Skip to main content

Thursday 17 July 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Waraysi

Axmedxiis Dharbaan: “Iskufillaanshaha waxuun baa keeni kara iskufillaansho manhaj.”

1 June, 2025
Image
Axmedxiis Dharbaan
Share

Billawgii aasaaska Jamhuuriyadda Soomaalilaan waxyaabaha aan dib waxba la isaga wayddiin ama haleel danbe loo yeelan waa ay badan yihiin. Dhankii aad eegtana “qabyo waa halkeedii.” Waxyaabaha aadka u gu naafoobay qabyaddaas taagan ee aan dib loo xaalayn waxa ka mid ah; waxbarashada aynnu dugsiyada iyo jaamacaddaha u samaysannay. Billawgii koowaad sirta aasaaska waxbarashada SL waxa ay ahayd “wax uun ma barnaa, halka aynnu taagannahayna ma ka dhaqaaqnaa”. Dhab ahaanna aad bay u yarayd in la is wayddiiyo su’aalaha ay ka midka yihiin; maxaa aynu barannaa? Manhaj iyo waxbarasho sidee ah ayeynu u baahannahay ama inagu habboon? La’aanta wayddiimahaasi waxa ay sababeen aasaas qalloocan oo noqday sidii alif kaa galay laaxin, Albaqruu ku gubaa dheh. Marka aynnu waxbarashada ka hadlaynno waxa aynnu ka hadlaynaa amniga qaranka, waajibaadka dawladda shacabkeeda ka saaranna waxa u gu mudan in ay bulshada waxbarto. “Anigu waxa aan noolaa wakhtigii aqoonta iyo ilbaxnnimada.” Ayaa uu Maxamed-Hadraawi (AHUN) ku qoray buuggiisa xusuusqorka. Tani waxa ay ka dhigan tahay in Waxbarashada Soomaalilaan inkastoo ay horumar la taaban karo samaysay labaatankii sanno ee u dambeeyey, haddana weli ay la daalaa-dhacayso caqabado culus oo si muuqata u saameeya tayadeeda, helitaankeeda, iyo waxtarkeeda.   

Haddaba, Axmedxiis Cabdi Aadan (Dharbaan) oo ah aqoonyahan ku xeeldheer cilmiga manaahiijta iyo dhisidda nidaamyada caafimaadka qaba ee waxbarashada ayaa aan kala sheekaystay mawduuc ku saabsan: heerka waxbarashada Soomaalilaan iyo tayada manaahiiijta qaranka iyo sidoo kale samaynta taban ee saddexdii tobanguuro ee u danbeeyay ay yeelatay. Axmed, waxa uu ku dhashay kuna barbaaray maagalada Burco. Waxa uu ku takhasusay cilmiga maamulka mashaariicda, waa xildhibaan iyo aqoonbaadhe ku xeeldheer cilmiga dhaqaalaha, falsafadda iyo waxbarashada. Muddooyinkii u danbeeyay waxa uu deggenaa dalka Faransiis halkaas oo in badan ka caawisay in uu helo kansho uu ku darsi karo, kaga bogan karo kuna horumarinkaro afkaartiisa ku aaddan adduun aragga iyo aqoonta egenka ee muddooyinkii u danbeeyay u bullaashay sidii dab dhagax lagu dhuftay.  

Cabdiraxmaan Caarif: Haddii aan ku bilaabo wayddiin furfurasho u ah wada sheeekaysigeenna: waxa aad warbixin guud iga siisaa Nidaamka Waxbarashada Soomaalilaan? 

Axmedxiis Dharbaan: Mahadsanid, Caarif. Si guud waxbarashada SL waxa loo qaybiyaa saddex waaxood oo waa weyn: 1) Waxbarashada farsamada gacanta, 2) waxbarashada aasaasiga ah ee dugsiga iyo 3) waxbarashada heerka jaamacadda. Sida aynnu ognahay waxbarashada ay ubadkeennu helaan marka si hoose loogu dhabbagalo, wax badanna la darso waxa kuu soo baxaysa cabasho badan oo ku aaddan nidaamka waxbarasho ee SL. Tusaale ahaan, waxbarashadda aasaasiga ah ayaa ka badan labadan waaxood ee kale ee aynnu soo sheegnay. Dad badani markaa waxa ay walaac ka qabaan in ay sannad walba soo baxaan arday isku wada aqoon ah oo ka arradan dhanka farsamada. Dad kale oo badan ayaa iyaguna duraya barayaasha oo tusaale ahaan, Burco oo kale waxa macallin noqda qofka shaqo kale hore u waayay. Waxyaabaha iyaduna xusidda mudan waxa ka mid ah; in waxbardashada la ganacsiyeeyey oo ay jeerba ka ka danbeeya sicirbarar kusii dhacayo inta dawladdu maamushana ay ka badan tahay inta shacabku maamulayo tiiyoo aan tayaddii waxba iska beddelin. Haddii lasoo koobo waxbarashada dalkeenna inta la dhaliilayo ayaa ka badan inta la ammaanayo. Waxa aan ku soo gabagabayn lahaa: Waa in aynnu iswayddiinno horta Iskuulku ma muhiimbaa? Waayo waxa la isku qaldayaa “Education” iyo “Learning” Waxbarasho meelo badan ayaa ay ka dhici kartaa oo dugsiguna ka mid yahay. Markaa marar badan halkii ay waxbarasho iskuulka ka dhici lahayd waxa ka dhaca “standardization” waxa si toos ah la isula xidhiidhinayaa da’da ardaygu jiro iyo heerka fasalkiisa. Tusaale ahaan, haddii aad ilmo siddeed jir ah aad goob waxbarasho geyso durbaddiiba waxa la fadhiisinayaa fasalka ay fadhiyaan dhiggiisa siddeed jirrada ah iyada oo aan loo eegin heer aqooneed ee loo tixgeliyay heer da’eed. Aaminaadayda shaqsiga ah dugsi muhiim ilama aha, marar badanna dugsiga iyo nolosha danbe (Adult life) isma waafaqaaan. Iminka anigu, waagii aan dugsiga ku jirey dunida IT kama shaqayn jirin, markii aan ka baxayna waxa aan dunida u gu imi nidaamka Tignoolajiyadda oo soo if baxay. Sidaa awgeed wixii suuqa yaalley iyo wixii aan soo bartay waxa ay noqdeen kaaf iyo kala dheeri. 

CC: Inta aanad halkaa dhaafin Axmedoow, horta nidaamka dugsiyada dalku muxuu ku fiican yahay? Muxuu ardayga kasoo aflaxa dhaxalsiiyaa? 

AXDH: Waa laga yaabaa in uu wax ku fiican yahay, waxana ay ku xidhan tahay “context” macnaha waxa ku dhex jira nidaamka dugsiga. Sidoo kale haddii ilmuhu dugsiga ka faa’idayo dooddo, dimuquraadiyad, barashada taariikhda, sayniska rasmiga ah..iwm waxa aynnu ku jawaabaynaa wax badan ayaa uu ku fiican yahay. Walaw, waddammo badani ay tirada sannadaha la dhiganayo soo yareeyeen oo dooddo badan ka dhaceen. Marka aynnu dhanka wakhtiga ka hadlaynno waxyaabaha muranka badan caalamka ka dhaliyay anna aan aadka ula yaabay waxa ka mid ah; dugsiyada hoyga ah (Boarding Schools). Ilmaha waxa guriga hooyaddii laga kaxaynayaa isaga oo aad u yar waxana uu soo baxayaa isaga oo heerka waxbarashada aasaasiga ah dhammeeyay ilamhaasi waxa uu soo baxayaa isaga oo “raxmad” beelay oo aan helin daryeelkii waalidka iyo jacaylkoodii.  

CC: Waxa jira waalidiin ilmaha horaantaba guriga wax kusii bara oo isaga oo wax badan garanaya goobaha waxbarashada geeya, mararka qaar waxbariddaa waalidku ay ilmaha usoo bilaabeen lama tixgeliyo oo dib ayaa loo celiyaa. Sidee waxbarashada guryaha looga dhigi karaa mid nidaamsan oo xitaa manhaj u gaar ah yeelan kartaa?  

AXDH: Waddankeenna waxbarashada gurigu kama ay hanaqaadin, manhajkan ay wasaaraddu ka doonayso fasallada hoosena waalidiintu waa ay soo qaadan karaan dabadeetana intii looga baahnaa iyo ka badanba guryahooda waa ay u gu dhigi karaan. Aragtida waxbarasho ee noocaas ahna waxa la yidhaahdaa “Home schooling” waxa ay lixdameeyaddii si fiican u ga hanaqaadday Maraykanka. Dhanka manhajka u gaar ah maloo samayn karaa waxa ay u taallaa bahda Golaha Wakiillada oo dalka u qaabilsan xeer samaynta.  

CC: Manhaj noocee ah ayaa aynnu u baahanay qof sidee ah ayaase uu manhajkeennu soo saaray?  

AXDH: Kalmadda manhaj waa afcarabi, afsoomaali waxa ay ku noqonaysaan dariiq/dhabbo. Innagu hal manhaj uma baahnin waxa aynnu u baahannay manaahiij. Dad badan oo waxbarashada SL ka faallo bixiyaa waxa ay ku dooddaan in manhajka ay ka maqan tahay qaybtii soo saaraysay dadka farsamayaqaanka ah, laakiin anigu (Axmed ahaan) halkaa waa aan kaga aragti duwanahay. Waxa aan qabaa in nidaamkeenna waxabarasho uu ka maqan yahay manhajkii soo saarayay dadka haldoorka, talaqabeenka iyo indheergaradka ah. Dugsiyo soo saara dad iliid ah ayaa aynnu u baahannay. Sida loo soo saaro nijaarka, wastaadka iyo laydhlaha ayaa loosoo saari karaa haldoor hoggaamiye ah oo ummadda maamula. Inta aan ka ogahay waxyaabaha dadka madaxda ah lagu tababaro waxa ka mid ah; oomateedka ama shahawaadka oo kale si aannu hadhawto dadka u soo kala dhawaysan oo caddaaladda iyo milgaha uga tegin. Haddaan u soo daadago waxa aynnu u baahannay dariiqyo (manhajyo) badan, waayo, yoolasha ayaa kala duwan. Si looga wada shaqeeyo horumarka waddanka waxa loo baahan yahay dad ku takhasusay eeriyooyin kala duwan: Tignoolajiyadda, sayniska, injineeriyadda.. iwm. Si haddaba, taas loo helo waa in ay jiraan manhajyo kala duwan, Iskufillaanshaha waddankana waxuunbaa keeni kara iskufillaansho manhaj. 

Shan tiir ayaa uu leeyahay manhaj kastaa. 1) Maxaa la baranayaa 2) Yaa waxbaraya 3) Xaggee wax lagu baranayaa (waa in la qiimayn karaa kala duwanaanshaha deegaan iyo cimilo ee ardayda ka xeebta jooga, ka xaraarta buurta dega iyo ka xaaxiga joogaba), 4) Ardayga oo la qiimaynayo iyo 5) manaahiijta yaa diyaarinaya. Halka aan u socdaa waa qoddobkan u danbeeya e, manhajka waa in aanay diyaarin niman caasimadda jooga oo dhakada wax ka keenaya. Waa in samaynta manhajka ay ka qaygeli karaan waalidiinta, saxaafadda, khubarada tignooliyadda iyo culimada caafimaadka maanka. Waayo, manhajku marar badan waa uu ka ballaadhan yahay cilmiga la baranayo. Wakhti xaadirkanna SL manhaj ayaa loo fadhiyaa ee waa aan ku talinayaa in sidaas la sameeyo.  

CC: Hannaan kala duwan ayaa ay goobaha waxbarashadu barayaasha u shaqaalaysiiyaan, hadalkaagiina waxa ku jirtay in ay wax dhigaan dad xirfadda barannimadu ku yar tahay, maxay tahay in macallinka lagu xusho? 

AXDH: Aqoon jaamacaddeed oo heerka labaad ah ayaa macallinka lagu xushaa. Fiilaan oo kale macallinka marka la diyaarinayo waxa uu qaadanayaa aqoon guud. Bachelor of Liberal Art. Marka uu saddex sannadood dhiganayo aqoontaa guud ee taariikhda, juquraafiga iyo afafku xudunta u yihiin ayaa waxa loo raacinayaa labo maaddo oo mayjar iyo maynar u kala ah tiiyoo saykoolajiggana loogu darayo. Macallinku markaa waa in uu aqoon jaamacaddeed lee yahay waliba heerka labaad.  

  CC: Sidee loo heli karaa fasal ardaygu door ku leeyahay? 

AXDH: Ma aha in ardayga lagu qasbo waxa waalidkiisu ay la jecel yihiin. Tusaale; haddii ardayga waalidkiisu dhakhtar yahay ma aha in ardaygana lagu qasbo barashada dhakhtarnnimo degdeg ah. Xorriyadda ardayga la siinayaa waata ku saabsan dhanka doorashada waxa uu baranayo in isaga lagu ixtiraamo ayaa mudan laakiin marka la joogo gudaha fasalka waxa mudnaanta koowaad leh wax la baranayo (subject). Macallinka iyo ardaygu toonna mudnaanta koowaad malaha. Macallinku waa in uu fahan qotadheer u lahaado maaddadda uu dhigayo halka ardaygana looga baahan yahay in uu sida u gu dhugmada badan ula socdo waxa macallinku dhigayo. Barashada iyo dhigashada maaddada marka la joogo ardaygu dimuquraadi ma aha, waayo macallinka kuma odhan karo sidaa ha u dhigin ee sidan u dhig oo aqoontiisuba halkaa ma gaadhsiisana, laakin baraha ayaa ay tahay in uu xilkaas qaado oo maanka ardayga hago. U gu danbayn, ardaygu waxa uu xor u haystaa doorashada maadddadda uu baranayo,laakiin haddii iyaddii la dhexgalo wax door ah kuma laha.  

  CC: Maxaa sabab u ah in hal-abuurka cilmiyeed iyo curinta aqooneed ee jaamacadaha ay u muuqdaan kuwo gaabis ah, marka la eego doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin horumarinta bulshada? 

AXDH: Billawgii nidaamka jaamacaddaha ujeeddada laga lahaa waxa ay ahayd; in la kobciyo ogaalka iyo aqoonta qofka, laakiin iminka baddankoodu uma TAAGNABA! Adduunka marka aynnu isla tagno jaamacaduhu waxbay beddelaan, curinbay keenaan, caqligana waa ay kobciyaan. Ardaydu marka ay jaamacaddaha galaan waa in ay taas wax iska beddelaan haddii aanay iska beddelin waxa dul taalla wayddiin. Tiro badan oo arday wakhtiga ayaa kaga luma nidaamka kakan ee jaamacaddaha lacag badanna ay kaga dhammaato. U gu yaraan marka qofku uu jaamacadda dhammeeyo waxa uu ka baxaa isaga oo aan xitaa akhriska baran, markaa jaamacaddu haddii aanay akhriska dhiirrigelin karin maxaa ay ku filan tahay?  

CC: Wax badan ayaa aynnu ka nidhi si guud waxbarashada Soomaalilaan heer kasta oo ay tahay, u gu danbayn maxaa aad dhallinyarada dhibaatooyinkaa waxbarasho la daaladhacaya kula talin lahayd, dhanka maamulka se?  

AXDH: Mahadsanid, Caarif. Waxa aan usoo jeedin lahaa in aanay waalidiintu nidaamka xidhiidhka ee dugsiyada u arag muhiim. Waxabarshadu waa muhiim, laakiin wakhtiga intaa le’eg ee ku baxaa muhiim ma aha. Dhanka dawladda waxa aan usoo jeedin lahaa in aan arrimaha waxbarashada la siyaasadayn gaar ahaan Wasaaradda Waxbarshada iyo Guddidda Tacliinta sare. Sidoo kale, waa in la abuuri karaa dooddo waa weyn oo wax ka odhan kara nidaamka waxbarasho ee aan la aaminin hebello kooban oo sheegta aqoon ay ummadda dheer yihiin. Dhanka Baarlamaanka, waxa aan xalka u arkaa in aan shuruucda lagu badin hannaanka waxbarashada.   

Qoraallada kale ee qoraaga

Aragti

Dedaal iyo Diirnax