Wednesday 9 July 2025
Xagaagii hore, markii aan ku laabtay Muqdisho, si aan u booqdo qoyskaygii, dhinaca kalena waxa aan fursad u helay in aan la falgalo arkiifiyadii Raadiyo Muqdisho. Waxa ay ahayd fursad weyn oo aan dib ugu milicsaday berisamaadkii dalkayga, anigoo dhex muquurtay kaydka duuban ee idaacadda oo hadda ku taalla goob aad loo ilaaliyo oo u dhow Filla Soomaaliya. Nasiibdarro, gaadhitaanka arkiifiyadani ma aha mid fudud oo ilaalo adag baa ka sokaysa, sababtuna waa in aaggan madaxtooyada u dhow aad loo ilaaliyo, iyo in cajaladaha laftooda laga ilaaliyo dayac. Markii koowaad waxa la ii oggolaaday in aan hal maalin galo, se booqashadaas keli ahbaa aakhirkii isku beddeshay marar dhawr ah inaan tago, maalmana ku qaato inaan dhegaysto barnaamijyo idaacadeed oo mawduucyo kala duwan ku saabsan. Mid ka mid ah barnaamijyada ayaa ku saabsanaa dabbaaldegyada xornimadii lixdankii, barnaamijyo kale oo heeso jacayl ahi ku jiraan, suugaan iyo barnaamijyo lagaga warramayo horumarka dhaqdhaqaaqii xornimodoonka ee Koonfur Afrika.
Raadiyo Muqdisho waxa la furay sannadkii 1951-kii, kolkaas uu Koonfurta Soomaaliya ka talinayey Wisaayadii Talyaanigu. Barnaamijyada waxa lagu soo dayn jiray afafka Soomaaliga, Talyaaniga iyo Ingiriisiga, markii dambena waxa lagu soo kordhiyey Carabiga iyo Amxaariga. In xilligii Wisaayada la aasaasay haddana gobonnimodoonkii uma diidin in ay u adeegsadaan goob laga abaabulo gobannimodoonka, iyada oo weriyayaasha iyo fannaaniintuba isku si isaga caabbinayey joogitaanka gumeysiga. Weriyayaasha idaacaddu si badheedh ah ayaa ay ugu celcelin jireen inaanu sharci ahayn joogitaanka Talyaaniga, waxaanay xitaa dhaliili jireen kaalinta Qaramada Midoobay ee dhexdhexaadinta iyo korjoogtaynta ah. Idaacaddani markii ay heerkeedii ugu sarreeyey maraysay waxa ay kaalin mug iyo miisaan leh ka gashay nolosha guud ee Soomaalida. Maanta waxa kayd ahaan u yaalla boqolaal kun oo cajalado duuban ah, se waxyar mooyee aan tirsi lahayn, waana weli wax u baahan ilaalin iyo kaydin. Kaydintu waa wax muhiim ah, sababtoo ah arkiifiyadu waa kaydka keliyee ka hadhay xasuus-wadareedka bulshada Soomaaliyeed, dagaalkii kaddib. Dagaalku markii uu bilaabmay dhammaadkii siddeetanaadkii, kala qaybsanaanta Soomaalidu keliya kuma koobnaan dhulalka ay ku kala abtirsadaan iyo siyaasadda, ee xitaa waxa lagu kala qaybsamay heerka xasuusta. Kaydadkii baa lumay, maktabado waaweynna waxa lagu waayay dagaalladii hubaysnaa. Waxa baaba’ay qoraallo-gacmeed afka Soomaaliga ku qornaa, waxaana la waayay dad hayay cajalado badan iyo sawirro – sida aniga iyo qoyskayagaba ku dhacday – waxaas oo dhan oo aan dib loo soo celin, inta dhifka ah ee badbaaddayna waxa ay taallaa Rooma, xarunta gumaysigii hore.
Sidaas darteed, waxa sharaf ii ah in ay ii suurogashay inaan berisamaadkii dalkayga deraaseeyo, weliba keliya aanan ku tiirsanaan kaydadka Niyuu yook oo qudha se aan sidoo kale sameeyey baadhitaan arkiifiyada Raadiyo Muqdisho ah. Inkasta oo aan sooyaalka afka la iskugu tebiyo u tixgeliyo hab wanaagsan oo aan deraasaddayda tagtada u mari karo, se haddana helitaanka cajalado xasuus ku gelinayaa waa wax soo jiidasho leh, waxaana ku duugan sheekooyin dhaafsiisan badweynta Hindiya.
Aad bay u adkayd in aanan dabin ugu dhicin hilawga iyo u daltabyoodka berisamaadkii marka aad dhegaysatid fannaaniin hooyaday noo qaadi jirtay carruurnimadayadii, waxaana ka mid ah; Axmed Naaji iyo kooxo faneedkii, sida Durdur, amaba markaad dhegaysatid khudbadihii siyaasadeed ee gumeysiga ka dib oo uu aabbahayo nooga sheekayn jiray. Dareenkan waxa sii xoojiyey in baadhitaankayga Muqdisho ay igu wehelinayeen xubnaha qoysku. Aabbahay ayaa ila socday inta badan oo kaataloog kasta rogrogayey, aniguna khaanadaha kala duwan baan ka baadhayey cajalado. Waxa aannu wadaagnay dareenka u laabashada berisamaadkii, waxa kale oo aannu ku faraxnay in arkiifiyada maqalka weli waxbadani badqabaan. Ku noolaanshaha qurbuhu wuxuu abuuraa daltabyo, se xasuuso qiimo badan oo Soomaaliya ah ma abuuro.
Maanta, koox dhallinyaro ah, oo madaxda arkiifiyadu korjoogtaynayaan ayaa qolal yaryar ku jira, oo tirsi u sameeya cajalado soddomeeyo ah maalinkii. Duruufta lagu jiraa ma saamaxayso ilaalinta cajaladaha, se haddana shaqaalaha arkiifiyada kama niyadjabinayso inay dedaal kasta ku bixiyaan tirsi u samaynta. Dadkani waxa ay ku dedaalayaan ilaalinta sooyaalka innaga dhexeeya iyo in ay idaacadda Muqdisho kusoo laabato kaalinteedii bulshada, iyada oo wartebintu ay soo wariso dhacdooyinka dunida ee maalinlaha ah.
Waxa mudan in la xuso in dedaallada tirsi u samaynta cajaladuhu ay taageero maalgelin ah ka helaan haayadda UNESCO, taageeradan oo qayb ka ah mashruuc caalami ah oo lagu horumariyo dhaxalka-dhaqan iyo warbaahinta. Soo faragelinta Qaramada Midoobay waa mid soo jiidasho leh, marka la eego xidhiidhka u dhexeeya idaacadda iyo Hawgalkii Qaramada ee Labaad ee Soomaaliya (UNOSOM II) oo ahaa 1993. Waa hawlgalka sii labanlaabay khilaafka dhinacyadii isku hayay siyaasadda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay. Sidaas oo ay tahay, taageerada dhinacyada caalamiga ahi waa mid keenaysa wayddiimo muhiim ah. Tusaale ahaan yaa jaangoynaya qaabaynta kaydinta? Yaa xaq u leh helitaanka kaydadkii duubnaa ee sooyaalka Soomaalida? Iyo ugu dambayn, yaa faa’idada u weyn leh?
Anigoo ah cilmibaadhe fadhigeedu yahay Yurub, arrimahan aan walaaca ka muujiyey waa kuwo fog. Dhib badan baan kala kulmay inaan gaadho qaar ka mid ah arkiifiyooyinka qaaradda, xitaa anigoo la ii saamaxay gelitaanka hore. Tusaale ahaan, Kambaala, la iima tixgelin cilmibaadhe la oggolyahay, waana la ii diiday inaan gaadho xarunta kaydka qaran ee Yugaandha. Maktabadda Cilmibaadhista iyo Arrimaha Afrika ee George Padmore, kuna taalla Accra, waxa la I wayddiiyey qofkaan caawinayo, iyagoo sawiranaya inaan xogtan uga wakiil ahay qof reer Galbeed ah, se aanan iskay u wadan. Marar badan baa la I su’aalay aqoonsigayga dhabta ah inaan xaqiijiyo. Iyada oo ay sidaa tahay waxa la hubaa in caqabadahani aanay Afrika uun ku koobnayn, se Afrikaankuba caqabadahan oo kale kala kulmaan dalalka kale ee dunida.
Kaddib markii aan dalka kasoo laabtay, waxa su’aalo iiga yimaaddeen cilmibaadhayaal dhawr ah oo rabay inay ogaadaan sida iyagana ay ugu suurogeli karto inay galaan arkiifiyada Raadiyo Muqdisho, dadkaas oo aan qaarkood garanayay, kuwona aanan aqoon. Billawgii codsiyadani waxa ay ila ahaayeen kuwo maangal ah, se muddo kaddib baan diiqad ku dareemay codsiyadaas. Waxa ii soo baxday in diiqaddaan dareemay ku sal leedahay xaqiiqada ah in aan dadkani hore dedaal ugu bixin deraasadaha Soomaalida ama danaynta sooyaalkooda, dhaqankooda iyo soojireenka Soomaalida. Waxa ii caddaatay in cilmibaadhayaasha Galbeedku tijaabadaydan u arkeen jid ay ku dhabayn karaan horumarinta iyo dallacsiinta arrimahooda shaqo. Marar dhawr ah oo soo noqnoqday baan qaabkan arkay: cilmibaadhayaal aan xidhiidh hore la lahayn gobolka oo haddana daahfur ku sameeyey Soomaaliya, kagana faa’idaysta inay maalgelin ku helaan iyaga oo iska dhigaya khubaro dhulalka Soomaalida khibrad u leh.
Qoraalkayga dhawaan soo bixi doona ee aan ka qoray SYL iyo Baaqa Afrikaannimo ee diblumaasiyiintii Soomaalida waxa la ergaystay laba jeer intaan ogahay, haddana muddadii aan waday PhD-da koox baan ku shaqaynayey anigoo niyadwanaag kaga jawaaba su’aalaha mawduucyadan la xidhiidha. Ma aaminsani is xidhxidhka iyo in wax la yareeyo helitaankiisa, waxaana habboon in aqoonta la helo, lana dhiirrigeliyo wadashaqaynta se haddana waxa aan aaminsanahay in la xisaabtamo. In waxsoosaarka feker ee Afrikaanka dib u soo saarid lagu sameeyo iyada oo bogaadin loo muujin waa wax akaadamiyadaha ku badan, waana waxa dadka ka faa’idaysanaya u saamaxa in iyagu dheefta helaan.
Dhaqankani waxa uu sii ballaadhaa marka taariikhda Afrika lagu shaambadeeyo in aan la tebin, la qariyey, oo ay dabargo’ ku dhawdahay. Sheekadani badanaa waa mid soo jiidata dhinacyada maalgelinta sameeya ee ku dedaalaya badbaadinta dhaqan dad badani wadaagaan. Markaa maxaad u malayn dedaalka lagu bixinayo dad dhaqankooda muddo ilaashaday. Walaacani waxa uu ku rumoobi karaa arkiifiyada Raadiyo Muqdisho iyo dadka kaalmaynaya ee ajanabiga ah, waxa kale oo la mid ah arkiifiyooyin dalal kale oo Afrika ah.
Tusaale ahaan, xaaladda ay ka jirta Xarunta Deraasadaha Soomaalida ee Jaamacadda Rooma Tre waa mid la yaab leh. Xaruntu waxa ay haysaa dhukumantiyo badan oo Soomaaliya ku saabsan, bartooda onlaynka ahna waxa ay ku sheegeen in waxyaabaha ay hayaan aanay Soomaaliya oollin. Xaruntu waxa ay ku faantaa iskaashiga iyo tabarrucaadka, oo kaydin kara sooyaalka Soomaaliya, se waxa iswayddiin mudan, yaa loo ilaalinayaa?
Marka aynnu ka duulno caqliyadda ku dhisan xakamaynta cidda heli karta xogtaas, cilmibaadhe reer Muqdisho ah baa ku khasbanaanaya in uu Rooma u safro si uu xog uga helo sooyaalkii dalkiisa. Haddiiba maktabadihii Afrika lagu ilaalinayo Yurub, si kasta oo loo sheegto u adeegidda xasuusta afkrika, haddana ma aha wax xaqiiqo ku dhisan. Xidhiidhada awoodda aan isku dhigmin waxa ay khalkhalinayaan shaqada dib u habaynta sooyaalka Soomaalida, waxaanu kaalintoodii ka qaadayaa codadka Soomaaliyeed ee kaalinta weyn ku leh sooyaalka.