Thursday 22 January 2026
Qoraalkani waxa uu raacsanyahay qoraalkii hore ee ‘Saylac Waa Mindi Laba Af Leh’ oo daarnaa fahmidda xiisadda Saylac ka aloosan saddexdii bilood ee la soo dhaafay iyo jilayaasha kala duwan ee adeegsanaya kooxaha wakaaladeed ee hawsha ku dhexjira.
Waxa caddaatay in Soomaalilaan ay go’aanno kale oo aan laga fiirsan, degdeg iyo cabsi badanna ku geddaamanyihiin ay soo saartay 4tii ilaa 6dii Diisenbar. Go’aanka hore oo soo baxay 4tii December, xilli galabnimo ah, waxa uu daarnaa in xafladda Xeer-Ciise la fasaxay taas oo liddi ku ahayd go’aankii hore ee 13kii November. Isla fiidnimadiiba waxa magaalada Boorama ka qarxay mudaharaadyo abaabulan oo illaa hadda saameyntii ka dhalatay la dejin kari la’yahay, in kasta oo la xakameeyay xaley iyo maanta lana dejiyay ra’yul caamkii. Dad badan ayaa ku dhintay qalalaasahaas, dad kale oo aad u badanna waa ay ku dhaawacmeen, talana farahay ka baxday.
Go’aankaas hore waxa ka dhashay saameyn ballaadhan oo mood iyo maalba leh, waxa xataa la weeraray Baankii Dhexe ee Boorama, xafiiskii badhasaabka, saldhigyada qaar ee magaalada. Waxa, gebi ahaanba, meesha ka baxday kaladambayntii iyo maamulkii magaalada. In kasta oo uu madaxweyne Cirro isku dayay in uu habeenkii ku xigayba uu warbaahinta ka dejiyo mudaharaadka, haddana waxa ay u muuqatay uun in xaaladda la dheyelsaday oo awooddii maamul daciiftay, awooddii hoggaamineedna ay la mid noqotay. Dadku markiiba si fudud baa ay ula soo baxeen hub, qaarkoodna jidgooyooyin ayaaba ay galeen, sidii kolkii horeba markii xafladda xeerka la joojiyay ay kooxda kale u muujisay tallaabooyinkan oo kale. Qaarkood calamaan kale ayaa ay la soo baxeen oo liddi ku ah midka Soomaalilaan.
Intii go’aankaas hore lagu jirey, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaalilaan waxa ay ku eedaysay qalalaasaha ka socda Boorama in ay waddo Soomaaliya. Warsaxaafadeedkaas waxa ay ku tilmaamtay in hawlahani yihiin kuwo kas ah, isku xidhan, una ujeeddaysan in xiisado la kiciyo, marinhabaabin la faafiyo oo la kala qaybiyo dadkeeda. Halka jile ee ay si cad u weerartay, marka loo eego go’aankeedii ay ku fasaxday xafladda xeerka, waa Soomaaliya. Arrintaasi waxa ay caddeyn u tahay in go’aankaas xafladda lagu fasaxay ay heshiis ku ahaayeen Soomaalilaan iyo Jabbuuti. Dhinaca kale, ciidamada Soomaalilaan oo mudaharaadkii ka hadlay waxa ay tilmaameen in gacmo kale ay dadka laayeen, iyaga oo isticmaalaya qoryaha diiradda leh ‘snipers’, laakiin waxa foolxumo ah in ciidankii amniga loo xilsaaray uu xusayo in ciidamo kale ay laayeen dadkii masuuliyaddiisu saarneyd oo la mid ah uun hadalkii wasiirka amnigu uu bilowgii xiisadda Saylac ku sheegay in ay gacmo shisheeye ku dhexjireen. Waxa ay u muuqanaysaa in aan awood maamul oo ka warqabi karta gudaha gobolladan ama maamuli kartaba aysan muuqan ‘weak governance/institutional capacity’.
Ka dib cadaadiskaas mudaharaadka dartii, mar kale ayaa ay xukuumadda Hargeysi ka noqotay go’aankii, maalin ka dib, 6dii Diisenbar, maalinnimadii ay soo saartay go’aan ay ku joojisay xafladdii xeerka. Sidii aynu horeba ugu soo xusnay qoraalkii hore, kooxda loo diido ma aha e, midda kale ayaa dagaallamaysa, midda kalena waa ay dagaallami, guud ahaanna waxa bilaabmi doona dagaal qabiilaysan!
Laba-darantani sinnaba uma dhammaanayso e, waxa xigay in Ugaaskii Ciise iyo beeshii xafladda loo ballanqaaday ay habeennimadii 6dii December ka soo hadleen gudaha Itoobiya, waxayna ku baaqeen in xoog lagu qaban doono xafladda; iyo in dhammaan qabiilkaas waxii hubqaad ahi ay soo galaan xuduudka Awdal ee saddexda dal ay la wadaagto. Ugaaskii Gedabuursi oo isaguna kolkii hore ku sugnaa Ethiopia, se dhowaanahan joogay Boorama waxa uu la qaatay oo guddoomay dagaalkii. Halkan labadii qabiilba waxa ay ku ballameen dagaal iyo Saylac. Soomaalilaan wax tallaabo ah ama qoraal ah kama soo saarin labadan mowqif, waxana ka dhalan doona in ciidamo hubaysan oo aan dawli ahayni soo baxaan, ayna adkaan doonto sida loo maamuli karo iyaga iyo mustaqbalkoodaba.
Rabitaanka Addis Ababa ee xeebta Saylac waa mid sooyaal fog leh, laakiin sooyaalkiisa casriga ah ee weliba dhow waxa uu la xidhiidhaa xilligii uu yimid Abiy Axmed xukunka Itoobiya; markaas oo ay Farmaajo isla afgarteen suuragalnimada isticmaalka Saylac. Mar kale, Oktoobar 2023, Abiy waxa uu tilmaamay in aan Itoobiyaanku ahaan karayn bilaa bad, ayna xoog ama xeelad ku heli doonaan. Hadalkiisan wuxuu ku xusay in Saylac oo xidhiidh la leh boqortooyadii Ifaat ay macquul tahay, Jabbuuti lafteeda oo ay isticmaalaan haddeerba ama dekedaha Eriteriya ee Masawac iyo Casab. Waxay ahaayeen saddex ixtimaal oo Geeska, Gacanka Cadmeed iyo Baddacas ah uun; Soomaalilaan, Jabbuuti iyo Eriteriya.
Waxa xigay isafgaradkii madmadowga badnaa ee Biixi iyo Abiy ku dhexmaray Addis Ababa, Jeenaweri 2024. Isafgaradkaasi xiisado badan oo gobolka ah iyo dunidaba gaadhay ayuu horseeday, ma se hirgelin oo wuxuu noqday kaadh uu Abiy Axmed u isticmaalo xodxodashada Muqdisho. December 2024, Muqdisho iyo Addis Ababa waxa ay heshiis ka gaadheen khilaafkii ka dhashay isafgaradkaas, waxaana dhexdhexaadintooda dillaalay Turkiga. Waxa ay soo saareen baaqii la magac baxay ‘Ankara Declaration’.
Baaqaas waxa la isku waafaqay in muranka labada dhinac oo la isku dul haystay xeebaha Soomaalilaan ay labadoodu ku dhammeystaan heshiisyo labo dhina ah (bilateral agreements); wax kasta oo khuseeya ganacsiga badda ee kirayn iyo kontaraagba lehna in keli ah loo maro sharciyadda Muqdisho. Haddii heshiiskii oo Muqdisho iyo Addis Ababa hoos u dhammeysteen laga rabo in Hargeysi fuliso, halkan waxa ka muuqanaysa in Itoobiya hawsha ka taagan Awdal iyo Selel ay kaalin ku leedahay; jaadka ay doontaba ha noqoto e.
Ugaaska Gedabuursi oo hadda Boorama deggan, sidoo kale Itoobiyana deggan, waxa uu warsaxaafadeedka uu ugu jawaabay Ugaaska Ciise ku tilmaamay in dadkiisa lagaga soo duulayo Diridhaba. Ma uu odhan waxa nalagaga soo duulayaa Jabbuuti iyo Soomaaliya. Itoobiya iyo Ismaamulka Soomaaliduba wax jawaab ah kama ay bixin baaqa Ugaaska Ciise ee dhulka ay xukumaan uu ka soo direy. Sida oo kale, Soomaalilaan wax jawaab ah kama ay bixin baaqa Ugaaska Ciise ee gudaha Itoobiya; sidii ay markii hore ugu dhiirratay in ay tilmaanto in ay mudaharaadkii Boorama ka dambayso Soomaaliya.
Hawshan waxa kaabaya shirkii 9kii November ay Beesha Ciise ku qabsatay Ayshica oo Itoobiya ah iyo baaqa ay ka soo saartay ee ahaa in ay digniin u dirayaan cid kasta oo isku dayda in ay xafladdaas hor-istaagto. Itoobiya shirkan iyo saameynta gudaha ee Soomaalilaan midna kama ay soo saarin hadal. Sidoo kale, baaqa Ugaaska ee xigayna kama ay warbixin meelnaba, tani waxa ay u muuqanaysaa in ay tahay oggolaansho dadban (implicit consent), halka ay muddo yar ka hor uun dagaalkii Dacawalay ay si weyn uga biyodiiday, iskuguna hawshay heer walba. Intaa waxa dheer, ka dib go’aankii joojinta xafladda ayaa xildhibaannada beesha Ciise ay ku leedahay golaha deegaanka Saylac waxa hadalladoodii ka mid ahaa in ay lix bilood ka hor sii diyaarsadeen dadkii u dhiman lahaa hawshan.
Dhinaca kale, gudaha Itoobiya muddo dheer ayaa ay beesha Ciise ku dhexjirtay khilaafyo hubaysan oo kala dhexeeya maamullada Oromada iyo Canfarta. Waxa ay deggantahay jidka halbowlaha ee tareenka Itoobiya ku xidha Jabbuuti oo ay aalaaba Canfarta ku diriraan; xukumidda marinkaas ganacsiga iyo kala riixashada dhulku waxa uu dhaliyay khilaafyo riiqdheeraaday oo gacmo dawladeed kaalinayaan, fadqalallo iyo isbarabixinna ay weheliso. Waa halka Itoobiya laga quudiyo, marar badanna Itoobiya halis baa ay u aragtaa.
Muddooyinkii u dambeeyay oo dhan si gaar ah ayaa qabiilka Ciisaha loo hubeeyay oo uu gacan ka gaystay Ismaamulka Soomaalidu (DDS). Waxa kolkaa iswayddiin leh, ciidamada maleeshiyada ee Ciisaha Itoobiya oo ay tiradoodu badantahay qiyaas ahaan, waxa hubaal ah in ay yihiin cidda koowaad ee uu Ugaasku baaqa u diray ee uu isku halleynayo; sababta oo ah ma jirto xogo muujinaya Ciise hubaysan oo badan in uu joogo gudaha Soomaalilaan, halka gudaha Jabbuuti uu talisku aad uga werwero dagaallo iyo maleeshiyaad hubaysan oo dalalka jaarka ah ka sameysma, kuwaas oo halis gelin kara xasilloonida xukunka Jabbuuti ‘regime security’.
Gobolka Geeska Afrika xiisado kala duwan oo saameyn doona juquraafi-siyaasadeedkiisa ayaa uu wajahayaa. Septembar 2025 waxa ay Itoobiya daahfurtey buuxinta biyaxidheenkii GERD ee ay tobanka sannadood soo wadday, taas oo dhinaca kale ay Masar iyo Suudaan ka muujiyeen walaac farabadan. Dhowaan waxa ay Itoobiya ku eedaysay Masar in ay qalalaase ka waddo Geeska; halka Masar lafteedu ay xustay in ay wax walba sameyn doonto si ay danaheeda qaran u ilaashato.
Mar kale, Noofembar 2024, waxa ay Jabbuuti iyo Masar saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhinacyo badan leh; halka, dhinaca kale, Masar iyo Eriteriya ay yeesheen iskaashi dhow xilli ay Qaahira ka biyadiidsaneyd buuxintii mashruuca GERD, lana rabay in laga hortago damaca kordhay ee bad-raadinta Addis Ababa. Dhinaca kale, Qaahira iyo Asmara waxa ay galaangal gudeed ku yeesheen jabhadaha TPLF iyo Faano ee gudaha Itoobiya; halka ay Addis Ababa taageerayso garabka RSF ee Sudan; balse Suudaan lafteedu ay xidhiidh dhow wada yeesheen Eriteriya, kaas oo ka dhan ah Itoobiya iyo RSF. Kolkaa, xagashaas is-xulafaysi markaad eegto, Itoobiya waxa ka soo horjeeda (Masar, Gadar, Sucuudi Carabiya, Suudaan, Jabbuuti, Eriteriya) iyo laba jabhadood oo gudaheeda ah.
Waxa Itoobiya la xulafo ah ama la odhan karaa waa ay israacsanyihiin (Soomaaliya, RSF-Sudan iyo Imaaraadka-UAE). Haddii kolkaa aynu UAE ku darno xulafada Itoobiya, Gadar waa aynu ku dari karnaa xagga kale; miisaan ahaan loollanka dawladaha Khaliijka. Soomaaliya, iyada, waxa aynnu odhan karaa waxa ay raacsantahay xulafada dambe, xilli ay isafgarad buuxa ka gaadheen Addis Ababa hawshii badda ee uu Turkigu dhexdhexaadiyay. In kasta oo aynaan odhan karaynba Villa Soomaaliya mowqifyo xulafo oo cadcad ayay leedahay oo ay si fudud isu beddeli karto, maaddaama oo Xasan ay doorasho ku soo food leedahay.
Soomaalilaan illaa hadda dhinac ma ay raacin. Xilligii Muuse Biixi uu heshiiska la galey Itoobiya waxa ay xidhiidh dhow lahaayeen Imaaraadka; laakiin Abiy wuxuu isafgaradkii kula gorgortamay Xasan Sheekh, waxaana dillaalay Turkiga. Taasi dhaawac weyn oo kale ayay ahayd. Xukuumaddan Cirro oo u muuqata in ay rabto isku-wadka dano kala duwan, waxa ay ka cagajiidaysaa isafgaradkii hore iyo la safashada xulafo cayiman.
Itoobiya haddiiba ay isafgaradyada sharci oo sida ay rabto loo dhigo ay wax ku heli waydo (peacefully assertive means), waxa ka go’an in ay ciidamada ay dhistay, hanjabaadaha ay u bu’ayso iyo in ay colaadaha gudaha ku jeediso dibadda. Haddaba, ixtimaallada suuragalka ahi maxaa yihiin? Itoobiya saddex jiho ayaa u furan, haddii ay istidhaahdo xoog isticmaal si aad u hesho marin badeed, waxaan ka reebaynaa jidaha Badda Indiya oo ay Soomaaliya iyo Kenya dhacaan taas oo aanay xiiso badan u muujin, sababo la xidhiidha; fogaansho, muhiimaddooda istiraatiijiyadeed oo yar iyo sooyaalka dhow ee Itoobiya oo aan xidhiidh la lahayn, balse kuwaas caksigooda jihooyinkan Gacanka Cadmeed iyo Baddacas waxa ay la leeyihiin xidhiidh, istiraatiijiyad weyn iyo dhowaansho ay fududdahay in la gaadho.
Jihada Eriteriya oo ay ku gudbanyihiin Faano iyo TPLF waxa soo raaca Masar iyo Suudaan oo taageeri doona; haddii aynu ballaadhino dagaalka waxa aynu ku dari karnaa suuragalnimada Gadar, Sucuudiga iyo Turkiga. Waa jiho aad u adag oo Baddacas ku xidhaysa. Laba jabhadood iyo taageerada toddobo waddan, in ay Addis Ababa u babacdhigi kareyso waa ixtimaal suuragal ah, oo iyaduba ay heli karto xulafo iyo dawlado taageera, laakiin waa mid qiimihiisu sarreeyo.
Jihada labaadi waa Jabbuuti oo dhacda jidkii tareenka, quudisana Itoobiya. Waa cidhifka koonfureed ee Baddacas iyo afaafka Gacankii Cadmeed. Jabbuuti dal ahaan waa ay ka gaashaamatay oo dalalka yaryari waxa ay isticmaalaan siyaasadda ‘Bandwagoning’ oo tilmaamaysa in dawladda itaalka yari ay hoosgasho dawladaha itaalka weyn si ay isu badbaadiso. Jabbuuti waxa saldhigyo ku leh shan waddan oo waaweyn si rasmi ah, iyo dhawr kuwaas la isticmaala; US, China, France, Japan, Italy; Spain iyo Germany. Suuragal uma muuqato laba dooraba in ay Itoobiya si fudud isugu qaaddo waddankii tareenku u soo marayay iyo xulafada saldhigyada ciidamada ee Jabbuuti; oo ay u raacdo isafgaradyada Jabbuuti iyo Sucuudiga dhexmaray iyo kuwa Masar dhexmaray, waana ixtimaal aad ugu adag weerar ahaan iyo qiimo ahaanba.
Jihada saddexaadi waa Awdal iyo Saylac. Ma jirto ciidan xooggan oo ka hortaagan, ma jiraan jabhado kaga furan dhinaca Soomaalida, isafgarad hore oo mugdi badan ku geddaamnaa iyo baaqii Ankara ee ay Xasan wadagaadheenba waa ay haysataa. Sida oo kale, ma jiraan waddamo Soomaalilaan taageeri doona oo saldhigyo ciidan ku leh ama taageere dibadeed u fidin doona oo ay heshiisyo xulafo kula jirto. Sida oo kale, Itoobiya dhaqaale iyo ganacsi xooggan oo la mid ah ka Jabbuuti oo kaga xidhan Soomaalilaan ma jiro. Ixtimaalkani waa ka ugu suuragalsan, ugu fudud, uguna qiimaha yar.
Halkan, Itoobiya waxa ay haysataa saddex ixtimaal oo dagaal; ka ugu sarreeya ee ugu qiimaha badan waa Jabbuuti (Highly unlikely), ka suuragalkaa se qiimaha badan ku kacaya waa Waqooyiga Itoobiya (Unlikely but possible) iyo ka ugu suuragalsan, uguna qiimaha yar waa kan Awdal ee Soomaalilaan (High likely).
Dhinaca kale, xulafooyinka gobolka ka fog, sida Israa’iil, waxa ay dhabar u tahay dawladda Itoobiya sababo la xidhiidha xidhiidhkooda muddada dheer, waana dawladda keli ah ee gobolka la leh xidhiidh sugan muddo dheer oo aan aad isu beddelin marka loo eego dawladaha kale. Israa’iil axa ay Itoobiya u aragtaa saaxiib shuraako oo muhiim ah iyo marinkeeda galaangal ee Afrika; ‘Key regional partner & Gateway to Africa’. Israa’iil waxay taageero weyn u muujisay in ay Itoobiya hesho marin badeed, sidoo kalena, ka wadashaqeynta la dagaalanka kooxaha Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo Ansaar Allaah “Xuutiga” ee Yaman, waxaana labada dhinac ay ka midoobeen istiraatiijiga Israa’iil ee Baddacas iyo Geeska Afrika; iyo midda Itoobiya ee ka dhan ah Masar iyo helista marinbadeed.
Soomaaliya dhinaceeda xidhiidh lama leh Israa’iil, waxayna muujisay diidmooyin iyo fogaansho ka dhan ah siyaasadaha Israa’iil ee fagaarayaasha caalamiga ah iyo guud ahaan dhaqdhaqaaqyada Israa’iil ee gobolka iyo dunidaba. Dhowaan, Israa’iil waxay muujisay suuragalnimada in ay xidhiidh dhow la yeelato Somaliland iyo in laga hortago saameynta kordhaysa ee Xuutiyiinta, isku fidinta Turkiga ee Soomaaliya oo ay ku daabanyihiin Iiraan oo fagaag heshay iyo dagaal wakaaladeedyadeeda gobolka.
Waxa kale oo Israa’iil ay ka cabsi qabtaa in Turkigu horumariyo tijaabinta gantaallo iyo hubka nukliyeerka oo uu helay fagaag aanay NATO iyo Yurub aad uga warqabin taas oo ay ku tuhmayso in ay kaalmaynayso khibradda Baakistaan, macdanta Uranium ee waddanka Niger, tan iyo inqilaabkii July 2023 oo Turkigu aad ugu lugyeeshay gobolka Saaxil ee Afrika; sidoo kale Soomaaliya waa waddamada ugu badan ee macdantan leh. Dhinaca kale, August 2025, waxa ay Baakistaan iyo Soomaaliya wada saxiixdeen isafgarad shan sannadood ah oo iskaashi difaac oo dhinacyo badan leh, taas oo ay Hindiya aad uga muujisay walaac; maaddaama ay Hindiya ay ka shaqeynayso istiraatiijiyad dhinaca badda Hindiya ah iyo in ay noqoto mid bixisa dammaandqaad amni oo gobolka Hindiya oo dhan ah illaa Geeska iyo Bariga Afrika ‘Net Security Provider’.
Beel ka mid ah kuwo sameystay ciidamo madani ah oo uu hadlayo hoggaankeedu waxa uu tilmaamayaa in dagaal qabiileed oo Saylac ah uu diyaar u yahay. Isla odayada beeshaas oo kormeeray ciidamadaas, sida muuqaallada ay soo duubeen ku muujinayaan, waa afar fadhiisimood ciidamadu. Waxa muuqata in abaabulkii hore ee kooxuhu uu isu beddelay abaabul hubaysan. Balse waxa muuqata, sidoo kale, in aan laba illaa saddex maalmood oo uu Boorama muddaharaad ka socday aan lagu aasaasi karin ciidamo madani ah oo afar fadhiisimood leh; haddii ayna ahayn qorshe gaaban oo muddo soo socday, hub iyo ciidanba.
Isla odayadan kormeeray ciidankaas ayaa tilmaamaya in Ugaaska Ciise ee soo hanjabay uu soo wato ciidan oo uu kaga soo duulayo Itoobiya. Waxa kale oo odayadu sheegeen in ciidamo kale oo madani ah ay joogaan Lughaya, ayna tahay in ay soo baxaan.
Dhinaca kale, isla odayo dhaqameed Boorama ka hadlay waxa ay tilmaamayaan in jabhadaha ka baxay magaaladu ay hal meel isugu tagaan, isku urursadaan, loona tegi doono. Waxa kale oo uu kula talinayaa haddii ay nidaam sameeyaan ‘organized and standing militias’ in halka ay joogaan loogu tegi doono, lala shaqeyn doonaan, ayna tahay in ay talis sameystaan ‘command structure’.
Guud ahaan saansaanta maanta muuqata waxa ay muujinaysaa in ay aad suuragal u tahay bilowga maleeshiyaad, ciidamo qabali ah, jabhado iyo ciidamo madani ahba ay ka hirgeli doonaan Awdal iyo Selel. Halista ay leedahay ciidamo nidaamsan oo aan dawli ahayn ‘Non-state armed groups’, waxa kale oo ay, mar kale, culays ku keeni doontaa Somaliland, xilli ay muddo aan sannad gaadhin qaramaysay ciidamo madani ah oo Bariga ka qarxay, xilli dawladda dhexe ay ku fashilantay amnigii iyo kaladambeyntii gobollada Bariga ee uu sababay dagaalkii Laascaanood.
In kaste oo ay xaaladdu bilowday in ay soo degto, haddana mudaharaadkii Boorama waxa uu keenay in guud ahaan magaaladii Boorama isu beddesho meel aanay wax kala dambayn iyo dawladnimo ahi ka muuqan; gudihii magaalada waa ay ka baxeen ciidamadii, waxaana wax kala hagayay dhallinyaradii mudaharaadka iyo odayo. Bannaankii magaalada iyo barkantaroolladiina isla iyaga ayaa taagnaa oo ka ah askar, baad-qaadeyaal iyo maamulba. Sida oo kale, tani waxa ay horseedi kartaa, haddii aan xaaladda la sii sugin, in xeebaha Galbeed iyo Gubankuba ay guud ahaan hoy u noqdaan ciidamo hubaysan oo aan dawli ahayn, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara dekedda Berbera, kastamyada Galbeed iyo jidadka kaabayaasha dhaqaale ee Lowyacaddo, Kalabaydh, Wajaaale iyo Gebiley.