Monday 24 March 2025
"Adiga goorma ayaa halkan lagu dejiyey?" Axmed oo su'aal la tiigsaday Faarax oo ay muddo deris ahaayeen.
"Waxa la i dejiyey1992, dagaalkii Siddeed-biloodka!" Faarax baa ku jawaabay
"Adigana?" Faarax oo isna raba in uu ogaado Axmed iyo soo degistii rabadintan.
"Anigu bilowgii Janaayo 1991."
"Oo xilligaas halkan ma la degganaa?"
“Ma hubo in cid aniga iga horreysey ay halkan degganayd berigaas. Si kedis ah baa la iigu soo tuuray aniga oo argagaxsan. Sidaa daraaddeed, ishaydu ma ay qaban wax guri ah oo meesha ka dhisan."
"Sidee ku degtay halkan? Ma sahaydii baa kaaga go'day, mise waad jeclaatay?
Waa sheeko dheer. Intii aan ifka joogey waxa aan degganaan jirey xaafadda Kaambo-Amxaaro. Halkaas baan ku dhashay kuna koray. Maalin Axad ah baa magaalada dagaal ka qarxay. Sannadku waa 1990. Waa 30kii bishii Diisember. Waxa naloo sheegay in Jabhad USC la yiraahdo iyo dawladdii Soomaaliyeed uu dagaalkaasi ka dhexqarxay. Dareemmo is diiddan baa maalintaas igu kulmay.
Dhinac waa aan ka farxay — maxaa yeelay, taliskii dalka xukumayey wuxuu joogay muddo aad u dheer. In kasta oo biloowgii la mahadiyey, waxyaalo waxtar u leh dalka iyo dadkana uu qabtay, haddana, sannadihii u danbeeyey waxyeelladiisa ayaa badnayd. Sannadba sannadka ka danbeeyana waa uu ka soo darayey. Degaanno badan oo dalka ka mid ah buu talisku burbur iyo barokac ka geystay. Taliska keliya burburkaas iyo barokacaas looma aanayn karo. Dhanka kale waxa jirey jabhado ka soo horjeestay oo Itoobbiya dabada la galay. Jabhaddaas oo qaab qabiil u abaabulnaa. Muran baa ka jira in ay iyagu qabiilka doorteen iyo in lagu kallifay. Dad baase qaba in labada arrimoodba ay jireen. Aan usoo noqdo sheekadaydii hore'e, in taliskaasi uu meesha ka baxo waa aan naawilayey, waanna waxa dareenkayga farxadeed hagayey. Isbeddel baan u jeellanaa.
Dhanka kale, xabbadaa Xamar ka qaraxday waa aan ka naxay. Waxa maskaxdayda ku soo dhacay oo aan beryahaa warbaahinta kala socday dagaal sokeeye oo xilligaasi ka socdey dalka Laybeeriya. Waxa aan arki jirney foolxumada iyo balanbalka dadkaasi haysata. Dad qaxaya oo is warjeefaya ayaannu shaashadaha ka daawan jirney. Magaalooyin dab la qabadsiiyey, iyo derisyadii oo baangado isula tegey dhiigguna qulqulayo baannu arki jirney. Meydad la gubey, iyo kuwo dhulka ku dhegey, oo aydu feenanayso ayaa jaraa'iddada iyo telefishannada laga soo tebin jirey. Markaa cabsi baan ka qabey in mid la mid ah taas ay Xamar ka dhici karto. Tanina dareenkayga cabsida ayay hageysey.
Dareenkii farxaddu jeerkiiba waa uu beenoobay. Waxa guulaystay dareenkii cabsida. Waxa aan kolkaas isugu jawaabay “yaa harageedii nagaga celiya!” Run ahaantii labo maalmood gudahoodba wixii aan ka baqayey ayaa dhacay. Derisyadii bay ka dhex tafantay. Waa la kala gurtay oo la kala guuray. Hub aan la garanayn meel uu ka soo burqaday baa dadkii shacabka ahaa gacmaha u galay. Waa la iskula jeestay. "I bixiyoow i bixi" iyo "Cawralaay cago ayaa ka dhacday." Maxaad sugaysaa! Ahaanshiyahaygii baa degdeg isu beddelay. Halkii aan Soomaaliga ka ahaa, markiiba qabiil baan noqday. Dhalasho cusub baan qaatay. Cadowgayga Xabashi baan u aqaannaye, mid cusub baan yeeshay. Waa mid aan iga durugsanayn. Waa mid aan isku diin nahay. Waa Wacays iyo Weheliye oo aannu isku dugsi dhigan jirnay derisna aannu ahayn teer iyo maalintii aan dhashay. Iyo islaantii Warsan ee biibitadeeda aannu ku nasan jirney. Foolxumo badanaa, tanina ma noo danbeysey!
Waxba yaanan hadal kugu daalinine, waxa aan ku khasbanaaday in aan dadkii aan aqaannay ka qaxo, kuwo aanan garanaynna aan la qaxo. Baasaboorkaygii iyo dhawr shahaado iyo sawirro xusuus ii lahaa baan boorso ku ritay. Weris oo aannu is jeclayn, guurna aannu ku ballansanayn baan hubiyey in sawirkeedii uu boorsada ku jiro. Khaanad gaar ah oo siibad lahayd baan salka hoose u dhigay. Dhanka sare iyo dhanka hooseba waxa aan u barkiyey kartoon yar oo adag — si aan jacdadka uga ilaaliyo. Jidka dekedda Xamar dhankeeda u kaca baan beegsaday. Dad habqan ah baan ka mid ahay. Maankayga waxa ku jirta eeriboodka tag, waa intaas oo ay kuu suurtogashaa in aad diyaaraha taagan midkood — boos aad ka cidhiidhsato aad ka heshaaye. Fiise dalka Talyaaniga ah baa baasaboorka iigu dheggan. Labo bilood ka hor baan ka soo laabtay. Waxa aan badhtamaha kaga jirey barashada cilmiga ku saabsan cudurrada ku dhaca beeraha dhulka kulaylaha ah ka baxa (Malattie delle colture tropicali.) Jaamacadda Universita di Bologna ayaan ka diyaarinayey shahaadada sare ee PhD. Tigidhkaygii ku soo laabashada Talyaaniga, iyo weliba haddii la i qashqasho wax xoogaa lacag ah oo aan naftayda ku furto — jeebka danbe ee surwaalka ayay iigu jiraan.
Aniga oo hormaraya dugsigii Xalane ee aan tabobarka Shaqo Qaran ku qaatay sannado ka hor, dareenno farobadanina ay maankayga gilgilayaan ayaa war cusubi soo dhacay. Waxa aan ammintaasi jalleecayey midabka buluugga ah ee biyaha badweynta Hindiya. Waxa aan ku mashquulsanaa mawjadaha is baacsanaya ee marka ay isa soo gaaraan — tiiyoo aad mooddid in ay dagaal u ballansanaayeen is herdiyaya. Mararka qaarkoodna waxa aanba is lahaa, malaha mawjadahani waxa ay tartan ugu jiraan, sidii ay berriga ugu soo kala dheerayn lahaayeen, oo col baa dabada kaga jira. Mar kalena waxaba igu soo dhacayey, malaha arrinkuba waaba laacadan jacayl oo laabta ayay is gashanayaan!. Saacaddu waxa ay ku aaddanayd labadii duhurnimo oo daqiiqado aan shan ka badnayni ay ka dhiman yihiin. Farriin xagga kore ka timid baa daqiiqaddaas ku ekayd. Cid awood u leh in ay farriintaasi baajiso ma aanay jirin. Waa farriin aan racfaan lahayn. Waxa la ii sheegay in gurigaygii “dhabta ahaa” aan dhaqso u tegayo. Xalanihii aan sannado ka hor ka qalinjebiyey, meel aan ka fogeyn baa gurigaas la iiga dhisay. Waa aan ku qancay. Maxaa yeelay waa aan ku khasbanaa in aan ku qanco.
Waxa aan u haystay in gurigani uu yahay kii aan xisaabta qiyaame ku sugi lahaa. Waxa aan moodayey in aadane iyo shiddadiisa aannu halkaa isku isku nabadgelyayney! Marnaba ma aanan filaynnin cid baa damac ka geli doonaa cooshaddan yar ee ciidda ka hoosaysa. Illeyn warba ma aanan haynnine, waxa aan ka mid ahaa "Barokacayaasha Dhulka hoostiisa ku hoyda!" Haddii aad hore u maqli jirtey “Barakacayaasha gudaha” maanta waxa aan ogaaday in ay jirto “Barakacayaasha Dhulka Hoostiisa”.
Marnaba ma aanan filaynnin cid baa damac ka geli doonaa cooshaddan yar ee ciidda ka hoosaysa. Illeyn warba ma aanan haynnine, waxa aan ka mid ahaa "Barokacayaasha Dhulka hoostiisa ku hoyda!" Haddii aad hore u maqli jirtey “Barakacayaasha gudaha” maanta waxa aan ogaaday in ay jirto “Barakacayaasha Dhulka Hoostiisa”.
Faarax oo markaas isu diyaarinaya in uu isna saaxiibkiis uga sheekeeyo, sidii uu kaga mid noqday Barakacayaasha dhulka hoostiisa ayaa gaarigii lagu rari lahaa uu goobtii soo istaagay. Isaga oo cod dheer ku dhawaaqaya, buu saaxiibkiis Axmed ku yiri “saaxiib, isma garanweynno, waa inoo iyo kaamka cusub ee Barakacayaasha dhulka hoostiisa, lambarkaygii baan sitaa!”