Skip to main content

Sunday 7 June 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Budhcad-badeed ka afduubtay markab xamuul ah meel u dhow Garacad

28 April, 2026
Image
Budhcad-badeed ka afduubtay markab xamuul ah meel u dhow Garacad
Share

Kooxo budhcad-badeed looga shakisan yahay ayaa afduubtay markab xamuul ah oo marayey meel u dhow xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan agagaarka degmada Garacad ee gobolka Puntland, sida ay sheegeen hay’ado ka shaqeeya amniga badda iyo warbaahin caalami ah.

Markabka la afduubtay, oo lagu magacaabo Sward, ayaa ku diiwaangashan calanka dalka St. Kitts and Nevis, waxaana uu siday shixnad sibidh ah. Wararku waxay sheegayaan in markabku ka soo baxay Suez, Masar, isaga oo ku sii jeeday dekedda Mombasa ee dalka Kenya, ka hor intii aan lagu qabsan meel qiyaastii lix mayl-badeed waqooyi-bari kaga beegan Garacad.

Hay’adda UK Maritime Trade Operations ee loo soo gaabiyo UKMTO, oo la socota xaaladaha amniga badda, ayaa dhacdadan ku tilmaantay afduub badeed. Sidoo kale, shirkadaha amniga badda ee Vanguard iyo Ambrey ayaa sheegay in markabku u muuqdo inuu ku jiro gacanta kooxo budhcad-badeed ah, isla markaana loo jiheeyey dhinaca xeebaha Soomaaliya.

Sida ay sheegtay Vanguard, markabka waxaa saarnaa 15 shaqaale ah, kuwaas oo kala ah laba muwaadin oo u dhashay Hindiya iyo 13 Suuriyaan ah. Illaa hadda si rasmi ah looma faahfaahin xaaladda shaqaalaha markabka saaran, halka ay kooxaha afduubka geystay la tageen, iyo in ay jiraan wada-hadallo ama hawlgallo lagu daba joogo.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Badda Puntland oo la hadlay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegay in sagaal nin oo hubaysan ay la wareegeen markabka. Sarkaalka ayaa intaas ku daray in xaaladda si dhow loola socdo, balse illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo faahfaahsan oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku saabsan natiijada hawlgallada, halka markabku ku sugan yahay, ama xaaladda badqab ee shaqaalihii la socday.

Dhacdadan ayaa noqonaysa afduubkii labaad ee laga soo sheego xeebaha Puntland muddo ka yar toddobaad. Maalmo ka hor, markab shidaal siday oo ka soo baxay dekedda Berbera, kuna sii jeeday Muqdisho, ayaa lagu qabsaday biyaha Puntland. Dhacdooyinkan is xigxigay ayaa kordhiyey walaaca laga qabo in budhcad-badeedda Soomaaliya ay dib u soo laba-kaclaynayso, ka dib sannado ay weerarradoodu si weyn hoos ugu dhaceen.

Ciidamada Midowga Yurub ee howlgalka EUNAVFOR Atalanta ayaa sheegay inay la socdaan dhowr dhacdo oo ka socda xeebaha Soomaaliya, iyaga oo digniin u diray maraakiibta ku sugan masaafo dhan 150 mayl-badeed oo u dhow xeebta. Warbixin ay daabacday The Maritime Executive ayaa sheegtay in howlgalka Atalanta uu xaqiijiyey in markabka Sward weli ku jiro gacanta budhcad-badeedda, isla markaana ay ciidamadiisa badeed si dhow ula socdaan xaaladda.

Soomaaliya ayaa hore uga mid ahayd meelaha ugu khatarta badan dunida ee budhcad-badeeddu ka hawlgasho, gaar ahaan intii u dhexaysay 2008 ilaa 2018. Muddadaas, kooxo hubaysan ayaa weerarro joogto ah ku hayey maraakiibta ganacsiga ee isaga kala goosha Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Weerarradaas ayaa markii dambe hoos u dhacay, ka dib markii la xoojiyey joogitaanka maraakiibta caalamiga ah ee ilaalada badda iyo tallaabooyinka amni ee maraakiibta ganacsigu qaateen.

Hase yeeshee, dhaqdhaqaaqyada budhcad-badeedda ayaa mar kale soo muuqday tan iyo dabayaaqadii 2023, xilli Soomaaliya ay weli wajahayo caqabado amni, dhaqaale-xumo iyo tabar-darri ay xukuumaddeedku ku ilaalso xeebaha Soomaaliya. Falanqeeyayaasha amniga badda ayaa sheegaya in duruufahaas, oo ay weheliyaan mashquulka ku yimid maraakiibta ilaalinta caalamiga ah, ay fursad siin karaan kooxaha budhcad-badeedda inay dib isu abaabulaan.

Afduubka markabka Sward ayaa mar kale soo celiyey doodda ku saabsan awoodda Soomaaliya iyo Puntland u leeyihiin ilaalinta xeebaha iyo ka hortagga weerarrada badda. Waxa kale oo uu muujinayaa baahida loo qabo isku-dubarid xooggan oo dhex mara ciidamada badda, hay’adaha amniga Puntland iyo Soomaaliya, iyo howlgalada caalamiga ah ee ka hortagga budhcad-badeedda.

Haddii dhacdooyinkan soo noqnoqda aan si degdeg ah wax looga qaban, waxay khatar ku noqon karaan isu-socodka ganacsiga badda, badqabka shaqaalaha maraakiibta iyo kalsoonida maraakiibta isticmaasha marinnada muhiimka ah ee u dhow Geeska Afrika.