Skip to main content

Sunday 7 June 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Masrax

Bandhigga Shineemada Afrika ee ‘Luxor’: Maxaa ku cusub sannadkan?

19 May, 2026
Image
Bandhigga Shineemada Afrika ee ‘Luxor': Maxaa ku cusub sannadkan?
Share

Bandhigyada dhaqanku mararka qaar si gaar ah ayay u dhalaalaan haddii lagu qabto meel ka baxsan buuqa caasimadaha waaweyn. Taas ayaa si weyn uga muuqatay wareeggii 15aad ee Bandhigga Filinnada Afrika ee ‘Luxor’, oo toddobaadkii ugu horreeyey ee Abriil ka dhacay magaalada taariikhiga ah ee Luxor — ama al-Aqsar — oo dhacda meel u dhow Webiga Niil iyo macbadyada qadiimiga ah ee dalka Masar.

Luxor ma aha magaalo caadi ah. Waa goob ay taariikh, farshaxan iyo xusuus isku dhex milmeen. Sidaas darteed, bandhig filin oo lagu qabtaa ma noqdo tartan shaneemo oo keliya, balse wuxuu isu beddelaa kulan dhaqameed ballaadhan oo Afrika, Carabta iyo dunida filinku ku wada kulmaan.

Wareegga sannadkan waxaa ka qaybgalay in ka badan afartan filin oo ka soo kale jeeda dalal Afrika ah. Filinnadaas waxaa lagu tartansiiyay qaybo kala duwan, halka kuwo kalena lagu soo bandhigay qayb ka baxsan tartanka rasmiga ah. Koonfur Afrika ayaa ahayd marti-sharafta bandhigga, taas oo si gaar ah loogu xusay taariikhdeeda dheer ee shaneemada.

Waydiimaha cusub ee shaneemada Afrika

Bandhiggu kuma koobnayn daawashada filinnada iyo bixinta abaalmarinnada oo keliya. Waxaa barbar socday madallo lagu faaqiday mawduucyo kala duwan, wuxuuna noqday meel ay ku kulmaan agaasimayaal, soo-saarayaal, madaxda bandhigyada filinnada iyo dadka ka shaqeeya samaynta shaneemada.

Sannadkan, madashu waxay diiradda saartay mowduuc muhiim ah: sida bandhigyada filinnadu ula qabsan karaan isbeddellada degdegga ah ee tiknoolajiyadda iyo caqabadaha haysta shaneemada Afrika. Doodaha madashu waxay si gaar ah u taabteen barnaamij-dejinta, u diyaar-garowga dijitaalka xawliga ku socda, iyo sidii filinnada Afrika loogu heli lahaa fursado ballaadhan oo daawasho iyo suuq-geyn ah.

Abaalmarinno iyo filinno hadal-hayn dhaliyay

Mid ka mid ah filinnada ugu soo jiidashada badnaa wuxuu ahaa God’s Work, oo uu agaasimay Michael James. Filinkani wuxuu ka warramayaa nolosha afar saaxiib oo hoy la’aan ku nool waddooyinka Durban ee Koonfur Afrika. Wuxuu isku darayaa qaab dokumentari ah iyo sheeko, isaga oo si murugo iyo quruxba leh u sawiraya nolosha dad aan inta badan shaashadaha laga arag.

Filinkani wuxuu ku guulaystay Abaalmarinta Radwan Al-Kashef ee filinka ugu wanaagsan ee ka hadla arrin khusaysa Afrika. Guushiisu waxay ahayd mid xoojisay joogitaanka Koonfur Afrika.

Dhanka kale, filinnada Masar ayaa si weyn uga dhex muuqday abaalmarinnada. Filinka Carafta Aabbahay ee uu agaasimay Maxamed Siyaam ayaa helay abaalmarinta filinka ugu wanaagsan, halka jilaaga Axmed Maalik lagu maamuusay abaalmarinta jilaaga ugu wanaagsan. Sidoo kale, filinka Sheekooyinka ee Abu Bakr Shawqi ayaa lagu abaalmariyay sawir-qaadistiisa shaneemo.

Filinnada gaagaaban iyaguna waxay lahaayeen tartan xooggan. Filinno ka kala yimid Masar, Marooko, Ruwaanda, Senegal iyo Nayjeeriya ayaa helay abaalmarinno iyo xus gaar ah. Waxaa si gaar ah loo hadal hayay filinka Nayjeeriyaanka ah “My Jebba Story”, oo qaabkiisu u dhexeeyo dokumentari, daraama, sawirro iyo sawir-dhaqaajin (animation). Waa filin aan si sahlan loogu tilmaami karin hal nooc, balse ku ciyaaraya qaabab kala duwan si uu u muujiyo nolol magaalo oo sawaxan iyo jahawareer isku darsatay.

“Boqoradda Cudbiga”: Sheeko Suudaani ah oo xusuus reebtay

Filinka Suudaaniga ah ee “Boqoradda Cudbiga”, oo ay qortay isla markaana agaasintay Suzana Mirghani, ayaa ka mid ahaa filinnada dareenka gaarka ah yeeshay. Waa filinkeedii ugu horreeyey ee sheeko-dheer ah, wuxuuna ka warramayaa gabadh lagu magacaabo Nafiisa oo ku nool tuulo ku dhow Webiga Niil.

Sheekadu waxay si gaar ah u iftiiminaysaa xidhiidhka Nafiisa iyo ayeeyadeed, oo lagu naanayso “Boqoradda Cudbiga”. Ayeeyadani waa haweeney waayeel ah oo sumcad ku leh tuulada, laguna xusuusto halgankii gumeysi-diidka iyo awood saadaal ama fal oo ay lahayd . Filinku wuxuu isku xidhayaa xusuusta gumeysiga, nolosha miyiga, iyo awoodda haweenka ee bulshada dhexdeeda.

Yuusuf Shaahiin: Magac weli nool

Wareeggan bandhigga waxaa lagu suntay halkudhegga “Yuusuf Shaahiin... Sheeko Xariiro Masri ah”, iyadoo lagu xusayay boqol-guuradii dhalashada agaasimahan weyn ee reer Masar. Shaahiin wuxuu ka mid ahaa magacyadii ugu saamaynta badnaa shaneemada Carabta, isla markaana ahaa hal-abuure si joogto ah uga doodi jiray siyaasadda, bulshada iyo xorriyadda aadanaha.

Barnaamij gaar ah ayaa lagu soo bandhigay boodhadhkii filinnadiisa, sawirro dhif ah, agabkiisii shaqo iyo buug laga qoray safarkiisii faneed. Waxaa sidoo kale la daawaday filinno ka mid ah dhaxalkiisa oo dib loo dayactiray, waxaana la maamuusay qaar ka mid ah jilayaashii la shaqeeyay.

Shaahiin wuxuu filinkiisii ugu dambeeyay, Waa Jahawareer, soo bandhigay sannadkii 2007-dii, isagoo la kaashaday ardaygiisii Khaalid Yuusuf. Muddo aan sannad gaadhin kadib ayuu geeriyooday, balse raadkiisa shaneemo waa mid waaraya.

Xusuus iyo maamuusid

Bandhiggu wuxuu sidoo kale xusuus gaar ah u sameeyay fannaaniin iyo soo-saarayaal Afrikaan ah oo dhawaan geeriyooday, waxaana ka mid ahaa filim-sameeyaha reer Senegal ee Suleymaan Siise, Maxamed Al-Akhdar Hamina, Biyoona, Faaruuq Cabdulkhaaliq iyo Daawuud Cabdulsayid.

Sidoo kale, wuxu bandhiggu maamuusay lix magac oo ka kala socday dalal kala duwan, kuwaas oo matalayay jiilal iyo waayo-aragnimooyin kala duwan oo ku jira shaneemada Afrika. Waxaa ka mid ahaa agaasimeyaal iyo jilayaal ka kala yimid Koonfur Afrika, Burkina Faso, Marooko iyo Masar.

Waxa sannadkan Luxor ka dhacay ma ahayn bandhigyo filimeed oo keliya. Wuxuu ahaa kulan ay Afrika ku eegayso wajigeeda farshaxan, xusuusteeda taariikheed iyo mustaqbalkeeda dijitaal. Filinnada la soo bandhigay waxay ku saabsanaayeen sheekooyin miisaan culus leh oo kala duwan, taas oo marag u ah in ay shaneemada Afrika u gudubtay hir cusub oo hodontinimodiisana la hilaadinayo.

Ugu danbeym, Bandhigga Filinnada Afrika ee Luxor wuxuu mar kale muujiyay in shaneemada Afrika aanay ahayn hal cod ama hal muuqaal. Waa codad badan, afaf badan, xanuunno badan iyo rajooyin badan. Waana sababta Luxor, oo ah magaalo qadiimi ah, ay sannadkan u noqotay meel si cusub loogu akhriyo qaaradda Afrika.