Thursday 23 January 2025
Ururka BRICS waxa uu abbuuray weydiimo badan oo ku saabsan dabeecadda degel-siyaasadeed. Laga soo bilaabo markii la unkay ururkan tobankii sanno ee ugu horreeyey qarnigan, waxa jiray qiimayno aad u kala tagsan oo ku saabsan koboca isbahaysigan cusub: qiimayno ka dayrinayay sii jiritaanka isbahaysigan, oo u badnaa qiimaynaha reer Galbeedka, hoosna u dhigayay muhiimadda uu yeelan karo isbahaysigu, dhinaca kalena waxa jiray qiimayn yididiilo leh, oo u arkaysay awood degel-siyaasadeed oo cusub, taas oo u babbacdhigi karta awoodda Galbeedka.
Inta badan waaqacu waa uu ka duwanyahay saadaasha, waana sida xaaladda BRICS tahay. Sidaas daraaddeed, waxa aynnu BRICS iska weydiinaynaa weydiin ah: Ma waxa bilaabmay isbahaysi ku cusub xidhiidhka caalamiga ah, mise arrinku waa uun iskaashi istiraatiiyadeed, oo laga yaabo in uu mustaqbalka noqdo isbahaysi? Mise waa garab-isa-siin muddo kooban socon doonta, oo dalalka xubnaha ka ah BRICS rabaan in ay ku wajahaan ‘Dalalka Toddobada ah’, gaar ahaan Maraykanka, sidoo kalena uu isbahaysigan u saamaxo in ay meel awood leh iyagoo taagan galbeedka la galaan gorgortanka daarran dib u qaabaynta xidhiidhka caalamiga ah.
Waxa aynnu ka hadli doonnaa saamaynta isbahaysigani ku yeelan karo dalalka Islaamka ah iyo dalalka Carbeed, iyada oo weliba shanta dal ee isbahaysigan aasaasay ay xoogga saareen dalalkan, afar dawladoodna ku soo dareen (Iiraan, Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar), dalalkan oo halmar ku wada biiray isbahaysigan shirkii Koonfur Afrika ee 2023-kii. Ka qaybgalkooda isbahaysigan ayaa uu ka dhashay shirkii isbahaysigu ku qabsaday magaalada Kazan ee Ruushka bishii hore. Waxa la iska wada ogyahay in siyaasadaha BRICS ay saamayn weyn ku leedahay nooca xidhiidh ee ka dhexeeya dalalka Islaamka ah ee BRICS ku biiray. Waxa is weydiin mudan, BRICS maxaa ay uga dhigantahay dunida Islaamka iyo Carabta, gaar ahaan marka laga eego xagasha dagaalka ka socda gobolka ee ay Israa’iil waddo?
Labadaas weydiimooda ayaa aynnu bedka keenaynaa innaga oo wax ka eegayna xagasha kala wareegga hannaankii caalamiga ahaa iyo hoos u dhaca awooddii Galbeedka ee dunida ka calanwallaynaysay laga soo bilaabo dhammaadkii Dagaalkii Qaboobaa. Waxa kale oo aynnu ka doodi doonnaa tallaabooyinka muhiimka ah ee soo dedejiyey isbeddelka awoodaha dunida ku yimi, sida dagaalka Yahuuddu ka waddo gobolka, loollanka dalal gobolka ahi ugu jiraan xidhiidh la samaynta Israa’iil iyo dedaalka dheeraadka ah ee uu Maraykanku ku bixinayo cunaqabataynta Shiinaha, weliba si gaar ah iyada oo uu Trump mar kale madaxweynannimo ku guulaystay.
Inta badan ereyga “isbahaysi”, marka la joogo xidhiidhada caalamiga ah, waxa lagu qeexaa heshiis rasmi ah oo waajibaad ka dhalanayo, una dhexeeya laba dal iyo in ka badan, laguna heshiiyey is kaalmayn iyo isgarabtaag, gaar ahaan xilliga dagaal jiro. Tusaalaha ugu mudan in la soo qaato, muddada badanna jiray, waa NATO. Waxa la aasaasay dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Dunida, waxaanu ahaa isbahaysi lagu jaangooyey istiraatiijiyadda Maraykanku u dhigay horjoogsashada fiditaankii Midawga Soofiyat iyo taliskii Hantiwadaagga. Ilaa hadda waxa ku jira 28 dal, iyada oo Midawgii Soofiyat muddo ka hor dumay, isbahaysigani waa uu sii ballaadhanayaa, waxaanu xoogga saarayaa Yurubta Bari. Marka laga reebo xaaladdo dhif ah, sida xaaladda Turkiga tobankii sanno ee u dambeeyey, isbahaysiga NATO waxa uu ku tilmaamanyahay in dalalka ku jiraa ay hal aragti ka qaataan sida loo wajahayo xaaladaha iyo dagaallada dunida ka jira, waxaanay dhinac ka wada istaagaan kala soocidda cidda saaxiib u ah iyo cidda cadaw u ah.
Dhinac kale, waxa jira erey kale oo xidhiidhada caalamiga ah loo adeegsado, waa erey macnaha isbahaysi ka miisaan yar, waana ereyga “dan-wadaagid”. Waxa uu tusinayaa nooca xidhiidhada aan heshiis u baahnayn, inta badanna la xidhiidha dano la wadaagayo muddo kooban ama marxalad kalaguur ah, xidhiidhka noocan ahina ma keensado is difaacid iyo in labada dhinac garab iska siiyaan dagaallada. Mararka qaar xidhiidhka noocan ah waxa lagu ladhaa tilmaanta ah “wadaagga istiraatijiga ah” oo ah xidhiidh ka sii horumarsan xidhiidh dano kooban la wadaagayo.
Tusaalaha loo soo qaadan karo xidhiidhka noocan ahi waa Shiinaha, oo ka mid ah shanta dal ee aasaasay BRICS. Shiinuhu waxa uu ku dedaalayaa in uu farqiyo aad u yaryar u kala sameeyo noocyada xidhiidho ee uu la wadaago dalalka. Tusaale ahaan, xidhiidhka uu la leeyahay dalalka Ruushka, Baakistaan iyo Fenesweella waxa uu u yaqaan “wadaagga dano istiraatiijiyadeed oo ballaadhan”, mararka qaarna waxa uu Shiinuhu khudbadaha rasmiga ah ku sheegaa in xidhiidhka uu dalalkaas la leeyahay uu yahay xidhiidh heer gobol iyo heer caalamiba koobsanaya.
Waxa jira heerar ka hooseeya, sida “danawadaagga istiraatiijiga ah” oo lagu qeexi karo in uu yahay xidhiidh dalalka u dhexeeya oo koobsanaya heer gobol iyo heer caalamiba, oo uu soo gudo geli karo xidhiidh heer millatari ahi, waxa kale oo ka mid ah heerarkaas “xidhiidhka saaxiibtinnimo” oo lagu qeexi karo xoojinta iskaashiga laba dal, kuwaas oo iska kaashanaya arrimaha labada dal khsuseeya, sida ganacsiga.
Noocyada xidhiidhadani waxa ay soo hoos galayaan xidhiidhada Shiinuhu la yeesho dalal kala duwan, isaga oo ka fogaanaya in xidhiidhadaas lagu tilmaamo “isbahaysi”. Xidhiidhadiisa siyaasadda arrimaha dibaddu waxa ay soo bilaabmeen kontanaadkii, xilligaas oo Shiinuhu qayb ka ahaa aasaasidda ururkii “Dalalka Dhexdhexaadka ah”. Waxa uu ahaa urur xoogga saarayay in aan la dhexgelin kala qaybinta dunida ka taagnayd, dunidana loogu kala qaybinayey dalal cadaw ah iyo dalal saaxiibbo ah. Waa aragti sii xoogaysatay dhammaadkii Dagaalkii Qaboobaa, si gaar ahna u xoojisay isku soo dhawaanshihii Shiinaha iyo Maraykanka ee dhinaca dhaqaalaha. Habkan ayaa uu Shiinuhu ku sameeyey xidhiidho “iskaashi” oo heerar kala duwan leh, waxaanu xidhiidhkan la yeeshay dalal boqol ku dhow oo ka mid ah 180-ka dawladood ee uu xidhiidhada diblumaasiyadeed la lahaa.
Hase ahaatee, ereyada iyo magacbixintu kama tarjumaan siyaasadda dhabta ah. Shiinuhu waxa uu u muuqdaa in uu si xoog ah u danaynayo in uu “isbahaysi” sameeyo, waana dedaal uu marba marka ka sii dambaysa uu sii xoojinayo, gaar ahaan intii uu Madaxweyne Xi Jinping talada qabtay, sannadkii 2012-kii. Qorshahan waxa la sii xoojiyey shirkii labaatanaad ee Xisbiga oo dhacay 2022-kii, markaas oo la dejiyey istiraatiijiyadda ka hortagga Galbeedka, gaar ahaan Maraykanka, ujeedkuna ahaa “Shiine Midaysan” oo Taywan ka mid tahay.
Waa istiraatiijiyad lid ku ah istiraatiijiyadda Maraykanku u dejiyey in “xoogga la saaro qaaradda Eeshiya”. Istiraatiijiyada Maraykanku, sida uu Barack Obama sannadkii 2011-kii ku dhawaaqay, si toos ah ayaa ay uga shaqaynaysa in Shiinaha lagu go’doomiyo Badda Koonfureed ee Shiinaha. Shiinuhu si guud waa uu ka digtoonyahay in uu dagaal la galo Maraykanka oo gobolka kula tartamaya, waxaana tusaale u ah in Shiinuhu kaalmo dhaqaale iyo millatariba la barbarjoogo Ruushka ku jira dagaalka Yukrayn, isla jeerkaasna Shiinuhu uu iska ilaalinayaa in uu si toos ah dagaalkaas faraha ula galo, waxaanu muujinayaa dedaal dheeraad ah si xabbad-joojin loo sameeyo.
Shiinaha, oo hadda ah awoodda tiro ahaan, dhaqaale ahaan iyo millatari ahaanba u babbac dhigi karta Maraykanka, ayaa hormuud u ah hoggaanka BRICS. Waa ay adagtahay in aan la malaysan in Shiinuhu ku dedaalayo in uu ajandayaashiisa ka dhanka ah Maraykanka dhexmarsado BRICS. Waxa cad in Shiinuhu taageero u helayo istiraatiijiyaddiisa ah in la abuuro duni awooddo isdheellitira leh, taageerada u weynna waxa uu ka helayaa Ruushka, oo istiraatiijiyaddaas kula socda, walow aanay waajib ahayn in ay isku si u arkaan qaabka lagu gaadhayo yoolkaas. Si kasta oo ay ahaataba, xidhiidhka Ruushka iyo Shiinuhu weli ma gaadhin heer “isbahaysi”, gaar ahaan, mabda’a in midiba midka kale difaaco marka dagaal jiro.
Dhinaca kale, suuragal ma aha in la xaqiijiyo in dhammaan dalalka kale ee xubnaha ka ah BRICS leeyihiin ajandahaas kor ku xusan, gaar ahaan, in la sameeyo isbahaysi ballaadhan oo ka dhan ah reer Galbeedka, oo uu ugu horreeyo Maraykanku, sababtoo ah Hindiya, Koonfur Afrika iyo Baraasiil kama mid noqon karaan istiraatiijiyadda Shiinaha iyo Ruushka. In kasta oo ay taageersanyihiin mabda’a ah: “dunidu baahi ayaa ay u qabtaa awooddo isdheellitira”, haddana dalalkani waxa ay xidhiidho taariikhi ah oo dhaqaale ama siyaasadeed la leeyihiin Galbeedka, waana dalal loo arko nidaamyo dimuqraaddi ah oo liberaali ah. Dhinaca kale, Shiinaha iyo Hindiya waxa ka dhexeeya khilaaf siyaasadeed, waxaanay tartan ugu jiraan gobolka Bariga Dhexe, waxaana ka dhexeeya khilaaf xuduudeed.
Halkan waxa aynnu ka arki karnaa in dalalka aasaasayasha u ah BRICS kala wataan laba ajande oo kala duwan; isu soo dhawayn, dhexdhexaadin u muuqata, oo ay wadaan dalalka saddexda ah ee dimuqraaddiga ah, iyaga oo u dan leh dejinta qorshe lagu hagaajinayo nidaamka caalamiga ah iyada oo aan xidhiidhka loo jarin reer Galbeedka, iyo istiraatiijiyadda Shiinaha iyo Ruushku wataan ee ah ka hortagidda Galbeedka iyo in la waajaho siyaasadihiisa. Kala duwanaantan ka dhex jirta shanta dal ee aasaasayaasha ka ah BRICS waa waxa fasiraya baaqyada ka soo baxa ururkan ee markasta lagu bilaabo in BRICS aanay dhinacna dagaal kula jirin.
Haddaba, waxa ina horyaalla dano kulmiyey awoodaha dhaqaale ee Koonfurta Dunida, ujeedkuna yahay in mustaqbalka fog wax laga beddelo nidaamka dunida, oo soyaal ahaan awoodda Galbeedku hoggaanka u haysay. Haddana, kala duwanaanta ajandayaasha dalalka aasaasay ururkan ayaa diidaya in uu ururkani noqdo isbahaysi dhab ah oo ka dhan ah Galbeedka.
Dhinaca kale, xaaladda guud ee jirtaa waxa ay saamaxaysaa in heer dhexe oo aan isbahaysi ahayn BRICS ku wada joogto, waa iskaashi iyo dan-wadaagnimo marna kor u kici kara marna hoos u dhici kara, dal kastana macno ugu samayn kara kolba inta uu u jiro reer Galbeedka. Hindiya ayaa u muuqata dalka reer Galbeedka ugu dhow shantan dal ee ururka aasaasay, waxaanay qayb ka tahay ururro Maraykanku sameeyey oo si cad u bartilmaameedsada Shiinaha. Waxaana ugu horreeya ururka “Afarta Dal” oo xaruntiisu tahay badweynta Hindiya iyo Baasifiga, oo ujeedkiisu yahay ka hortagga Shiinaha. Siyaasadaha Baraasiil iyo Koonfur Afrika ayaa u dhexeeya kuwa Hindiya ee Galbeedka aadka ugu dhow iyo kuwa Ruushka ee aadka uga foga Galbeedka, dagaalkana kula jira.
Suuragal maaha in aynnu fahanno dabeecadda BRICS-ka Bariga Dhexe, innaga oo aan fahmin ajandayaasha aasaasayaasha shanta ah ee BRICS iyo sababaha muuqda ama suuragalka ah ee ay u rabaan in BRICS ku fiddo Bariga Dhexe, oo ah gobolka ay ku yaallaan dalalkii qaybta libaax ka qaatay xubnihii cusbaa ee BRICS kusoo biiray Shirkii Johannesburg. Waxa ay u muuqataa in Shiinuhu si gaar ah u danaynayo xubnaha Bariga Dhexe ee BRICS, danaha Shiinaha ee Bariga Dhexena waa kuwo cad, sida in uu rabo in uu ka soo dhoofsado tamarta iyo in uu kor u qaado ganacsigiisa gobolkan. Laga soo bilaabo markii Shiinuhu billawgii sagaashanaadkii bilaabay soo dhoofsashada shidaalka, waxa uu bilaabay in uu kala badh baahiyaadkiisa shidaalka Bariga Dhexe ka helo.
Sacuudigu waxa noqday sannadkii tagay dalka labaad ee shidaalka ugu badan u dhoofiyey Shiinaha, marka laga yimaaddo Ruushka oo dalka koowaad ah, Sacuudiga oo boqolkiiba 15 shidaalka Shiinuhu soo dhoofsaday lahaa. Sannadkii 2022-kii ganacsiga Shiinaha iyo Bariga Dhexe ka dhexeeya waxa uu kor u dhaafay 507 bilyan oo doollar, taas oo ah labajibbaar intuu ahaa 2017-kii. Marka dhinacan laga eego, in Bariga Dhexe qayb ka noqdo mashruuca istiraatiijiyadeed, Shiinaha waa u muhiim. Dedaalka uu Shiinuhu ku bixinayo Bariga Dhexe kuma koobna dhinaca dhaqaalaha, se waxa uu xoogga saarayaa dhinacyada nabadgalyada iyo diblumaasiyadda. Shiinuhu waxa uu si tartiib ah horumar uga samaynayaa in uu qayb ka noqdo heshiisyada siyaasadeed ee waaweyn ee aan ganacsiga ahayn, gaar ahaan, heshiisyada khuseeya sugidda nabadgalyada gobolka iyo hoos-u-dhigidda awoodda Maraykanka ee gobolka. Waxa tusaale loo soo qaadan karaa dhexdhexaadintii Shiinuhu u sameeyey Sacuudiga iyo Iiraan oo magaalada Bakiin ka dhacday bishii Maaris ee 2023-kii. Waa tusaale loo soo qaadan karo sida Shiinuhu u rabo sugitaanka nabadgalyada ilaha uu tamarta ka helo ee gobolka iyo isku soo dhawaynta awoodaha gobolka ee kala tagsan, si gaar ah Sacuudiga iyo Iiraan.
Hase ahaatee, dedaallada dhexdhexaadinta Shiinuhu ku bixiyey Bariga Dhexe waxay ay wajahayaan adayg iyo xaaladdo murugsan. Heshiisiinta Shiinaha ee Iiraan iyo Sacuudigu deggenaansho waa ay keeni kartaa, hase ahaatee meesha ka saari mayso qodobbada waaweyn ee labada dal isku hayaan, sababtoo ah waxyaabaha gundhigga u ah labada nidaam ayaa khilaafka ka dhex taagan sabab u ah, isku dhacna keeni kara; waxyaabahaas oo noqon kara ku kala duwanaanta xidhiidhada taariikhiga ah ee ay la leeyihiin awoodaha caalamiga ah amaba aragtiyaha kooxeed ee kala fogaynaya labada dal. Waxa kale oo sal u ah khilaafka labada dal aragtida laga qaadanayo dagaalka gobolka ka socda iyo dhinaca laga istaagayo Israa’iil, qaabka loo ilaalin karo nabadgalyada gobolka iyo guud ahaan mustaqbalka gobolka.
Dedaallada Shiinuhu ku bixinayo Bariga Dhexe waxa caqabbad ku ah Hindiya oo kula loollamaysa gobolka, gaar ahaan dedaallada Shiinuhu ku bixinayo xidhiidhka Iiraan iyo Sacuudiga. Hindiya oo ka mid ah dalalka aasaasay BRICS, waxa ay si toos ah caqabbad ugu tahay dedaalka Shiinaha iyo mashruuca uu ku horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka. Hindiya waxa ay waddaa in ay caadiyeyso xidhiidhada Sacuudiga iyo Imaaraadku la leeyihiin Israa’iil, waana tallaabo wiiqaysa dedaalka Shiinuhu ugu jiro wanaajinta xidhiidhka Iiraan iyo Sacuudiga.
Waxa aad muhiim ah in la ogaado xidhiidhada iyo dhaqannada taariikhiga ah ee ay wadaagaan Iiraan iyo Hindiya. Sidaas oo ay tahay, siyaasadda Hindiya ee ku lidka ah dalka ay jaarka yihiin ee Baakistaan keliya ma gilgilayso xidhiidhka aan cagaha badan ku taagnayn ee ay la leedahay Shiinaha, ee waxa kale oo ay adkaynaysaa in ay mustaqbalka fog xidhiidh adag la yeelato Iiraan, sababtuna waa in Baakistaan iyo Iiraan udubdhexaad u yihiin fulinta mashruuca kaabayaasha dhaqaalaha ee Shiinuhu wado, sidoo kalena wadaagaan siyaasaddo taariikhi ah.
Ka dib intii Hinduuska qawmiyiinta ahi talada dalka Hindiya qabteen, xidhiidhkooda Israa’iilna adkeeyeen, khilaafka Hindiya iyo Iiraan cirka ayaa uu isku shareeray, waxaanu gaadhay meel aanu hore u gaadhin, khilaafkaasina waxa uu aad usii weynaaday wixii ka dambeeyey 7-dii Aktoobar ee 2023-kii. Waxa tusaale loo soo qaadan karaa hadal uu Hoggaamiyaha Iiraan ee Cali Khaamini uu ku qoray bartiisa X (Twitter) bishii Sibtambar ee ina dhaaftay, waxaanu duray xaaladda ay ku suganyihiin muslimiinta ku nool dalal dhowr ah oo Eeshiya ku yaalla, waxaanu si gaar ah u xusay Hindiya (Ma soo hadalqaadin Shiinaha). Hadalkan waxa ka jawaabtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya, oo mawqifka Hoggaamiyaha ku tilmaantay wax aan la aqbali karin.
Dhinaca kale, Hindiya, si ka duwan xidhiidhka ay Iiraan la leedahay, waxa ay xidhiidh iyo isku soo dhawaansho xeeldheer la leedahay dalalka Carbeed ee tartanka kula jira Iiraan, si gaar ah Imaaraadka iyo Sacuudiga. Si kale haddii loo dhigo, siyaasadda Hindiya ee Bariga Dhexe ayaa ka xeeldheer ta Shiinaha ee gobolka, sababtoo ah waxa ay ku qotontaa u kala xaglinta khilaafka Sacuudiga iyo Iiraan, si ka duwan siyaasadda Shiinaha ee garab siinaysa Iska caabbinta Falasdiiniyiinta.
Marka laga yimaaddo Shiinaha iyo Hindiya, Ruushka ayaa isaguna kaalin mug leh ka qaadanaya Bariga Dhexe, saamayntiisa siyaasadeedna tahay mid taariikhi ah, khibrad badanna u leh dhinaca duufaannada Bariga Dhexe u socdaan. Si ka duwan Shiinaha iyo Hindiya, Ruushku waxa uu xaaladda Bariga Dhexe uga qayb qaatay Millatari ahaan, ciidamadiisuna waxa ay joogaan Suuriya. Waxa kale oo uu wadashaqayn millatari iyo nabadgalyo la leeyahay Iiraan. Ruushku millatari ahaan waa dalka saamaynta u badan ku leh gobolka marka labada hore loo eego, waxaanu si toos ah gobolka kula dirirayaa awoodda Maraykanka.
Joogitaanka ciidamada Ruushka ee magaalada Tartus ee Suuriya, oo ah halka uu ku yaallo Saldhiga ugu muhiimsan ee Ruushku gobolka ku leeyahay, waa joogitaan istiraatiiji ah oo aanu Ruushku hore u helin. Joogitaankiisa gobolku waxa ku gacan siisa Iiraan oo uu isbahaysi kala dhexeeyo. Sidoo kale, Ruushku waxa uu degaamaystay meel u saamixi karta in uu heshiisyo galo, kagana faa’idaysto dib-u-gurashada xulafo soo jireen ah oo uu Maraykanku ku lahaa gobolka.
Waa shaki la’aan in Ruushku naawilayey dhexdhexaadinta Iiraan iyo Sacuudiga, sababtoo ah keliya xidhiidh wanaagsan lama laha Iiraan, se sidoo kalena waa uu ku xidhanyahay Sacuudiga. Siyaasadda Shiinaha ee Bariga Dhexe waa mid waafaqsan siyaasadda Ruushka ee gobolka, se daruuri maaha in Ruushku soo dhaweeyo dhexdhexaadinta Shiinuhu sameeyey. tartanka cusub ee Shiinuhu waxa uu gobolka kusoo biiray xilli Ruushku caaddaystay in uu keligii kaalin laxaad leh ka ciyaaro la tartanka Maraykanka ee gobolka.
Ruushku waxa kale oo uu danaynayaa in uu xidhiidh adag la yeesho xubnaha cusub ee ku soo biiray BRICS ee ah dalalka Bariga Dhexe, si gaar ah Masar iyo Imaaraadka. Xidhiidhkii taariikhiga ahaa ee u dhexeeyey Masar iyo Ruushka, oo shiiqay wixii ka dambeeyey billawgii toddobaatanaadkii, waxa ay u muuqataa in ay si tartiib ah u soo laabanayso wixii ka dambeeyey intii al-Siisi xilka qabtay, iyaga oo ka wada shaqeeyey arrimo muhiim ah oo gobolka ka taagnaa, oo gaadhsiisan heer millatari, oo ay ugu muhiimsantahay arrintii Liibiya.
Aragtida Ruushku ka haysto gobolku waa mid ku qotonta in Maraykanku shirqool u maleegayo Bariga Dhexe, dabna ka shidayo, nadabgalyada gobolkana ku gilgilayo kacdoonno Carbeed, si la mid ah kacdoonnada uu ka hurinayo Bariga Yurub, oo ay kow ka tahay Yukrayn. Sidoo kale, siyaasadda Ruushka ee gobolku waxa ay ku qotontaa maalgashida iyo in uu dhan iska taago loollanka ka dhextaagan kacdoonnada dimuqraaddiga ah iyo nidaamyada ka soo horjeeda ee ku dedaalaya ilaalinta nidaamkii Carbeed ee rasmiga ahaa. Ruushku waxa uu suuqgeynayaa sheeko tilmaamaysa in uu la jiro nidaamyada soo jireenka ah, si ka duwan siyaasadda Maraykanka.
Taageerada Ruushku u muujinayo nidaamyada Carbeed ee soo jireenka ahi waxa ay sababtay in uu dib u soo ceshado xidhiidhadii taariikhiga ahaa ee uu Bariga Dhexe ku lahaa, gaar ahaan dalalka la daalaadhacaya ka hortagga kacdoonnada doonaya dimuqraadiyadda, waxaana safka hore ku jirta Masar. Siyaasadda Ruushka ee gobolku waxa kale oo ay u soo dhawaysay dalal gobolka ah oo aad ugu dhowaa Maraykanka, hase ahaatee, aan rabin kacdoonno iyo xaaladda oo isbeddesha, waxaana ugu horreeya Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Xidhiidhka Ruushku la leeyahay Imaaraadku waa tusaalaha ugu mudan ee loo soo qaadan karo barakicinta Ruushku ku wado awoodda Maraykanka ee gobolka. Dadka qaar ayaa magalaada Dubai u bixiyey “Dubaigrad”, sababtuna waa tirada badan ee hantiilayaasha Ruushka ah ee ku sugan magaaladan, kana soo cararay dagaalka Ruushka iyo Yukrayn. Arrinkani waa mid ka mid ah tusaalayaasha loo soo qaadan karo xidhiidhka Imaaraadka iyo Ruushka.
Si la mid ah Imaaraadka, Ruushku waxa uu Sacuudiga u arkaa saaxiib dhow oo ay suuragal tahay in si wadajir ah ay wax uga beddelaan qiimaha shidaalka, si loo yareeyo saamaynta Maraykanku ku leeyahay suuqa shidaalka, isaga oo Maraykanku hoggaaminayo dalalka warshadeeya ee soo saara shidaalka dunida. Dhinac marka laga eego, xidhiidhka wanaagsan ee Ruushku la leeyahay dalalka Khaliijku waxa ay uga faa’idaysanayaan shidaalka jaban ee aadka u badan, suuqayada madowna lagu kala iibsado cunaqabataynta reer Galbeedka awgeed, dhinaca kalena, Ruushku waxa uu uga faa’idaysanayaa go’aannada madaxabannaan ee dalalka Khaliijku ka gaadhi karaan Shidaalkooda, iyaga oo kor u qaadi kara, diidina kara in ay hoos u dhigaan qiimaha shidaalka, iyaga oo qayb ka ah dallada “Opec Plus”, waana tallaabo marar dhowr ah ka xanaajisay Maraykanka.
Ajandayaasha dalalka cusub ee ku soo biiray BRICS aad ayaa ay u kala duwanyihiin, si ka sii ballaadhan kala duwanaanta ajandayaasha dalalka aasaasay BRICS. Iiraan waxa ay u dan leedahay in ay BRICS kaga fakato cunaqabaynta reer Galbeedka, ilaashatana mashruuceeda isballaadhinta ah ee gobolka, oo ay noqoto awood xooggan oo gobolka ka jirta. Sidaas daraaddeed, isku day kasta oo lagu doonayo in awoodda reer Galbeedka ee dunida lagu dheellitaro, Iiraan waa u dan. Iiraan, oo ka faa’idaysanaysa joogitaanka millatari ee Ruushka, waxa kale oo ay ku dedaalaysaa in ay Shiinaha gobolka ku soo jiiddo, aad ayaanay u danaynaysaa saamayn uu Shiinuhu ku yeesho go’aannada nabadgalyo iyo diblumaasiyadeed ee gobolka, iyada oo aan dan ka gelin tartan Ruushka iyo Shiinaha gobolka ku dhexmara.
Dhinaca kale, Imaaraadku waxa uu ciyaarayaa siyaasad uu dhammaan awoodaha tartamaya uga faa’idaysanayo, dhinacna aanu u xaglin. Xaaladda hadda Bariga Dhexe ku jiro waa uu ka faa’idaysanayaa, si gaar ah joogitaanka Maraykanka, isaga oo xidhiidh wanaagsan la sameeyey saaxiibka ugu dhow Maraykanka ee Israa’iil. Imaaraadku keliya kuma koobsan wanaajinta xidhiidhka Israa’iil, se sidoo kale waxa uu u samaynayaa suuqgayn iyo horumarin. Hadda oo uu Trump ku soo laabtay talada Maraykanka, oo si weyn ugu hawlan dib u bilaabidda “Heshiiska Ibraahiimiga ah”, Imaaraadku waxa uu isku deyi doonaa in uu hormuud u noqdo tareenka xidhiidh la samaynta Israa’iil. Imaaraadku waxa kale oo uu ku dedaalayaa ka faa’idaysashada joogitaanka Ruushka iyo Hindiya ee gobolka, waxa kale oo uu ka faa’idaysanayaa ganacsiga, dhaqaalaha iyo tiknoolajiyadda Shiinaha. Waxa uu doorbidayaa siyaasadda Shiinaha iyo Ruushka ee ka soo horjeeda in la dimuqraaddiyeeyo nidaamyada. Dimuqraadiyeynta nidaamyada waxa uu u arkaa shirqool uu Maraykanku maleegayo oo khatar ku ah Imaaraadka iyo xaaladda hadda jirta ee uu Imaaraadku rabo in lagu sii jiro. Maraykanku waxa uu dabada ka riixayaa kacdoonno lagu dimuqraaddiyeeyo Bariga Dhexe, waxaana suuragal ah in uu taageero Islaamiyiinta siyaasiyiinta ah, waana tallaabo Imaaraadku dhimasho ka xigo.
Sacuudigu waxa uu dhex heehaabayaa kala doorashada isbeddel lagu sameeyo saamaynta awoodda reer Galbeedka ee dunida iyo cabsida uu ka qabo isballaadhinta Iiraan ee gobolka. Sacuudigu waxa uu 2023-kii dedaal weyn u galay in uu xubin ka noqdo BRICS, isla sannadkaasna waxa uu qabanqaabiyey “Shirka Dalalka Carabta iyo Shiinaha”. Waxa uu xidhiidh adag oo ganacsi, tiknoolajiyadeed iyo warshadeedba la sameeyey Shiinaha, waxaanay ka wada shaqeeyeen dhinacyo millatari oo aad xassaasi u ah. Waxa kale oo cad in uu jiro isku soo dhawaansho Sacuudiga iyo Ruushka, gaar ahaan siyaasadda shidaalka iyo dhinacyada nabadgalyada.
Jihada cusub ee Sacuudigu waxa ay si tartiib ah u horumartay intii ay kala fogaadeen Maxamed binu Salmaan iyo John Biden. Hase ahaatee, Sacuudigu muddooyinkii dambe waxa uu u muqday in uu digtooni galay, una dhegtaagayo doorashooyinka Maraykanka, sidaasna ku dhimo u dhowaanta dhinaca Ruushka iyo Shiinaha. Arrinkan waxa caddaynaya in aanu Maxamed binu Salmaan ka soo qaybgelin shirkii Kazan ee BRICS, welina aan si rasmi ah loo caddayn in Sacuudigu aqbalay xubin ka noqoshada BRICS. Soo laabashada Trump, oo xidhiidh adag la leh boqorka Sacuudiga, waxa ay khalkhalin kartaa isu dhawaanshihii Sacuudiga iyo Shiinaha, balse lama filayo in ay xidhiidhka Ruushka iyo Sacuudiga saamayso, iyada oo la rejaynayo in Trump heshiis la galo Ruushka.
Ugu dambayn, awooddii Masar ee gobolku waxa ay u muuqataa inay hoobatay, iyada oo ay soo ifbaxayso awoodda labada dawladood ee Sacuudiga iyo Imaaraadku, waxaanay baahi u qabtaa in ay sees u hesho cusboonaysiinta kaalinteedii taariikhiga ahayd ee gobolka. Masar waa awood millatari ahaan, dhaqaale ahaan iyo tiro ahaanba hormuud u ah Bariga Dhexe, sidaas darteed waxa ay aaminsantahay in ay gasho kaalin laxaad leh. Kol hadday sidaas tahay, shaki kama taagna in ay BRICS u aragto fursad ay dib ugu hanan karto kaalinteedii, dhinaca kalena, ma rabto in ay Maraykanka ka fogaato. Guud ahaan, siyaasadda Masar meel dhexe ayaa ay heehaabaysaa, waxaanay raadinaysaa kaalin maqan.
Maqaalkan waxa laga soo turjumay madasha Megazine.