Thursday 5 December 2024
Masraxa hawlaha ka socda iyo fan-masraxeedka lagu soo bandhigo waxay u qaabeeyaan noolaha jiritaan cusub iyo u socdaalidda meere faneed. Waxa uu astaan u yahay ilbaxnimada iyo dhadhansiga bulsho korsan oo nabad abuuridda iyo curashada jiil faneedna qayb wayn ayuu ka qaataa. Bar bilowgii masraxa guud ee aadanaha marka uu ka warramaayo, Maxamed Daahir Afrax waxa uu ku sheegayaa buuggiisa Fan-masraxeedka Soomaalida; “Waxaan shaki ku jirin masraxu in uu yahay qaab dadku isu cabbiro, dhalashadiisii iyo koritaankiisuna ku ma imaan qorshe cidi samaysay bal se waxay ahayd wax si dabiici ah u la socdo nolosha aadamiga iyo koritaanka bulshada.” Waxa uu ku tilmaamay masraxa Fanmasraxeedka lagu soo bandhigo Aristootal, 'nolosha oo la jilaayo', isla sidoo kale Shekisbiirna waxa uu ku tilmaamay 'muraayad nolosha laga daawado' se kolka keligiitaliyuhu faragaliyo, masraxu wuxuu ka leexdaa jidkii ilbaxnimada oo waxa uu noqdaa guri guulwadayn.
Soo ifibixiddii u horraysay ee masraxa Soomaalida waxa uu ka soo bilaabanayaa soddomeeyadii iyo Muqdishadii berigaas, oo dhallinyaro Benaadiri ah ayaa abuuray wax u eg masrax u qaabaysan qaab maaweelo ah, oo ay ku nasan jireen habeennadii. Doonistooda abuurista masraxa waxaa saamayn ku lahaa aflaanta Hindiga, iyo isdhexgalkii ay la lahaayeen dadyowga ajaaniibta ah. Iyaga oo sidaas u qaabaysan ka dib dagaalkii koowaad ee dunida waxaa abuurmay isbeddel hor leh oo ku saabsan isdhexgalka caalamiga ah iyo kan miyiga iyo magaalowga. Afrax isaga oo tilmaamaaya ayuu leeyahay; “Waxaa si isugu furmayay miyiga iyo magaalada, iyo guud ahaan isdhexgalka dadka iyo u-furmiddooda dadyowga kale ee adduunka.”
Soddomeeyo sanno ka dib soo ifbaxaas hore Soomaalidu waxay qaadatay madax bannaani, oo lixdameeyadii ayaa masraxa lagu daahfuray sheekomasraxiyeeddii u horraysay oo ahayd "Shabeel Naagood" ee uu sameeyay Abwaan Xasan Sheekh Mu'min. Tobantirsiga (62-kii ilaa 72-kii) ayuu dufankii iyo duxdii ugu wacnayd ku tilmaamayaa Afrax in lagu soo bandhigay masraxa. Waliba wuxuu Afrax muddadaa ku sii tilmaamayaa berisamaadkii masraxa, oo buuggiisa aynu xusnay ayuu ku leeyahay: “Tobankaa sanno ayaan qabaa in ay mudan yihiin berisamaadkii riwaayadaha, heesaha iyo muusigga Soomaalida.” Intaan waxaan laga dhadhansanayaa kacaankii askarta inay waxyeello u gaysteen xorriyaddii, ilbaxnimadii iyo horusocodnimadii masraxa. Dhadhansi kolka laga yimaaddo, waxaa biyakamadhibcaan ah oo lagu doodi karaa in kacaanku ilbaxnimadii masraxa u qaabeeyay wasaarad yar oo ay ka shaqo galaan koox taabacsan kacaanka, kuwa ilbaxnimada iyo xorriyadda masraxa rumaysanna waxaa lagu tiimbareeyay 'kacaan-diidnimo'.
Keligiitaliyuhu laba goorba masraxa qaanadda ugu sarrayso ayuu galiyaa: mar waa marka shaqooyinka masraxa ka socdaayi isaga faraxgalinayaan, waxa uu masraxu u leexdaa kolkaan guulwadaynta iyo aabbeyaynta. Markaan masraxu waxa uu ka foofaa jidkiisii masraxnimada oo waxa uu ka mid noqdaa xoogga waddaniyiinta oo uu hoy u noqdaa guulwadeeyaasha. Habeenkii ay askartu afgambiga dalka ku qabsanayeen waxay u baahanaayeen wax kasta oo afgambiga ku kaalmayn kara, baahi waynna waxay u qabeen bahda masraxa iyo erayadooda. Abwaan Siciid Maxammed Cali "Xarawo", ayay ku muuqinayeen in uu u sameeyo hees summad u ah kacaanka, oo halkaas waxaa ka curatay heesta Towradatan barakaysan. Sida hubku muhiimad gooni ah ugu lahaa si la mid ayay habeenkaasna muhiimad gooni ah u lahaayeen qalabyada muusiggu. Sida talisyada askartu ay muhiimad iyo door u lahaayeen ayay abwaannada iyo bahda masraxuna muhiimad gooni ah u lahaayeen. Isla kol kale sida ay guutooyinka ciidanku muhiimad ugu lahaayeen afgambiga ayay hoballaduna muhiimad u lahaayeen. Curashadii taliska ka dib iyo Soomaaliyadii kacaanka, masraxa waxaa baddelmay qaabdhismeedkiisii, waxa uuna noqday masrax bandhigyadiisu ay ku gaafwareegaan sheekooyin aan dhabta abbaari karin. Keligiitaliyuhuna waxa uu ka dhuran jiray ammaanta, oo erayadooda ayuu ku seexan jiray. Sheekomasraxiyeedyada lagu soo bandhigayay waxay la daalaadhacayeen micnobeelnimo iyo dhabsheegnimodarri.
Naf baahan oo xoogsato ah misana aan haysan wax xorriyad siyaasadeed ah ayaa u soo daawasho tagaysa masraxa ka dibna waxay ka indho buuxsanaysaa masraxiyad jacayl, heeso caashaq iyo duni aan waaqiceeda ka dhabsheegi karin. Fan-masraxeedka lagu soo bandhigo masraxa markaan ma noqon karto tilmaamtii Shekisbiir siiyay oo ahayd 'muraayad nolosha laga daawado', sababta oo ah markaan ma aha muraayad uu qofku iska dhex arki karo, baahidiisii masraxiyadeed soo bandhigaayana ka ma helaayo isteejka, se dhinaca kale kolkaan masraxu waxa uu noqdaa 'muraayad uu keligiitaliyuhu iska daawado' kolkaana waxaa dheefsi ku qabo masraxa keligiitaliyaha, waxa uu ka helayaa ammaan uu ku seexdo, masraxiyaad barwaaqosooran muujinaysa iyo aabbeyayn loo nisbaynaayo aabbaha dadka, dalka iyo dawladda. Masraxuna waxa uu noqdaa telefishan yaalla guriga keligiitaliyaha oo uu ka daawanaayo waxa uu doono misana faraxgalinaayo illayn dalkiiba waxa uu noqonayaa guri uu isagu maamusho e.
Goorta labaad ee uu keligiitaliyuhu masraxa qaanadda ugu sarraysa galiyo: waa marka masraxa uu ka dhadhansado wax u dhow dhabsheegnimo iyo muraayad bulshada dhabteeda laga daawan karo. Markaan masraxa waxa uu kaga halis badnaadaa jabhadaha jiidda hore xabadda la taagan oo ka gadoodday aabbeyayntiisa. Waxa uu yagleelaa kolkaan 'guddiga faafreebka' oo masraxiyaadka dhabta lagu tuhmo iyo hal'abuuraha laga dhadhansan karo waxsoosaarikiisa runsheegnimo ayay cuuryaamiyaan oo mijixaabiyaan. Guddigan shaqadiisu sida dhabta ah markii loo taxliiliyo waa guddiga nuxur-reebka, dhabsheegreebka, iyo guddiga ilbaxnimo'reebka.
Jidgooyadani waxay sababtay in masraxu ku suntanaan waayo ilbaxnimo iyo muraayaad bulshadu iska dhex arki karto. Waxay meesha ka saartay hal'abuurkiii iyo dufankii, oo beenowga barwaaqosooranka muujinaaya ayay indhaha baahanaha ku cawaraan, sheeko aan dhabtiisa matali karinna u saaraan masraxa. Waa barta laga naafeeyay masraxa Soomaalida iyo ilbaxnimadiisa, hal'abuurkii suugaanlayda Soomaaliyeedna waa halka ay ka soo gaartay dhibaatada iyo beegsiga ugu badan. Sheekomasraxiyeedda ama heesta uu guddigu ka dhadhamiyo wax uun lagu badhxay dhabsheegnimo waxa la beegsanayay abwaanka iyo kooxda jilaayaasha ka ahaa masraxiyadda. Cuuryaamintaani waxay dhashay in masraxa Soomaalida ay ku gaafwareegaan masraxiyaad macalluul ah oo aan ruxi karin dareenka dhibaataysanaha, sidoo kale cuuryaamintani waxay meesha ka saartay xorriyaddii oo aabbeyaynta ayaa masraxa la saari jiray iyada oo bannaanka lagu reebaayo dhaliisha aabbaha qooqanaha ee ku tagrifalka ku talax tagay. Tani waxay dhashay goortii danbe in hal'abuurayaashu u leexdaan dhinaca jabhadaha oo erayadooda dhabsheegga ah ay ku kaabaan xabbadda kulul ee jiidda hore ka afuufantay.
Labadaas goor kolka laga yimaaddo oo aynnu ku sii kabno aragtida Afrax ee tobantirsiga (62-kii ilaa 72-kii) oo ugu yeedhay berisamaadkii masraxa Soomaalida, waxaynnu ku doodi karnaa oo biyakamadhibcaan ah in askartii kacaantay ay masraxa Soomaalida naafeeyeen oo ay u qaabeeyeen guri guulwadayn. Koritaankii socday iyo Soomaalida oo soo fahmaysa aragtiyaha fanka iyo farshaxamada masraxa ayuu ka soo dul dhacay kelitaliskii iyo askartiisii oo waxaa baddelmay dawgii la qaadayay ee ilbaxnimada iyo koritaanka. Afrax buuggiisa Fan-masraxeedka Soomaalida waxa uu ku andacoonayaa qodob ah; “Riwaayadaha, heesaha iyo muusigga Soomaalida intuba berigaas (62-kii ilaa iyo 72-kii) ayay qaangaareen xagga nuxurka, iyo dhismaha fan ahaaneedba, waqtigaa hortii waxay ahaayeen curdan wali koraya, dabadiisna wax ka dhaca mooyee waxba uma kordhin.” Runtaan qadhaadhi waxay muujinaysaa boqongoyntii ku dhacday koritaankii, ilbaxnimadii iyo fahankii masraxa iyo farshaxamada ku aaddanaa oo ay soo fahmaysay Soomaalidu. Fankii qaangaadhay iyo nuxurkii laga dhadhansanaayay dhabta oo ay Soomaalidu wax uun ay iska dhex arkayso ku soo bandhigaysay waxaa ku dhacay kacaan naafeeyay oo masraxu waxa uu u kacaamay jaantana u qaaday gadaal-gadaal.
Afrax isagoo dooddiisii hore iyo aragtidiisii sii adkaynaayo waxa uu leeyahay: “Fannaaniinta Soomaaliyeed ee maanta jira magacyada ugu caansan, marka laga reebo asaasayaashii hore intooda kale dhammaan waxay soo shaacbaxeen xilligaa isaga ah. Magacyo haddii loo dhaqaaqo la ma soo koobi karo, xagga hal-abuurka waa waagii ay cirka isku shareereen magacyada Cali Sugulle, Axmed Saleebaan Bide, Xasan Shiikh Muumin, Maxamed Cumar “Huryo”, Maxamed Ibraahim “Hadraawi” iyo kuwa kale. Midkood waliba muddo toban sanno ka yar gudaheed ayuu waagaas ku sameeyay riwaayado badan oo sare u qaaday fan-masraxeedka Soomaalida.” Kolka uu muujiyo dedaalka dhacay waagaas iyo magacyada soo shaacbaxay ayuu haddana isla iyagii ku noqonayaa isagoo sii wato; “Haatanna muddo lix iyo toban sanno ka badan ayaan midkoodna laga haynin xataa hal riwaayad.” Waxay intaani xoojinaysaa doodda naafaynta masraxa Soomaalida uu ku sameeyay kacaanka iyo dibusocodnimada sheekomasraxiyeedda ku dhacday. Hal'abuurayaasha uu Afrax tilmaamay ee tobankaas sanno ku sameeyay dedaalka intaas la eg dhabtii waxay heleen xorriyad masrax iyo dimuquraaddiyad se lix iyo tobankaan sanno ee danbe waxaa cuuryaamiyay dedaalkooda ku aaddanaa horusocodnimada iyo sare-u-qaadidda masraxa Soomaalida, iyo dhabsheeggooda oo jidgooyo ku noqday sheekooyinkooda guddiga faafreebidda.
Tobankaas sanno ee uu Afrax ku tilmaamay berisamaadka waxaa la unkay oo kaalmada Shiinaha lagu dhisay 1967-kii masraxa qaranka oo Muqdisho laga furay. Masraxa dhisiddiisii waxay ku tumid bulshada oo fahantay lamataabtaannimada iyo muhiimadda uu leeyahay masraxa iyo farshaxamada masraxiyaadka, hal'abuurayaashuna waxay isku taageen inay qaadhaankooda ku aaddan waxsoosaarro tayaysan ay ku darsadaan. Masraxuna isaga oo aan shan jirsan ayuu talisku maquuniyay dalka oo isku sheegay in uu kacaamay, ka dibna waxaa kacaankaa ku naafoobay masraxii oo muraayaddii bulsho ka kacaamay loona qaabeeyay muraayad uu keligiitaliyuhu iska daawado, dedaalkii iyo koritaankii masraxa Soomaalida sidaas ayuu ku joogsaday.