Skip to main content

Tuesday 14 July 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp

Aragtiyaha Amniga, Isbeddellada Cusub iyo Somaliland

30 June, 2026
Share

Geesku waxa uu soo qabanqaabiyay hadaljeedin cinwaankeedu ahaa: “Aragtiyaha Amniga, Isbeddellada Cusub iyo Somaliland.” Hadaljeedinta waxaa lagu gorfeeyay aragtiyaha cusub iyo isbeddellada amni ee casriga ah ee saameeya xaaladda siyaasadeed ee Somaliland. Waxa kale oo lagu falanqeeyay saamaynta ay isbeddelladani ku yeelan karaan amniga, siyaasadda iyo jihada mustaqbalka Somaliland. Hadaljeedinta waxa jeediyay Eng. Cabdifataax Ibraahim Sheekh, oo ah khabiir ku takhasusay amniga, arrimaha istiraatiijiga ah iyo doorashooyinka.