Friday 13 February 2026
Inta badan waxa la adeegsadaa ereybixinaha dunida mala’awaalka ah iyo waaqaca fogaan-aragga ah, iyada oo loo jeedo isgaadhsiinta iyo baraha bulshada dijitaalka ah, oo cilmiga bulshadu aad u daneeyo beryahan dambe. Walow oo la adeegsado ereyga mala’awaal, haddana baraha bulshadu waa duni dhab ah, oo ah dunida tiknoolajiyadda iyo kombiyuutarrada, se waxa tilmaantan loogu ladhay in aanay xidhiidhadu ahayn kuwa toos ah oo fool-ka-ah. Baraha bulshada waxa ku wada xidhiidha dad dunida dhabta ah ku nool, oo adeegsanaya aalado ay sameeyeen shirkado gaar loo leeyahay, oo ay maamulaan kana shaqeeyaan dad siyaasadaha dejiya, oo leh dano dhaqaale iyo aydhiyoolajiyado kala duwan.
Baraha bulshadu waxa ay warbaahintii hore u jirtay kaga duwanyihiin tiknikaalka sare ee u suurogalinaya isgaadhsiinta degdegga ah iyo isla falgalka dad kala wakhti ah, goobo kala fogna jooga. Waxa ku wada xidhiidha balaayiin dad ah, oo iyaga oo kooxo ah soo geliya nuxurro kala duwan. Adeegsadayaashu ma xakameeyaan tiknoolajiyadahaas iyo siyaasadahooda, se dadka leh ayaa ka faa’idaysta dhaqdhaqaaqooda, oo si joogto ah horumar ugu sameeya barahaas, si ay u helaan inta ugu badan ee adeegsadayaal ah, oo abuura baahiyo cusub. Isdiiddadu halkay ka jirtaa waa in dadka adeegsadaa xaq uun u leeyihiin aalado dadka ka dhexeeya, se mulkiyaddeeda rasmiga ah dad gaar ahi leeyihiin. Adeegsi ahaan waa baro guud oo dadka ka dhexeeya, se dejinta siyaasaduhu waa kooto u xidhan dadka leh, waana isdiiddo dadku si tartiib ah ugu ogaadeen tijaabada adeegsigooda.
Intii uu socday Dagaalkii Khaliijka ee Labaad, Jean Baudrillard ayaa ku dooday in warbaahinta casrigu, weliba tiifiiga oo xilligaas calankiisu taagnaa, aanay metelin waaqica dhabta ah, se ay iskood u abuureen waaqac cusub oo buunbuunin ah. Si kasta, baraha bulshadu asal ahaanba umay samaysmin in ay waaqaca dhabta ah metelaan, ama in ay noqdaan warbaahin la rumaysan karo ama la beenin karo.
Baraha bulshadu waxa ay kaalin weyn kusoo kordhisay waaqica bulsheed iyo siyaasadeed. Waxa ku wada xidhiidha bulsho kala duwan, waxa lagu baahiyaa xayaysiisyo iyo xoqo laga ganacsado, dad baa ku wadaaga khibrado iyo arrimo gaar ah, waxa lagu soo bandhigaa madaddaalo iyo arrimo diineed, waxa lagu soo gudbiyaa wadasheekaysiyo maangal ah iyo hadaltiro labadaba. Dhinaca kale waxa lagu soo gudbiyaa gorfayn iyo warar warbaahineed, sidanna waxa badanka adeegsada warbaahintii soo jireenka ahayd. Markan waxa loo arkaa in warbaahintu buuxinayso kaalintii warbaahinta, se farqigu waa sida fudud ee wax loogu wadaagi karo, dadkuna uga falcelin karaan, oo xitaa loo marinhabaabin karo nuxurka.
Baraha bulshada marka la joogo waxa ay isdiiddo dhextaallaa xorriyadda iyo dabagalka. Dabagalka waxa looga dan leeyahay in la ururiyo xogta dadka adeegsada baraha bulshada iyada oo loo adeegsanayo dano kala duwan, qofkana lagu xadgudbayo xogtiisa gaarka ah ee dhawrsan, ujeedkuna ma aha in la hor istaago xorriyaddiisa hadal iyo cabbir, se waa in xog la helo. Marka shirkadaha baraha bulshada lihi dhacayaan xogta dadka adeegsada barahooda, iyagoo ka ganacsanaya, ma aha in ay dad cayiman oo aqoonsigooda la garanayo la dabagalo, se waa in tilmaamo guud iyo xogo lagala soo baxo dhaqdhaqaaqa dadka adeegsanaya bartaas. Waxa ay ururiyaan waxa koox waliba wadaagto iyo waxyaabaha la iskaga midka yahay si loo sameeyo kooxayn.
Si guud cid waliba waa ay ogtahay in baraha internetka laga urursado xogaha oo la iib geeyo, sidaas darteed, waa wax badanka qofka adeegsanayaa laftiisu ogyahay oo aan u baahnayn dood kale. Difaaca siraha dadka adeegsanaya baraha bulshadu waa dood taagan, oo xitaa ka aloosan dalalka dimuqraaddiga ah, sababtoo ah si kasta oo loo keeno habab xogta lagu ilaaliyo, waxa la hindisayaa uun qaabab kale oo cusub oo ururinaysa xogta adeegsadayaasha.
Shirkadaha baraha bulshada leh iyo dadka mashaariicdooda u urursada xogaha adeegsadayaasha baraha bulshadu waxa ay dan ku qabaan ilaalinta xorriyadda dadka wax kusoo gudbinaya baraha bulshada, waxaanay dejiyaan siyaasado dadka xorriyad ballaadhan siin kara, si ay si kasta oo macquul ah dadku wax ugu cabbiraan, shirkadahaasina u helaan tirada ugu badan ee adeegsadayaal ah, sidaasna ku helaan xogta u badan. Marar waa suurogal inay xorriyadda hadalka xaddidaan cadaadis maamullo kaga yimi ama dano gaar ah. Waxa jira hab kale oo xorriyad ka qaadid dadban ah oo shirkadaha baraha bulshadu leeyihiin, waana inay markasta soo kordhiyaan qaabab cusub oo adeegsadayaal badan soo jiita, kuwii horena wakhti intii hore ka badan baraha kusii dhex haya. Xitaa xukuumadaha dimuqraaddiga ah ee ilaaliya xogaha gaarka ah ee qofka, xakameeyana habdhaqanka shirkadaha xogta u baahani, waxba kama qaban karaan isbeddelka joogtada ah ee baraha bulshada lagu samaynayo, khawaarsimiyada abla’ablaynta loo adeegsanayo iyo hababka cusub ee dhaqdhaqaaqa adeegsadaha dabagalaya.
Cilmibaadhiso badan baa laga sameeyey raadka qotodadheer ee baraha bulshadu ku leeyihiin dhaqanka bulshada iyo anshaxa guud iyo ka qofeedba. Waxa jira hadallo guud oo ku dooda in baraha bulshadu abuurayaan dad cusub, aadame cusub oo aadamaha baraha bulshada ahina dhalanayo. Muran kuma jiro in tiknoolajiyadda, siiba ta lagu wada xidhiidhaa, ay wax weyn ka beddelayso xidhiidhada dadka iyo dhaqanka bulshada. Waxa aan akhriyey maqaal falsafadaysan oo ku doodaya in gebi ahaanba la iska joojiyo baraha bulshada, sababtoo ah ma aha tiknoolajiyad la taaban karo oo aynnu maamulno, sida gaadiidka cusub ee dunida ka jira. Waxa uu ku doodayay maqaalkaasi in baraha bulshada dadka lihi xukumaan, oo qorshahiisa leeyihiin. Qorshaha u weyn ee ay leeyihiin dadkaasna waa in adeegsadaha muddada ugu dheer lagu hayo shaashadda uu adeegsanayo, waxaanay ku suurogalaysaa in maalinba wax cusub lagu soo daro, si markasta dareen kii hore ka badan looga helo adeegsadaha. Shirkadaha baraha bulshada leh ujeedkooda u weyni waa kan. Se waa maxay ujeedka qofka wakhtiga badan u huraya, ee adeegsanayaa? Waa u jeeddo iska fudud, waana rabitaanka ah in uu adeegsadayaasha kale soo jiito, la aqoonsado oo uu caannimo helo. Waa in dadka uu la falgalayaa jeclaadaan, qaddariyaan amaba usoo jeestaan.
Haddaba, caannimo raadinta adeegsaduhu ma wax wanaagsan baa mise waa wax taban marka xagal anshax laga eego? Horta marka koowaadba waa inaynnu qirno in arrinkani yahay wax dabiici ah, oo aadmuhu asal u leeyahay. Waa dhaqanka dhaladka ah ee aadamuhu rabo in uu bulsheeyo, dadna dhexgalo oo uu ku xidhmo. Bilawgii baraha bulshadu waxa ay ahaayeen kuwo dad kooban isku xidha, kooxo yaryar oo marka horeba is yaqaan ayaana iskula xidhiidhi jiray, waana wax buuxinayey kaalinta rabitaanka aadamaha ee ah in uu bulsheeyo, se mushkiladdu hadda waxa ay ka taagantahay in baraha bulshadu noqdeen meel laga abbaaro dad aanad aqoon, wax isku kiin keenaana aanay jirin. Markan dambe baraha bulshadu waa ay dhaafayaan kaalintii ahayd bulshaynta, waxaanay isu beddelayaan baro qofka xanuuno nafsi ku rida, rabitaankii dabiiciga ahaa ee qofku rabayna waxa uu isku beddelayaa sun. La falgalka dad aan la aqoon waxa ay qofka si fudud ugu riixi kartaa in uu dhaleeceeyo qofka, oo aanu ka dhawrin ereyada uu adeegsanayo, kol haddii aanay jirin weji dhigasho iyo xeerin.
Faafinta beenaha iyo marinhabaabintu waa ay laba jibbaarantay, sababtoo ah waxa fudud sida xogta loo heli karo iyo sida loo faafin karo. Ma jirto cid aan xogta ay doonayso dadka kale la wadaagi karin, mana jiro tifatir iyo hubsasho lasoo marin karo waxa qof gaar ahi dadka la wadaagayo. In xaaladdani faraha kasii baxayso waxa lagu ogaaday dhacdooyin dhawr ahaa iyo sida dadka baraha bulshadu u qaadaadhigeen, sida ka bixitaankii Ingiriiska ee Midawga Yurub iyo doorashadii Trump ee hore. Waxa la bilaabay in wax la iska weydiiyo baraha bulshada iyo kaalintay ku leeyihiin ololayaasha. Waa run in baraha bulshadu sahleen xorriyadda hadalka ee dhinaca siyaasadda, waana wax ammaan mudan, se haddana waxa u kuurgal u baahan ka hufidda xogaha.
Hindise tiknoolajiyadeed kastaa waxa uu dhaliyaa falcelinno farxadeed oo lagu soo dhawaynayo, loona arko in uu aadamaha xorraynayo, meeshana ka saarayo kala qoqobnaantii dadka. Wargayska la daabaco, raadyawga iyo talafeeshankaba waxa loo arkayey habab aqoon lagu korodhsanayo, oo dadku kaga fogaanayaan. Se yididiiladii hore waxa ay karaar jabtay ka dib horumarka baaxadda leh ee tiknoolajiyaddu ku socoto, iyada oo laga walwalo in xogta dadku lunto, dadkana laga macaasho.
Ilaalinta xogaha gaarka ah iyo kala basrinta arrimaha dadku waa wax aadamuhu keenay oo muhiim ah, haddii aanay jirinna, lunsiga xogta qofku ma noqdeen wax la dhaleeceeyo, sababtoo ah lunsiba ma noqonayo, oo ma jirto xog dhawrsan oo qof gaar ahi xaq u leeyahay. Kooxaha dimuqraaddiga ahi waxa ay wadaagga arrimaha guud iyo ka qaybqaadasha u arkaan arrin togan, se haddana waa wax ku xidhan duruufaha bulsheed iyo siyaasadeed eek u xeeran.
Muddo dheer ka hor baa la qiray in warbaahintu kaalin ku leedahay ilaalinta nidaamyada dimuqraaddiga ah, oo ay leedahay kaalin dabagal iyo korjoogtayn madaxbannaan. Waxa kale oo jira dhaliil ah warbaahintu u hoggaansami karto dano kaga xidhan kooxaha talada haya, sidaas darteed, madaxbannaanida warbaahintu markasta xaddidantahay, xitaa haddii cid gaar ahi leedahay.
Baraha bulshadu waxa ay bilawgiiba tartan la galeen warbaahintii soo jireenka ahayd, warbaahintaasina waxa ay isku dayday in ay baraha bulshada laftooda u adeegsato meelo ay dadkeeda u marto. Se baraha bulshadu waxa ay noqdeen ilo sidooda looga helo wararka iyo xogaha, waxaanay soo jiiteen dadka inta u badan kol haddii ay ka madaddaalo badantahay, jiilka dambena la jaanqaadi karto. Sidaas oo ay tahay, warbaahintii soo jireenka ahayd meesha kama bixin, waxaana loo badinayaa inaanay meesha ka bixin, sababtoo ah waxa ay shaqadeedu noqonaysaa kala hufidda xogaha lagu soo hurgufo baraha bulshada iyo meelo loo soo doonto waxii run ah, marka laga daalo xogaha aan rasmiga ahayn, se waxa ay warbaahintu u baahantahay in ay dib u cusboonaysiin samayso si ay uga badbaaddo duufaanta baraha bulshada.
Baraha bulshadu waxa kale oo ay warbaahinta kaga adkaatay soo jiidashada xayaysiisyada iyo ogaysiisyada shirkadaha waaweyn. Muddo dheer warbaahin badani waxa ay ku tiirsanayd dakhliga kasoo gala xayaysiiska, se hadda waxa calankoodu taagan yahay baraha bulshada oo dadka intii badnayd joogaan, qiimo ahaanna ka jaban warbaahinta kale.
Tartanka kale ee baraha bulshada iyo warbaahintu waxa uu ku sal leeyahay in dadku aad uga gaabiyeen la socodka wararka siyaasadeed. Waxa hoos u dhacay dadka akhrista wargaysyada daabacan, dadka raadyaw ama talafeeshan war ka doonta, se waxa ka sii yar dadka baraha bulshada usoo gala in ay warar siyaasadeed ka akhristaan. Baraha bulshadu waxa ay usii xuubsiibanayaan baro lagu madaddaasho.
Turjumaad iyo soo koobid.