Skip to main content

Monday 18 May 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Wacaal

Baydhabo: Doorasho Boobsiis ah iyo Durbaan Colaadeed

28 March, 2026
Image
South West state defies Mogadishu, pushes ahead with elections
Share

Ka dib maalmo ay socdeen abaabullo dagaal oo iska soo horjeeda kuwaas oo ay Muqdisho iyo Baydhabo ugu xusulduubayeen in ay is muquuniyaan, waxa maanta doorasho degdeg ah isku caleemasaaray Madaxweynihii maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kaas oo sannaddadii la soo dhaafay ku maamulayay deegaankaas muddo-dhaaf ay gacan ku siinaysay Filla Soomaaliya. Maalin qudha ayaa uu maamulka Laftagareen ku soo gebagebeeyay dhammaan geeddi-socodkii doorasho ee baarlamaan, shir-guddoon ilaa doorasho madaxweyne la dhaariyay, arrintaas oo muujinaysa in ujeeddada qudha ee la dhawray ahayd in laga gaadhsiiyo dhaqdhaqaaqa ku lidka ah ee ay waddo Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Xidhiidhka Cabdicasiis Laftagareen iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si degdeg ah u burburay horraantii bishan, ka dib markii ay tabashooyin hore oo u dhexeeyay labada dhinac isu beddeleen isku-dhac toos ah oo keenay in ay ku kala hulleelaan hannaankii siyaasadeed ee ay ku mideysnaayeen iyo in ay ciidamo isu urursadaan. Madaxweyneha Soomaaliya, oo ay la safan yihiin xubno Federaalka ah oo ka soo jeeda deegaanka Koonfur Galbeed, ayaa ciidamo ku soo daabulay gobolladaas waxana ay wararkii u dambeeyay sheegayaan in ay u ruqaansadeen dhanka Baydhabo si ay cadaadis u saaraan garabka Laftagareen ee is doortay. Dhanka kale, maamulka Laftagareen ayaa mar horeba bilaabay abaabul iska-caabbin iyo kicin dadweyne oo ka dhan ah Muqdisho waxana uu dhoollatus ciidan ku sameynayay maalmihii la soo dhaafay deegaannada uu maamulo, isaga oo ku eedeeyay maamulka Muqdisho in uu si gaar ah duullaan ugu yahay dadka deegaankaas oo hore u tirsanayay duudsiyo siyaasi ah iyo duullaanno hore.

Madaxweyneha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si weyn uga gadooday tallaabada Laftagareen oo doc-wareen ku ah hannaanka doorashada ‘qof iyo cod’ ee uu muddada dheer soo waday Madaxweyne Xasan, iyo isbeddelladii Dastuurka Federaalka uu ku sameeyay oo noqday kuwo uu keligii u dabbaaldego, ka dib markii ay ka gaabsadeen maamulladii la safnaa, halka uu Cabdicasiis Laftagareen ka hor yimid kuna biiray maamullada horeba ganafka ugu dhuftay ee Buntilaan iyo Jubalaan. Madaxweyneha Soomaaliya ayaa, hadda, dadaal xooggan ugu jira sidii uu uga baaqsan lahaa go’doon siyaasi ah oo keena in mashruuciisii siyaasadeed uu noqdo agoon, waxanu colaad u dumayaa Koonfur Galbeed, iyada oo ay dad badani ka digayaan siinaariyo u eeg midkii ka dhacay gobolka Tigree ee Itoobiya, afar sannadood ka hor.

Koonfur Galbeed ayaa ah gobollo ka tirsan Soomaaliya oo ay u badan yihiin qabiillada Digil iyo Mirifle oo ku hadla afka Maayga, kuwaas oo muddo dheer ka tirsanayay maamulladii Soomaaliya u kala dambeeyay duudsi siyaasadeed, waxana ay xornimada ka hor si gaar ah u dalbanayeen nidaam federaal ah oo ilaalinaya khusuusiyaddooda deegaan iyo dhaqan. Waxa kale oo ay gobolladaasi noqdeen kuwo aad ugu dhibaatoobay colaadihii jabhadaha iyo qabiillada, ka dib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, 1991-kii, waxana xilliyadaas la diiwaangaliyay in ay deegaankaas ku dhinteen boqollaal kun oo ay galaafteen sababaha tooska iyo kuwa dadban ee dagaalkii jabhadaha iyo beelaha.

Colaadda hadda ayaa dad badan soo xusuusinaysa gaboodfalladii hore uga dhacay deegaanka iyo macaluushii raacday, iyada oo lagu jiro xilli ay weli abaaro jiraan, deegaankuna u kala go’aan yahay amni-darro raagtay. Xasan Sheekh Maxamuud oo sii galaya jara-oodan siyaasadeed ayaa u muuqda in uu si fudud ugu siibanayo colaad sansaan xun leh, isaga oo aan hubin natiijada uu ka filayo tallaabooyinkiisa. Ciidamada Itoobiya oo kaalin weyn ku leh gobolka ayaa ilaa hadda si togan ula shaqeynaya maamulka deegaanka, arrintaas oo wiiqi karta doonista Madaxweyneha Soomaaliya.