimadii Soomaaliya ee sanadihii 2000-meeyadii iyo horraantii 2010 waxay lahayd hannaan si weyn loo fahmi karay. Kooxo hubaysan ayaa maraakiib ganacsi qabsan jiray, dabadeedna markabka iyo shaqaalaha waxay u adeegsan jireen dammaanad madax-furasho. Maanta se xaaladdu way ka murugsan tahay. Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas waxaa isku dul yimid khataro iyo loollan goboleed oo kala duwan. Sidaa darteed, marka maanta markab lagu qabsado aaggan, su'aashu ma noqon karto oo keliya: “Budhcad-badeed baa mise ma aha?” Su'aasha ka muhiimsan waa: Yaa ka dambeeya? Maxay doonayaan? Ujeeddadee ayay leedahay hawlgalku? Ma madax-furasho ayaa la raadinayaa, mise dhacdadani waxay qayb ka tahay isbeddel amni oo ka ballaadhan budhcad-badeednimada?

Gacanka Cadmeed

Gacanka Cadmeed ma aha oo keliya marin ay maraakiibtu maraan. Waa qayb ka mid ah silsilad badeed isku xidha Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed, Baab al-Mandab iyo Badda Cas. Baab al-Mandab, oo isku xidha Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, wuxuu ka mid yahay marin-biyoodyada ugu muhiimsan ganacsiga caalamka. Khalkhal kasta oo amni oo ka dhaca aaggan wuxuu saamayn ku yeelan karaa maraakiibta ganacsiga, kharashaadka gaadiidka, caymiska iyo silsiladaha sahayda ee caalamka. 

Muhiimaddaas ayaa sababtay in dalal badan ay kordhiyaan iskaashiga dhinaca amniga badda. Sida ay Wakaaladda Wararka Sacuudigu (SPA) soo werisay, dalal badan ayaa ku dhawaaqay hindise ku saabsan Multinational Maritime Defense Alliance, kaas oo diiradda saaraya xoojinta amniga Badda Cas, Baab al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed. Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka lagu sheegay inay taageereen hindisahaas. Arrintani waxay muujinaysaa in amniga badda ee Geeska Afrika aanu mar dambe ahayn arrin ku kooban Soomaaliya iyo ilaalinta xeebaha oo keliya. Wuxuu noqday arrin si toos ah ugu xidhan ganacsiga caalamiga ah, tamarta iyo isu-dheellitirka awoodaha gobolka.

Soomaaliya: halista iyo fursadda hortaal maanta

Soomaaliya waxay leedahay mid ka mid ah xeebaha ugu dhaadheer qaaradda Afrika. Juqraafiyaddaasi waxay dalka siin kartaa fursado waaweyn oo dhinaca “dhaqaalaha badda” (=Blue Economy) ah: kalluumaysiga, dekedaha, gaadiidka badda, adeegyada maraakiibta, dalxiiska iyo maalgashiga xeebaha. Laakiin juqraafiyaddu mar walba fursad ma noqoto. Haddii xeebuhu noqdaan meel ay kooxo hubaysan si fudud uga hawlgalaan, isla goobtii noqon lahayd il dhaqaale waxay isu beddeli kartaa culays amni iyo dhaqaale. Khatarta budhcad-badeednimadu kuma koobna oo keliya markab la qabsado. Waxay saamayn kartaa maalgashiga, ganacsiga, shaqo-abuurka, caymiska iyo sumcadda Soomaaliya ee dhinaca amniga badda. Sidaa darteed, ilaalinta xeebaha waa inay la socotaa horumarinta dhaqaalaha dadka xeebaha ku nool.

Kalluumaysatada oo hela fursado dhaqaale, dhallinyarada xeebaha oo hela shaqo iyo xirfado, iyo dekedaha oo si hufan loo maamulo waxay qayb ka noqon karaan yaraynta fursadaha ay kooxaha sharci-darradu ka helaan bulshada. Amniga badda iyo horumarinta dhaqaalaha xeebaha waa laba dhinac oo hal siyaasad ah.

Maxaa laga gunti karaa?

Labadan dhacdo waxay Soomaaliya xusuusinayaan xaqiiqo aan la dafiri karin: Amni badeed oo waara laguma dhiso maraakiib dagaal oo keliya. Waxaa loo baahan yahay nidaam isku xidhan oo ay wada shaqeeyaan ciidamada badda, ilaalada xeebaha, hay'adaha amniga, maamulka dekedaha, hay'adaha garsoorka, dawladda federaalka, dawlad-goboleedyada iyo saaxiibbada caalamiga ah. Waxa intaas ka sii muhiimsan in amniga badda aan laga goyn amniga iyo dhaqaalaha dhulka. Haddii xeebaha Soomaaliya loo arko oo keliya meel khatar ka iman karto, waxa la lumin kara fursaddii dhaqaale ee ay baddani dalka siin lahayd. Haddii se amniga, maamulka iyo horumarinta dhaqaalaha badda la isku daro, xeebaha Soomaaliya waxay noqon karaan laf-dhabar dhaqaale oo cusub.

Gunaanad

Haddaba, budhcad-badeeddu ma soo laabatay? Jawaabtu weli ma aha “haa” ama “maya” oo go'an. Laba afduub oo muddo kooban gudaheed dhacay waa digniin culus, balse iyaga oo keliya ma noqon karaan caddayn ku filan oo lagu yidhaahdo budhcad-badeednimadii Soomaaliya waxay ku soo noqotay heerarkeedii hore. Waxaa se aan la inkiri karin waa in nuglaantii amniga badda ee gobolka ay weli jirto. Khataraha maanta waxay ka duwan yihiin kuwii hore. Budhcad-badeednimada, colaadaha gobolka, kooxaha hubaysan, tartanka awoodaha iyo amniga maraakiibta ganacsiga ayaa ku kulmaya marin-biyood istaraatiiji ah oo dunidu si dhow ula socoto. 

Sidaa darteed, dhacdooyinka Sibu 1 iyo Lutuf waa in aan loo arkin oo keliya laba markab oo la afduubay. Waa digniin u baahan feejignaan, xog-ogaalnimo, iskaashi iyo siyaasad amni oo fogaan-arag ah. Su'aasha ugu weyn ee Soomaaliya hor taallaa sidaas darteed ma aha oo keliya: “Budhcad-badeeddu ma soo laabatay?” Waxa ka sii muhiimsan waa: “Soomaaliya ma awood u leedahay inay ka hortagto in nuglaanta xeebteedu isu beddesho khatar cusub oo gobolka iyo dunidaba saamaysa?” Jawaabta su'aashaas laguma heli doono ciidan badeed oo keliya. Waxay ku jirtaa hay'ado shaqaynaya, ilaalin xeebeed oo joogto ah, xog la isku halayn karo, iskaashi goboleed, dhaqaale xeebeed oo xooggan iyo siyaasad amni oo fogaan-arag ah. Xeebta Soomaaliya waa xuduud qaran, laakiin sidoo kale waa marin ay dunidu ka gudubto. Haddii albaabkaas amni loo sugo, wuxuu noqon karaa albaab dhaqaale iyo horumar. Haddii la dayaco, wuxuu mar kale noqon karaa albaab ay khataruhu dunida uga gudbaan.