Wednesday 17 December 2025
Qof walba qumanihiisa ayaa qoorta ugu jira. Waxa ay, se, u daran tahay marka qof haya awood siyaasadeed ama mansab bulsho uu ku dhaco xanuunka awoodbararku. Awoodbararku waa marka qofka xil sare loo dhiibay uu xadhkaha goosto – xeerka, xigmadda iyo xishoodkaba ka tago. Qofka binii-aadamka ah, marka awoodi (mansab iyo maal) gacantiisa gasho, waxa ay wadataa sun sarkhaamisa oo ku tidhaahda adiga mooyi e, cid kale ma jirto. Awooddu, sideedaba waxa ay xambaarsan tahay is-diiddadan qarsoon: sifooyinkii qofka kor u qaaday ee lahaa isdhuldhigga, deeqsinnimada iyo kalsooni-abuurka waa ay is qulubaa-geddiyaan, marka uu talo iyo amar gacanta ku dhigo. Daraasadaha cilminafsiga ayaa muujinaya in, inta badan, dadka jago ku gaadha dabeecado wanaagsan, markii ay kursi helaan ay noqdaan kuwo isu muuqda, oo dhimrintu ka guurto, xeerka iyo akhlaaqdana ka xidhiidh furta. Sida ay diintuba uga digtay, in qofka dareema kaaftoonka uu u qooqo ayaa ay suugaantuna muuqaallo yaab leh ugu sawirtay arrintan. Suugaanta caalamiga ah iyo tan soomaaliyeedba waxaa laga soo helayaa qormooyin ka qisooday awoodbararka iyo arbushaaddiisa. Maqaalkan waxa aan isku dayi doonaa in aan ku falanqaynno sida daraasadaha cilminafsigu u fasiraan ififaaladan, halka diintu ka istaagtay iyo sida suugaantu u sawirtay.
Fadliga Fadeexadda isu roga: sida uu qabo kasmanfeedyahanka ka tirsan Jaamacadda Kalafoorniya ee Daaker Kaltiner (Dacher Keltner), dadku waxa ay saamaynta iyo awoodda hoggaaminta ku helaan sifooyinka wanaagsan ee tudhaalaha, iskaashiga iyo deeqsinimada. Laakiin marka ay xil iyo awood helaan, sifooyinkaasi si tartiib tartiib ah ayaa ay u baaba’aan.
“Marka uu qofku kursi helo, maskaxdiisa waxa ku soo dhacda su’aal keliya oo ah “Anigu maxaa aan rabaa?” ayuu Daaker sheegay, su’aashaasna waxaa ka dhasha xaalad xamaasadeed oo waalli u dhow. Marka si dhab ah loogu sii dhabbo galo, tani waxa ay ka dhigan tahay in qofka awoodda leh uu isu arko mudanaha keliya ee wax kasta xaqa u leh.
Tusaale ahaan, tijaabooyin cilmiyeedka uu soo xiganayo ayaa muujiyey in dadka awoodda leh (hantida iyo magaca) ay u janjeedhaan in ay luggooyo gaystaan ama wax boobaan, marka loo eego dadka dabaqadda dhexe ah, ayna ku yar tahay tudhaalaha iyo dhimrintu. Waxa uu ku soo gunaanadayaa in sifooyinka taageerada abuura ee tudhaalaha iyo u dheganuglaantu ay ka guuraan qofka, marka ay awoodi gacantiisa gasho.
Cawarka Awoodda: Tijaabooyin kale oo ay sameeyeen Aadam Galinski (Adam D Galinsky) iyo jaallayaashiisa ayaa ay natiijadoodu sheegaysaa in awoodbararku uu yahay ififaale kasmanafeed iyo mid bulshoba, maamuuskuna uu binii-aadamka indhatiro oo ka qariyo xaqiiqada. Galinski iyo saaxiibbadiis waxa ay ogaadeen in ka qaybgalayaashii mansabka sare lahaa ay ka liiteen dadka kale ee dhanka fahanka dareenka dadka kale.
Qofka awoodda leh waxa lagu arkay “cawarnaan ay awooddu dhaliso oo ka hortaagan inuu fahmo shucuurta dadka kale.”
Haddii si kale loo dhigona, waxa aan odhan karnaa, awooddu dadka waa ay cawartaa oo waxa ay ka dhigtaa kuwo il keliya wax ku arka, isha qabata maslaxadda shakhsiga ah. Sidoo kale, Daaker Kaltiner waxa uu aaminsan yahay in awoodbararku uu abuuro dareenka khatar-qaadashada iyo xeerjebinta. Qofka awoodbararku ku dhaco waxa uu dareemaa in aan lala xisaabtami karin ama ugu yaraan uu xeerin gaar ah leeyahay. Taas oo ku bixisa dhiiranaan baas oo indha la’aan ah. Sidoo kale, haddii aan hogatusmaynno, Tijaabadii Xabsiga Istaanfoodh (Stanford Prison Experiment) ee caanka ahayd ee uu sameeyey Dr. Filib Simbaardo (Philip Zimbardo) waxa ay si cad u muujisay sida awoodda xaaladeed (situational power) ay dadka u halleyso. Arday jaamacadeed oo si aan kala-sooc lahayn loogu kala saaray “waardiye” iyo “maxaabiis” ayaa si dhaqso ah u qaatay dabeecado kalitalisnimo iyo arxandarro ah, in kasta oo aanay hore u lahayn taariikh gacan-ka-hadal.
Zimbardo waxa uu arkay “in rag caadi ah ay si fudud ugu kacaan xumaan fajaciso ah, marka la siiyo awood aan dabar iyo xakame lahayn.”
Tijaabadani waxa ay muujinaysaa in, xitaa awoodda kooban ee xaalad gaar ah ku abuurantaa, ay ka adkaan karto damiirka qofka. Tijaabada Simbaardo waxa ay si cad inoo tusaysaa sida uu awoodbararku u liqo damiirka iyo qaayasoorrada milgaha.
Quraanka waxa ka buuxa tusaalayaal dad, markii ay awood hantiyeen, kibray oo qooqay. Kuwo ay magac iyo mansab hodeen, sida Fircoon iyo Haamaan ayaa uu, marar badan, sheekadooda Quraanku ku soo celceliyaa, kuwo maal iyo hanti khatashayna waxa laynagu hogatusaaleeyey Qaaruun oo ahaa maalqabeenkii casrigiisa. Sida nafta binii-aadamku u nugushahay, haddana u qatalan tahay, waa kan marka uu xoogaa tamar isku hubsado ay hawadiisu gaadhsiiso in uu ilaahnimo sheegto. Alle waxa uu Quraanka ku yidhi:
“Maya e, dhab ahaantii, iinsaanku waa qooqaa, marka uu is arko in uu kaaftoomay”
Suuradda Alcalaq, 6, 7. Waa dabeecaddiisa ayaa Alle hubaal inoogu sheegayaa in uu qofku kibro oo ay naftiisu u muuqato, cid kalena uu arki waayo, haddii uu dareemo in ay gacantiisa ku jirto awood mansab ama mid maaliyadeed.
Si guud, markii aan nusuusta diinta iyo tusmaynteeda raacraacno waxa inoo soo baxaysa in awoodbararku yahay wax-magefaan cid walba oo wax is taawisa ka soo ifbaxa iyo xanuun hiddaha aadanaha ku abuuran, aadna looga digo, iyada oo aadamaha lagula dardaarmayo in ay naftooda ka jiraan, dadka kalena aysan dareensiin in ay awood leeyihiin. Ka digitaanka kibirka iyo isla-weynida waa sunnaha nusuustu isaga dabatagtay, balse u fiirso xitaa sida waddadaa loo ooday.
Nebigu (NNKH) waxa uu yidhi, “haddii ay ku ammaanaan, indhaha ciid kaga shub”
xadiiska Muslin wariyey 3002. Warkaa Nebiga waxa aan ka qaadan karaynaa in aan dadka la dareensiin in ay mudan yihiin, waayo waa ibtilo ku abuuran, qofkii ku dareensiiyana in aad kaga hortagtid in aad ku dafirtid. Sababta oo ah waxa uu kugu bixinayaa in aad isdhuldhiggii illowdid oo aad isla baxdid, taas oo ah jidka awoodbararka loo maro. Ugu danbayntana, isdhuldhigga iyo yaqiinsanaanta daciifnimada nafta aadamaha ayaa ah dardaaranka joogtada ah ee ay diintu bixiso.
Ugu horreynba, suugaanta Soomaalida waxa aan udubdhexaad uga dhigi karnaa tuduca Qamaan Bulxan ee ah
“Wallee ina ragow talo adduun, taada qudha maaha.”
Qamaan waxa uu beerka ku dhufanayaa dhuuxa mawduuca, waxa uuna ilbidhiqsi keliya kugu tusayaa macnadarrada cudurkan awoodbararka oo ah, “anaa odhanayee, aammus! bay eedday xaajadu”, waa middii Jaamac Kediye e. Sida aan kor ku soo sheegnay, cilladdan awoodbararku waxa ay ka bilaabantaa, in “qummanahaagu qoorta kuu sudhmo”, ka dibna aad is weydiisid: yaa iga mudan oo xaq leh? Yaa wax ii sheegi kara? Yaan talo ka dhegaysan karaa? Talada aan ka qaadanayo, miyay iyagu awooddayda oo kale ku helaan? Yaa I dhaama oo aan dhageystaa? Ugu danbaynna, halkii Fircoon odhanayaa “[talo] aan tayda ahayn idiinma arko, jidka toosan meel aan ahaynna idinkuma shubayo” ee aammusa oo I dhegaysta keligay, Suuradda Alghaafir, 29.
Mar kale, masonnimada iyo sinnaanta ayaa uu Saahid Qamaan dawo ahaan ugu qoray aadmiga, isaga oo ka daweynaya ciriqa awoodbararka, mar uu gole keligiitaliye lagu casilayey ka maansooday, oo waa tii uu lahaa:
“Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamusi, maso inaanu nahay oo tolnimo meerto noo tahay”.
Dareenka sinnaanta iyo in aad dadka kale kabahooda gashan kartid waa difaaca keliya ee la iskaga ilaalin karo awoodbararka, sida ay isku waafaqsan yihiin diinta, kasmanafeedda iyo suugaantuba.
Dhanka suugaanta caalamiga ah iyo sheekafaneedda soojireenka ah waxaa ka buuxo muuqaallo si cajab leh u sawiraya sida uu awoodbararku u halleeyo ruuxda aadamaha. Buuggiisa Jabkii Maakbees (Macbeth), waxa uu Sheykisbiir (Shakespeare) si farshaxan leh ugu soo bandhigayaa hantaaqada uu leeyahay damaca iyo qabku. Masrixaddu waxa ay dhalaalinaysaa sida damaaciga Maakbees u qabo carshiga uu u hallaynayo, ugana dhigayo mid aan waxba ka waaban oo buufis qaba, isla markaasna aan milgaha (qaayasoorrada bulshada) tixgelin u hayn. Sidoo kale, masraxiyadda Henry IV, qaybta 2aad, waxa uu boqor Henry qirayaa in “madaxa taaj xidhan aanu nabad ku seexan,” taas oo muujinaysa culayska iyo welwelka hoggaaminta (hadal inta badan loo soo gaabiyo:
“Taajka culus ayaa madaxa cidhiidhi geliya”).
Sheykisbiir, marar badan, ayaa uu awoodda u sawiray mid aan deggeneyn; jiitayaashana uu ku sheegay in ay xaalad iswaa’, buufis iyo waalli ku danbeeyaan.
Sidoo kale, suugaanyahanka reer Ingiriis ee Joorji Oorwiil sheekooyinkiisa badankooda waa uu ku xusayaa mawduuca awoodbararka. Tusaale ahaan sheekada Beerta Xayaawanku waxa ay widhwidhinaysaa sida awoodda aan dabarka lahayni wax u halleyso, iyada oo hogatusaalaynaysa sida uu Naabiliyoon isu beddelayo, xeerarkii xayawaanku qorteenna uu u dabageddinayo. Midkii ugu muhiimsanaa waxa uu ku darayaa dabadhah’ isagu uun uu is tusay laakiin nuxurkii xeerka xagga kale u rogaysa markuu leeyahay:
“Xayawaanka oo dhan waa siman yihiin, laakiin qaar ayaa aad u sii siman”.
Waxa uu noqonayaa arxanlaawe bilaa damiir ah. Kacdoonkii gobonimodoonka ahaa waxa uu ka dhiganayaa sallaan, markii uu awoodda gacanta ku dhigana wax kaste xagga kale ayaa uu u rogayaa. Bilmatel ciddii aragti ku khilaafta waa uu cidhibtirayaa, taariikhda ayaa uu dhalanrogayaa, beenta ayaa uu ku celcelinayaa ilaa laga aamino, cabsi iyo bahalagelin aan sal iyo raad lahayn ayaa uu dadka ugu talinayaa. Buugga 1984, waxa uu Oorwiil sawirayaa Xisbi gacanta ku haya awood buuxda. Obrayn (O’Brien) oo su’aal-gelinaya ninka sheekada hoggaaminaya, Winston, waxa uu si qabow ugu sharxayaa: “Xisbigu waxa uu awoodda u raadiyaa awood ahaan keliya… Awooddu ma aha waddo, waa ujeeddo.”
Waxa uu qirayaa in nidaamku aanu wax dan ah ka lahayn daryeelka shacabka, balse uu u taagan yahay ilaalinta kursi oo keliya, iyada oo xorriyadda la burburinayo. Sheekooyinkiisa walaac-abuurka ah oo dhan waxa ay muujinayaan in awoodda siyaasadeed oo aan la xakamayn ay mar walba horseeddo nidaam maqaar-saar ah, faafreeb, iyo burburinta runta iyo tudhaalaha.
Marka la isku soo xooriyo, suugaanta noocyadeeda kala duwan, heer kasta oo ay tahay, waxa ay ka digaysaa sida awoodda aan dabarka lahayn ay halis ugu tahay shakhsiga iyo bulshada, labadaba. Ugu danbayntii, dhimrinta, isdhuldhigga iyo iska ilaalinta isla-weynidu in aad dareensanaatid in aad mar walba noole daciif ah tahay waa dawada awoodbararka iyo isumuuqashada qofka. Qodobka diinta, cilmiga iyo suugaantuba ay ku kala leexan waayeenna waa; “marna ha isu bogin, hallaguu bogee!”