Friday 9 October 2026
"Waxaan ahay haween" waxa uu ahaa barnaamij bandhig hal-abuureed ah oo uu Geesku soo agaasimay oo kulmiyay hablo laamaha fanka ee kala duwan ka hawlan. Gabadh kastaa waxay soo bandhigtay shaqadeeda wax ka mid ah, waxayna ka warrameen caqabadaha ku gudban hablaha fanka sawirqaadista, aslidda (painting), qoraalka iyo maanso curinta ku hawlan.