Friday 17 April 2026
Maraykanka iyo Iiraan ayaa xalay aqbalay xabbad joojin ay ka shaqeysay Baakistaan, taas oo ay labada dhinacba soo dhaweeyeen, xilli uu gobolku qarka u saarnaa in ay colaaddu ka sii darto, ka dib markii la gaadhay muddadii uu Madaxweyne Trump u qabtay Iiraan in ay ku furto marinka Hurmus, haddii kale uu baabi’in doono gebi ahaanba ilbaxnimadii Iiraan.
Qodobbada heshiiskan, oo ay ka odayaysay Baakistaan, ayaa ka kooban qodobbo ay ka mid yihiin in Maraykanka iyo Israa’iil joojiyaan weerarrada ay ku hayaan Iiraan, halka ay Iiraan furi doonto marinka Hurmus. Xabbad joojintan ayaa soconaysa labo toddobaad oo gudahooda ay dhinacyadu gali doonaan wada-hadallo lagu gaadhayo nabad joogto ah iyo heshiisyo ku saabsan sababihii colaadda. Ha se ahaato e, waxa ay hore dhinacyadu isu dhaafsadeen shuruudo uu mid kaste sees uga dhigay xabbad joojin, kuwaas oo ahaa 15 qodob oo uu Maraykanku soo gudbiyay iyo 10 qodob oo ay Iiraan dalbatay. Qodobbadan oo aad u kala fogaa ayaa nuxur ahaan noqon doona mawduuca wada-xaajoodka bilaaban doona Jimcaha soo socda, waxa se uu Madaxweyneha Maraykanku sheegay in qodobbada Iiraan yihiin kuwo sees u noqon kara heshiis laga wada-xaajoodo.
Qodobbada ay Iiraan hore u dalbatay waxa ka mid ah; xabbad joojin joogto ah, dammaanad ku saabsan in aan dib loo weerarayn, in ay hesho magdhaw laga siiyo khasaarihii dagaalka, in marinka Hurmus lagu maro si nidaamsan oo lagala xidhiidhayo ciidamada qaranka Iiraan, in la aqbalo barnaamijka bacriminta Yuraaniyamta ee Iiraan, iyo in la qaado dhammaan cunaqabateynihii iyo go’aannadii ka dhanka ahaa Iiraan ee hore loogu soo rogay. Qodobbadan ayaa badankoodu ah kuwo ay adag tahay in uu Maraykanku aqbalo, ha se ahaato e, Madaxweyne Trump ayaa xalay ku sheegay kuwo laga wada-xaajoon karo, in kaste oo uu sheegay in aanay u adkayn sida ay Iiraan u marisay warbaahinta.
Xabbad joojintan ayaa lagu qaabbilay soo dhaweyn ballaadhan, waxana durba dib u soo noolaaday suuqyada dhaqaalaha dunida. Ha se ahaato e, kala fogaanta shuruudaha dhinacyada iyo colaadda gobolka ee dagaalka ku xidhnayd, sida dagaalka Lubnaan iyo Israa’iil oo aan weli joogsan, ayaa khatar ku ah in xabbad joojintani sii taagnaato.