Skip to main content

Tuesday 10 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Boqol Guurada Fanon iyo Tebinta Wiilkiisa

13 August, 2025
Image
Boqol Guurada Fanon iyo Tebinta Wiilkiisa
Share

Haddii da’du ku simi lahayd, dhakhtarkii cilmi-nafsiga iyo mufakirkii kacaanyahanka ahaa, Frantz Fanon, waxa uu sannadkan baarka ka jari lahaa boqol sanno, se xanuunka kansarka dhiigga oo ku soo kadiyey, ayaa ku dilay 36 jir. Kolkaa, wiilkiisa Olivier Fanon, waxa uu carruurnimadiisii ku dhammaystay in uu u kala socdaalo Aljeeriya, Tuunisiya, Gaana iyo goobihii kale ee labadiisa waalid, Frantz iyo Josie Fanon, kaga jireen halgankii ay kula dirirayeen gumaysigii Faransiiska, kuna taageerayeen madaxbannaanida Aljeeriya. Isaga oo aanu Olivier gaadhin lix jirba, ayaa uu xanuunku soo ritay aabbihii, si dhakhso ahna loogu qaaday magaalada Bethesda, gobolka Maryland [Maraykanka], si loogu daweeyo. Halkaas ayaa, gebi ahaan, dhiigga lagaga beddelay, iyada oo la isku dayay in dhuux cusub lagu beero.

Taariikh-nololeedka uu David Macey ka sameeyey Frantz Fanon, waxa uu soo bandhigayaa dhacdooyin saamayn qotodheer leh oo muujinaya heerka walbahaarka iyo kadeedka qoyska soo gaadhay maalmahaas xanuunka Fanon. Mid ka mid ah dhacdooyinkaas, waxa uu soo tebinayaa in Olivier, oo aan shan jirba dhaafin, uu maalin u dhuuntay qolkii aabbihii lagaga beddelayey dhiigga. Muuqaalka tuumbooyinka iyo kiishashka dhiigga ah ayaa garaadkiisa yar ka weynaaday, oo sawir argagax leh tusay; waxa uu u maleeyey in jidhkii aabbihii la qashay, waxyar ka dibna waxa la arkay isaga oo jidka taagan oo calankii Aljeeriya ee caddaanka iyo cagaarka isugu jiray luxaya. Waa dhacdo si qotodheer us oo bandhigaysa sida ilmaha yar ay iskaga qasmeen xanuunka aabbihii iyo iskacaabbintii uu ku barbaaray.

Gumaysigii Faransiiska ee deegaamaynta waday waxa uu ku tilmaannaa gacan-kulayl iyo jujuub aan hore loo arag, natiijada uu dhalayna waa dagaallo ka mid noqday kuwa ugu dhiigdaadashada badan dagaallada gobonnimodoonka ah ee sooyaalka. Gumaadkaas ayaa uu Olivier ku dhex dhashay, oo wacyigiisuna ku dhex samaysmay, kuna barbaaray halgan iyo dhawaqa rasaasta. La yaab ma laha, markaas, in xaaladdaas uu ku barbaaray ay kaga qasanto dhacdada uu ku arkay cisbitaalka, una arko in dagaalkii uun lagu jiro, oo isaga garaadkiisa carruurnimo, dhiigga dawayntu ugama soocnayn dhiigga dagaallka.

Maanta, afar iyo lixdan sanno ka dib, Olivier Fanon, waa goobjoogaha dhabta ah ee halgankii labadiisa waalid ee Frantz iyo Josie, waana xaq-u-dirir difaaca, daacadna u ah, mabaadi’doodii kacdoonka ku ahaa gumaysiga, u heellanaantii Aljeeriya iyo dhaliishoodii aanay kala gabban jirin Faransiiska, walow uu doortay in uu si deggan ugu noolaado Baariis. Marka uu kula joogo, Olivier, xasuusta qofeed ayaa ku milmaysa sooyaalka guud, taariikhda qoyskuna waxa ay ku milan tahay sheekada kacdoonka.

Waxa aan nasiib u yeeshay in aan Olivier ku bookhdo guriga uu Baariis ka deggan yahay, ee uu kula noolyahay xaaskiisa Corinne. Waxa ila bookhday labadayda saaxiib, cilmibaadhe Greg Pierrot iyo filin-soo-saare Xasan Mesayin, si aannu Olivier uga waraysanno labadiisii waalid. Waa Olivier oo aad mooddid in uu ka yar yahay da’diisa toddobaatanka ah, codkiisa iyo muuqiisuna ay xambaarsan yihiin sawir qarinaya, si ku meelgaadh ahba ha ahaato e, raadka noloshii ku saamawday dagaallada, qurbe-wareegga iyo kacdoonnada, sidoo kalena ay cuslaysay waayitaankii degdegga ahaa ee labadiisa waalid.

Mawduucyo kala jaad ah ayaa aannu ka sheekaysannay, oo waxa aannu dhex wareegnay beer yar oo uu ku xannaaneeyo digaag. Gudaha guriga waxa uu nagu tusay albanno sawiro ah iyo dhukumantiyo arkiifiyo ah oo si habsami leh loo nidaamiyey, intooda badanina ku saabsanyihiin noloshii Josie Fanon, ee socdaalka iyo qoraalka u dhaxaysay. Olivier waxa uu ku hakaday boqol sanno guurada dhalashadii aabbihii, isaga oo hilaw badani ka muuqdo, waxaanu noloshaas aabbihii ku tilmaamay “mid gaabnayd, se dhacdooyin badnayd”. Hadda oo uu qarni ka soo wareegay, waxa uu Olivier xusayaa in aabbihii uu si maalinle ah noloshiisa ugu jiro, arkiifiyada qoyska ee hooyadii ilaalisay awgeed.

Si aan ku talolgal lahayn, waxa ay sheekadu u jihaysatay mid u eeg qaab u gudbinayo farriin jacayl iyo qaddarin uu Olivier u hayo hooyadii, oo si adag u ilaalisay dhaxalkii saygeeda, halgankana kala qaybgashay, oo aan ahayn uun xaas la socota Frantz, ee sidoo kale lahayd kaalinteeda halgan. Sida uu Olivier ku tilmaamayo, Frantz iyo Olivier “may ahayn labo qof oo kacdoonka soo tebiya, ee iyaga ayaa samaynayey kacdoonka”.

“Hooyaday xaq u dirir ayaa ay ahayd” ayuu Olivier yidhi. Ka dib madaxbannaanidii Aljeeriya, waxa ay ka tanaasushay dhalashadeedii Faransiiska, waxana ay dooratay in ay wiilkeeda la joogto Aljeeriya. Halkaas kuma ay ekaan, ee waxa ay jeexatay jid suxufiyad waxsoosaar leh, oo dhacdooyinka ka soo tebisa Hayti, Koonfur Afrika, Fiitnaam iyo Iiraan. Waxa uu Olivier ku nuuxnuuxsaday in hooyadii ay, mar kasta, garab taagnayd aabbihii; “Se hadh aan ka hadhayn may noqon, ee geeridiisa ka dib shaqadii siyaasadda si madaxbannaan oo ka go’naansho leh ayaa ay u sii wadday”.

Sheekadu waxa ay nala gashay mawqifkeedii adkaa ee ay ku garab-taagnayd qaddiyadda Falasdiin. Sannadkii 1967-kii, Josie oo Aljeeriya ku sugan waxa ay farriin boostada ugu dirtay madbacaddii Les Damnés de la Terre, ee Baariis ku taallay, iyada oo ka codsanaysa in buuggii Frantz Fanon ee “Looma Ooyaan - The Wretched of the Earth” ay daabacaadaha dambe ka jaraan hordhaca uu Jean-Paul Sartre u sameeyey, iyada oo ka cadhaysan in uu Sartre saxeexay baaqii lagu taageerayey Israa’iil, intii uu socday dagaalkii Lixda Cisho. Cilmibaadhe Jessica Breakey, ayaa si faahfaahsan ugaga hadashay maqaalkeeda “Josie Fanon… Jiheeyaha aan ka Lumin Falasdiin”. Olivier sida uu xusayo, tallaabadan hooyadii waxa ay soo koobaysaa kani-adaygii shakhsiyaddeeda siyaasadeed. “Ma ay ahayn dadka aaminsan gorgortanka, doodgalinta qaddiyadaha iyo diblumaasiyadda”. Dhaqankeedu waxa uu ahaa in ay mawqif adag oo degdeg ah qaadato.

Walow uu Olivier si adag u aaminsan yahay ku abtirsigiisa Aljeeriya, haddana waxa aannu, aniga iyo Greg, weydiinnay halka uu aabbihii ka soo jeedo oo ah Martinique. Kolkan ayaa ay sheekadiisu la hurtay dhaliisha daran ee uu u hayo jasiiraddan, oo si ka duwan Aljeeriya, weli taabacsan Faransiiska. In ay weli Faransiiska hoos tagtaa waa arrin, markasta, ku mudan Olivier, oo, xitaa, ku leh xusuus qadhaadh. Toddobaatanaadkii, ayaa uu Olivier mar codsaday fiise gelitaan oo Martinique ah, isaga oo muwaaddin Aljeeriyaan ah. Intii ay hawshu u socotay ayaa ay masuuliyiinta Faransiiska ahi ogaadeen in uu ku dhashay magaalada Lyon, waxaanay u arkeen muwaaddin Faransiis ah. Sidaas awgeed, jeelka ayaa la dhigay, iyada oo lagu tuhmay in uu ka baxsaday carbiskii millitariga, lamana soo dayn ilaa ay hooyadii ka shaqaysay in masuuliyiin Aljeeriyaan ahi dhexdhexaadin ka galaan arrinka, shardiga lagu soo daayayna uu noqday in uu ka tanaasulo codsi kasta oo uu ku dalban karo dhalashada Faransiiska, arrintaas oo uu si kalsooni leh u aqbalay.

Sannadkani waxa uu ku beegan yahay boqol sanno guuradii ka soo wareegtay dhalashadii Frantz Fanon, ilaa haddana Faransiisku waa uu iska indho tiraa dhaxalkiisa, haddaanu ku dedaalaynba tirtirkiisa. Sidaas oo ay tahay, kacdoon magaca Frantz Fanon laga dhex waayaa ma jiro. Xasuuqa ba’an ee bulshada Falasdiin lagu hayo, sannadkii saddexaadna foodda la galaya, waxa lagu xusuustaa Fanon, iyada oo la soo ergisto ereyadiisii iyo aragtiyahiisii, oo kayd u ah gobonnimodoon iyo iskacaabbin kasta.

Isla sannadkan, waxa Faransiiska ka soo baxay labo filin oo cusub oo Fanon ku saabsan. Midkood waxa soo saaray filinsameeyaha reer Goudeloupe, Jean-Claude Barny, ka kalena filinsameeyaha reer Aljeeriya ee Cabdinuur Saxsaax. Ka sokow in filinka hore uu weji ganacsi leeyahay, haddana waxa uu ka qayb qaatay soo noolaynta danaynta fikirkii Fanon, iyada oo la arkay sare-u-kaca iibsiga buugaggiisii, iyo qabanqaabinta taxane kalfadhiyo iyo doodo fikireed ah. Se haddana, Olivier ma qarin sida uu uga xun yahay filinka Barny, oo uu aaminsanyahay in uu gefaf sooyaal oo aan la qarin karin galay, sawir kharribanna uu ka bixiyey hooyadii Josie.

Marka aan Olivier weydiiyey dhibaatooyinka ku xeeran ilaalinta dhaxalkii aabbihii, waxa uu si qayaxan u cabbiray waxa uu aaminsan yahay in ay habboontahay in la sameeyo. Waxa uu aaminsan yahay in dib u akhrinta Fanon iyo diraasaynta fikirkiisii loo soo jeestay sannadkan 2025, laguna taageerayo xornimodoonka Falasdiin. Sida la filan karo, Olivier waxa soo gaadhay farriimo lagaga codsanayo ka soo qaybgalka shirar iyo kalfadhiyo lagu xusayo boqol sanno guurada Fanon, se Olivier waa uu ka soo horjeedaa ku kaaftoonka hadal iyo xus barkumataal ah. Waxa uu si adag u leeyahay: “Haddii aad sheeganaysid in aad Fanon la jirtid, xaqiiji, oo dhaqaaq”.