Skip to main content

Tuesday 19 May 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Baadigoobka Islaamka Calmaaniga ah

3 May, 2026
Image
Baadigoobka Islaamka Calmaaniga ah
Share

Maqaalkaan waxaa qoray qoraaga Bakistaani-Biritanka ah ee Siyaa’udiin Sardaar, waxaanna quuddarraynayaa in akhristayaal badani ay iska dhex arki doonaan.

Waagii aan 20 jirka ahaa waxaan necbaa calmaaniyadda. Horraantii 1970-meeyada markii aan ku jiray jaamacadda, waxaan noqday Xoghaya Guud ee Midowga Ururrada Ardayda Islaamka (the General Secretary of the Federation of Students Islamic Societies ‘FOSIS’). Sida uu ahaa xaalka xubnihii FOSIS badankoodu, waxaa si xooggan ii saameeyey fekradihii Ururrada Ikhwaanu Muslimiinka Masar iyo Jamaacada Islaamka ee Bakistaan. Ururradaani waxay faafin jireen farriin fudud oo ah: Islaamku waa fiican yahay; Calmaaniyadduna waa xun tahay. Taa aawadeed, sida xubnihii kale ee ‘dhaqdhaqaaqa Islaamka,’ waxaan u qaatay in Islaamka iyo calmaaniyaddu ay yihiin sida laba dibi oo hardan joogto ahi uu ka dhexeeyo.

Waxay ahayd markii aan bilaabay akhrinta taariikhda Islaamka kolkii aan ogaaday in arrimuhu aysan ahayn caddaan iyo madow kala soocan. Waxaan ogaaday in calmaaniyaddu aysan shisheeye soo galooti ah ku ahayn Islaamka. Ma aha oo keliya in ay si xooggan uga muuqato taariikhda Islaamka, balse calmaaniyaddu waxay door muhiim ah ka qaadatay qaabaynta fekerkii islaamka ee hore. Inkaste oo aan marna si qeexan loo kala xadayn diinta iyo siyaasadda, haddana si joogto ah baa culumada iyo waxgaradka Muslimiintu uga hadli jireen, oo siyaabo kala geddisan uga doodi jireen.

Waxaa layaab igu dhacay, markaan ogaaday in taariikhda Islaamka dowladda diiniga ahi ay tahay mar-la-arag ee aysan ahayn midda asalka ah ee caadi ahaan la yaqiin. Boqortooyinkii waaweynaa ee Ummawida iyo Cabbaasidu (661-1258) waxay ku salaysnaayeen xukun qofeed iyo mid kelitalisnimo. Hoggaansanka madaxda dowladdu ay diinta u muujiyaan wuxuu ahaa mid maqaarsaar ah. Ugu yaraan, waxay ahaayeen dowlado ‘calmaani u eg /semi secular’. Midda qura ee xaaladdaas ka duwanayd waxay ahayd dowladdii Faadumiyiinta ee Masar iyo Shaam ka talin jirtey sanooyinkii u dhexeeyey (909- 1171), dowladihii kuwaan ka danbeeyeyna calmaaniyadda way uga sii dhawaayeen. Madaxdii dowladdii Faadumiyiintu waxay ahaayeen Ismaaciiliyiin xagjir ah (waa mid ka mid ah laamaha ay Shiicadu u kala baxdo), laakiin xitaa iyaga qudhoodu kuma ay guulaysan in ay dowladda ku khasbaan caqiidadooda. Shacabkooda badankiisu waxay haysteen caqiidada ehli sunnada; sababo la garan karo awgoodna, inta badan waxay tixgelin siin jireen kala saaridda dowladda iyo mad’habta Ismaaciiliyada.

Kala-duwidda diinta iyo siyaasaddu waxay bilaabatay xilli hore oo taariikhda Islaamka ah. Islaamka qaddiimka ah, waxaa jirey caqlaaniyiin garaadmaal ah, oo u badnaa faylasuufyo, balse sidoo kale waxaa ka mid ahaa saynisyahanno, abwaanno, iyo maamulayaal. Kuwaas baa ka shaqeeyey in xudduud la ixtiraamo loo kala asteeyo diinta iyo siyaasadda. Waxgaradkaas oo loo yaqaan magaca Muctasilo — oo macnaheedu yahay kuwa goonnida u baxay — waxay diideen iimaanka xarfiga ah ee nusuusta diinta oo keliya ku qotoma, waxayna u hawlgaleen sidii Islaamka looga dhigi lahaa diin bini’aadamka u hiillisa. Waxay ku doodeen in caqliga oo keliya uu qofku ku garan karo anshaxa iyo habdhaqanka wanaagsan; iyo natiijada taa ka dhalanaysa, oo ah in aysan jirin baahi loo qabo in la isku sidko diinta iyo maamulka dowladda. Dugsigaani wuxuu soo ifbaxay qarnigii sagaalaad ee miilaadiga, semenkii uu noolaa al-Kindi, oo loogu yeero “Faylasuufkii ugu horreeyey ee Carabta (Muslimiinta)”, kaas oo loogu abtiriyo aasaaskeeda. Muctasilada waxaa ka soo baxay faylasuufyo magac-dheer sida al-Faaraabi, oo ku baaqay in la dhiso jamhuuriyad ay xukumaan faylasuufyadu.

Muctasilada waxay loollameen Ashcariyada, oo u u aasaasay Sheekh Abuu Xasan al-Ashcari oo noolaa qarnigii tobnaad. Ashcariyadu waxay diideen fekradda ah in caqliga aadamiga oo keliya lagu garan karo akhlaaqda, waxayna ku doodeen in garaadka bani’aadamku uusan awood u lahayn in uu garto dabeecadda iyo tilmaamaha Eebbe. Ashcariyadu waxay ku tageen in dowladdu ay kaalin ku leedahay qaabaynta akhlaaqda dadweynaha, sidaa awgeedna diinta iyo dowladda aan la kala saari karin. Dugsiga Ashcariyadu wuxuu helay taageerada culumo waaweyn oo uu ka mid yahay Xujatu Islaam al-Qasaali, xisaab iyo fiisigyahankii Fakhrudiin Raasi; iyo sidoo kale taariikhyahankii bulsho-baaraha weyn ahaa ee Ibnu Khalduun oo qarnigii afar iyo tobnaad noolaa.

Ilaa xad, taariikhdii hore ee Islaamka, laga soo bilaabo qarnigii toddobaad ilaa kii afar iyo tobnaad- si weyn waxaa loogu arki karaa dagaal culus oo dhexmaray Muctasilada iyo Ashaacirada. Wuxuu ahaa dagaal si cad ay guushu u raacday Ashaacirada, taasoo xaqiijisay in bulshooyinka Muslimiinta ahi ay diinta iyo siyaasadda u arkaan sida walax mida oo ay isku yihiin sida labada dhinac ee lacag qura ay leedahay. Maxamed Iqbaal, gabyaagii iyo faylasuufkii weynaa ee Koonfur Aasiya oo noolaa qarnigii labaatanaad, ayaa soo koobay mowqifkaan markii uu ku dhawaaqay “Haddii diinta laga saaro siyaasadda, waxaa soo haraya argagixii Jankiis Khaan oo keliya.”

Iqbaal wuxuu ahaa suufi. Dhanka kale, anigu, kaddib muddo dheer oo aan baranayey taariikhda Islaamka iyo fekerkii hore ee Muslimiinta, waxaan noqday caqlaani garaadka miciinsada, iyo xerow casrigaan ku nool isaga oo taageera falsafaddii Muctasilada. Maaddaama aan ahay maskax-maal shakiya, waxaan rabaa in aan ogaado waxa dhab ahaantii ay dhibsadaan Muslimiinta caadiga ah marka la barbardhigo xagjiriinta taageera ururrada islaamiga ah- ee ay welwelka uga qabaan calmaaniyadda.

Safarradii aan ku tagay Bariga Dhexe ayaa durba ii caddeeyey hal dhinac oo ka mid ah dhibaatada. Dunida Islaamka calmaaniyadda waxaa lala xiriiriyaa dulmiga iyo cabburinta dhaqanka iyo dadka ehludiinka ah. Dalka Masar, Ikhwaanu Muslimiinka waxaa si arxan darro ah u cabburiyey nidaamkii calmaaniga ahaa ee Jamaal Cabdinaasir, madaxdii ururkaas qaar jirdil baa loo geystay, kuwo kalena waa la dilay. Nidaamyadii Bactiga ee Suuriya iyo Ciraaq baa ka sii xumaa. Xisbiyada siyaasadda ee calmaaniga ah, sida Jabhadda Xorraynta Qaranka ee Aljeeriya iyo Xisbiga Dastuurka ee Tuunis, waxay si cad u taageereen siyaasado ka dhan ah diinta, waxayna si ba’an u dhibaateeyeen qof kasta oo ururrada Islaamka lala xiriiriyo.

Had iyo goor, dunida Muslimka calmaaniyadda waxaa loogu soo bandhigaa sidii in ay tahay aydaloojiyad si toos ah uga hor imaanaysa diinta. Sidaas awgeed, waxay noqotay aalad dadka kala fogaysa halkii ay ka noqon lahayd mid dadka isu soo dhawaysa. Calmaaniyiintu kuma ay kaaftoomin in ay dhayalsadaan diinta, balse waxay isku dayeen in ay gacan-bidixeeyaan dadka diinta ku dheggan oo ay ka hor istaagaan fursadaha siyaasadda iyo kuwa dhaqaalaha labadaba. Dadka diinta ku dheggan ee aan la kulmay intii aan safarka ku jirey waxay ku doodeen, si aan layaab lahayn, in calmaaniyaddu ay Islaamka gaarsiisay heer aad u hooseeya, oo ay ka dhigtay aalad ay ku adeegtaan kuwa quursada aqlabiyadda ballaaran ee Muslimiinta iyo diintooda.

Waxaa jirtay dhibaato kale. Muslimiinta taqliidiga ahi badiba waxay macne isku mid ah wadaajiyaan calmaaniyadda iyo Yurub ka dhigidda. Calmaaniyadda waxaa loo aqoonsaday badeeco Yurub, badeeco weli sidata nuxurkii asalka ahaa ee ay Yurub kala timid (Eurocentricism). Marka laga hadlayo calmaaniyadda, fekradaha reer Yurub ee ku aaddan libiraaliyadda iyo xorriyadda ayaa lagu qiimeeyaa timaaddada bulshooyinka Muslinka ah iyo dhaqamadooda, waayo iyaga ayaa loo arkaa in ay yihiin halbeegga keliya ee caalamiga ah ee lagu qiimayn karo laguna fahmi karo libiraaliyadda iyo xorriyadda. Sidaas darteed, in si buuxda loo qaato calmaaniyaddu sida marar badan la ii sheegay waxay la macne tahay in la isu dhiibo ilbaxnimada reer Galbeedka: waxay ka dhigan tahay in laga tago fekradaha Islaamka ee ku saabsan bulshada, halkaas oo danta guud ee bulshadu ay xakamayso xorriyadda buuxda ee qofka, ayna jiraan mabaadi akhlaaqeed oo door weyn ka qaadata qaabaynta anshaxa iyo habdhaqanka ruuxa.

Intaa waxaa dheer, taariikhda gaarka ah ee Islaamka waxaa lagu daray “Webiga Caalamiga ah” ee taariikhda reer Yurub ee calmaaniyadda ku dhisan. Markaa, in bulshooyinka Muslimka ee taqliidiga ahi ay hor istaagaan calmaaniyadda waxaa loo arkay in ay lagama-maarmaan u tahay dhaqanka iyo ilaalinta qaar ka mid ah fikradaha la janto ee aqoonsiga u ah Muslimiinta.

Socdaalkii aan ku tagay dalka Turkigu wuxuu kansho ii siiyey in aan ogaado tusaalooyin badan oo ku saabsan walaaca laga qabo calmaaniyadda. Kolkii bilowgii qarnigii labaatanaad, uu Kemaal Ataaturki dalka Turkiga ka fuliyey dib-u-habayn calmaani ah, wuxuu calmaaniyadda u soo bandhigay sidii in ay tahay aydaloojiyad heer sare ah, wuxuuna barbardhigay diin loo ekaysiiyey in ay ka hoosayso.

Ataaturki wuxuu ku dhawaaqay in islaamku uu si cad caqabad ugu yahay horumarka, aysanna jireyn wax baaqi uga noqonaya Turkiga. Khilaafada Cusmaanida waa in la baabi’iyo; dugsiyada, macaahidda, iyo jaamacadahana waa in la Yurubeeyo; wadaaddada taqliidiga ahna waa in la liido; siyaasadaha iyo hab-maamulka Yurubna waa in la hirgeliyo. Waa in wax walba Yurub looga daydo, marka lagu daro habdhaqanka iyo dharxirashada. Taa awgeed, Ataaturki waxa uu mamnuucay garka, cimaamadda iyo xijaabka (shaadirka), dadka oo dhanna waxaa la faray in ay xirtaan dharka Yurub, ciidamadana waxaa loo xilsaaray ilaalinta calmaaniyadda Turkiga. Taariikhdii Cusmaanida ee ku salaysnayd bulshada diiniga ah wuxuu ku beddelay “taariikh waddani ah’ oo uu naawilayey in ay ku dayato taariikhda reer Galbeedka. Waxa uu sheegay “in ay jirto hal ilbaxnimo oo keli ahi,” waana ilbaxnimada Yurub. Waana lamahuraan in bulshada calmaaniga ahi ay “dhan walba uga dayato”.

Aragtida Muslimiinta ee ku aaddan calmaaniyaddu waxay bilowday in ay isbeddesho bilowgii 90-meeyadii qarnigii laga soo gudbay. Fashilka ku yimid dowladda diiniga ah ee Iiraan, iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqyada islaamiga ah, baa aqoonyahanno badan oo Muslimiin ah wuxuu ku bixiyey in ay dib uga fekeraan mawqifka ay ka taagan yihiin calmaaniyadda. Qoraayaal iyo waxgarad Iiraan, Bakistaani iyo Turki isugu jira baa waxay bilaabeen in ay ku doodaan in calmaaniyaddu ay kaalin ku leedahay bulshooyinka Muslimiinta. Laakiin haddii ay tahay in Muslimiintu ay aqbalaan calmaaniyadda, waxaa lamahuraan noqonaya in marka hore calmaaniyadda iyo diinta labadaba dib loo habeeyo.

Suuragal ma aha in diimo muxaafid ah oo isu haysta in ay ku dhisan yihiin xaqiiqo lamadhaafaan ah iyo qaanuun xag Alle ka yimid ay u dulqaataan calmaaniyadda. Laakiin docda kale, calmaaniyad la macne ah allekoodnimo (ilxaad), Yurubayn iyo xorriyadda buuxda ee jaantaa roganta ah ma aqbali karaan bulshooyinka diinta ku dheggani. Calmaaniyadda la aqbali karaa waa in ay ku salaysnaato taariikhda Islaamka iyo waxbaridda Islaamka laftiisa.

Tusaale ahaan, Asgar Cali Injineer (Asghar Ali Engineer ‘1939-2013’) oo ahaa Muslim u ol’oleeya xuquuqda bulshada oo u dhashay dalka Hindiya, sannadihii 90-aadka oo dhan wuxuu ku doodi jirey in “Islaamka iyo calmaaniyadda labaduba ay u baahan yihiin in la xorreeyo.” Injineer waxa uu tilmaamay in Quraanka Kariimku uu taageerayo “calmaaniyadda xorta ah ama aan diiniga ahayn.”

Intaas waxaa dheer, in samaynta bulshada calmaaniga ah loo kaashan karo dastuurkii nebi Muxamad uu reer Madiino u dejiyey. Asgar Injineer waxa uu xusay in culumada Muslimiinta Hindiya ay fekradda ‘dhiirrigelinta abuuridda bulsho calmaani ah oo leh dowlad-qaran oo mid ah oo Hindidu ay leeyihiin ay ka qaateen heshiiskii nebigu uu dhexdhigay dadka reer Madiina ee ku caanbaxay magaca ‘Heshiiskii Madiina’. Muslimiinta ku dhaqan waddamada kalena waxay ka faa’iideysan karaan isla aasaaska diimeed ee heshiiskaan si ay u hormariyaan ‘nidaam siyaasadeed oo calmaaniyad iyo xorriyad kulansaday’.

Aqoonyahanno kale baa waxay raadiyeen waddooyin falsafi ah oo loo maro calmaaniyad Islaam ah. Tusaale ahaan, Cabdikariin Saruush oo ah faylasuuf iyo muslix caan ah oo u dhashay dalka Iiraan, waxa uu adeegsaday fekradihii Muctasiladii hore si loo abuuro doodo falsafi ah oo taageeraya calmaaniyadda. Waxa uu ku dooday in ‘ummuuraha ka baxsan diinta’ sida dimuqraadiyadda, xuquuqda aadamiga, iyo kala-duwanaanta, laga hormariyo ‘ummuuraha diinta gudaheeda ah’ sida kaalinka culumada diinta iyo fekradaha la xiriira xaqaa’iqda diinta. Taariikhda islaamka badankeeda sidaas baa xaalku ahaa. Dowladaha tiyoqoraadiga ama diiniga ah, sida xaaladda Iiraan, ee awoodda siyaasaddu ay ku jirto gacanta wadaaddada, iyo Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu ka jiro isbahaysi u dhexeeya qoyska boqortooyada iyo wadaaddada diinta, Saruush wuxuu u arkaa habdhaqan hor leh oo dunida islaamka ku cusub. Looqaateenka taariikhda Islaamka iyo kasmada dunidaan tuulada yar noqotay labadaba waxaa laga qaadanayaa in bulshooyinka Muslimka ahi ay u baahan yihiin kala saaridda diinta iyo awoodda siyaasadda.

Waxaa jira aqoonyahanno iyo waxgarad kale oo badan oo ku dooda in loo baahan yahay in Muslimiintu aysan calmaaniyadda u arag caqiido lagu badbaadayo sidii Kamaal Ataaturki oo kale, balse ay u aqoonsadaan arrin waxtar leh oo loo baahan yahay. Sanooyinkii 90-meeyada, waxaan dood dheer la yeeshay wadaygay Iftikhaar Maalik, oo ah siyaasad iyo taariikhyaqaan haysta dhalashada Biritan, balse asal ahaan ka soo jeeda Bakistaan, ahna qoraaga buugga ‘Islaamka iyo Casriyoobidda /Islam and Modernity’. Labadayaduba waxaan ka walaacsanayn kororka baaxadda leh ee khilaafaadka diinta ku saabsan iyo rabshadaha ka taagan bulshooyinka Muslimka ah. Maalik wuxuu ku dooday, in sida keliya ee lagu xallin karo dhibaatadaani ay tahay in la kala saaro ‘Xuquuqda Alle’ iyo ‘Xuquuqda Dadka’. Xuquuqda Alle waa in loo daayo qofka iyo damiirkiisa; dowladdu waa in ay isku hawsho xuquuqda dadka oo keliya. Xaaladda caynkaan ah, calmaaniyaddu ma noqonayso mid ka soo horjeedda xurmada diinta, ee waxay noqonaysaa mid lid ku ah islaweynida jinsiga ku salaysan, isir-nacaybka iyo xagjirnimada. Maalik waxa uu tilmaamay in Muslimka calmaaniga ahi uusan u gefayn Islaamka, balse uu noqon karo mu’min ehludiin ah, oo diimaha oo idil wada xurmeeya. Astaamaha diinta, sida xijaabka, waxaa loola dhaqmi doonaa sida saxda ah ee ay tahay in loola dhaqmo: astaan. Looma arki doono in ay halis ku yihiin dabeecadda calmaaninimo ee dowladda, laakiin waa qaab ay dadweynuhu ku muujiyaan ‘Xuquuqda Eebbe’. Maalik waxa uu sheegay ‘calmaaniyaddu ma noqonayso mid lagu doorsado diinta, balse waa hab dib loogu fasirayo oo dib loogu noolaynayo diinta qudheeda’.

Doodda noocaan ahi hadda bulshooyinka Muslinka ah way ku xoogaysanaysaa. Ummuuraha layaabka lehna waxaa ka mid ah in la saadaalinayo in dalka Turkigu uu dunida islaamka tusaale ugu noqon doono dib u hagaajinta calmaaniyadda iyo dib u hagaajinta islaamka, oo ah sidii Maalik uu sannado ka hor saadaaliyey. Turkiga oo ah dal calmaani ah waxaa xukuma madax si dhab ah islaamka u rumaysan, isla jeerkaasna aamminsan in diinta iyo siyaasadda la kala sooco, iyo in akhlaaqda iyo anshaxa Islaamka la geliyo arrimaha dadweynaha. Dad badan oo Muslimiinta adduunka ka mid ah baa Turkiga u arka dowlad dimuqoraadi ah, xor ah, calmaani ah, isla markaan Islaam ah, kuna habboon in lagu daydo. Haddii Turkigu uu ku biiro Midowga Yurub, waxaa xoogaysan doona doorkiisa ah in uu tusaale u noqdo dowladaha kale ee Islaamka ah. Sidaas darteed, waxaa laga yaabaa in ay soo ifbaxdo isku-habbonaan cusub oo u dhaxaysa Islaamka iyo calmaaniyadda.

Islaamka iyo calmaaniyaddu lid iskuma ah. Sidaa darteed, waa in la joojiyo colaadda iyo isku-xuuxinta la dhexdhigo.