Skip to main content

Monday 24 March 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Axmed Maxamed (Siilaanyo); Hoggaamintii Mugga Weynayd

28 November, 2024
Image
Siilaanyo
Share

Maalintii Jimcaha, 15kii, November, 2024, waxa geeriyooday Axmed Maxamed Maxamuud – Siilaanyo (1936 – 2024), ka dib muddo ku dhaw 50 sannadood oo uu si firfircoon ugu jiray siyaasadda. Muddadaas, oo isugu jirtay intii ay dhisnayd Jamhuuriyaddii Soomaalida iyo ka dib burburkii midnimada, ma fududa in laga hadlo taariikhda casriga ah ee Soomaalida, iyada oo aan la xusin Axamed Maxamed – Siilaanyo iyo kaalintii uu ku lahaa dhacdooyinkeeda. Waxa uu ka mid ahaa horbixii waxbarashada casriga ah ee Soomaalida, lixdaneeyadii iyo toddobaataneeyadii waxa uu noqday Agaasime Guud iyo Wasiirka Wasaaraddii Qorsheynta, oo uu isagu lahaa eraybixinta magaceeda. Waxa uu noqday hoggaamiyehii ugu muddada dheeraa ee jabhaddii ugu cimriga dheerayd ee la dagaalantay Dawladdii Soomaaliya, waa Dhaqdhaqaaqii Waddaniga Soomaaliyeed (SNM) oo hawlgalaysay 1981 – 1991, ka hor inta aan loo beddelin maamulkii Soomaalilaan oo ay jabhaddu sii wadday intii u dhexeysay 1991 – 1993, ka dib heshiiskii beelaha Soomaalilaan ee Burco. Muddadaas ka dib, Axmed-Siilaanyo marna si muuqata ugama maqnaan siyaasadda Soomaalilaan waxana ka gaadhay in uu unkay xisbiga siyaasadeed ee ugu muddada dheer Soomaalilaan, Kulmiye, oo ku gaadhay Madaxweynenimada intii u dhexeysay 2010 iyo 2017 oo uu ugu dambeyn ka hawlgabay siyaasadda. In kaste oo uu bartay dhaqaaleha, waxa uu ahaa mihnadle siyaasadeed – career politician.

Waqtigaas uu Madaxweyneha ka noqday Soomaalilaan, waxa uu Axmed-Siilaanyo isbahaysi siyaasadeed la galay garabka Soomaalilaan ee islaamiyiinta Soomaalida, gaar ahaan ururrada Ictisaam iyo Islaax oo kaalin weyn ka qaatay xukuumaddiisa. In kaste oo sababta uu isbahaysiga u la galay kooxahani ay ahayd mid ku dhisan dan siyaasadeed oo qudha, haddana waxa xukuumaddiisa marar badan lagu dhaliilay in ay canaasir xagjir ahi ku jiraan. Sidaas oo ay tahay, waxa uu Axmed-Siilaanyo ku daray la-taliyeyaashiisa, kuna jiray Goleha Dhexe ee Xisbiga, Dr. Cumar Cilmi Dixood oo, malehayga, ahaa siyaasigii ugu dambeeyay Soomaali Kiristaan ah oo kaalin siyaasadeed ku yeesha Soomaalida dhexdeeda. Maalmahaas uu Siilaanyo qabtay xukunka Soomaalilaan, oo ay caanbaxday in xisbiga Kulmiye yahay ‘xero ay qoodhi ka buuxdo’ lagana waday in ay xisbiga ka buuxaan dad caan ah, damac leh haddana u badan dagaalyahanno siyaasadeed, ayaa waxa aannu madal isku weyddiinnay shakhsiyadda Siilaanyo ee dadkaas oo dhan isku haysa! Weyddiintaasi ma ay sii socon oo waxa soo afjartay; Siilaanyo waa ninka isku wata Sheekh Khaliil iyo Cumar Dixood kuna wata wax kaste oo isburin iyo kala-tagsanaan ah oo ay labadaa shakhsiyadood xambaarsan yihiin.

Axmed-Siilaanyo, keliya, iskuma wadin qoorweyn siyaasadeed xilli ay xaaladuhu degganaayeen oo lagu loollamayay codka dadweyneha. Ururkii SNM waxa la aasaasay 1981 waxana muddo saddex sannadood ah isaga dambeeyay saddex guddoomiye oo uu midkiiba hayay wax aan sannad gaadhin. In kaste oo ay SNM ahayd urur uu ku xooggan yahay dhaqanka dimuqraaddiga ah, maaddaama oo ay aasaaseen aqoonyahanno u badan mucaarid siyaasadeed oo rayid ah, haddana waxa uu isbeddelkaa hoggaanka ee degdegga ahi muujinayay degganaansho la’aan maamul iyo loollan u dhexeeyo garbo ka dhex jiray ururka. Axmed-Siilaanyo kama tirsanayn aasaaseyaashii SNM kamana tirsanayn ururka muddadaas saddexda sannadood ah ee ay hoggaankeeda degdeg u beddeleysay. Siilaanyo, oo dawladdii Soomaaliya ka goostay 1982kii, waxa uu markan qayb ka ahaa mashruuc siyaasadeed oo la baxay ‘Somalia First’ oo ay ku midoobeen waxgarad Soomaaliyeed oo dhaliilsan taliskii dalka haystay iyo jabhadaha oo ay ku dhaliilsanaayeen in ay qabiillo gaar ah u badan yihiin, iyo in ay u arkayeen in aanay mucaaradad hubeysani ahayn xal. Qaar ka mid ah garbihii SNM, oo aqoon shakhsi ah u lahaa Axmed-Siilaanyo, ayaa ka shaqeeyay in ururka lagu soo daro loona doorto Guddoomiyeha SNM. Isaga oo bannaanka jooga, la aragti ahayn, ayaa laga shaqeeyay in uu noqdo hoggaanka ururka. Waa dhiirranaan fudeyd ku jiro ama isku-halleyn weyn oo ay ku qabeen shakhsiyaddiisa.

Waxa ay u badan tahay in aragtida ugu weyn ee Axmed-Siilaanyo loogu martiqaaday hoggaaminta SNM ay ahayd shakhsiyaddiisa oo u yeelan isku-wadka garabyada kala duwan iyo kooxaha kala aragtida ah. Malehaas waa uu rumeeyay Siilaanyo waxana uu SNM hoggaaminayay lix sannadood oo ka mid ah kuwii ugu adkaa taariikhda ururka, 1984 – 1990. Muddadaas, waxa uu ka shaqeeyay in uu ururku yeesho deggaan maamul oo aanay loollanka garabyada iyo aragtiyuhu dhaawicin hawlgalka iyo yoolka dagaalka, sidaas ayaanu ku noqday hoggaamiyehii ugu muddada dheeraa SNM oo aan kelitalisnimo ku haysan e uu ururku mar kaste dib ugu dooranayay muddo xileed hor leh.

SNM, marka laga yimaaddo loollanka garabyada qabiil ee caanka ka ah curfiga siyaasiga ah ee Soomaalida, waxa ay ka koobnayd qaybo aragtiyeed oo aad u kala duwan; waxa ka mid ahaa garabkii wadaaddada oo isugu jiray islaamiyiin iyo suufiyo oo saluugay jihada diinta ka fog ee uu ay qaadday dawladdii Soomaaliya, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin liberaal ah oo aanay u qudhqudhsanayn hannaanka kelitaliska ah ee la aaday iyo dhaqaaleha hanti-wadaagga ah, kooxo ka tirsan bidixdii Soomaalida oo iyagu saluugsan in aan si fiican loogu dhaqmin hanti-wadaagga, iyo garabyo aan lahayn aragti dhaafsan ‘qabiilka’ iyo qaylodhaanta dirirtiisa. Axmed-Siilaanyo, in kaste oo uu ka tirsanaa garabyada liberaalka ah, waxa uu ku guuleystay in uu intaas oo garab iyo aragtiyood ku hoggaamiyo doonistooda oo ku mideysan yoolka muddada dhexe oo ah in taliska Soomaaliya laga tuuro xukunka. Lix sannadood oo ah dagaal, doodo adag, duruufo gobol oo aan sugnayn iyo dhiigbax ummadeed oo joogto ah ayaa uu Axmed-Siilaanyo ku soo hoggaamiyay SNM kuna guuleystay in aanu ururku u wiiqmin waxaas oo duruuf iyo kala-duwanaansho ah. Si cad ayaa uu u rumeeyay in uu ahaa nin aad u mug weyn, ka sarreyn kara kala-duwanaanshaha heer shakhsi iyo aragtiyeed, isla markaana isku koox ka dhigi kara dad aan, iyagu, isku koox noqon karin. Waxa uu ahaa hoggaamiye mug weyn.

Dadka qaar oo aqoon shakhsi ah u lahaa Axmed-Siilaanyo waxa ay ku tilmaamaan in uu ahaa nin ku shaqeeya hab-abbaarta ‘waxii suuragal ah’ ee u adeegaya yoolkiisa shakhsiga ah ama guud – pragmatic, isaga oo aan sii xaaleyn arrimaha la xidhiidha mabaadi’da iyo aaminaadaha qofeed. Arrintaas ayaa u fududeysay in uu qancin karo dad kala duwan, aragti ahaan iyo qiyam ahaanba. Tilmaanta noocan ahi waa mid ay dadka qaar ka dhadhansan karaan in ay si u tahay dhaliil uu lahaa Axmed-Siilaanyo oo muujinaysa in hadafkiisu uga muhiimsanaa tubta loo marayo. Waxa se hubaal ah in uu ahaa nin aaminsan muujinta aragtiyaha kala duwan, doodda furan iyo is qancinta, ugu dambeynna uu ahaa nin dimuqraaddi ah oo oggol in uu talada dhex dhigo goleha, fursadna u siiyo in doonistiisu ay ka soo baxdo isla goleha, halkii uu keligii maroorsan lahaa. In badan ayaa ay u shaqeysay, mararna waa ay galaafatay waanu ku go’ay sidii la go’aamiyay, taas oo caddeyn u ahaa in dimuqraaddiyaddu ay u ahayd mabda’. Nin tijaabiyay hoggaamin ummadeed, kana qaybgalay siyaasaddeeda, muddo ku dhaw nus qarni, ma eed la’aan karo, Axmed-Siilaanyona kama reebbana arrintaas. Ha se ahaato e, hoggaamintiisu waxa ay ku suntanayd dad-isku-wad, ma-daalenimo iyo siyaasad aan ka madhnayn sarriigasho waana waxa uu mudan yahay in lagu xuso laguna xusuusto.