Isaga oo shaqo ka soo baxay buu si degdeg ah u soo koray baska xaafadooda u baxa. Waxa uu salka la helay kursi laba qof loogu talagalay. Baska oo in cabbaar ah u kala socda suuqa iyo xaafadooda waxa uu caado u leeyahay inta uu saaran yahay, in uu dhagaysto inta badan barnaamij ama hees.

Saddexdii bilood ee u dambeeyay waxa uu ku sugnaa magaaladan sannadihii dagaalka labada janaraal ka soo kabanaysa. Sida ay u camiran tahay kobaca degdegga ahina uga socdo magaalada, waxa aad moodi lahayd haddii aannay taarikhda waxba kaaga baxsanayn in aan weligeed dagaal ka dhicin.