Tuesday 14 July 2026
Markii aan ka tagay xirfaddaydii qareennimada oo aan galay waxa maanta loo yaqaan “hal-abuurka dijitaalka”, ujeeddadaydu waxay ahayd mid sahlan oo cad: inaan dadka la wadaago farshaxankayga. Xilligaas, sawir-qaadayaasha Nayroobi waxaa lagu aqoonsan jiray shaqadooda, qaabka ay wax u sawiraan, mowduucyada ay doortaan, mararka qaarkoodna nooca kamaradaha ay isticmaalaan. Markii aan ku biiray goobtan, waxay ahayd arrin iska cad in baraha sida Instagram, Twitter, oo markaas sidaa loo yaqaanay, iyo Facebook ay ahaayeen meelo lagu wadaago shaqooyinka hal-abuurka ah, ee aan lagu wadaagin qofka laftiisa iyo tafaasiisha noloshiisa gaarka ah.
Laakiin internet-ku waa wax si joogto ah isu waji bedala; toban sano kadib, waxaan isu beddelnay wax gebi ahaanba ka duwan. Waxaan noqonnay “saameeyeyaal” (influencers).
Qaabkii hore si weyn ayuu isu beddelay; sumcaddaadu mar dambe kuma xidhna waxa aad ku fiican tahay ama aad soo saarto, balse waxay ku xidhnaanaysaa shakhsiyadda aad matasho: sida aad u labisato, sida aad u hadasho, iyo xitaa waxa aad ku quraacatid, ha noqoto koob shaah ama koob qaxwe ah, ama waxa ay subaxdii cunaan dadka raaca nidaamka cuntada ee OMAD (waa nidaam hal mar oo keliya la cunteeyo maalintii).
Waxaase la yaab noqotay in ay dadka kale danaynayaan hab-nololeedkayga, xitaa ay saamayn ku leeyihiin sida ay iyagu noloshooda u qaabeeyaan. Shirkadaha ganacsiguna arrintan si fiican ayay u garteen, ilaa heer ay bilaabeen inay ii soo bandhigaan heshiisyo lagu dhexgelinayo alaabahooda noloshayda maalinlaha ah, si ay si qoto dheer ula falgalaan dareenka iyo maskaxda dhagaystayaashayda. Tan iyo sannadkii 2018-kiina, habkan ayaa noqday isha ugu weyn ee aan nolol maalmeedkayga ka helo.
Baraha bulshadu waxay dunida oo dhan ka noqdeen awood weyn oo qaabaysa nolol-maalmeedka bani’aadamka, gaar ahaan jiilalka da’da yar sida Jiilka Millennial-ka iyo kuwa qarnigan barbaaray. Afrikana kamay hadhin horumarkan. Magaalooyinka ay sida weyn ugu baahsan yihiin taleefannada gacanta iyo internet-ku, waxa ugu horreeya ee gacmuhu taabtaan subax kasta waa taleefanka casriga ah si loo eego qulqulka xogta iyo wararka ka imanaya Instagram, X, TikTok, iyo Facebook.
Muwaadinka reer Kenya wuxuu soo toosaa isagoo eegaya WhatsApp-ka, ka hor intuusan quraacdiisa dhamaysanina wuxuu durba liqay fatahaado xog ah oo dhinac kasta uga imanaya: ogeysiis qof maqan, aayad diini ah, meme (sawir ama fikrad qosol leh oo si degdeg ah internet-ka ugu faafta), xayeysiis shaqo, boodhadh wacyigelin ama mudaaharaad, odhaah qof caan ah lagu been abuurtay, tartan qoob-ka-ciyaar oo socda, tacsi qof geeriyooday, cay siyaasadeed, cashar waxbarasho oo YouTube ah, sawir laga qaaday gudaha baarlamaanka, farriin cod ah oo eddo ama habaryar soo dirtay, ama faahfaahinta fasax uu qof ku qaatay Diani (xeeb dalxiiseed caan ah oo ku taal badweynta Hindiya ee Kenya). Dhammaan qulqulkan xogta ah wuxuu si habsami leh uga soo gudbaa hal qalab oo keliya.
Wareysi lala yeeshay Grace Ndege, oo ah khabiir suuq-geynta dijitaalka ah kana tirsan wakaaladda caanka ah ee Digitribe, ayaa muujinaya in 2026-ka aynaan ku noolayn oo keliya dunida dhabta ah ee la taaban karo, balse inta badan nolosheennu ay ku dhex jirto shaashadaha mugdiga ah ee taleefannadeenna. Sidaa darteed, marka shirkad cabitaannada soo saarta ay rabto inay suuqa keento alaab cusub, beddeshana hab-dhaqanka macaamiisha, ama dhisto xidhiidh dhow oo adag oo ay la yeelato summaddeeda ganacsi, baraha bulshada ayaa noqda albaabkeeda ugu muhiimsan. Halkaas ayaana dadka aniga oo kale ahi ka soo galaan, iyagoo alaabadaas ku dhex daraya nolol maalmeedkooda kadibna u soo bandhigaya taageerayaashooda. Ndege waxay intaas ku dartay: “Dareenka dadka ayaa maanta noqday lacagta dhabta ah, waana sababta xulashada nuxurka (algorithms) barahaasi si joogto ah isu cusboonaysiiyaan si ay u qabsadaan xitaa qaybta ugu yar ee dareenkaas.”
David Mbotila, oo muddo dheer si firfircoon uga shaqayn jiray baraha bulshada balse dhawaan ka yara fogaaday, wuxuu isbeddelkan istaraatiijiga ah ee internet-ka ku tilmaamay ereyo ka ballaadhan oo macne qoto dheer leh: “Internet-ku wuxuu ku bilowday mucjiso isgaadhsiin bulsho; mashiinno la hadlaya mashiinno, kadibna dad la hadlaya dad, ugu dambayntiina dad caadi ah oo la hadlaya dunida oo dhan. Waxa ku bilaabmay shabakad fiilooyin ah ayaa isu beddelay waddo si wanaagsan loo jeexay, markayse waddadaasi ina soo gaadhay, noloshu waxay billowday inay ku socoto xawaare gebi ahaanba ka duwan.”
Arrintani waxay si cad uga muuqatay dhacdooyin taariikhi ah oo muhiim ah: Hindisihii “Kenyans for Kenya” ee 2011-kii: waa markii dalku uga falceliyay macaluushii ku dhufatay waqooyiga dalka si dhaafsiisan naxariis iyo damqasho, isagoo sameeyay hawl wadajir ah oo abaabulan. Adeegga lacagaha moobilka ee M-Pesa wuxuu noqday halbowlaha nolosha, taleefannaduna waxay isu beddeleen aalado wax ku ool ah oo lagu ururiyo deeqaha iyo gargaarka.
Dhaqdhaqaaqii ardayda Koonfur Afrika (Oktoobar 2015-kii): Ardaydu waxay bilaabeen ololihii #FeesMustFall, oo ahaa dhaqdhaqaaq ballaadhan oo lagaga soo horjeeday kordhinta lacagaha jaamacadaha. Dhallinyaradu waxay adeegsadeen internet-ka si ay u abaabulaan taageero uguna doodaan waxbarasho sare oo bilaash ah, taasoo arrimo maxalli ah ka dhigtay kuwo qaaradda oo dhan laga arko isla markiiba.
Mudaaharaadyadii ka dhanka ahaa Xeerka Maaliyadda ee Kenya: Dhaqdhaqaaq ay hoggaaminayeen dhallinyaro ka cabanayay canshuuraha la soo jeediyay. Wiilal iyo gabdho ayaa internet-ka u beddelay madal wacyigelin, iyagoo ereyada kakan ee xeerarka u rogay muuqaallo sahlan oo TikTok lagu sharraxayo. Dad aan waligood sharci akhrin ayaa bilaabay inay ka doodaan qodobbada sharciga, canshuuraha, matalaadda siyaasadeed, awoodaha booliska, iyo deymaha qaranka, taasoo xeerarka guud ka dhigtay kuwo ay dadweynuhu si fudud u fahmaan.
Waxaa sidoo kale jira isbeddel joogto ah oo maalin kasta ka dhacaya barahan iyada oo loo marayo waxa loo yaqaan “Jaamacadda Yuutuubka”. Waxaad arkaysaa wiil ku nool Kambaala, caasimadda Yugaandha, oo baranaya farsamada samaynta filimada isagoo casharro ka qaadanaya Yuutuuber Kanada jooga; cunto-kariye Nayjeeriyaan ah oo dhisanaya dhagaystayaal caalami ah isla markaana jebinaya rikoodhka Guinness-ka, iyo qoob-ka-ciyaare ka dhigaya muuqaal 10 ilbiriqsi ah oo Tiktok ah xirfad nololeed buuxda.
Baraha bulshadu wuxuu dedejiyey isdhaafsiga dhaqamada wuxuuna beddelay qaabka luuqadda maalinlaha ah. Erayadu hadda waxay ku safraan ilbidhiqsiyo gudahood iyagoo qaadanaya macnayaal cusub. Dhaqanka dijitaalka ah ee maanta, aqbalidda iyo xaqiijinta waxaa lagu tilmaamaa erayo gaar ah, hal-abuurka iyo heer-sareyntana waxaa lagu cabbiraa luuqad laga soo amaahday dunida karinta. Weedhaha xoogga lehna waxaa lagu soo afjaraa calaamado go’aan leh, taasoo ka dhigtay isgaadhsiinta bani’aadamka mid dhakhsiyo badan, ka af badan, isla markaana ka dabacsan rasmiyaadkii hore.
Si kastaba ha ahaatee, xidhiidhkan joogtada ah ee aan kala go’a lahayn kama madhna cawaaqib xun oo dhaawacaya xidhiidhada bani’aadamka. Maggie Githu, oo ah daaweeye cilmi-nafsiyeed ku takhasustay arrimaha qoyska kana shaqaysa Nairobi, ayaa tiri: “Baraha bulshadu waxay wax walba ka dhigaan kuwo korka sare un ah; waxay ka saaraan xidhiidhada bani’aadamka macnahoodii iyo duruufahoodii shucuureed ee dabiiciga ahaa. Haddaba ma saaxiibbo dhab ah baa la inoo tiriyaa iyadoo lagu sababaynayo keliyaata in qof walba uu si dijitaal ah u gaadhi karo kan kale?”
Jawaabta su’aashan ma aha mid fudud. Aniga oo ah hal-abuure dhijitaal, waxaan isku arkaa inaan dhisayo bulshooyin iyo xidhiidho dhow oo aan la yeesho dhagaystayaasha, mararka qaarkoodna waxaan dareemaa isku-xidhnaan iyo qaraabo-nimo weyn. Hase yeeshee, dadkani wax badan igama yaqaannaan marka laga reebo waxa aan doorto inaan la wadaago. Waxa la wadaagaa waa alaab si taxaddar leh loo soo xulay loona nash-naashiyey ka hor inta aan shaashadaha la soo gelin.
Baraha dadka isu soo dhaweeya ayaa isla mar ahaantaana albaab u fura isbarbardhigyo burburiya. Instagram-ku waxa uu ka leexdaa inuu noqdo meel dhiirrigelin laga helo una beddelmaa cabbir lagu qiimeeyo guuldarro iyo tamar-darro. Waxaad arkaysaa qof kula da’ ah oo dhul iibsaday ama fasax ku jooga Zanzibar (jasiiradaha dalxiiska caanka ah ee Tanzania), mid kale oo ku dhawaaqay meherkiisa, qof saddexaad oo murqihiisa soo bandhigaya, ama martigeliyaha podcast-ka aad jeceshahay oo iibsaday gaadhi qaali ah, ama loo dhalay ilmo, ama leh jiko ka weyn tii hore iyo balakoon eegaya qorrax-dhac.
Kadibna waxaa yimaadda dareenka ceebta, xishoodka, iyo is-eedaynta. Waxaynu markaas bilownaa inaynu fahanno in xidhiidhka dijitaalka ahi aanu si toos ah u dhisin bulsho dhab ah, balse uu yahay oo keliya waddo lagu gaadho. Xidhiidhka joogtada ahi ma dhalin xidhiidho bani’aadanimo oo qoto dheer ama daacadnimo badan. Hal-abuurayaasha dijitaalku ma muujiyaan dhammaan xaqiiqooyinkooda: ma muujiyaan guurka burburaya, cadaadiska joogtada ah ee lagu ilaalinayo muuqaal qurux badan, ama daalka maskaxeed iyo nafsadeed marka fekraduhu dhammaadaan ama qoraal la daabacay uu waayo falcelintii la filayay. Xitaa fekradda ah in qofku ku qanco ama gaadho himiladiisa waxay noqotay wax aan si sahlan loo qeexi karin.
Halkaas ayay Maggie Githu ka bixisay talo dhayitaan oo sahlan: “Waxaad si weyn ugu baahan tahay nolol dhab ah oo ka fog shaashadaha, nolol aad si dhab ah ugu nooshahay dhulka, si aadan meelaha farsamada ahi dadka kale u siin awood been ah oo burburisa xaqiiqadaada.” Waxay ku talinaysaa in qofku ka baxo dunidan dijitaalka ah, kadibna ugu soo laabto – sida uu sameeyay David Mbotila – marka uu si adag ugu taagan yahay xaqiiqada oo uu leeyahay wacyiga ku filan oo uu ku kala saari karo runta dhabta ah iyo bandhigyada samayska ah. Waagii hore, wararka beenta ah iyo xogaha marin-habaabinta ahi waxay u baahnaayeen hay’ado waaweyn oo taageera si ay u faafaan; maanta se waxa keliya ee loo baahan yahay waa faallo hal-abuur leh iyo dhacdo yar oo ilbidhiqsiyo gudahood isu beddesha hadal-heynta maalinta.
David Mbotila ayaa su’aashan uga jawaabay sidan: “Waa dugsi, waa suuq ganacsi, waa masrax, waa goob dagaal, waa wargeys maalinle ah, waa maxkamad, waa moofo lagu dubo xanta, waa goob mudaaharaad, waa xusuus-qor shakhsi ah, waana hub aad u khatar badan.”
Waxaa laga yaabaa in baraha bulshadu kaligood aanay awood u lahayn inay na badbaadiyaan ama na burburiyaan. Waxaa laga yaabaa in qaddarkoodu ahaa keliya inay kulmiyaan gobonimadeenna, naxariis-darradeenna, gaajadeenna, caajiskeenna, iyo hal-abuurkeenna cajiibka ah, kadibna dhammaantood ku raraan hal buudhi oo nagu sii wadaya dhanka mustaqbal aan weli la garanayn.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.