Skip to main content

Thursday 15 May 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Booqashaduu Kariim Cabdul-Jabbaar ku Yimid Muqdisho

17 April, 2025
Image
kareem
Kareem Abdul-Jabbar, the African-American NBA legend, visited Mogadishu in 1972 (Courtesy: Andrew Harding).
Share
Qoraaga iyo saxafiga Andaruu Haadhin (Andrew Harding) waxa uu buuggiisa Maayarka Muqdisho ku soo qaatay booqashadii Kariim Cabdul-Jabbaar Muqdisho ku yimid 1972. Waxa aan halkan idinkula wadaagaynaa garoocasho buuggan ka mid ah oo booqashadaa ka warramaysa.

Oskar Roobersan iyo Kariim Abdul-Jabbaar ayaa ka mid noqday dadkii u horreeyay ee soo dhaweeya ballanqaadka xayaysiis ku baaqayay booqashada dal martisoor wanaagsan oo gacmo furan kugu soo dhawaynaya. Waxa ay ahaayeen laba ciyaartoy oo kubadda kolayga foolaadkeeda ahaa, markaas uun bay kooxdooda (Milwaukee Bucks) u qaadeen koobka Jaambiyoonka ee kubadda kolayga ee Maraykanka (NBA).

Afrika waxa ay ka booqan karayeen, magaaladay doonaan, dalkay doonto ha ahaatee. Yoolkoodu waxa uu ahaa in ay dhiirigaliyaan ciyaartoyda kubadda kolayga ee qaaraddan la baaxaadegaysa colaadaha iyo fursadaha ku lammaan soo afjaranka xukunkii gumeysiga. Waxa horkacayay Mal Witfiil oo ahaa ciyaartoy madow oo kubadda kolayga ciyaari jiray, kaas oo markii danbe isu beddelay diblomaasi, waxa ay doorteen in ay Muqdisho booqdaan, waxa ayna 1972-dii ka soo degeen gegidda diyaaradaha ee xeebta kulaasha.

Way sahlan tahay in la sawirto iyagoo kaabadaha diyaaradda ka soo degaya oo u soo jahaysan dhanka dadweynaha soo dhaweyntooda isugu yimid. Oskar waxa uu ahaa nimaan qarsoomi karin oo murqo waaweyn, oo joogiisu yahay mitir iyo sagaashan iyo kow. Halka Kariim Cabdul-Jabbaar – oo dhawaan diinta islaamka qaatay,  magaciisii hore ee Lew Alcindor -na beddelay – ahaa laba mitir iyo siddeed iyo toban senti, waxa uu u noqanaya Soomaalida oo kolkooda horeba ka mid ah dadyowga adduunka ugu dhaadheer, cifriid.

Soomaalidu ma ahayn siday noqon doonaan tobaneeyo sano kaddib, bulsho caalami ah oo ku filiqsan daafaha dunida oo dhan. Balse, markaa way ku baraarrugsanaayeen in ay yihiin dad dunida si uga xidhan, waana ay ku faraxsanaayeen taageerada labadan nin ee Maraykanka ah.

Gabyow iyo Tarsaan waxa aad moodaysay laba kuray sida ay u qoslayeen ee u muusoonayeen, kolkay ka warramayeen siday u dhacday booqashadaas toddobaadka ahayd – waxay xuseen siday Kariim Cabdul-Jabbaar u deeqi weyday sariirtii qolka uu ka deganaa Shabeelle Huteel, ee loogu khasbanaaday in laba sariirood la isugu garab qabto, (“Haddaa waa huteelkii markaa u wacnaa dalka, oo five-star ahaa,” ayuu Gabyow yidhi isagoo xamaasadaysan). Tarsaan waxa uu xusay in gaadhiga uu raacayo xataa kursiga hore laga saaray, si uu isugu ururiyo masaaxadaa loo sameeyay, ee aan weli ku filnayn. “digaagad ayaan ku hoos noqonaynay!” Kariim waxa uu qaybiyay garamaantiisa ciyaarta qaar ka mid ah. “jilbaha ayay iigu dhacayeen!”

Waxay ahayd in ay noqoto ammintii ugu muhiimsanayd booqashada. Kumanaan dad ah oo isugu jiray mudantii magaalada Muqdisho ayaa soo buuxdhaafiyay garoonka 21 Oktoobar, oo ciyaartii fiidnimo ka dhacayso:

Ifka garoonkaa baxay, magaalada inteeda kalena mugdigaa qarqiyay. Waxa wada dheelayay Kariim Cabdul-Jabbaar iyo kooxda Tarsaan iyo Gabyow. Oskar Robeertsan, waxa uu u dheelayay kooxda booliiska iyo ciidanka oo la odhan jiray Horseed.

Ciyaartii si wanaagsan ayay u bilaabantay. Tarabuunka waxa fadhiyay Nuuradiin Faarax oo markaa ahaa qoraa curdin ah, waxa uu macallinka Ingiriisida ka ahaa dugsiga sare ee ay dhigan jireen Tarsan iyo Gabyow.

“Ameerikaankii way ka xaaraantimeeyeen in Soomaalidu kubada far saarto, oo way ku dheeldheeleen” ayuu xusay isagoo shactiraynaya.

Balse, albiitarihii/siidhiwadihii Soomaaliga ahaa ayaa bilaabay in uu soo faragaliyo. Naanaystiisu waxay ahayd “Wiish”, taas oo ka turjumaysay dhererkiisa.

Tarsaan wuu yaqaanay siidhiwadahan oo wuxuu u arkayay siidhwade adadag, oo istus ah. Yaxyax ayaa ka muuqday Gabyow iyo Tarsaan markay millicsanayeen siday wax u dhaceen.

Siduu sheegay Gabyow, Kariim Cabdul-Jabbaar waxa uu qaaday tallaabooyin ka badan intii la ogolaa, isagoo kubadda wata. Waa la murmay, dabadeed Wiish ciyaarta ayuu ka saray Kariim Cabdul-Jabbaar.

Tarsaan ayaa sheekadu siday u dhacday sii faahfaahiyay. Wuxuu sheegay in Oskar Robeersan kubadda u garaacanaya/jiidanayay si aan Wiish hore u arag. Gacantiisa ayuu kor iyo hoos marinayay kubadda, waxaad mooday in uu bahasha salaaxayo. Waxay ahayd hab caadi u ah ciyaatoyda xirfadleyda ah ee NBA-da ka ciyaara, balse, Muqdisho mid laga yaqaan ma ahayn. Siidhwade Wiish waxay ula ekaatay in ninkan Maraykanka ahi bahasha xanbaartay. Siidhiga ayuu afuufay, waxaana uu xukumay “khalad farsamo”. Daqiiqado yar ka dib mar kale ayuu afuufay.

“Oskar ayaa dabadeed u yimid oo ku qayliyay,” balse, Wiish uma jixinjixin. Ciyaarta ayuu ka saaray. Tarabuunkii ayaa ku sanaadhay, oo bilaabay in ay iska baxaan. Waxaad mooday sidii in aroos la qulbay.

“Wiish ayaa ciyaartii dhabqiyay. Ciyaartiina lama dhamayn. Waxaa ka gadmatay in aan dadkani u iman in ay annaga na fiirsadaan ee ay u yimaadeen ciyaartoydan caalamiga ah.” sannado badan ayaa Tarsaan ku canaanan jiray siidhiwade Wiish go’aankiisaa doqoniimada ahaa ee uu qaatay. Cadhadaa waxa uu u hayay ilaa 2012-kii, markaas oo Wiish lagu dilay qarax is miidaamin ah oo la la beegsaday gudaha tiyaatarka Muqdisho.

Dhawr jeer ayaan isku dayay in aan wax ka wayddiiyo labadan ciyaartoy ee Ameerikaanka ah safarkoodaas. Kariim Cabdul-Jabbaar waxa uu fariin iimayl ah iigu sheegay in uu keliya xasuusto in uu waqti wacan qaatay, balse, uusan wax kale ka xasuusan safarkaas. “xasuustayda arrimaha caynkan ahi ma wanaagsana.” Siduu sheegay afhayeen u hadlay Oskar Robeersan ama sida loo garan og yahay Big O, ma hubin in safarkaasi dhacayba, balse, sidoo kale waxa uu sheegay in xasuusaha Tarsaan yihiin “waxaan la rumaysan karin”.

Siday doonto ha noqotee, toddobaadkaasi waa mid gaarnimadiisa ii leh siduu macna gaar ugu samaynay Tarsaan iyo Gabyow iyo dad kaloo badanba, waa mid wata macna ka ballaadhan dhacdooyinkii dhacay toddobaadkaas. Kuma doodayo in toddobaad macna weyn ugu fadhiya magaalada, amaba ahaa mid kala guur ugu suntanaa. Balse, dhagaysiga gocoshadoodan sannadahan oo dhan ka dib, waan dareemi karaa macnahay u samaynaysay labadaa kuray ee marxalad noloshooda ah booqashadaasi ugu suntanayd. Waxay la kulmeen halyeeyadoodii kubadda kolayga. Waxay la kulmeen adduunka dibadda, oo wata muuqaalka laba ciyaartoy oo caan ah oo Maraykanka madow ah, oo magaaladooda taageero u muujiyay. Dabadeed garwaaqsashadii da’da ayaa ku timid, taas oo ah, in noloshu – garoonka iyo dibadiisaba – ay noqotay mid kakan oo niyad jab badan wadata.