Saturday 8 November 2025
Madaarka Boosaaso ee maamul-goboleedka Buntilaan, Soomaaliya, waxa dhinacyada magaalada is qabsada maqalka guuxa diyaarad weyn oo soo cagadhiganaysa. Daqiiqado ka dib cagadhigashada, waa la aqoonsan karaa diyaaradda; waa diyaarad cad oo ah nooca IL-76 ee lagu raro shixnadaha waaweyn, oo garab taagan diyaarad kale oo u eeg. Laba sanno ka hor, dadka deegaanku uma baran guuxan oo kale, kolkaas oo markii koowaad diyaaradda noocan ahi bilawday inay madaarkan timaaddo. Hadda se lala qabsay oo arrinku sidii hore ma aha. Muddo yar ka dib hakashadeeda, waxa la arkaa alaab culus oo aan la aqoon oo diyaaradda laga gurayo.
Cabdillaahi, oo ah hoggaan sare oo ka tirsan Ciidamada Booliska Badda ee Buntilaan, PMPF, taliyana ka ah madaarka Boosaaso, oo u warramay Middle East Eye, isagoo magac aan kiisa ahayn adeegsanaya, sababo nabadgalyo awgood, ayaa yidhi: “Arrintani waa mid soo noqnoqota, alaabaha loojisti ee diyaaraddu siddana si degdeg ah ayaa diyaarad kale oo diyaarsan loogu wareejiyaa, waxaanay u jihaysataa dagaalyahannada RSF iyo Suudaan, iyadoo sii maraysa dalalka jaarka la ah”. Sida waafaqsan xogo laga helay dabagalka safarrada jawi, sawirrada dayax-gacmeedyada, ilo kala duwan oo maxalli ah iyo diblumaasiyiin isugu jira Maraykan iyo kuwo gobolka ahba, halka ay diyaaradahan iyo shixnadaha ay sidaan ka yimaaddaan waa meel aan muran ku jirin: waa Imaaraadka Carabta.
Halka safarradani ku jihaysan yihiin, sida uu Cabdillaahi xusayo, waa Suudaan iyo RSF oo toddobaadkan qabsatay al-Faashir, magaalo-madaxda gobolka waqooyi ee Daarfuur, ka dib shan boqol oo maalmood oo ay go’doomin ku hayeen. dagaalyahannada RSF waxa ay ku kaceen falal argagax ah ka dib guushooda, oo waxa ay iska duubeenba muuqaallo iyagoo biraynaya rayidka qaxaya, sidoo kalena cisbitaallada ka fulinaya dil-wadareedyo.
Bilihii dambe oo dhan, waxa suurogal ahaa in la arko susunka diyaaradaha shixnadaha oo ay barta Middle East Eye u kuurgashay, diyaaradahan oo ku socda Boosaaso. Diyaaraduhu muddo dheer kuma nagaadaan madaarka, badankana waxa ay soo degaan xilliyada ay cagtu go’do ama aanay shaqo badani socon. Xogaha dhaqdhaqaaqa jawi ee dadku arki karaan waxa ay muujinayaan in Imaaraadka Carabtu si isa sii taraysa u adeegsanayo madaarka Boosaaso, mararna ay isbeddelaan xilliyada diyaaraduhu yimaaddaan.
Cabdillaahi waxa uu yidhi: “Muddada dejinta iyo rariddu intay socoto, diyaaradahan waxa lagu sameeyaa ilaalin adag, sababtoo ah waxa ay sidaan alaab xasaasi ah iyo tasiilaad (loojistig) aan la muujin karin”. Agabka taakulayntu, sidoo kale, marar ayuu dekedda Boosaaso gaadhaa.

Sannado badan, Imaaraadka Carabtu waxa uu maalgalinayey Ciidamada Booliska Badda ee Buntilaan, PMPF, oo ah ciidamo gobol oo loo aasaasay la dagaallanka budhcad-badeedda. Askar ka tirsan ciidankani waxa ay xuseen in aan alaabtan diyaaradaha lagu sido la keenin saldhigyadooda, sababtoo ah shixnadahan waaweyni waa kuwo baahidooda dhaafsiisan. Xogaha dabagalka safarrada jawi ee ay hore u baahisay barta Middle East Eye waxa ay muujinayaan in Imaaraadka Carabtu uu si weyn u kordhiyey soo gaadhsiinta hubka ee magaalada Boosaaso, iyadoo Sirdoonka Maraykankuna xuseen in qalabkan ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee uu Shiinuhu sameeyo.
Masuul sare oo ka tirsan maamulka dekedda Boosaaso ayaa, markii koowaad, u xaqiijiyey Middle East Eye in Imaaraadka Carabtu ay labadii sanno ee lasoo dhaafay Boosaaso mariyeen 500 kun oo koontiinnar (Nus milyan), oo lagu calaamadiyay “halis”. Si ka duwan shixnadaha caadiga ah ee lagu qoro farriinta meesha laga keenay iyo meesha ay ku socdaan, shixnadahan Imaaraadku ma laha wax tilmaan u ah gudaha waxa ku jira. Masuulkan dekeddu waxa uu xaqiijiyey in shixnadahan loojisti aad loo ilaaliyo xogteeda, oo isla judha ay soo gaadhaanna, si degdeg ah diyaarado loogu wareejiyo. Ilaha ay Middle East Eye xigatay ee Boosaaso waxa ay xaqiijiyeen in nabadgalyada shixnadahan aad loo ilaaliyo, kolka ay doonni siddaa dekedda ku soo xidhato waxa dekedda la soo dhoobaa ciidamo, si amniga loo sugo, wax sawir ahna aan looga qaadi karin. Cid aan ahayn shaqaalaha kolkaas shaqada u leh lama oggola soo geliddeeda, waxaana si cad looga digaa duubista gebi ahaanba inta ay dejinta alaabtu socoto.
Ilahani waxa ay sheegayaan in qarinta shaqadani usii caddaysay in aan alaabtan loogu talogalin adeegsiga gudaha. Masuulka ka tirsan dekedda ayaa yidhi: “Haddii gudaha dalka lagu adeegsanayo alaabtan, waxa aannu arki lahayn meesha lagu kaydiyey ama koontiinnarada oo madhan”. Waxa uu hadalkiisa ku daray: “Keliya, meesha waa la mariyaa”, hadalkan oo ka dhigan in Boosaaso tahay bar qarsoon oo ay alaabtu kusii hakato.
Middle East Eye waxa ay farriimo u dirtay xukuumadda Imaaraadka Carabta iyo masuuliyiinta Maamul-goboleedka Buntilaan, iyadoo ka codsanaysa wax jawaab ah, se midina kama soo jawaabin. Imaaraadku waxa uu hore u dafiray in uu taageero ama maalgalin siiyo ciidamada RSF.
Madaarka Boosaaso, oo ku yaalla dhinaca koonfureed ee Gacanka Cadmeed, waxa ku yaalla dhawr saldhig ciidameed oo aad loo ilaaliyo waxana ka mid ah saldhig ay ka hawlgalaan hoggaamiyayaal iyo shakhsiyaad amni oo Imaaraadka u shaqeeya, lana aaminsan yahay in ay kasoo jeedaan Koonfur Afrika. Dhinaca waqooyi ee madaarka waxa ku yaalla saldhig gooni u dhisan oo ay joogaan calooshood-u-shaqaystayaal Kolombiyaan ah kuwaas oo ku lug leh dagaalka Suudaan.
Sawirro ay heshay Middle East Eye waxa ay muujinayaan tobannaan Kolombiyaan ah oo sita shandadaha dhabarka, kana soo degaya diyaarad kasoo degtay madaarka Boosaaso, kuna wajahan saldhiggaas. Kolkii sawirrada la tusay Cabdillaahi [sarkaalka PMPF] waxa uu, isagoo judhiiba aqoonsaday, yidhi: “Haa, waa calooshood-u-shaqaystayaal Kolombiyaan ah oo ay tiro badani ka joogto halkan”.
Nimankan Kolombiyaanka ahi waxa ay Boosaaso ku soo gaadhaan safarro diyaaradeed, si maalinle ku dhow ayaanay madaarkan uga gudbaan, iyagoo safarkooda usii wata ilaa Suudaan, halkaas oo ay garab siiyaan RSF.
Waa dhif in ciidamada Soomaalida ee madaarka jooga loo oggolaado gelidda saldhigga Kolombiyaanka. Cabdillaahi ayaa xaqiijiyey; “In ciidamada Kolombiyaanka ahi ay cisbitaal cusub ka dhex dhisteen saldhiggooda, una adeegsadaan daweynta ciidamadooda kusoo dhaawacma Suudaan”. Waxa uu yidhi: “Waxa aan xusuustaa mar ay diyaarad ciidamo siddaa kasoo degtay madaarka Boosaaso, oo albaabka diyaaraddana si la arki karo dhiig badani uga muuqday”. Masuulkani waxa kale oo uu Middle East Eye u xaqiijiyey in saldhiggan loo adeegsado bar ku-meelgaadh ah oo lagu daweeyo dagaalyahannada RSF ee dhaawaca ah, kuwaas oo ugu dambayn loo qaado meelo kale si daawayn dheeraad ah loo siiyo.
Madaarka dhinaciisa, Imaaraadku waxa uu ku rakibay raadaar millatari – oo la aaminsanyahay in uu yahay Faransiis – oo loogu talagalay in madaarka Boosaaso lagaga ilaaliyo weerarro suurogal ah. Sida Middle East Eye hore u baahisay, waxa ay Boosaaso ka mid tahay taxane saldhigyo ah oo uu Imaaraadku ku fidiyay Gacanka Cadan iyo Badda Cas. Saldhigyadani waxa ay ku yaallaan: Jasiiradda Mayun, Cabdi al-Kuri, Samxah, dekedda Somaliland ee Berbera iyo dekedda Yemen ee Mukha, oo dhammaantood ah dhulal aanu Imaaraadku haysan, se dhinacyo ay isbahaysi leeyihiin hayaan.
Ciidamada Soomaalida ee Boosaaso ku sugan waxa ay xuseen in joogidda calooshood-u-shaqaystayaal Kolombiyaan ah iyo hawlgalladoodu walaac ku hayaan oo saraakiil ka tirsan ciidanka Buntilaanna ay werwer ka qabaan ammaanka. Cabdillaahi ayaa leh: “Waxa aannu aaminsan nahay in halis weyni ka jirto in xukuumadda Suudaan ay bartilmaameedsato hawlaha madaarka ka socda”.
Ka hor intaan dagaalku ka qarxin Suudaan, bishii April, 2023, waxa uu dalkani deeqo waxbarasho siiyey kumannaan arday oo Soomaali ah, dadka barnaamijkaas ka faa’idayna waxa ka mid ah Wasiirka Difaaca Soomaaliya ee hadda, Axmed Macallin Fiqi. Xubno badan oo ka tirsan ciidamada Buntilaan waxa ay qireen in aanay ku faraxsanayn garabsiinta cidda ku lugta leh dagaalka Suudaan, iyagoo walaac ka muujiyey in garabsiintoodu si aan toos ah uga qayb qaadanayso xasuuqa ka socda dal ay u arkaan walaal iyo saaxiib dhow.
Bilawgii sannadka, xukuumadda Maraykanka ayaa go’aamisay in “xubnaha RSF iyo malleeshiyaadka ay bahwadaagta yihiin ay gaysteen xasuuq”, waana go’aan sidoo kale ay taageereen ururro badan oo ah kuwa xuquuqda aadamahu. Sarkaalka ka tirsan ciidamada Buntilaan ayaa yidhi: ‘’Waxa aan aaminsanahay in aan la aqbali karin, anshax ahaan, caawinta calooshood-u-shaqaystayaal ku lug leh dagaalka dal wax badan taray Soomaalida oo xubno qoyskayga ahi ku jiraan”.
Sannado badan, waxa uu Imaaraadka Carabtu kaalmo maaliyadeed la garab joogay Muqdisho, waxaanu tababaray ciidamo Soomaali ah oo loogu talagalay la dagaallanka kooxaha hubaysan, sida Al-Shabaab. Hase ahaatee, xidhiidhkani waxa uu si muuqata u xumaaday sannadihii dambe, kolkaas oo uu Imaaraadku garab istaagay [Somaliland oo hore madaxbannaanida uga qaadatay iyo Buntilaan oo hadda khilaaf weyni kala dhexeeyo Muqdisho]. Walow maamul ahaan ay Muqdisho gacanta ku hayso hawada Soomaaliya, oo safarrada cirka ay iyadu oggolaato, haddana awood uma laha in ay maamusho dekedda iyo madaarka Boosaaso.
Ka sokow in xidhiidhka Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya, iyo Maxamed binu Saa’id uu xun yahay, haddana xukuumadda Muqdisho si toos ah marna ugamay hadal dhaqdhaqaaqa ciidan ee Imaaraadku ka wado Buntilaan. Cabdirashiid Muuse, falanqeeye iyo dhaliile arrimaha Imaaraadka ee Geeska Afrika, ayaa yidhi: “Muqdisho ma awooddo in ay arrinkan si toos ah u joojiso, marka la eego sidaanay ugu diyaarsanayn waajihidda awoodda Imaaraadka ee sii fidaysa”. Cabdirashiid waxa uu sarkaal Cabdillaahi kala midaysan yahay in hawlaha Imaaraadku uu Boosaaso ka wadaa ay walaac leeyihiin, oo ay keeni karto in ay Soomaaliya u jiidaan loollano juquraafi-siyaasadeed oo awoodaha gobolka u dhexeeya, intanna ka ballaadhan.
Madaxweynaha Buntilaan, Siciid Cabdillaahi Deni waxa loo arkaa in uu isbahaysi xooggan la yahay Imaaraadka Carabta, waana arrin ku salaysan taageerada maaliyadeed ee usii xoojinaya maamulka iyo damaciisa siyaasadeed.
Donald Trump oo dhawaan la kulmay Raysalwasaaraha Imaaraadka, Sheekh Mansuur binu Saa’id Aala Nahyaan, waxa uu, isaga oo qoslaya, kamaradaha hortooda ka yidhi: “Waxa uu haystaa lacag aan xad lahayn”. Martin Plaut, akaadamig ku takhasusay qalaalasaha Geeska Afrika, ayaa xusaya in sababta Imaaraadku ugu lug leeyahay dagaalka Suudaan ay tahay doonistiisa helitaanka dahabka Suudaan iyo iskuballaadhinta gobolka. Isaga oo, sidoo kale, ka hadlaya xaaladda Buntilaan waxa uu sheegay in barta ay ku taallo ee istiraatiijiga ah iyo madaxbannaanideeda dhinacyada qaar ay ka dhigeen goob hawlgallada Imaaraadka soo jiidata. Plaut waxa kale oo uu Middle East Eye u sheegay in Buntilaan tahay meel qarsoon oo dabagalka dunida lagaga dhuuman karo, sidaas awgeedna ku habboon shaqada Imaaraadka oo aan cidi weydiin ka keenayn.
Bishii Julaay, Kuxigeenka Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah, Nazhat Shameem Khan, ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u sheegtay in maxkamaddu sababo macquul ah awgood u aamintay in dambiyo dagaal iyo dambiyo xuquuqda aadame ka dhan ahi ka socdaan Suudaan. Paut waxa uu xusayaa in “masuuliyiinta Buntilaan, kolkaa, ay noqonayaan kuwo hawsha ku lug yeelanaya oo ay ka dhalanayso qaddiyad ay tahay inay ka jawaabaan”.