Thursday 15 May 2025
Dad isu furan ayaynu nahay. Baraha bulshada sida xasuushaye ayaynu u adeegsannaa. Xasuuso ayaa aannu ku kaydinaa, xasuuso ayaa aynu ku wadaagnaa. Hadal se ma wadaagno.
Waan ku aqaan, haddana, kuma aqaan. Halkaad ka afuraysay waxa aan ku arkayay istoorigaaga. Sawir adiga keligaa ah. Quruxeey! Mid kale oo ah hablahaad wada afurteen, adigu dhexda ayaa aad qotonsananyd. Toobkii aad maalinkii dhaweyd iibsanaysay, waad ku soo baxday saaxiib. Afurkii quruxda badnaa ayuu sawirkii saddexaadna ahaa—sawirkii khasharka, muuqaalkii aad gaadhiga ka dhex heesayseen; xariifad baad tahay, gacanna gaadhigaad ku wadday midna waad isku duubaysay, oo kaaga darane kamarad hagane ahayd hadba mid ka mida hablaha kula socda ayaad kamarada ku qabanaysay. Waqti ku munaasab ah, muuqaal kaalayarag ah ayaad moobilkaaga oo qudha ku samaysay. Cajiib! Duubista waad ku horraysaa, oo maalin baad meel aad si fiican u soo sawirtay igu lug-goysay.
Rabadaanta waa la is casuumayaa. Hadda jaar ma jiro. Nin walbowba, ganjeelkaaga: waxa jaar kula ah, ka jaal kula ah, asxaabta shaqawadaagtaada, waxbarashawadaagta, danawadaagta iyo wax wadaagta, derbi wadaagta, dumarka iyo carruurtaa is taqaanna.
Laakiin waxaad soo qoraysay maalinkii dhaweyd in gabadha shaqaalihiinnu jaarka kaa badiso. Ma adaa haleelayaba! Xafiiska subaxii, kolka aad sidaa u gashid, kafeegaaga qaadatid, sawir dhac ku siisid, istoorigaaga saaratid, ilaa aad galinka danbe salfi iska soo qaadid, adiga oo dhididsan—walaahi hawlkar ayaad tahay. Jaar inaadan haleel u hayn waan fahmi karaa.
Rabadaanta waa la is wada casuumayaa. Sida dabaqadda ladan ayaad u casuumnayd. Makhaayadda Eksalansi, ayaad ku casuunayd. Maalin hore waa adigii soo dhigay casuumad kale oo aad ku lahayd. Maalinkaas ayaan iska niyaystay. Waa anigii maalin aaday. Waan ogaa in aadan imanayn, saaxiibbadaa gurigeeda ayaad aadday. Ninkeedana, horta saaxiib ayaad ahaydeen guurkooda ka hor? Haa, labadoodaas ayaad booqatay.
Maalinkaa waan ku soo istareexay, si walba oo qiimaha saanbuusku siddeed doollar u ahaa. Makhaayadahaa mooyee, goobo kale oo lagu xayaadi karo ma lihin. Madxaf, tiyaatar, laamiyo lagu socon karo, amaba sida dalalka qaar beero iyo moolal la iska dhex lugeeyo, ma lihin.
Waan ku aqaan adiga, oo laamiyada iyo madaaxiifta ayaad cagta ku badin lahayd. Waan ku arkay oo fasax kasta oo aad heshid, waa adiga Addiis Ababa ama Nayroobi aada. Madaaxiiftaad tagtay oo dhan waan kula tagay.
Waxaan ugu jeclaa galab walba casarliiqa sawirkaad iska soo qaaddo, adiga oo jid socodka u diyaarsan lugaynaya, sameecado gashan, falaadhaha qorraxdu dhabankaaga dahab dhalaalaya ka dhigeen, timahaaga xariirta ah ee falaadhaha qorraxdu siiyeen midab casuus ah, gadaal ayay kaaga xidhnaayeen, sheeladduna qoorta ayay kuu sudhnayd.
Sawir kale oo qof kale kaa qaaday, waxaad u ekayd malaa'iig baalal leh, cabaayadaa ku daba babanaysay, tallaabo dheer ayaad hore u qaadaysay, kabaha isboortiga ah ee cadcad, surweelka jiiniska ee buluugga ah, garanka cad ee ay bisadda binkiga ahi ku sawiran tahay. Aad baan isu weydiiyay cidda sawirka kaa qaaday, dadka kula socda iyo halkaad tagtaba waan la socdaa, laakiin cidda sawirkaa kaa qaaday maad soo sawirin, waan ka xumaaday runtii.
Waan kula socdaa. Dad badan oo kalena way la socdaan. Imisaa sidayda oo kale iyagoon ku aqoon ku yaqaanna, kula dooda adiga oo aan joogin, ku jecel oo kugu riyoonaaya?
Anigana baryahan waad i saamaysay, waa mar aan tago meel aan kaa arkay, aniga oo kaaga ag dhawaanaya. Maalintayda xataa sawiro ayaan ka qaadaa, bal in aad ii barato sidaan kuu bartay. Sawirqaade fiican ma ahi sidaada, laakiin waan isku dayaa, shaaha baraadka, luuqa boodhka, daaqadda baska, geedka daaradda, foolka gafuurka iyo kitaabkaan akhrinaayo, intanba waan soo baahiyaa, bal in aad ii barato, sidaan kuu bartay. Sidaada uguma badni, in kastoo aan jeclahay in aad noloshayda dhan kasta ka barato.
Waa iska Ramadaan, haddana gacantii in aan soo saarno wasaarad baastii ayaa la innaga rabaa. Wasaarad halkan ah oo laba qol ah ayaa dhawr boqol oo innaga mid ahi u xilsaaran yihiin mashiin gacan saarista. Intaas baan ka shaqeeyaa. Adigana waan ku fiirsadaa, inta kalena siyaasadda reeraha iyo dacaayadda reeraha ayaan rogaa. Waxaan ugu jeclahay maalmaha aad qolkaaga isaga dhex xadraynayso, adiga oo dabno cas oo buuxa, subkan oo dhalaalaya leh. Cod macaanidaada, jalaqsanidaada iyo jaas ogidaada. Xubno jalaqsan jag ka sii!
Duhurkii halkaan isku tuuro ayaan afurka ku gaadhaa. Gurigayaga uma garanaysid sidaan kiina u garanayo, laakiin, maalinba in waan soo duubaa, kamarada weli lama qabsan. Derejadii saddexaad ayaan soo marayaa, adigu tobnaad ayaad joogtaa, oo tiktookarad isku filnaasho gaadhay wax yar baad u jirtaa. Se ma dab yari laftaydu, oo hadda waan soo dhigaa, tan iyo markaan ogaaday in aad istoorigayga eegto.
Maanta sawir ma soo dhigin, waa run. Laakiin jawigaygu waa uu saxnaa—haddaad maalinkayga i weyddiin lahayd. Hadalka oo duuban waxaan ku odhan lahaa:
Tiktook, Qadan Qaran safaradeeda, Dhaweeyaha tilmaantiisa. Madasha iyo jawigeeda. Garaabada tuulan, fooxa shidan, ubaxa sigaarka ah.
Haddaad i sii weyddiiso waxaan ka wado, asxaab baan la caweeyay. Tiktok baan fiirsaday. Adigaan ku fiirsaday. Dabadeed waan soo hoyday. Markaan guriga soo gaadhay weeye markaan soo qorayay intan:
Qosolkaad saartay waan arkay. Waan ku farxay in aan dabnahaaga dhaqaajiyay. Waxaad soo qorto ee aad baahiso anigu codkaaga oo madaxayga ku laxaamadaysan ayaan ku akhriyaa.
Waxaan dareemaa sidii in aad ila hadlayso, adiga laftigaagu. Xataa faallooyinka aad dadka kale u reebto waan akhriyaa. Waan ka xumahay cod iyo muuqaal aan leeyahay oo sidaan kuu dareemo in aad ii dareento kuu saamaxda maan soo galin. Laakiin, sida ugu dhakhsaha badan ayaan uga hawlgalayaa.
Sidaan kuu dareemo in aad ii dareento ayaan rabaa. Waan ku rabaaye, adigu ma i rabtaa. Maxaan kaa rabaa? Mooyiye maxaan kaa rabaa. Milyan aan baska, baalashka iyo shaaha baraadka siisto ayaan qaataa oo kuma guursan karo, inaabti. Toobkaad maanta xidhnayd lacagtaad soo siisatay iyo mushaharkayga ayaa is le'eg, oo kulama hadli karo. Markaa maxaan kaa rabaa! Ma garanayo runtii, waa tabaalaha waqtiga iyaba taad aragtaa!
Waxaan ogahay uun in sida balwaddii aad i qabato. Maalinta aanan isha qac kugu siin caadiba ma ahi, naftaa iga la kaa dardaarantee, qaali, qalbigayga hoo.
Horta dookhayguba ilaa berigii aan yaraa sawir buu ahaa. Dugsiga markaan dhiganayay, naagta quruxda badan ee ku sawiran joornaalka ku duuban jaldiga buuggayga ayaan ka heli jiray. Hablaha dugsigu wax ayna lahayn ayay lahayd. Haddana filimaanta, weligayba dhanka atariishada la igama mari jirin. Imikana adigaa atarishadayda ah. Atarisho, quruxdaadoo kale waa u dhalasho.