Saturday 14 March 2026
Inta aanay Soomaalidu helin dawladnimada casriga ah, waxa ugu badan ee ay dhaqan jireen waxa uu ahaa xoolaha oo ay ugu badnaayeen geela iyo arigu. Manaafacaadka khayraadka baddu aad ayaa uu u yaraa, ka hor inta aan la gaarin kalluumaysiga, waxaaba ka faa’idaysigiisu yaraa beeraha. Waxyaabaha aadka loo xuso oo waqtiyadaa jiray waxa ay ahaayeen in dadka deggan xeebaha oo aad u yar ay xidhiidh la lahaayeen dadyowga dunida, ayna ka xadaarisanaayeen Soomaalida inteeda kale, taas oo loo aanayn karo xidhiidhada ay la lahaayeen dadyowga shisheeye iyo helitaanka khibradaha bulshooyin kala duwan, balse waa uu ku yaraa ka faa’idaysiga khayraadka baddu, marka laga reebo waxa ay ka quutaan. Intii ay dhulka Soomaalida joogeen gumestayaashii Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniguna wax weyn ma aysan gelin dhanka kalluumaysiga, si gaar ahna Talyaaniga ayaa isagu sameeyay maalgashiyo kooban oo aan ku taagnayn cago adag.
Kolkii ay dhalatay dawladdii rayidka ee Jamhuuriyaddii Soomaalida, waxaa sii socday maalgashiyadii yaryaraa ee uu Talyaanigu ka tagay, mana jirin wax la tilmaami karo oo buuran oo laga qabtay dhanka kalluumaysiga, se waxa isbeddel weyn yimid markii ay xukunka qabsadeen Taliskii Askarta ee uu Siyaad Barre hoggaaminayey, oo waxa ay sameeyeen qorshayaal ku aaddan kalluumaysiga iyo maalgashiga badda. Waxa ay bilaabeen in ay dadka u raraan xeebaha, waqtiyada abaaraha, ayna baraan kalluumaysiga iyo sida looga faa’idaysto badda. Waxa ay sii horumariyeen maalgashiyadii Talyaaniga, iyaga oo kuwo cusubna soo kordhiyay. In kaste oo ay Soomaalidu sasba ka qabeen cunista kalluunka, iyaga oo haysta xeebta labaad ee ugu dheer Afrika, haddana waxa uu fahanka kalluunku kor u soo kacay xilligii Taliska Askarta. Markii uu dalku burburay, waxaa la burburay wax walba, horumarkii laga samaynayay dhanka badda iyo kalluumaysiguna waa uu raacay, balse, si aan la filayn ayaa soo baxday oo waxii ka danbeeyay 2005 waxaa kor u kacay isticmaalka kalluunka ee deegaannada Soomaalida. Hadda oo la joogo 2025 waxaa laga yaabaa in ay aad u yar tahay in qof Soomaali ahi aanu cunin kalluun, haddii ay dawladi jiri lahaydna waxaa suuragal ahaan lahayd in looga faa’idaysan lahaa sida ay uga faa’idaystaan dalalka haysta fursadaha aynu haysanno.
“Si ka duwan waayadii hore, hadda waa ay yar tahay in la helo qof Soomaali ah oo aan cunin kalluun, taas oo muujinaysa in Soomaalidu soo gaadhay meel si fudud lagu bari karo in ay ka faa’iideystaan khayraadka badda”
Dhanka badaha, meelaha aadka u hooseeya, suuragalna ay tahay in dabar go’ ku dhaco waa aqoonta, taariikhda iyo xogaha ku gadaaman badaha Soomaalida, waa ay yar yihiin buug ku qoran af Soomaali oo ka warramaya aqoonta iyo khayraadka baddeenna, maaddaama oo ay hadda aad u yar yihiin dadka ku nool xeebaha Soomaalida ama dadka ka xoogsada, waxaa suuragal ah in ay lumaan xoogaaga laga yaqaanno badda, ayna yaraato aqoonta Soomaaliyaysan ee la kaydin karo. Buugga ‘Xeebi Waa Dahab’ oo aan falanqayntan iyo soo koobiddan ku samaynayo waxa uu ka mid yahay buugta naadirka ah ee laga qoray badda, gaar ahaanna badda Soomaaliya kuna qoran afkeenna. Waxaa qoray qoraa Cumar Shaafi oo, sida uu sheegay, bilaabay qoraalka iyo xog ururinta buuggan sannadkii 2017-kii, soona gabagabeeyay 2024-kii.
Xeebi Waa Dahab waa buug u qoran qaab aqooneed oo si guud uga warramaya badaha iyo khayraadka ku jira, si gaar ahna midda Soomaalida. Waxa uu ka faalloonayaa xogta xeebaha Soomaaliya, noocyada kalluunka iyo noolayaasha kale ee ku jira badda, tabaha kalluumaysiga iyo xirfadohooda, faa’idada caafimaad ee ku gaddaaman kalluunka, suugaanta Soomaalida ee kalluunka iyo badda khuseysa iyo maalgashiga khayraadka badda.
Bilowgaba waxa uu qofku ka baranayaa buugga, juqraafiga xeebaha Soomaalida, waxa ay ku kala duwan yihiin labada badood ee Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya, jasiiradaha kala duwan ee Soomaaliya, warshadihii kalluumaysi ee dalka iyo baaxadda ama cabbirka guud ee badda. Sidoo kale, waxa uu akhristuhu xog wacan ka helayaa magacyada kalluunka, sinjiyada uu isu raaco iyo noolayaasha kale ee badda. Buuggu waxa uu akhristaha barayaa waxa uu yahay kalluun. Badi dadku waxa ay u yaqaanaan kalluun waxii badda ku jira, laakiin si taa ka duwan ayaa uu qoraagu uga war sheekoonayaa, waana sida dhabta ah ee xeebalayda iyo dadka barta aqoontani u yaqaannaan, waxa uuna xusayaa noolayaal aad u badan oo aan kalluun ahayn, kuna nool badda, kuwaas oo ay kala duwan yihiin qaabkooda, habdhaqankooda iyo faa’idooyinka caafimaad ee ay dadka u leeyihiin. Kalluun walba iyo noole walba oo uu xuso, badanaa, waxa uu dabadhigayaa xog gaar ah oo ku saabsan qaabkiisa, da’diisa, dhererkiisa, bahdiisa, habka uu u tarmo iyo faa’idooyinkiisa caafimaad.
Waxyaabaha quruxda badan ee qoraagu ku ammaanan yahay waxaa ka mid ah in uu xoogga saaray raadinta magacyada ay Soomaalidu u taqaano kalluunka iyo noolayaasha kala duwan ee ku jira badda, in kaste oo ay deegaannada Soomaalidu ku kala duwan yihiin magacbixinta, haddana waa kayd iyo bilow wacan in la helo buugaag hor leh oo qoraya magacyada kalluunka ee dhaladka ah taas oo ay asalka shaqadan soo bilowday Wasaaraddii Kalluumaysiga Soomaaliya ee dawladdii burburtay. In ay jiraan magacyo dhalad ah oo badan waxa ay muujinaysaa heerka aqooneed ee ay Soomaalidu u leedahay badda, taas oo aynu ka arkayno in uu kala sarreeyo heerka aqoonta iyo heerka ka faa’iidaysiga.
“Buuggu waxa uu xoogga saarayaa aqoonta Soomaalida ee badda iyo magacyada ay Soomaalidu u taaqaanno kalluunka iyo nooleyaasha kale ee badda”
Waxaa jira cutub dhan oo uu qoraagu ugu magac daray Kalluumaysiga. Cutubkaas waxa uu ku warinayaa tabaha looga xoogsado badda iyo siyaabaha kala duwan ee loo soo dabto kalluunka, waxa uu kala dhigdhigayaa shaqada bilow illaa dhammaad ee ku aaddan mawduucaas. Qofka akhriya ee aan weligii tagin meel lagu kalluumaysanayo waxa uu ka helayaa indho furnaan weyn, haddii uu damaca kalluumaysi galona waxa uu u noqonayaa bilow aad u wanaagsan. Isla cutubkan Kalluumaysiga ayaa uu qoraagu ku xusayaa gaadiidka badda, isaga oo ku salaynaya marxalidihii ay Soomaalidu soo kala martay, waxa uuna xusayaa marsooyinkii kalluumaysi ee ay Soomaalidu lahayd.
Xeebi Waa Dahab waa buug si weyn u anfacaya dadka barta aqoonta ku saabsan xeebaha, kalluumaysiga iyo waxii xidhiidh la leh. Sidoo kale, waxa uu anfacayaa dadka xiiseeya xeebaha iyo kalluunka, dadka ka xoogsada ama ay noloshooda ku xidhan tahay iyo weliba qof walba oo doonaya in uu wax ka ogaado qaybta ugu weyn ee koonkani ka kooban yahay oo ah badda. Kolka Soomaalida la joogana, muhiimad gaar ah ayaa ay leedahay in dadkeenu ay wax uun ka ogaadaan khayraadka, dabeecadda iyo noolayaasha badda ku nool, maaddaama oo uu dalkeenu yahay mid ka mid ah dalalka hodonka ku ah dhererka iyo khayraadka badda.
Intaa kolka laga soo gudbo waxaa jira cutub ka warramaya qaar ka mid ah suugaanta kalluunka ama, si guud, u khuseeya badda oo ay Soomaalidu tirisay; waxa uu qaybta hore kaga warramayaa hees-hawleedada ay bad-dhacdu ku qabato hawl maalmeedkeeda, qaybtan hees-hawleedada ma jiro tixraac sax ah oo laga hayo, in kasta oo aanu qoraagu sidaa u xusin. Dhanka kale, waxaa jira dhawr gabay oo qaarkood xifaale yahay oo ku aaddan badda iyo khayraadkeeda. Marka aad akhrido waxa aad dareemaysaa muhiimadda ay suugaantu ugu fadhido Soomaalida iyo sida ay u kaydiso waxyaabo badan oo ay dunida kale siyaabo kale u kaydsato. Gabayada uu qoraagu soo qaatay waxaa ku kaydsan magacyo aad u badan oo kalluunka ah iyo xeelado kala duwan oo ku aaddan kalluumaysiga. Sidaas oo ay tahayna waxaa muuqata in suugaanta laftigeedii sii lumayso, haddii aan lagu dabrin qoraalka.
Waxa kale oo uu qoraagu cutub gaar ah kaga warramayaa maalgashiga, waxa aad ka dareemaysaa qoraalka sida xeebta dheer ee aynu haysanno aynaan wax faa’ido ah ugu qabin. Qoraagu waxa uu taariikhaynayaa isku-dayadii iyo maalgashiyadii Soomaalida soo maray, waxa uuna xusayaa fursadaha waaweyn ee ka bannaan maalgashiga xeebaha Soomaalida. Dhanka kalena waxa uu xusayaa caqabadaha ku gedaaman maalgashiyadaa oo ay u waaweyn yihiin amniga, jidadka iyo korontada. Dhanka kale, waxa uu qoraagu xusayaa dalal dhowr ah oo iyagu guulo ka gaaray ka faa’iidaysiga khayraadka badda.
Waxa aan doonayaa in aan u bogaadiyo qoraaga buugga, dhab ahaanna waa mudan yahay maaddaama oo uu wax ka qoray mawduuc aan aad wax looga qorin kolka la joogo af Soomaaliga. Qof kasta oo daneeya mawduucan iyo mid aan danaynba waan kula talin lahaa in uu akhriyo, kayd ahaanna u haysto. Buuggu isaga ayaa is sharaxaya marba marka ka danbaysa, waxaana marar dhawr ah dhacaysa, wax aad micnihiisa ku wareersanayd in uu gadaal qoraagu ka faahfaahiyo. Waxa kale oo ammaanta mudan ayaa ah in qoraagu uu dhanka xigashooyinka u badiyay Soomaalida, waxaa marar badan dhacda in, iyada oo wax laga qorayo Soomaali, haddana xigashada koowaad laga dhigto dad ajaanib ah oo aad dareemayso in qoraayo badan ayba ka faanaan xigashada Soomaalida, marka qoraagu waa ku ammaanan yahay in aqoonta badda uu ka waraysto, safarro u galo, soona xigto bad-dhaca Soomaaliyeed, maaddaama cidda laga waramayaa ay yihiin iyaga iyo badda ay ka xoogsadaan. Sidoo kale, badi sawirrada uu buugga ku soo qaatay waa kuwo ay qaadeen Soomaali, lagana qaaday Soomaaliya, iyaduna waa qodob kale oo bogaadin mudan.
Dhaliilo badan kuma aanan arag buugga, kolka laga reebo dhawr dhaliilood. Kow, in qoraagu uu meelo badan oo u baahan faahfaahin uu hore uga soconayo sidii in uu u sheekaynayo dad aqoonta badda ku xeeldheer. Labo, xisaabaha uu qoraagu soo bandhigayo qaarkood waa is dhaaf, waxa ayna u baahan yihiin hubin daabacaadaha danbe. Sidoo kale, wax aan badnayn ayaa ka qaldan higgaadda, in kaste oo aanu macnuhu marnaba is doorinayn. Saddex, meelaha qaar, oo aan badnayd, waxaa iska hor imanaya qoraalka, aniga oo ay iila muuqatay in qoraaga iyo tifaftirayaashaba ay seegtay, waxaana ka mid ah kolka uu qoraagu ka waramayo qasaacadaynta kalluunka, tuduca isku xira bogagga 65-66. Waa qalad aan isaguna wax badan micnaha doorinayn, balse, ay muhiim tahay in la saxo daabacaadaha danbe.
Dhaliilaha aan arkay badankood waa kuwo cillado farsamo ku yimi oo la sixi karo. Mar labaad iyo mar saddexaadba waxa uu qoraagu mudan yahay in loogu hambalyeeyo dedaalka toddobada sanno qaatay ee uu galiyay mawduucan aadka loogu baahida qabo in af Soomaali lagu qoro. Waxa uu daboolay in badan oo aqoontan khusaysa, welina baahidu waa ay sii jirtaa. Intiina haleesha akhriska buuggan, waxa aan leeyahay akhris wacan.