Wednesday 19 November 2025
Taariikhdu kolkii ay ahayd 9-kii, Semtember 2025, waxa xadhiga laga jaray biyo-xidheenka ugu weyn Afrika ee laga dhalinayo korontada. Daah furku, waxa uu ka dhacay Guba oo ah degmo ka mid ah degmooyinka gobolka Benishangul-Gumuz ee dalweynaha Itoobiya, waana mid ka mid ah gobollada uu maro webiga Niilka ee Itoobiya looga yaqaan Abaay. Guba waa meesha laga dhisay biyo-xidheenka ay Itoobiya dhismihiisa soo bilowday 2011-kii kaas oo ay ku qabanayso qayb ka mid ah biyaha webiga Niil si ay uga dhaliso koronto. Webigu, waxa uu waraabiyaa 11 dal, waxa uuna u qaybsan yahay laba qaybood oo kala ah; Niilka Cad iyo Niilka Buluugga ah. Kan buluugga ah waxa uu ka soo burqadaa harada Taana ee Itoobiya, waxaana la tilmaamaa in uu yahay midka ugu biyaha badan kolka la eegayo meesha ay labada webi iskaga darsamaan ee ku taalla Khartuum, Suudaan.
Niilka cad, wuxu ka soo bilaabmaa harada Fiktooriya oo xuduud ahaan ay ku kulmaan Tansaaniya, Kiiniya iyo Yugaandha, biyo ahaanna waa uu ka biya yar yahay kan buluugga ah, sidaas oo ay tahayna waa muhiim, oo waxa uu biyaha siiyaa, si aan toos ahayn dalal dhawr ah oo ay ka mid yihiin Burundi, Koongo iyo Ruwanda. Kolka uu ka dhaqaaqo harada Fiktooriya waxa uu sii maraa Yugaandha, waxaanu uga sii gudbaa Koonfurta Suudaan, kolkaas ayuu gaaraa Suudaan oo ay ku kulmaan Niilka buluugga ah. Isku-milanka labada biyood ka dib webigu waxa uu u tallaabaa Masar, halkaas dabadeed wuxu ku shumaa badweynta Midhiteeriyaanka. Waxaa kale oo la xusaa in uu isla Suudaan uga leexdo dhanka dalka Erateriya taas oo ka dhigaysa tirada dalalka ee uu webiga Niilku uu waraabiyo 11 dal.
Biyo-xidheenka cusub oo loo bixiyay ‘Grand Ethiopian Renaissance Dam’ waxa uu noqonayaa midka ugu weyn Afrika ee laga dhaliyo koronto, halka uu adduunkana ka galayo kaalinta labaatanaad. Sida ay xustay dawladda Itoobiya biyo-xidheenku waxa uu socday muddo gaaraysa 14 sanno, waxaana ka hawlgalay dad gaaraya 25,000 oo qof, sidoo kale waxa uu biyo-xidheenku dhalinayaa dab gaaraya 5,150 megawatt. Dhanka kale, mashruucan waxa ku baxay adduun gaaraya shan bilyan oo doollar oo uu Bangiga Dhexe ee Itoobiya bixiyay inta ugu badan oo ah 91% halka inta kalena ay ku timi qaadhaan guud oo shacabka Itoobiya laga soo rururiyey.
Muddadii uu mashruucani socday waxaa jiray qalalaase diblumaasiyadeed oo ku gaddaaman hirgelintiisa, taas oo saamayn weyn ku yeelatay siyaasadda Geeska iyo midda Afrikaba. Dhanka kale, waxa iyaduna tallaabo weyn oo horusocod leh ahayd hirgelinta mashruuc sida u ballaadhan mise na aan dhabarka ku hayn gargaarka iyo daymaha reer galbeedka ama dalal shisheeye.
Dhanka siyaasadda, muddadii uu socday mashruucani waxa uu la kulmay dhibaatooyin dhawr ah oo ay ugu waynayd culaysyada kaga imanayey waddamada uu sii maro webigu sida Suudaan iyo Masar. Masar oo iyadu biyo-xidheen ka samaysatay biyahan, sannadkii 1960-kii ayaa aaminsan in biyo-xidheenkan Itoobiya uu hoos u dhigayo qulqulka biyihii soo gaari jiray, maaddaama Niilka buluugga ahi ka biyo badanyahay midka cad, isla jeerkaas na shacabka Masar ay ku tiirsan yahiin biyaha webiga.
Masar, kaliya kama baqayso in biyo-xidheenkani ku keeno saamayn biyo yaraan — waxa kale oo warwar ku haya in dalalka kale ee webigu maro ay ku dhiirradaan tallaabo la mid ah tan Itoobiya oo ay biyo-xidheenno dhistaan, falkanina uu noqdo tusbax furtay. Suudaan oo iyadana ka mid ah dalalka hoose ee biyuhu u qulqulaan ayaa qabta cabsi la mid ah ta Masar, muddadii uu mashruucani socdayna inta badan waxa ay la aragti ahayd Masar.
Furitaanka biyo-xidheenka GERD waxaa ka qaybgalay madax dhawr ah oo ka socda dalalka Geeska, waxaa ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Soomaaliya waxaa mara laba webi oo la kala dhaho Shabeelle iyo Jubba oo labaduba ka soo burqada buuraleyda Itoobiya. Sida ay caddaynayaan daraasado la baahiyay waxaa muddo hore jirtay damac ay Itoobiya ku doonayso in ay webiyadaa ka samaysato biyo-xidheen taas oo saamayn ku yeelanaysa Soomaaliya, maaddaama oo ay bulsho aad u tira badan oo beeralay ah ku tiirsan yihiin biyaha labadan webi. Madaxweyne Xasan Sheekh, khudbad uu ka jeediyay furitaanka GERD ayay dad badan u arkaan in ay halis ku tahay tallaabooyinka mustaqbalka ee Itoobiya ay ku samaysan karto biyo-xidheeno kale oo noqonkara webiyada Soomaaliya taga, hadalka madaxweynaha ayaa u dhignaa, “Itoobiya xaq ayay u lee dahay in ay horumar gaarto.” Taas oo ka dhigan in Itoobiya xaq u leedahay in ay sida ay rabto uga faa’idaysato khayraadka biyeheeda oo dalkeeda ka soo bilowda.
Waxaa kale oo ka qaybgalay furitaanka madaxweynaha Kiiniya iyo madaxweynaha Koonfurta Suudaan oo biyo-xidheenku aanu wax saamayn ah ku lahayn dalalkooda, haddana tallaabadan ka qayb galka ayaa ah mid sii kordhin karta cabsida ay Masar qabto ee ah in dalal kale ka dab qaataan Itoobiya oo iyaguna biyo-xidheen ka samaystaan webiga Niilka.
Kolka laga yimaaddo saamaynahaa kala geddisan, waxaa qodob weyn ah oo mudan in la xuso, mashruuc sidaa u ballaadhan oo Afrika laga hirgeliyey in lagu dhiso dhaqaale ka madax bannaan dayn iyo gargaar. Sida ay qabto qoraaga buugga Dead Aid, Dambisa Moyo, gargaarku waa dilaaga koritaanka, waana midka abuura musuqa, daciifiyana haya’daha dawladda ee la rabay in ay iyagu musuqa la diriraan Sidaas ayey ku sifaysay, weliba marka ay ka hadlayso gargaarka la siiyo Afrikaanka, waxayna u ku doodday gargaarku in aanu u qaabaysneyn hirgelinta mashaariic waara oo isla gargaarka lagaga maarmo, taa bedelkeedana uu xoojiyo sidii uu u sii tarmin lahaa.
Mashruuca GERD waxa uu dhiirrigelinayaa isku-tashiga bulshada iyo dawladaha Afrika. Waxa uu xoojinayaa ka maaranka dawarsiga shisheeye iyo sidii dal walba wax ugu qabsan lahaa dhaqaalihiisa. Sida aan horay u xusnay waxa jiray caqabado badan oo dhanka dublomaasiyadda ah oo lagu hayay Itoobiya, haddii dhaqaalaha lagu dhisayo biyo-xidheenka ka iman lahaa gacmo shisheeye waxaa biyo kama dhibcaan ah in uu hore u istaagi lahaa, waxa xoojinayay in uu dhammaystirmona waa in deeqbixiyeyaasha mashruucan ay ahaayeen shacabka iyo dawladda Itoobiya.
Sida uu raysalwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, sheegayna, waxa ay biyo-xidheenkan u dhiseen sidii ay wax uga beddeli lahaayeen taariikhda dadka madow oo uu Afrikaanka ula jeedo. Siyaabaha hadalka Abiy loo turjuman karo waxaa ka mid ah, kolka laga yimaaddo faa’idooyinka uu biyo-xidheenku bixinayo in ay noqon karto dhiirrigelinta isku-tashiga iyo in dadka madow ay hindisi karaan mashaariic waaweyn ayna ku hirgelin karaan jeebkooda iyaga oo aan cidna gacmo hoorsi iyo gargaar ka sugayn. Rasalwasaaruhu waxa kale oo uu sheegay mashruucani in uu yahay guul weyn, taas oo caddaynaysa awoodda ay Afrikaanku u leeyihiin in ay gaaraan guul sidan u weyn.
Dhanka kale, marar badan ayuu Abiy Axmed meelo kala duwan ka sheegay in ay jiraan shacab badan oo Itoobiyaan ah oo baahi u qaba koronto, taasna ay tahay midda khasbaysa dhismaha biyo-xidheenkan. Mashruucan ballaadhan, waxa laga filayaa in uu dabooli doono baahidaas koronto. Maaddaama ay kordhayso tirada bulshada Itoobiya, dalkuna yahay mid xidhan oo aan bad lahayn, waxa ay u sahlaysaa Itoobiya in ay awood dheeriya u yeelato korniinka warshadaha, horumarinta tiknoolajiyadda, beeraha iyo dhinacyo badan oo kale oo korontada jaban u sahlayso in la sii hormariyo. Waxa kale oo uu biyo-xidheenkani faa’ido ballaadhan u leeyahay dalalka gobolka ee aan haysan koronto jaban, iyaga oo si fudud uga jiidan kara korontada.
Gebagabadii, kolka laga yimaaddo siyaasadda gobolka iyo danaha waddamada gobolka ee kala duwan ee ku aadan biyo-xidheenka, waxaa jira faa’idooyin dhawr ah, oo aan qaarkood kor ku xusnay, oo uu biyo-xidheenku u leeyahay Itoobiya iyo gobolka. Sidoo kale, waxa aan ka akhrisan karnaa mashruucan muhiimadda ay Afrika u lee dahay in ay ku baraarugaan tabnaanta gargaarka ayna xoojiyaan iskutashiga bulshada iyo sidii loo yagleeli lahaa mashaariic waara oo ay shidaalinayaan dawladda iyo shacabka iska leh halka laga hirgalinayo mashruuca.