Skip to main content

Tuesday 24 June 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Dhaqan

Baroordiiqdii Ibraahin Jaamac

26 October, 2024
Image
Ibraahim Jaamac
Sawirka: Ibraahim Jaamac
Share

Waxa qortay Juuliya Jaamac, waxaana lagu faafiyay The Guardian. 28/5/2023. Waxa  Meey 29, 2023 Geeska u turjumay Ibraahin Ayman.

 

Ninkaygii, Ibraahin Jaamac, oo ku dhintay 72 jir, waxa uu naftiisa u hibeeyay si uu ugu ololeeyo dalkiisii hooyo—Somaliland—in uu aqoonsi caalami ah helo.

In kasta oo, dhab ahaantii, dal madaxbannaan yahay, haddana Somaliland weli waxa ay badi waddamadu u tixgeliyaan—iyo Qaramada Midoobaybayba—in ay Soomaaliya ka mid tahay. Waxa uu la-taliye sharci ka ahaa Komishanka Sinnaanta Isirrada ee UK. Ibraahin, si la mid ah dalwadaagtiisa qurbajoogta ah, waxa uu wax badan oo waqtigiisa ah u huray in uu dalkiisa hooyo ka taageero ololaha aqoonsiraadiska ah oo ay ka mid tahay in uu talooyin sharci bixiyo, waxa kale oo uu ka qayb qaatay agaasinka Kormeerayaal ka socda Midawga Yurub oo kormeerayay doorashadii koowaad ee dimuqraadi ah ee dalka ka dhacda.

Ibraahin waxa uu ku dhashay Hargaysa, Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland, waxaana dhalay Xaaji Jaamac, oo ahaa kaaliye Dhakhtar Xoolaad, iyo Shamis Maxamed, oo dukaanlay ahayd. Waxa uu curad u ahaa qoys sagaal xubnood ka kooban, aabbihii ayaa u ballanqaaday in uu waxbarasho geenayo, waxa uu galay Dugsigii Camuud ee Hargaysa [“Boorama” ayay halkan ka wadaan ma laha!] oo ka qaatay O-level-ka.

Waxa uu caawimo dhaqaale ka helay Xafiiskii Debadda ee Biritishka si uu u tago UK oo A-level-ka uga soo diyaariyo Wallasey, isla markaana aqoon dheeraad ah u doonto Koolaj ku yaalla Wirral (1970-72), ka hor intii aanu qaanuunka ka baran Jaamacadda Liverpool (1972-75). Waxa aannu isku baranay Liverpool 1974, maqaaxi Soomaaliyeed oo maxalli ah.

Ibraahin waxa uu Soomaaliya ku soo laabtay 1975 si uu ugu hawlgalo shaqo sharci oo looga ballanqaaday Muqdisho, waxa uuna ka hawl galay Wasaaradda Caddaaladda. Si kastaba ha ahaatee, war jiraaba cakaaruu iman e, kelitaliyihii, Maxamed Siyaad Barre, tolkii ayaa uu isku xeeray, saa Ibraahin ma sii joogi karin. 1977 waxa uu aaday Maxkamadda Hague oo waxa uu halkaa ku soo qaatay tababarro Xeerarka Caalamiga ah, anna waxa aan fasaxyada ka iman jiray shaqadaydii baristanimada ee UK si aannu halkaa ugu kulanno. Isla sannadkaa, dhowr bilood oo kale waxa uu tababarro ku qaatay Qaramada Midoobay, New York, isaga oo ku safraya baasaboorkiisii diblamaasiyadeed marka uu dalkiisii Soomaaliya tegayana waxa uu soo mari jiray UK. Isaga iyo anigu waannu isguursannay, waxa uuna go’aansaday in uu UK ku negaado.

Ka dib hawlkarnnimo uu kaga shaqaynayay Waaxda Golaha Guryaynta ee magaalada Liverpool, 1982 Ibraahin waxa uu ku biiray Komishanka Sinnaanta Isirrada, waxa uuna ahaa baadhaha kiisaska faquuqa, waxa uu Golaha ka caawinayay xidhiidhada bulshada, la-taliye sare sharci ahaan, isaga oo shaqaalaha iyo ururrada ganacsiga ku tababaraya booragaraamyo. Halkaas ayaa uu joogay tan iyo intii uu 2011 ka hawlgabayay, waana isla waqtigii uu ka noqday la-taliye sharci isku biirintaankii KSI iyo Haayada Xuquuqul Insaanka iyo Sinnaanta.

Dalkiisii hooyo xaaladuhu waa ay cakirnaayeen oo dagaal sokooye ayaa Soomaaliya ka socday. Waqooyiga dalku, oo hadda la magacbaxay Somaliland, mar kale, waxa uu iskudayayaa in uu aasaaso dal madaxbannaan oo ka soocan maamulka Muqdisho.

Ibraahin intaa ka dib waxa uu ku faruuryo xidhnaa taageeridda saaxiibbadiisii dugsi oo ahaa horseedka iftiinkii dib-u-dhiska Somaliland. Waxa uu xidhiidh la sameeyey wasiirro iyo xildhibaanno oo uu kala shaqayn jiray soosaaridda warsaxaafadeedyo, iyo in uu keeno hay’ado arrimaha bulshada ka shaqeeya iyo kormeerayaashii Midawga Yurub ee doorashadii koowaad. Sidoo kale waxa uu ka caawiyay soosaaridda buugyaraha sharciga doorashooyinka Somaliland.

Had iyo jeer waxa shiidaaliyaa waxa uu ahaa qabkii uu ku qabay dalkiisa hooyo, taas oo uu aaminsanaa in dadkiisu nabad dhisteen, ganacsiyana ay samaysteen iyo sida ay dambaskii dagaalka sokeeye inta ay ka soo kabteen dalkii dimuqraadi uga dhigeen.

Waxa uu ka tegay aniga, saddexdayada carruur ah, Maryan, Aadan iyo Maalik, iyo saddex uu awow u yahay iyo lix ay walaalo yihiin.

Qoraallada kale ee qoraaga

Feker

Maseyrka

Buug

Soogalooti