Skip to main content

Tuesday 9 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Barilaabka (Orientalism) iyo Soomaalida

19 November, 2025
Image
Barilaabka (Orientalism) iyo Soomaalida
Share

Tan iyo intii gumeystaha reer Galbeed yimid dunida Bari, waxaa jirtay suuro goonniya oo ay ku sifayn jireen dalalkii ay qabsadeen iyo dadka ku noolba. Bilmetal, ninka reer Galbeed wuxuu u arkay reer Bariga dad aan waxba dhaamin xayawaanka duurjoogta ah. Agtiisa, reer Barigu waxay ahaayeen dad aan laheyn aqoon iyo xaddaarad, sidaa darteedna ay waajib aheyd inuu reer Galbeed samatabixiyo.Tusaale ahaan, Toomas Jafarsan (Thomas Jefferson) oo ka mida aasaasayaashii dalka Maraykanka iyo madaxweyne hore, Afrikaanka madow wuxu ku tilmaamay, “duul aan caqli lagu ogayn oo dareen keliya ku shaqeeya.” Wuxu ku sifeeyay inay yihiin dad caajis iyo hurdo badan, waayo—sida uu aaminsanaa—waxay la mid yihiin, “xayawaan uu jidhkiisu xaalad nasasho ah ku jiro; ma fekeraan, sidaas darteedna waa in ay mar walba hurdaan.”

Aragtidaasi ma aheyn mid ku eekeyd xilligii gumeystaha iyo casrigii madoobaa ee dunida Bari, balse waa mid xididdeysatay ilaa iyo wakhtigan xaadirka. Tusaale ahaan, madaxweynaha maanta ee Maraykanka, Dhaanal Taraam (Donald Trump), waxa uu Afrika iyo Soomaaliya ku tilmaamaa “waddamada qudhunka.”

Dareenkaasi kama duwana kii badmareennadii reer Yurub ee safarka ku tagay Bariga Afrika iyo carro Soomaali qarnigii 19aad. Tusaale ahaan, badmareenkii Ingiriiska ee Riijadh Boortan (Richard Burton), mar uu ka hadlay magaalada Berbera, wuxuu yidhi: “Bahalnimada cawaantan caqligaabyada ah ayaa ku soo ururshay weynaantii [magaalada Berbera] qiyaasta lix-meeloodoow meel intii ay waagii hore leekayd. Ku dhowaad hal mayl ayaa dhulkan hadda cidlo ah, waxaana daadsan jajabka quraarado iyo maacuun dhoobo ah. Jaahilnimadoodu waxay u doortay halkii carriga ugu xumayd.”

Suuraxumeyntaa Riijadh iyo hadallada casrigan ee Dhaanal Taraamba waxay ka tarjumayaan tilmaanta ay in badan oo siyaasiyiinta iyo indheergaradka Galbeed ka bixiyaan dunida Bari. Sida ay iyaga ugu muuqato, dunida ka baxsan caalamka Galbeed waa duni dambaysa, duni kulansatay dib-u-dhac, silic iyo saxariir, iyo dullinimo dabiiciya oo aan marna gaadhayn caqliyadda sare ee Galbeedka.

Muuq dilka noocaas ah ee ku salaysan eex, kibir iyo feker gumeysi ayaa muddo dheer sees u ahayd aragtida reer Galbeedka ee ku wajahan dunida Bari – gaar ahaan dunida Carabta, Muslimiinta, Aasiya, iyo Afrika. Qoraagii reer Falastiin ee ku barbaaray dhulka Maraykanka, Edhwadh Saciid (Edward Said), ayaa si qoto dheer uga falceliyay aragtidan, isagoo sannadkii 1978dii qoray buuggiisii caanka ahaa ee Orientalism.

Ereyga Orientalism asal ahaan waa kelmad Ingiriisiya oo macnaheedu yahay "Bariga" (Orient) ama "wax la xidhiidha Bariga". Si kastaba ha ahaatee, marka laga hadlayo aragtida aqooneed iyo siyaasadeed ee casriga, “Orientalism”, sida Edhwadh ku dooday, waa in reer Galbeedku ku sifeeyaan Bariga sifooyin aan sal iyo raadtoona laheyn se saacida dooddooda ‘ilbixinta juhaladda Bari’.

Inkaste oo aan la tilmaami karin bar bilowgii, haddana taariikh ahaan waxaa la odhan karaa fekerka Orientalism-ku wuxuu la kowsaday gumeysigii Yurub ee Aasiya iyo Afrika. Ka hor qarnigii 19-aad, Orientalism wuxuu ahaa magac loo adeegsado barashada wixii la xidhiidha Bariga, sida afafka Carabiga, Faarisiga, iyo Hindiga, iyo deraasadaha ku saabsan dhaqamada iyo diimaha Bariga. Culimadii reer Yurub ee xilligaas waxay daneynayeen tarjumidda iyo cilmi-baadhista qoraallo Islaami ah ama ah falsafadaha Bariga.

Si kastaba ha ahaatee, markii uu bilowday dhaqdhaqaaqii gumeysiga qarnigii 19-aad, deraasaadkii aqooneed ee Bariga waxay isu beddeleen farsamo siyaasadeed. Waxaan dhihi karnaa wixii xilligaa ka danbeeyay, aqoontii iyo cilmi-baadhistii ku saabsaneyd Bariga waxay noqdeen aalad lagu xaqiijinayo xukunka iyo saameynta reer Galbeedka.

Aragtida reer galbeedku ka haysto dunida bariga gaar ahaan dunida Carabta, Muslimiinta, Aasiya iyo Afrikaba waxa sees u ahayd aragti gumeysi oo ku dhisan eex, kibir iyo feker imbiriyaali ah, waana aragti ilaa hadda muuqata oo aan dabar gu’in.

Edwadh Saciid wuxuu ku dooday in aqoonta laga qoray Bariga aysan ahayn mid daacad ah, balse ay ahayd mid loo adeegsaday si loo muujiyo in reer Galbeedku yihiin kuwo aqoon leh, nidaamsan, oo casri ah – halka Barigu uu yahay mid dib-u-dhac ah, fowdo ku nool, isla markaana aan is-maamuli karin. Tani waxay saldhig u noqotay fekerka gumeysiga iyo siyaasad lagu difaacayo faragelinta reer Galbeedka ee dunida Bari.

Sida uu wax u arkay Edhwadh, orientalism-ku waa aragti ka salbalaadhan keliya inay ahayd hagaha nidaamkii isticmaarka. Waxay noqotay hab-aqooneed jaangooya qoraallada iyo cilmi-baadhista reer Galbeedku ku darsaan kuna qeexaan Bariga iyo waxa la xidhiidha. Wuxuu Edhwadh tilmaamay in cilmi-baadhayaasha reer Galbeedku faafiyeen sawir-siyaasadeed mala’waal ah oo Bariga ka dhigaya mid ka duwan, ka liita, kana dib dhacsan Galbeedka.

Soomaaliyeynta “Orientalism”

Soomaali ahaan, Orientalism waxaan ku macneeyay Barilaab. Barilaab waa eray ka kooban laba eray oo iskudhafan, ‘Bari (orient)’ iyo ‘Laab.’ Laabku waa in wax wax lagu laabo ama lala xidhiidhiyo. Halkan, sidaan u adeegsanayno, waa in indheergaradka Galbeed kula laabaan dunida Bari sifooyin ku salaysan eex iyo feker-gumeysi oo aan dhab ahayn, xaqiiqdana ka fog. Marka sidaas loo dhigo, barilaab waa eray igala nuxur weyn erayga bariyayn, oo dadka qaarkood ku fasiraan orientalism se aad mooddo inuu yahay turjumaad toos ah ee erayga Carbeed ee istishraaq.

Inkaste oo nuxur ahaan laga yaabo erayga barilaab inuu ka nuxur duwanaado erayga Ingiriiska ee orientalism iyo kan Carabiga ee istishraaq, haddana waxaan isleeyahay waa erayga ugu habboon ee si qotodheer u sharraxaya aragtidii Edhwadh Saciid. Qofka fekraddan ku dhaqmana waxaynu odhaneynaa barilaabe-waxa af ingiriisidana lagu dhaho orientalist, ama mustashriq Carabi ahaan.

Dhibka ugu weyn ee Barilaabku (Orientalism) waa inuu noqday halbeegga lagu cabbiro ilbaxnimada waxa togan. Bilmetal, marka uu Riijadh Boortan reer Berbera wax ka sheegayo, wuxuu ku tilmaamayaa dad ka arradan anshaxa iyo maamuuska reer Yurubka. Wuxuu xusuus-qorkiisa ku xusayaa inay reer Berbera, maamuusid oo dhan ugu magac dareen “Shuql al-banat, ama ‘shaqo gabdheed.” Wuxuu yidhi taasi waa “boor-isku-qarin cawaan dhagareed.” Hadalkaa waxaa laga fahmayaa in cabbirka waxa wanaagsan iyo waxa saxan uu ahaa Galbeedka laftiisa. Taas ayaa tusaysa sida Barilaabku u noqday aragti ku dhisan is-barbar dhig eex leh oo Galbeedku dejiyey.

Barilaabka Soomaalida (The Somali Orientalist)

In kaste oo fekradda barilaabku ku baahsantahay dunida Galbeed, waxa is wayddiin mudan: “Soomaalidu maleedahay barilaab?” Jawaabta oo koobani waa haa, balse waa nooc gaar ah oon ugu yeedhayno Barilaab Dhalad ah (Native Orientalist). Barilaabaha Galbeedi waa qof reer Galbeeda (badanaa cilmi-baadhe, qoraa, ama saynisyahan) deraaseeya dunida Bari. Si kastaba ha ahaatee, sidaan kor ku soo xusnay, deraasadaha Barilaabaha Galbeedi waa kuwo inta badan ku salaysan aragti kor-meel-eeg ah oo ka turjumaysa dhaxalka gumeysiga iyo awoodda reer Galbeedka. Taa beddelkeed, Barilaabaha Bari waa qof ka soo jeeda Bariga balse xambaarsan aragtida reer Galbeedka ee ku wajahan Bari; qof u arka in Galbeedku yahay cabbirka waxa togan oo idil. Tusaale ahaan, waxaad arkaysaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo baraha bulshada ku eedeynaya lammaane Soomaaliyeed inay yihiin “badow” sababtoo ah dhaqankoodu la mid maaha dhaqanka Galbeedka – bilmetal, si furan ugama sheekaystaan arrimaha xaasnimada iyo sariirta la xidhiidha si la mid ah sida ay dadka reer Galbeedku sameeyaan. Shaki la’i dhallintaasi waxay dhaqanka Galbeedka u arkaan mid horumarsan, halka dhaqanka Bari ee ku salaysan xishoodka iyo asturnaanta u arkaan dib-u-dhac.

Edwadh Saciid wuxuu ku dooday in aqoonta laga qoray Bariga aysan ahayn mid daacad ah, balse ay ahayd mid loo adeegsaday si loo muujiyo in reer Galbeedku yihiin kuwo aqoon leh, nidaamsan, oo casri ah – halka Barigu uu yahay mid dib-u-dhac ah, fowdo ku nool, isla markaana aan is-maamuli karin.

Sidoo kale, waxaa jira siyaasiyiin Soomaaliyeed oo siyaasadda reer Galbeedka u arka mid ay hagaan qawaaniin caalami ah oo ku dhisan masuuliyad iyo bisayl, halka ay quwadaha kale – sida Turkiga ama Imaaraadka – u arkaan kuwo aan masuul ahayn. Tusaale ahaan, siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mida hoggaamiyeyaasha ugu firfircoon mucaaradka dawladda Soomaaliya, mar uu ka hadlayey siyaasadda quwadaha dhexe, sida Turkiga iyo Imaaraadka, wuxuu ku dooday inaysan quwadahan xakameynin shuruucda caalamigu, halka uu reer Yurubka ku tilmaamay “dad bisil oo masuul ah.” Dooddaas waxay ka turjumaysaa isla aragtidii Barilaabka ee kor-meel-eegta ahayd, taas oo si toos ah u kala saaraysa “wanaagga Galbeedka” iyo “xumaanta Bari.”

Fekerka noocan ah waa mid laga dhaxlay gumeysiga oo u arka waxkasta oo reer Galbeedku falaan wax togan. Waxaanu maskaxda Soomaalida ku beeray in aanay is difaaci karin ama isku kalsoonayn. Tusaale ahaan, qofka Soomaaliyeed ee maanta jira marka uu dalkiisa ka sheekaynayo, badanaa wuxuu hadalka ka bilaabaa ceeb iyo qoomamo, halkii uu ku bilaabi lahaa faham iyo feker. Tani waa Barilaabka nafta – in qofku isagu isku laabo aragti kale si uu u noqdo sida “kan kale” ee la tixgeliyo. Sidaas awgeed, Barilaabka Soomaalidu ma aha mid dibedda ka yimaadda oo keliya, balse waa mid gudaha ka dhasha oo si qarsoodi ah loo dhaxlo si la mid ah “bidaari sibiq bay kugu gashaa.”

Dhibka ugu weyn ee Barilaabku (Orientalism) waa inuu noqday halbeegga lagu cabbiro waxa san iyo waxa xun iyo guud ahaan ilbaxnimada. Waana mid uu rumaysanyahay barilaabka dhaladka ee Soomaalidu.

Shaki igagama jiro in quwadaha dhexe ee sida Imaaraadka iyo Turkigu qas iyo dhib ka wadaan qaarada Afrika, khaasatan Geeska Afrika. Laakiin su’aasha iswayddiinta mudani waa: muxuu qaska reer Galbeedku, bilmetal tacaddiga iyo xasuuqa ka dhacaya Qasa oo ay garab iyo gaashaan u yihiin, muxuu kaga duwanyahay kan ay ku kacaan quwadaha dhexe? Dooddaydu halka ay daarantahay waa in barilaabka dhaladku khaladaadka Galbeedna iska indhatiro, kuwa Barina u arko fal ay ku kacaan dad qayrul masuul ah.

Diidmada fekerka mashruuca “ilbixinta juhaladda Bari” waxaa uga horreeyay Edhwadh Saciid qoraayo badan oo uu ka mid yahay Eymi Siiseer oo, sida uu buuggiisa uu turjumay Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil ee Gumeystoow Lagula Dood, si mug leh uga dhiidhiyay “qiimo tirka wax kasta oo aan Yurub ku abtirsan.”

Barilaabka dibedda iyo faafreebka aqoonta

Sida uu Edhwadh Saciid tilmaamay, Barilaabku ma aha oo keliya sawir khaldan oo reer Galbeedku ka bixiyeen Bariga, balse waa hab aqooneed iyo siyaasad isku dhafan oo hagta sida dunida loo fahmo. Haddaba Soomaalida iyo guud ahaan Afrikaanka waxaa saameeyay nidaamkan aqooneed.

Marka la eego buugagga taariikhda, warbaahinta, iyo xitaa cilmi-baadhista casriga ah, waxaa muuqata in carro Soomaali idilkeed laga dhigo duni dagaal iyo macalluul dilloodeen. Waxaa yaraaday sawirka aqoonta, suugaanta, iyo falsafadda Soomaaliyeed ee taariikhda dheer leh. Sidaas awgeed, Soomaalidu waxay noqotay mid duruufi haleeshay dabadeed la suurad xumeeyey bulsho lagu qeexay aragti shisheeye. Bulsho la qeexay oo aan iyadu isqeexin.

Waxaa intaas dheer in Soomaalida casriga ahi mararka qaarkood noqdeen kuwa la dhacsan aragtida reer Galbeedka ee iyaga laga sameeyay. Qofka Soomaaliga ah ee qurbajoogga ah, tusaale ahaan, waxaa dhexdiisa ku hirdamaya laba dareen: mid doonaya inuu “ku milmo” dunida Galbeedka, iyo mid ka xishooda asalkiisa iyo dunida uu ka soo jeeday. Waxaaba la odhan karaa beryahan waxaa sii kordhaya dhallinyarada aaminsan in dhaxalkii gumeysiga la raaco — siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, iyo dhaqan ahaanba.

Tani waa, markale, waxa aan ugu yeedhay Barilaabka Nafta: in qofku isku beddelo mid kale, si uu u helo aqoonsi iyo tixgelin. Qofkaas wuxuu laabta ka rumeysan yahay in qiimuhu ku jiro “kan kale” ee uusan isagu ahayn. Sidaas darteed, Barilaabka Soomaalidu ma aha oo keliya mid dibedda ka yimaadda, balse waa mid gudaha ka dhasha — laguna dhaxlo si aan la dareemin, ilaa uu noqdo qayb ka mid ah fekerka bulshada.

Barilaabka iyo mustaqbalka fekerka Soomaalida

Haddii aan aqbalno in Barilaabku jiro – khaasatan Barilaabka Dhaladka ahee Soomaalidu– waxaa lama huraan ah in aan iswayddiino: sidee loo dumin karaa derbigaas?

Jawaabtu waxay ku jirtaa in la dhiso feker aqooneed oo Soomaaliyeysan oo ka madax-bannaan eexda dibedda iyo is-hoosaysiinta gudaha. Waxaa la joogaa xilligii aan dib u qori laheyn aqoonta, taariikhda, dibna u shaandheen lahayn nafteena si aynu u noqono kuwo “nafta ku laaba” aragti sax ah — inaynu innagu qeexayno cidda aynu nahay, halkii aynu u oggolaan lahayn cid kale inay inaga bixiso sawir.

Soomaali ahaan, waxaynu u baahannahay in aynu dib u eegno qaabka aynu u fahanno aqoonta, xadaaradda, iyo ilbaxnimada. Ma aha in halbeeggu noqdo waxa reer Galbeedku u arkaan horumar balse waa in aan iswayddiinno: maxaynu innagu u aragnaa horumar iyo ilbaxnimo?

In la jebiyo darbiga Barilaabka waa in la jebiyo nidaamka maskaxeed ee inoo horseeday in aynu ku qiimeyno nafteenna aragtida “kan kale.” Tani waa tallaabo maskaxeed, dhaqan iyo aqooneed oo isku dhafan. Marka, waxaa la gudboon aqoonyahanka, qoraaga, iyo hal-abuurka Soomaalida inuu qaato doorka “is-sawiridda” — in uu naftiisa iyo dadkiisa ka bixiyo aragti togan, aqooneed, oo aan ku dhisnayn difaac ama ceeb.

Marka aynu fahanno Barilaabka, waxaynu garan karnaa sida uu fekerku u yahay muhiim una beddelo maskaxda, iyo sida maskaxdu u noqon karto dhufays gumeysi oo cusub. In la loodiyo Barilaabka waa in aan dib u helno laab saafiya – laab deggan oo garanaysa qiimaheeda iyo awooddeeda.

Haddii Edhwadh Saciid qabay in Barilaabku uu san ahayn keliya cilmi-baadhis ku saabsan Bariga, balse ahaa siyaasad iyo hab feker uu Galbeedku isku sarraysiiyo, Barigana ku hoosaysiiyo, waxaa iyana khatar leh barilaabaha dhaladka oo isagoo ku dayanaya kan Galbeed, cabbirka waxa togan u arka keliya arraada Galbeedka.

Barilaabka Soomaalidu waa muraayad aynu ku eegi karno sida aynu isu aragno, iyo sida aynu u oggolaannay in la inoo arko, ulana noolnahay aragti la soo maanguuriyay. Waa in aynu fahannaa in shakhsiyadeennu aanay ku dhisnayn waxa dunidu innaga sheegto, balse ku dhisantahay waxa aynu nafteena ka sheegno. Sidani waa jidka kaliya ee aynu ku soo afjari karno sawirrada been abuurka ah ee la innaga sawiray, iyo sida keliya ee aan kaga gudbi karno gumeysiga cusub ee maskaxda.