Sunday 16 November 2025
Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn si uu go’aan uga gaadho dabarka da’da ee Madaxweyneha dalka oo uu dastuurku ku jaangooyay in aanu 75 jir ka weynaan qofka u ordaya jagada Madaxweyneha dalkaasi. Baarlamaanka ayaa cod aqlabiyad ah ku laalay qodobkaas, si uu jidka ugu xaadho Madaxweyneha hadda, Ismaaciil Cumar Geelle oo hadda jira 77 sannadood, isla markaana doonaya in uu markii 6aad u ordo xilkan sannadka dambe, 2026-ka. Dhammaan xildhibaannada fadhiyay goleha ayaa u codeeyay in qodobkaas la laalo, mana jirin hal xildhibaan oo ka soo horjeedsaday tallaabadaas.
Hore ayaa uu Madaxweyne Geelle u beddelay dastuurka si uu u furo muddada is sharraxaadda, taas oo horseedday in uu markii lixaad hadda is sharraxayo, waxana uu hadda, mar kale, ka furay dabarkii da’da oo ahaa waxa qudha ee xidhayay doorkan.
Madaxweyneha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu muddada dheer Afrika, isaga oo ka talinayay dalkan yar tan iyo 1999-kii (26 sano), markaas oo uu xukunka uga dambeeyay Madaxweynihii u horreeyay ee dalka, Xasan Guuleed Abtidoon oo uu 22 sannadood kala shaqeynayay dhinacyada amniga iyo maamulka madaxtooyada.
Dhammaan doorashooyinkii dhacay ayaa uu Ismaaciil Cumar Geelle ku guuleystay cod aad u badan, iyada oo lagu cambaareeyay dhinacyada daahfurnaanta iyo xorriyadda oo ay dawladdiisu cabbudhisay. Mucaaradka Jabuuti ayaa marar badan ku tilmaamay doorashooyinkan kuwo masraxiyad ah oo uu Madaxweyne Geelle ku qabsado iscaleemasaar muddeysan. Ha se ahaato e, dadka taageera ayaa, iyaguna, ku dhaliila mucaaridka in aanay fagaag siyaasadeed ku lahayn dalka gudihiisa oo ay kasban kari waayeen taageero shacab, taasin ay suuragalisay in saaxadu u xidhnaato Geelle.
Jabuuti ayaa ah dalka ugu yar Bariga Afrika, waana mid ka mid ah kuwa ugu dhulka iyo dadka yar qaaradda Afrika, hase ahaato e waxa uu ku yaallaa goob istiraatiiji ah oo ah marinka Baabal Mandab oo muhiim u ah isu socodka bariga iyo galbeedka dunida. Jabuuti, sidoo kale, waa dal ay ku yaallaan saldhigyada ciidan ee ugu badan qaaradda Afrika oo ay leeyihiin awoodaha waaweyni waxana uu Madaxweyne Geelle ku guuleystay in uu suuragaliyo isleeg ay adag tahay in la xejiyo oo ay ka mid tahay xidhiidhka ciidan uu la leeyahay Shiinaha iyo Maraykanka oo labadooduba saldhigyo ciidan ku leh dalka Jabuuti. Ha se ahaato, waxa ay mucaaridku ku dhaliilaan Geelle in uu khatar aag-siyaasadeed galinayo dalkiisa, iyo in aanu aagga istiraatiiji ee ay Jabuuti ku taallo uga faa’iideyn dadkiisa, iyada oo saboolnimadu gaadhayso heer aad u sarreeya.