Sunday 12 July 2026
Daraasad cusub ayaa daaha ka fayday in ay bini’aadamku durtaba bilaabeen inay qaataan hab luuqadeed si weyn ugu eg kan garaad-gacmeedka, sida ChatGPT.
Isbeddelkan aamusan, oo ay ogaadeen cilmi-baadhayaal ka tirsan Machadka Max Planck ee Horumarinta Aadanaha ee Barliin, kuma koobnayn ereyada oo keliya, balse wuxuu gaadhay qaab-dhismeedka weedhaha iyo guud ahaan codka hadalka. Arrintani waxay dhalinaysaa su’aalo qoto dheer oo ku saabsan mustaqbalka luuqadda iyo kala-duwanaanta dhaqameed, xilli uu sii xoogaysanayo hab-fekerka mashiinnadu.
Daraasaddan, oo aan weli lagu daabicin joornaal cilmiyeed balse hadda laga heli karo nuqul hordhac ah madasha arXiv, waxay ku salaysnayd falanqayn faahfaahsan oo lagu sameeyay xog luuqadeed aad u ballaadhan. Xogtan waxay ka koobnayd ku dhowaad 360 kun oo muuqaal oo laga soo qaatay Youtube-ka qaybta tacliinta iyo 771 kun oo qaybood oo Podcast-yo ah.
Cilmi-baadhayaashu waxay isbarbardhigeen luuqadda la adeegsanayay ka hor intii aan la soo saarin ChatGPT dabayaaqadii sannadkii 2022-kii, iyo ta la adeegsaday wixii ka dambeeyay. Natiijooyinkuna waxay ahaayeen kuwo aad u yaab badan.
Kooxda cilmi-baadhistu waxay ogaatay korodh weyn oo ku yimid adeegsiga waxa ay ugu yeedheen “ereyada GPT”, kuwaas oo ah erayo uu garaad-gacmeedku si gooni ah u jecel yahay, sida: delve (si qoto dheer u baadho), meticulous (aad u taxaddar badan ama sax ah), realm (dunid ama goob gaar ah), boast (ku faano ama lagu garto), comprehend (si buuxda u dhugto).
Ereyadan, oo markii hore si yar looga adeegsan jiray wada sheekaysiga dabiiciga ah ee maalinlaha ah, ayaa si weyn u batay. Tusaale ahaan, adeegsiga erayga “delve” keligii waxa uu kordhay 48% kadib soo bixitaankii ChatGPT.
Si loo xaqiijiyo “sumadda luuqadeed”, cilmi-baadhayaashu waxay soo saareen ereyada uu garaad-gacmeedku doorbido iyaga oo ku amray in uu dib u qoro malaayiin qoraallo ah oo kala duwan. Waxa u soo baxday in adeegsiga ereyadan ee hadalka dadku kordhay ilaa in ka badan 50%, taas oo caddeynaysa in saameyntu aanay ku koobnayn qoraallada la qoro, balse ay gaadhay wada sheekaysiga maalinlaha ah.
Waxa ugu yaabka badnaa ee daraasaddani fayday ma ahayn ereyada laftooda oo keliya, balse waxay ahayd qaabka guud ee hadalka. Cilmi-baadhayaashu waxay ogaadeen in dadka hadlayaa ay bilaabeen inay qaataan qaab hadal ka rasmisan qaabkoodii hore, oo si wanaagsan loo habeeyey, iyagoo ah weedho dhaadheer oo isku xigxig macquul ah leh, oo si weyn ugu eg qoraallada nidaamsan ee garaad-gacmeedku soo saaro. Taasi waxay ka fog tahay shucuurtii dabiiciga ahayd iyo astaamihii gaarka ahaa ee luuqadda. Dhacdadan waxay ka dhigan tahay in aynu markhaati ka nahay marxalad aan hore loo arag: bini’aadamku waxay si muuqata u canjilayaan mashiinnada.
Cilmi-baadhayaashu waxay ku tilmaameen waxa dhacaya “Wareeg dhaqameed xidhan oo is-quudinaya” (closed cultural feedback loop). Taas micnaheedu waa in luuqaddii aynu baraynay mashiinka ay si aan ula kac ahayn u noqotay luuqadda aynu ku hadalno innaga qudheennu.
Levin Brinkmann, oo ka mid ahaa ka qaybgalayaasha daraasadda, ayaa yidhi: “Waa wax dabiici ah in ay bini’aadamku isku daydaan, balse hadda waxa aynu ku dayanaynaa mashiinnada.” Hadalkani wuxuu muujinayaa sida garaad-gacmeedku u noqday tixraac dhaqameed awood u leh inuu saameyn ku yeesho xaqiiqada nolosha bini’aadamka.
Inkasta oo dhacdadani u ekaan karto mid madadaalo ama xiiso leh, haddana daraasaddu waxay xambaarsan tahay digniin culus oo ku socota mustaqbalka kala-duwanaanta dhaqanka iyo luuqadda. Cilmi-baadhayaashu waxay tilmaamayaan in ku tiirsanaanta xad-dhaafka ah ee qaab luuqadeed isku mid ah, xitaa haddii uu u muuqdo mid hagaagsan oo nidaamsan, ay horseedi karto gudhitaanka asalnimada, dabiicinnimada iyo gaar ahaanshaha lagu garto xidhiidhka dhabta ah ee bini’aadamka.
Isla arrintan, Mor Naaman, oo ah borofiisar ka tirsan Machadka Cornell Tech, wuxuu ka digayaa in marka luuqaddu qaadato astaamaha garaad-gacmeedka ah, ay dadka kale lumin karaan kalsoonidii ay ku qabeen isgaadhsiinteenna. Sababtu waxay tahay inay dareemi karaan inaan ku dadaalayno ku dayashada mashiinka halkii aan ka muujin lahayn shakhsiyaddeenna dhabta ah.
Daraasaddu waxay tilmaamaysaa in wixii ku bilaabmay agab gacansiiya qoraalka iyo cilmi-baadhista uu hadda isu beddalay ifafaale dhaqan iyo bulsho oo la filayo inuu sii fido. Haddii internet-ku luuqaddeenna ku soo kordhiyay gaabisyo farsamo sida “LOL”, waxa dhacay maanta waa ka turjumid toos ah oo ka dhalatay xidhiidh wadaag ka sii qoto dheer kana murugsan oo u dhexeeya bini’aadamka iyo garaad-gacmeedka.
Natiijooyinkani waxay xaqiijinayaan in luuqaddu aanay ahayn ereyo keliya, balse ay tahay muraayad ka turjumaysa awoodda dhaqameed iyo ilaha sawraca. Marka garaad-gacmeedku noqdo qayb ka mid ah awooddaas, qaadashada qaab hadalkiisu waxay la micno noqon kartaa in aynu si aan baraarug lahayn u luminayno qayb ka mid ah shakhsiyaddeenna iyo sawraceenna luuqadeed ee gaarka ah, iyadoo dagaal aamusan oo cusub lagu qorayo cutubbo ka tirsan taariikhda isgaadhsiinta bini’aadamka.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.