Wednesday 12 August 2026
Sida ay cid walba dareemi karto, dhowr iyo tobankii sano ee u danbeeyay, waxaa guud ahaan dhulka Soomaalida ku faafayay kacaan xuquuqraadin ah oo marba marka ka danbaysa sii badanaya. Waxaa shaaracyada tuban haween dhiirran oo dalbanaya xuquuq siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulsho. Waxaa soo badanaya dhallinyaro wax iska waydiinaysa soo-jireennada bulsho ee lama-taabtaanka ahaa. Waxaa si furan oo aan cabsi lahayn loo dhaliilayaa, falalkoodana wax la isaga waydiinayaa wadaadka iyo oday-dhaqameedka oo muddo dheer ahaa muunad bulsho oo la dhowrto. Waxaa si furan looga hadlayaa dhacdooyin bulsho oo horay loogu aqoonsanaa ceeb ay tahay in loo dado sida cawrada. Waxaa loo bareerayaa in la aqbalo runnimadooda falal badan oo bulshadu u aqoonsanayd shirqool iyo mashruuc gaalo oo lacag lagu cuno. Waxaa si xooggan caddaalad loogu raadinayaa gabar da' yar oo oday loo aqalgeliyay, mid la kufsaday oo laba reer xaajadeeda ku jiraan, wiil yar oo macallinkiisii Qur'aanku faraxumeeyay iyo boqollaal kale oo la mid ah. Waxaa bar-kulannada bulsho looga doodayaa aragtiyo nololeed oo ka baxsan kuwii la yaqaannay ee qabyaaladda. Waxaa afka Soomaaliga ku soo biiray ereybixinno cusub oo la socday isbeddelkaas. Feminisam, Calmaaniyad, Dimuqraaddiyad iyo qaar kaloo badan ayaan maanta dhihiddooda ama aaminaaddooda lagu gaaloobin ama dil lagu mutaysan!
Waxaas oo dhami, waa isbaddallo bulsho oo muuqda—runtiina aan dhiciddoodu ka fududayn bulsho sida Soomaalida aslaraac u badan. Haddaba, waxaa iswaydiin leh, Maxay tahay sirta ka danbaysa isbaddalkan? Door intee le'eg buu baraaruggu ku leeyahay kacdoonnada xuquuqraadinta? Taariikhduse maxay inaga tusaysaa qodobkan? Warcelinta waydiimahan ayuu daarranyahay maqaalkani, ee akhris wacan.
Soomaalidu, inta la ogyahay, waxay ahayd bulsho raacata u badan oo guud ahaan nolosheedu ku tiirsantahay xoolaha ay raacato. Inkasta oo ay jirtay bulsho aan yarayn oo beeralay iyo kalluumaysato xeebaha deggan u badan, haddana, ma jirin ilbaxnimo iyo xaddaarad la sheego oo ay lahaayeen. Marka laga yimaado boqortooyooyin reereed oo kooban, ma jirin dawlad qumman oo midaysay dirkan. Afka dhaladka ah ee bulshadu ma lahayn qoraal rasmi ah oo lagu qoro. Dadka inta kooban ee wax qori jirtay waxa ay adeegsan jireen afaf qalaad. Dhaxalka iyo kaydka ummadeed ee bulshadu waxa uu ku tiirsanaa war afka la isaga tebiyo iyo xoogaa afaf qalaad lagu qoray—taas oo sababtay in uu sidaas ku lumo, oo aan la calfan, dhaxal iyo sooyaal ummadeed oo guun ah. Isku-darka arrimahaasi waxa ay dhashay in Soomaalidu noqoto bulsho xasuus-guur ku dhacay, bartiyaqaan ah, islamarkaana aan lahayn muraayad ay isku eegto iyo sooyaal dawladnimo oo abuura ogaal bulsho oo xooggan.
Dhalashadii Jamhuuriyaddii Soomaaliya iyo qoriddii farta Soomaaligu waxay ahaayeen isku day quman oo wax uun ogaal ummadeed ah yabyabay. Laba sababoodba muhiim ayay ka dhigayeen qodobkan. Kow, waxa uu duulka Soomaalidu markii u horraysay helay dawladnimo uu iska dhex arko oo uu isagu leeyahay. Laba, dawladdaasi waxa ay qaadday tallaabooyin waaweyn oo wax ku biiriyay ogaalka bulsho. Nasiib-darro, isaga oo aan qaangaarin ayuu rajoobay dedaalkaasi, waxaana meesha ka baxday dawladdii dalandalinaysay.
Burburkii Jamhuuriyaddii Soomaaliya ee dhacay dhammaadkii qarnigii 20aad, kuma koobnayn bulshadii Jamhuuriyadda ku noolayd oo qura, ee waxa uu si siman u saameeyay guud ahaan isirkii Soomaalida. Waxa mar kale naafoobay wacyigii bulsho ee abuurmayay. Waxaa si wadar ah u burburay wixii yaraa ee la yabyabay, waxaanay ku laabatay halkii laga keenay. Burburkaasi waxa uu sababay in bulshadu gacanta u gasho kooxo xagjir ah oo qabriga la dhigay ogaalkii bulsho ee horay u seetaysnaa. Waxaa bilaabmay olole lagula dirirayo soojireennadii iyo haybtii bulsho oo ay ugu horrayso fikir-diimeedkii bulshadu haysatay. Waxaa markhaati laga noqday wiil hooyadii iyo aabbihii dib isugu mehershay isaga oo ku andacoonaya in wixii hore baadil ahaayeen iyo barbaar shiikhiisii ashahaadada u qabtay isaga oo ku doodaya in shiikhu yahay gaal tukada! Inkasta oo kooxahani wateen isbaddal bulsho, oo u badnaa mid diimeed, haddana isbadalkoodaasi, waxba kama baddalin duruufihii bulsho ee Soomaalidu la noolayd!
Wixii ka horreeyay dhowr iyo tobankii sano ee u danbeeyay, sidaas ayuu xaalku ahaa, oo waxay bulshadu inteeda badan u rahmanayd wadaad ganacsade ah iyo oday dhaqameed la shirgoobay. Marka laga yimaado in muqaddasaynta labadan kooxoodi waxay leedahay sooyaal dheer oo noloshii miyiga dib ugu laabanaya, waxa haatan sii xoojinayay isla markaana halista sii ballaariyay waa in ay doorkii miyiga ku darsadeen door hor leh oo magaalowgu u sahlay. Marka miyiga la joogay, wadaadka iyo oday dhaqameedkaba xaaraan bay ka ahayd in ay ganacsadayaal noqdaan. Taas baddalkeeda, labadaba waxaa u xilqabay bulshada oo xoolayn jirtay. Arrintaasina muhiim ayay u ahayd shaqada ay hayeen, oo waxa ay u adeegi jireen si ka fog dano shakhsi ah. Haatan, labaduba waxa ay noqdeen ganacsadayaal ku daaban nidaamka hantigoosiga. Waxa ay gacanta ku dhigeen il dhaqaaleed kasta oo bulshadu lahayd. Waxayna intooda badani ka mashquuleen shaqadii danta guud ee ay hayeen oo ay kaga mashquuleen tooda gaarka ah oo u maqaarsaaran tii guud.
Baraha bulshada, oo kaashanaya dedaal ay hor kacayeen qalinlayda Soomaalida ee doortay in ay qaadaan dhabba ka duwan tii racii ka horreeyay ee afafka qalaad wax ku qori jiray, ayaa sababay in tobankii sano ee u danbeeyay uu si xooggan bulshada Soomaalida ugu dhex faafo akhris-qoraalku. Waxaa la helay qalinley badan oo si joogta ah wax ugu qora af Soomaaliga. Waxaa soo baxay tarjumaanno si joogta ah u soo afnaqa Maktabadda qalaad. Waxaana kobcay Maktabadda Soomaalida oo horay u haawanaysay.
Marka la joogo qalinka iyo wax-soo-saarkiisa, inta badan, qoraagu waxa uu kala doortaa laba jaho oo mid walba ujeeddadeeda leedahay. Jahadaasna waxaa go'aamisa jawaabta uu ka baxsho waydiinta ah: Maxaad wax u qoraysaa? Ma waxaad wax u qoraysaa in aad bulshada raali-geliso oo iska noqoto qoraa caadi ah iyo wixii uu Edward Said ugu yeeray aqoonyahan bulshada u raxleeya, mise waxaad wax u qoraysaa in aad runta u sheegto bulshadaada, islamarkaana ciyaarto door isbaddaldoon iyo hagaajin ah.
Labada jiho, qoraag, ta uu doonaba ha doorto e, waa gaaraa ujeeddadiisa. Kan wax u qora raallli-galinta bulshada iyo in uu maalin-shaaha ka helaa, wuu hantaa, oo waa loo durbaan tumaa maalmo kooban, halka kan runta iyo aayaha danbe wax u qoraa gaaro yoolkiisaas; si kasta oo uu u soo daaho. Halka ay ku kala leexdaanse waa taariikhda. Qoraaga bulshada raalligaliya, bilowga, waxa uu helaa taageero bulsho oo xooggan, laakiin waxa uu lumiyaa jiritaankiisa taariikheed iyo waaridda magaciisa. Aqoontiisaasina ma dhaafto qofafkii noolaa goortii uu wax qoray. Halka qoraaga runta sheega ee u darban hagaajinta bulshadiisa iyo toosinteedu uu bilowga hore la kulmo diidmo xooggan iyo dagaal uu kala kulmo bulshada kaas oo uu ku lumiyo xubinnimada iyo ka mid ahaanshaha bulshada—haddiiba aan qoorta loo dheerayn sidii ku dhacday indheergarad badan. Taas baddalkeeda, waxa uu gacanta ku dhigaa guusha danbe. Wuxuu hantaa taariikhda oo uu ku waaro magaciisu, waxaana dhagaysta oo fahma jiil aan ahayn kii uu la hadlayay.
Marka aynu ka hadlayno qalinlayda Soomaalida ee dooratay jidka runta iyo aayaha danbe, islamarkaana wax ku darsaday baraarugga aan maanta ka hadlayno, waa muhiim in aynu xusno laba qoraa oo runtii u hiilliyay Maktabadda Soomaalida xilli qalinlayda Soomaalidu dooratay wax-ku-qoridda afafka qalaad; iyaga oo ku andacoonaya in aan bulshada Soomaalidu wax akhrin, oo buugga afkooda lagu qoraa ka dhigan yahay xoog doofaar lagu eryay. Waa qoraa Cabdisiciid Cabdi Ismaaciil iyo qoraa Ibraahim-Hawd Yuusuf Axmed. Labaduba, waxa ay xilli aad uga fog goortan aan ka hadlayno, qaateen laba go'aan oo dacarta ka kharaar. Waa in ay af Soomaali wax ku qoraan si cidda ay la hadlayaan u fahanto iyo in ay bulshadooda runta u sheegaan oo boogo badan oo dusha laga dhayi jiray dillaaciyaan. Waa dhab, oo goortaas, ma badnayn Soomaalida wax akhrida ama isku hawsha akhrinta dhiganaha, balse wax-soo-saarkoodii waxaa dheefsaday ama dheefsan doona jiil aan dhalan goortii ay qoreen, kana duwan jiilashii ka horreeyay ee aan wax akhrin jirin.
Labadan qoraa ee aan kor ku soo xusay, iyo guud ahaan qalinlaydii dhiirranayd ee Soomaalida, waxa ay la kulmeen wixii la filayay. Waxaa lagaga hortagay caratan. Waxaa loogu hanjabay dil, waxaana laga takooray bulshada. Nasiib-wanaag, soddomeeyo sano ka dib bilowgii dadaalkaas, waxa uu qalinkaas dhiirran, ee xilli adag oo bulshadu intan ka dulqaadyarayd ilkaha is-dhaafsaday abuuray ogaal bulsho oo maanta gaarsiisan in ugu yaraan la isdhagaysanayo iyada oo la kala aragti duwan yahay. Waxa uu jabiyay silsilado cabsi ah oo ku go'naa maanka bulshada. Waxa uu iftiimiyay dhinbil lagu arkay goldaloolooyin bulsho oo qarsoonaa. Wuxuuna soo saaray jiilkaas dhiirran ee maanta baraha bulshada jooga, islamarkaana u dabran helidda xuquuqahooda bulsho.
Dhab ahaantii, xiriirka ka dhexeeya baraarugga iyo halgannada xuquuqraadintu waa mid la gaarsiin karo heer aasaasi ah. Maxaa wacay, sida uu caqligu inoo sheegayo, in wax la raadiyo, waxaa u asal ah in la ogyahay oo lagu baraarugsan yahay in waxaasi maqan yihiin! Si aad u raadisid xuquuq kaa maqan waxaa marka koowaad asal ah in aad ku baraarugto maqnaanshaha xuquuqdaas, sida ay u maqan tahay iyo cidda ay ku maqan tahay. Sida uu horay u tibaaxay mufakir Thomas H. Green, ogaalka iyo baraaruggu waa barbilowga xorriyadda fikirka iyo xuquuqraadinta. Tusaale ahaan maxaa kala duway gabadha ku faraxsan in ay kontolley tahay oo aysan gayin waxa boqolluhu mudanyahay ee xil iyo xoolaba ah, iyo gabadha kale ee la da'da ah ee ka dhiidhiyaysa falkaas? Si fudud waa ogaalka. Midi waxa ay la'dahay iftiinkii ay ku arki lahayd dadnimadeeda la duudsiyay, midina waxa ay fursad u heshay dhinbishaas.
U fiirso, halgan kasta oo xuquuqraadin ahi waxa uu ka dhanbalmay baraarug bulsho. Ka soo bilow kacdoonnadii kala duwanaa ee galbeedka oo ka curtay qalinka indheergaradkii galbeedka ilaa dib-u-xoraynta Afrika oo ka soo dhanbalantay wax-soo-saarkii indheergaradka Afrika. Tusaale ahaan, Ameerika ma xorowdeen haddii aan Thomas Jefferson iyo raggii la midka ahaa dhidibbada u taagin wax-soo-saarkoodii fikir. Kacaankii Faransiisku ma dhaceen Yurubna xorriyaddan ay maanta haysato kuma daanshooteen haddii aan qalinkii Rousseau iyo indheergaradkii kale ee Yurub gilgilin maanka bulshada. Si la mid ah sidaas, kacdoonnadii xuquuqraadinta gabadha ee dhacay intii u dhaxaysay qarnigii 19aad iyo 20aad ma hanaqaadeen haddii aanay dhisnayn wax-soo-saarkii fikir ee Mary Wollstonecraft, Susan B. Anthony iyo Emmeline Pankhurst. Waayo, dadkii kacdoonnada riday ma heleen wax silsiladaha ka jabsha oo farta ugu fiiqa halka xuquuqdoodu jirto.
Inkasta oo aanu qalinku ahayn cunsurka keli ah ee sababa baraarugga iyo kacdoonnada xuquuqraadinta, oo ay jiraan barroosinno kale oo uu cuskado isbaddalkani, haddana waa tiir weyn oo asal ah, la'aantiina aanay dhammaystirmeen dadaallada kale. Baraha bulshada, isku-furanka bulsho, casriyowga iyo dhammaan sababaha kale ee dabada ka riixaya kacdoonnadani, kuma filnaadeen haddii aan qalinka indheergaradku si weyn ugu xarragoodeen waxa la diidan yahay. Haatan halkaas baa la joogaa. Ogaalka bulshadu aad buu u korayaa. Dhiganaha Soomaaliga ah tayadiisuba ha hoosayso e, korriin badan buu samaynayaa. Waxaase iswaydiin leh, jiilkan baraarugsan ee xuquuqraadinta ku jiraa wax ma ka baddali doonaan duruufaha nololeed ee bulshada? Aragtiyahan ay ku doodayaani ma ka mabda' baa mise waa ka laablakac? Maxaase u qorshaysan marka xuquuqraadinta ay ku jiraan soo gabagabowdo? Wakhtiga ayaa ka jawaabi doona!