Skip to main content

Tuesday 11 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Baqdinta ‘Naayaa’?

26 October, 2025
Image
Baqdinta ‘Naayaa’?
Share

Dhiiqowga yeedhmada "NAAYAA" waxa ku sidkan dadnimotirka naagta. Eraygu waa awood xanbaarta macnaha shay, magac, goob ama dad. "Naayaa" ama "Naa" waa yeedhmo asalkuna waa "naag", naagnimadu waa ciqaab lagaaga jaro denbi aadan gelin oo xaqiijinta in aad QOF tahay ayaa nafhur kaaga baahan. Waxaad ka doodaysaa, wax walba oo qofka QOF ka dhiga; sida maskaxdaadu ma kortaa? Naftaada masuul ma ka noqon kartaa? Ballankaaga ma oofin kartaa? Jidhkaaga ma adaa leh? Markhaatigaaga ma la rumaysan karaa? Go'aannadaadda XAQ ma u leedahay in aad gaadho? Maradaada ma dooran kartaa? Wax yar iyo wax weyniba waxay kaaga baahan yihiin fallaagow. Marka aad naag tahay waxba ma lihid, xitaa jidhka kugu yaala waa hanti nineed.

Marka aad gabadh tahay dal ma lihid, guri ma la lihid, caqli ma lihid, jidh ma lihid; waxaad tahay wax la leeyahay! Wax kaste oo lagaa sheegana waxay kuu caddeeyaan in lagu leeyahay. Sida laguula dhaqmana waxay ku baraysaa sida laguu leeyahay.

Yeedhmada "Naayaa" waxa ku lammaan cabsi. Xillimaa lagu odhan jiray "naayaa" kolkii aad yarad? Maxaa ka danbeeyay ama ka horreeyay "naayaa"? Naayaa, waxa la inna odhan jiray marka la inna dilayo, la inna caayayo, la inna yasayo ama la inna eryayo. Naayaa, waxa had iyo jeer ku lammaan dhengad, fogeyn, hawl ama cay. Xillima ayay raggu "naayaa" inna dhahaan? Marka ay inna caayayaan! "Naa naagaha lama hadlo" "Naa us!" "Naa kuma rabo" "Naa wallaahi in aan labo kuu kala jabin" Naayaa, waxsan laguma lammaaneeyo, dabadeed, waxaynu ka qaadnay cabsi, qof aynu same ka filaynana kama aqbali karno, waayo; baraadkeenna waxa ku kaydsan xusuusaha xun ee ku lammaan. Ma aqbali kartid in ninka aad jeceshahay "Naayaa" ku dhaho, xitaa si kaftan ah, sababta oo ah haddii "Naayaa" lagu dhaho arxan ma filanaysid.

Nacaybku waa qolofta cabsida. ‘Naayaa’ ma necbin e, waynu ka baqanaa, xusuusta xun ee ay innagu leedahay aawadeed. Markaa, ‘naa walaal’ aynu ‘naayaa’ la heshiino.

Erayga ‘Naayaa/Naa’ waxa ku lammaan xusuuso xun oo waxa yaraantii la inoo adeegsan jiray marka la inna farayo ama la inoo sheegayo ujeeddo xun. Sidaa awgeed, eraygan ma necbin e, waa aan ka baqannaa waxanan u baahan nahay in aynu dib ula heshiinno eraygaas

Arrimo badan ayaa dib-uga-fekerid innooga baahan. Tusaale ahaan, cayda. Haddaan ku idhaaho gabadh cay, maxaad ku caayi? Aflagaadooyin la xidhiidha galmo, baalinimo iyo foolxumo waa af nineed, waa cayda ninka. Ninka ayay ka xanaajisaa in wax uu aaminsanyahay in uu kalligii leeyahay ay niman kale la waddaajisay, in ayna si uu ku qanco ugu adeegi aqoon, iyo in qaabdhismeedka jidhkeedu aannu dareenkiisa xadantayn karin. Maaha wax ay tahay in ay naaguhu isku caayaan, waayo xidhiidhkooda muhim uma ah arrimahani, mushkiladna kuma aha, haddaan laga dhigin! U fiirso oo metalan galmada furan ee dumarka lagu caayaa waa duruuf qadhaadh oo ay tahay hablaha ku jira in laga badbaadsho, maaha wax ay tahay in lagu caayo. Waa wax ay tahay in aan ka damqano, ka dagaalano, oo tafta u xidhanno baabiinta duruufaha keenna. Duruufaha keenaa maaha dhaqaale xumo oo keliya e, wacyixumo ayaa ka mid ah.

Baalinnimadu, iyaduna, waa la mid; daryeel la'aanta jidhka iyo deegaanka kugu xeeran – uma jeedo in aad sida roboodka u shaqayso ama aad qaaddo masuuliyad aanad lahayn sida u adeegidda qoyska oo dhan – iyaduna waa cilad nafeed oo daryeel caafimaad u baahan e, maaha cay. Haddii aad qofka abuurkiisa wax ka sheegtana, runtii, waa garashoxumo aad u weyn iyo fullaynimo! Maxaa yeelay, qofku isma abuurin.

Waxaynu si maalinle ah ula nool nahay quudhsiga jiraalkeenna, si dadban iyo si toos ah baa waa la innoo yasaa. Waxa innagu hareeraysan giraan nacayb ah, haweenka kalenna, waxaynu ku eegnaa indhaha la innagu eego ee garashada ka madhan. Faan ayaynu ka dhiganaa ‘Naagaha lama saaxiibo’ Sabab? Waxay u aragtaa wuxuu NINKU uga sheegay. Muxuu ninku uga sheegay? In ay tahay noole kala badh ah. Garasho yar oo caqli badh ah ka timi, jidh uu leeyahay oo loo sido, shar loo baahan yahay, cadow naagaha kale neceb, qof aan la aamini karin, iyo qudhun badan oo la mid ah. Sida aynu naagnimada u aragnaa waxay jabaqcelin u tahay sidii la innoo arkay, sida aynu naagaha kale u aragnaana waa sida aynu isu aragno ee qarsoon. Ma necbaan kartid jinsiga aad tahay, illaa aad qayb kaa mid ah neceb tahay mooyee.

Sida aynu naago ahaan isu aragnaa waa jabaqcelinta sida loo innoo arko, tilmaamaha lagu caayo naaguhuna waa kuwa laga dhex arki waayay danta ninka. Sidaa awgeed, ma aha in aan jinsigeenna u nacno danta ninka

Naagnimadu maaha hoos la ilaaliyo, maaha dhari la kariyo, maaha dhiiqooyin dubka la isaga siibo, maaha arxan iska-dhiska ninka ku dhisan, maaha is-carruurayn, maaha la baqashada fekerkaaga, maaha u noolaanshaha sidii danbiile is-qarinaya, maaha labo wejiilayn, maaha intii xunba xaawaa leh. Naagnimadu waa jiraal dadnimo, anshax baa xidha, garashaa ayaana u sees ah. Waajibkaagu waa in aad caqligaaga quudiso si aanu u noqon maqal lagula leeyahay, maaha in aad ku qanacdo kartoonka lagu gu riday.