Skip to main content

Saturday 8 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp

Baraha Bulshada iyo Casrigan Dhijitaalka ah: Xirfad mise Caannimo?

5 November, 2025
Share

Geesku waxa uu soo qabanqaabiyay barnaamij cinwaankiisu ahaa: Baraha Bulshada iyo Casrigan Dhijitaalka ah: Xirfad mise Caannimo? Barnaamijka waxaa lagu lafa-guray sida ay baraha bulshadu u weyneeyaan muuqaallada iyo caannimada halkii ay weynayn lahaayeen xirfaddaha dhabta ah iyo aqoonta. Waxaa kale oo lagu falanqeeyey dib usoo celinta qiimaha aqoontu leedahay si loo gaadho daacadnimo iyo hal-abuur dhab ah oo dhiirigelinaya kartida iyo wax soo saarka qofka iyo bulshada. Barnaamijka waxa marti ku ahaa Saddaam Xuseen Carab, oo ah khabiir tiknoolaji.