Wednesday 17 December 2025
Xarunta Hawlaha Ganacsiga Badda ee Ingiriiska (UKMTO) ayaa sheegtay in aroortii Khamiista ay budhcad badeed weerartay markab shidaal oo marayay meel ku beegan xeebaha Soomaaliya, gaar ahaa aagga Eyl, una jirtay 560 mayl oo cabbirka badda ah. Budhcadda ayaa qoryaha fudud iyo galtaalaha RPG ku weerartay markabka ka hor inta aanay korin.
Markabka ayaa markii dambe gurmad ka dalbaday ilaalada badda ee ka hawlgasha aaggaas, sida ay sheegtay xaruntan Ingiriisku.
Dhanka kale, shirkadda leh markabka ahaa xaqiijisay dhacdadan. Shirkadda Latsco Marine Management oo ka diiwaangashay, sidatayna calanka Maalta, ayaa sheegtay in uu markabkeedu siday shidaalka bensiinka oo uu ka qaaday Hindiya una waday Koonfur Afrika, waxana ay shirkaddu caddeysay in uu weerarku qabsaday 11:48, waqtiga maxalliga ah. Hawlwadeennada markabka ayaa galay qaybta badbaadada, inta aanay dalbadan gurmadka.
Arrintan ayaa u muuqata labakacleyn xooggan oo ay sameynayso budhcad badeeddu, waxana ay dunida xusuusinaysaa mawjaddii budhcad badeed ee ka dillaacday xeebaha Soomaaliya, dhawr iyo toban sannadood ka hor, taas oo keentay in iskaashi caalami ah oo ilaalinta badda ah laga sameeyo badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed. Hadda, waxa sannadkii la soo dhaafay oo qudha la diiwaangaliyay illaa 7 dhacdo oo la xidhiidha hawlo budhcad badeed, arrintaas oo dib u soo celinaysa werwerkii ammaanka ganacsiga badda ee xeebaha Soomaaliya.