Skip to main content

Saturday 8 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Boqol Sano ka dib Af-Soomaaligu ma Jiri Doonaa?

12 September, 2025
Image
Boqol Sano ka dib Af-Soomaaligu ma Jiri Doonaa?
Xuquuqda sawirka: Bashiir Cumar
Share

Maqaalkan gaaban ee ku saabsan af-Soomaaliga dhinacyo badan ayuu taabanayaa isagoon midkoodna ku dheeraan: hodonnimada afka, quruxda afka, qorista afka, dhismaha afka, hanka iyo heerarka durugsan ee afku higsnanaayo. Qodobbadaas midkood inaan maqaalkan cinwaan uga dhigo ayaa ila soo gudboonaatay. Ugu dambayntii se su'aashan ayaan ka badin waayey inaan cinwaan ahaan u doorto. Boqol sano ka dib af-Soomaaligu ma jiri doonaa?

Su'aasha sidaas u taalla waa mid dadka Soomaaliyeed badankooda ku dhalin karta layaab iyo tacajab. Qaarkood waxay u qaadan karaan hawraar hadoof ah oon iswayddiin mudnayn. Qaarkood waxaa judhiiba laga yaabaa inay la soo boodaan: Qofku siduu yahay? Miyaa loo waxyooday mise wuu ismadax-maray? Qaarkood waxaa suurowda inay maqaalkaba, su'aasha awgeed, u qaataan inuu iska yahay 'cantara-bagash' qoraagu isku maaweelinaayo. Qaar kale, waxay is-oran karaan bal aan hoos ugu yara degno maqaalka waa intaas oo qoraagu micne kale oo ka geddisan kan su'aasha ka muuqda waataaye. Tiro aan badnayni si dhab ah ayey su'aasha u danayn karaan iyagoo siinaya ahmiyadda ay la leedahay qiyaastooda. Si kastaba ha loo kala qaatee, waa su'aal akhristayaasha xiisahooda kicin karta. Ku tala galkaygu waa in dareenkaasi dhasho. Haddaba, waxa aan jeclahay intaanan mawduuca ubucdiisa guda-gelin inaan laba arrimood si gaaban u soo qaado. Tan hore waxay tahay immisa quruumood oo af lahaa, afkoodu qornaa, cilmi aqoon iyo ilbaxnimo sare lahaa, adduunka saamayn weyn ku lahaa, ayaa afkoodii dhintay oo maanta lagu tiriyaa 'afafka meydka ah'. Taas maanka ha lagu hayo. Tan labaad ee taas kasoo soka marsani waxay tahay: Qofka caadiga ah iska daa, ee aqoonyahannada iyo siyaasiinta Soomaaliyeed ayaa inyar oo faro ku tiris ah mooyee dhammaantood shan sano ka hor ku wada adkaysanayey in mar haddii taliskii Siyaad Barre ee ummad-necaybka ku caanbaxay lays weydaariyo dalka iyo dadka Soomaaliyeedba casri cusub oo wixii ka dumay ay wadajir dib ugu dhisaan u curan doono. Maxaynu se maanta haynnaa, aragnaa, oo inna hor yaal?

Waxaan uga gol leeyahay, masa’lo kastoo aan xisaabtan adag iyo qiimayn sax ah lala gelin, go'aanka laga gaaro waxaa ka dhasha yaab, qoomamo iyo uur-ku-taallo. Su'aashan aan ka sanqariyeyna taasoo kalay ka dhigan tahay ee aan miyir u guda galo.

Quruxda Af-Soomaaliga

Af-Soomaaligu waa af hodan ah. Gaar ahaan dhinaca suugaanta waxa lagu tilmaamaa af aad ugu horreeya. Soomaalida ka sokow, aqoonyahanno shisheeye ah oo ku xeel-dheer danaynta, isku-taxallujinta, u-kuur-galka, iyo lafa-gurka Soomaaliga iyo dhaqankiisa ayaa dhammaantood isla wada qiray.

Xeel-dheerayaashaasi rumaynta go'aankoodaas waxay mar walba u maragsadaan maansooyin abwaanno Soomaaliyeed dareeriyeen, laga soo bilaabo qarnigan horraantiisii illaa iyo maantadan aynu joogno. Maansooyinka oo ay ka muuqato sida la yaabka leh ee abwaannadaasi arrimo badan, kala duwan, murugsan oo nolosha la xiriira u gudagaleen una soo bandhigeen iyadoon marna israac-wanaagga murtida iyo mira-xulashadooda wax durriin ah lagu sheegi karin.

Sidaas ay tahay ayaa misna marka laysku dayo in af-Soomaaliga erayadiisa oo dhan la soo tira-koobo loogu tegayaa inay aad u yar yihiin haddii afaf kaloo badan la barbar dhigo. Meeday kolkaas hodonnimadii afka lagu sheegayey? Ma cidla' ka-faan bay iska ahayd? Maya... ee bal qabsoo waa mide afka hodonnimadiisa meel kale ayaa loogu tegayaa. Waxay ku jirtaa baaxad -weynida iyo qoto-dheerida ereyadiisa ku duugan. In kastoo aynu niri af-Soomaaligu waa ereyo kooban yahay, haddana rogrogga ereyga, isqabadsiinta laba erey, qodobka gadaal ama hore ka raacaya ereyga, meesha had walba ereygu weedha kaga jiro, iyo kuwa kaloo badan ayaa isla ereygii siinaya micneyaal fara badan oo si fudud loo kala garan karo.

Si kale haddaan u dhigno, af-Soomaaligu wuxuu hoodo u leeyahay inu yahay asal ahaan iyo dhisma ahaan af aad ugu nugul una laylsan nolol awoodkiisa, tarankiisa, fudayd-curintiisa, dhidib-adayggiisa, abuur-wanaaggiisa, is-korintii aqoon-qaadkiisa, adduun-higsadkiisa; isagoon marna rarkaas, ugboonayntaas iyo horumarkaas joogtada ahi wax khal-khal ah ku ridin micnahiisa, turxaan u yeelin qaab-dhismeedkiisa, labid u geysan dhawaaq-wanaaggiisa, kalana dhantaalin quruxdiisa ay u wada muraaqooddaan, u gibil dubaaxiyaan dadkiisa ku kala nool carrada isu kala jirta Jabbuuti iyo Wajeer, Boosaaso iyo Hawaas, iyo inta u dhexaysa oo idil.

Waxa la wada ogsoon yahay in da'da qorista rasmiga ah ee Soomaaligu aanay labaatan gu' waxba dhaafsiisnayn. Facyaridaas waxaa u wehelisa iyadoon tan iyo haatan afka loo dejin naxwe cilmiyaysan oo la raaco oo qaranka ka hirgalay. Kaaga sii darane labaatankaas sano ee Far Soomaalidu jirtay, 17kii u dambeeyey ummadda Soomaaliyeed nabad iyo sareedo dalka nagaad uguma ahayn. Muddadaas iyada ah guuldarrada ummaddeenna haleeshay wax u dhigma oo lala masayn karaa ma jiraan? Abaar iyo colaad, dil iyo dagaal baahi iyo cudur, arrad iyo darxumo qax iyo firdhad, quursi iyo kadeed, urugo iyo ciil, iyo ... iyo... masiibooyin kaloo aan kala go' lahayn ayaa ummaddu ku sugnayd welina ku jirtaa, mugdigooda aan iftiin la bidhaansadaa meelna uga baxayn.

Misna dadka wacdarahaasi cuskadeen, ee dacdarrada la ogyahay ku nooli tan iyo maanta weli kama wahsan, kama harin, iskama dhaafin qorista fartooda. Baahida loo qabo iyo dedaal dheeraad ah oo dadka qaarkood isku xilsaareen ayaa ugu wacan baa la oran karaa. Sabab kale ayaase aniga ii muuqata oon kuwaan ka dhicin, haddaanayba ka miisaan cuslayn. Sidaan soo sheegay sifooyinka gaarka ah ee afka laftiisu wato ayaa kaalin qaddarin mudan ka qaata in dad badan oo qoristu ku cusub tahay duruuftuna ku adag tahay aanay sii deyn sedkan ay hanteen ee qorista fartooda.

Sawir murugo miiran ah

Intaas kooban, aad u kooban, haddaan kaga kaaftoomo qiimaynta sarreysa ee af-Soomaaligu runtii u qalmo, bal aan markan u jeesto su’aasha ah: Af-Soomaaliga sidaas loo ammaanay ma suuli karaa? Ma cirib-tirmi karaa? Boqol sano ma ku baabi' karaa? Waxaan qabaa inay arrin suurta gal ah tahay. "Ma afka ummaddiisa oo heerka maanta ka aqoon iyo ilbaxnimo yar ay awoodday intaasoo qarni in uu soo jiro ayaa boqol sano (hadda boqol sano keliya) ku tirtirmi kara?" Haa, oo taas baan qabaa ee yaan sarka-xaadis lagu il-duufin.

Hor iyo horraan, af cir-kasoo-dhac ahi ma jiro. Afku ammaan kastuu gaarsiisan yahay, keligii isma wado. Isma wadi karo. Wuxuu ku bilan yahay oo ku boqran yahay waa dadkiisa. Af waliba wuxuu la xiriiraa ummadda ku hadasha iyo nolosheeda. Horumarkiisuna mar walba waxaa toos u saameeya horumarka ummaddiisu ka gaarto nolosheeda dhinaca dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka, maamulka, iwm.

Haddaynu xaqiiqadaas adduunku isku wada raacsan yahay, taariikhda guunka ahina ka marag kacday aynu ka cabbir iyo cibrad qaadanno, oo xaaladda ummaddeennu maanta ku sugan tahay ilays fiican ku daarno, sawir aad u madow iyo muruga badan ayaa ina hor imanaya:

  • Dib-u-dhacsanaanta ummaddeenna haysataa waa mid naxdin leh. Xoogagga wax-soo-saarka iyo xiriirka bulshadu heerka uu gaarsiisan yahay ayaa had walba laga gartaa ummad kasta cilmigeeda, dhaqankeeda (afku laf dhabarka u yahay), ilbaxnimadeeda iyo horumarkeedu heerkuu ku sugan yahay. Innagana in yar baa dunida hoos innaga marsan.

  • Qorista afkeennu waa mid aad u fac yar. Cilmiga bulshada dadka u heellani badanaa waxay isla wadaagaan rayiga ah in dadna ummadnimadiisu aanay dhammaystiran mar haddaan afkiisu qornayn. Hadba inta da'da qorista afkiisu fac le’eg tahay ayaa ummaadnimadiisuna qoto le’eg tahay. Sida qayrkeen ayey arrintaasi innagana innagu bannaan tahay.

  • Dawlad la'aanta dalkii ka jirta. Afka aqalkiisa oo udub-dhexaadkii ka maqan yahay. Dawlad la'aani waa qaran la'aan. Qaran la'aanina waa ummad la'aan. Waa ummaddoo dhinac walba burbur ka cuskado, jeer ay shuuqdo oo 'shaluu jirey' noqoto.

  • Aqoonyahankii iyo farsama-yaqaankii ummadda oo xeryo qaxooti afarta beeni jaho ee adduunka ku caanseersan iyadoo goysaskoodii waliba weheliyaan. Garo oo waa intii laga dhawrayey inay ummaddeenna horumar, ilbaxnimo iyo nolol sareedo leh u horseedaan.

  • Intii tabar yari ama dan kale dalkii ku dabartay oo kooxo hubaysan oo qori la yaacayaa kala jiidanayaan, rafaanayaan oo rafaadinayaan. Kooxahaas waxa hoggaamiyeyaal u ah gabqablayaasha hadba caasimad Afrikaan ah shirarka ‘Dib-u-heshiisiinta Qaranka' ku qabanaayee, go'aanno qaaya leh guddoonsanaya, maalmo yar ka bacdina aynu wada maqlaynno inay meel hebla iyo meel hebla isku cayrsanayaan oo isku cunayaan ama baabuurtii cuntada iyo daawada maatada u sidey jidka ku weeraraya ee kistii naf-qabadka loogu talagalay duurka ku walabsanaya sidii weer.

  • Adduunka maanta jira oo saamayntiisu (gaar ahaan dhinaca afka, dhaqanka iyo fekerka) kun-jibbaar ka weyn tahay tii aabbayaasheen la kulmeen konton sano keliya ka hor. Ummadda iyadu gunta iyo gudaha ka fagmaysa, ka burburaysa, dubbaha dibedda kaga yimaaddaa si sahal ah ayuu amsaxa uga dhigayaa. Dubbayaasha dhaqan-dibedeedka ummaaddeenna maanta ku wada kulmayaana ma yara.

  • Carruurta iyo facaadda soo koraysa oo aad ugu nugul qabashada iyo qaadashada dhaqanka qalaad ee degaanka iyo dalalkay ku nool yihiin. Dedaal waalid oon arrintan u babac dhigi karayn, si kastay isugu dayaan sababo badan awgood. Balse kaaga sii darane waxaaba jira aabbayaal badan oo ku diirsada markay arkaan sida ilmahoodii yaryaraa afka dalkaas u dudubinayaan iyagoo koodii hooyo ka agnaan ah! Ummad ahaan wax lays dhaxalsiiyo dhaqanka ayaa ugu sed roon. Facaadda soo koraysaa markay sedkaas weydo, ummadnimadii halaag bay ku sugan tahay.

  • Guuldarrooyinkaas oo (Ilaah mooye!) cid waxtar leh oo laga magansadaa aanay meelna ka muuqan.

Mashaqooyinka kor ku xusan, Ayaan-darrooyinka markay isbiirsa daan oo isku mar wada tumaatiyaan afkeenna qoris ahaan weli ugubka ah shaki kuma jiro inuu geeri halis u yahay. Ka warran maxaa ka iman kara ummaddeenna oo gudo iyo dibedba xaaladdaas murugada badan ee aan soo sheegnay kusii socoto toban ilaa labaatan ama soddon sano oo dambe?

Waxa iman kara: inta dibedda ku nool waayeelka oo galbada; carruurtoo korta oo shisheeye ku milanta, dhaqan iyo hidda guurta, dalkii dib usoo jalleeci weyda. Inta gudaha joogta, oo colaad iyo dagaal ka bixi weyda, loo caga-dhigi waayo, dugsi iyo waxbarasho ka calool go'da sidii cawsha ugaarowda. Quruxdii daaye, xaggee markaas af-Soomaaligii kuu yaallaa?! Diiwaanka ‘HADRAAWI' ee dhowaan soo baxay oo maantaba aan fahamkiisu fududayn ayaa, haddaan xaaladdeennan wax iska doorin, carruurteenna carruurtooda kaga adkaan doona afka 'Shiinaha'!

Fiiro gaar ah: Qoraalkan waxa laga soo qaatay Wargays-xilliyeedka Suugaanta & Dhaqanka Soomaalida ee HAL-ABUUR, tirsigii afraad ee soo baxay gugii 1995-kii. Waxa dib u qoray oo tifaftiray hawlwadeennada Madashada Geeska