Dr Tarek Younis wuxuu ka mid yahay barayaasha sarsare ee kuliyadda kasmanafeedda ee Jaamacadda Middlesex. Wuxuu cilmibaadhaa islaamnacaybka, cunsuriyadda ku dhex jirta maaddada caafimaadka dhimirka, cilmaaniyaynta xarumaha caafimaadka iyo siyaasadda kasmanafeedda. Waxyaabaha uu qoray waxa ka mid ah buugga The Muslim, State and Mind oo ku baadhayo kaalinta kasmanafeeddu ku yeelan karto soosaarinta dad hebed ah. Waxa lagala xidhiidhi karaa barta X/Twitter.