Skip to main content

Tuesday 13 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Aragtida Tadawurka iyo Doodda Aragtida Islaamka ee Abuurka

10 December, 2025
Image
Aragtida Tadawurka iyo Doodda Aragtida Islaamka ee Abuurka
Share
Hordhac

Doodda ku saabsan asalka noloshu waxa ay ka mid tahay su’aalaha ugu waaweyn ee bini’aadamka dhex yaalla. Aragtida tadawurka (evolution theory) oo National Geographic-gu ku qeexay inay tahay “aragtida doorashada dabiiciga ah ee nolosha” oo uu soo jeediyeen Jaarles Daarwin iyo Alfared wallace qarniyadii 19aad, ayaa sheegaysa in noocyada nooluhu ay ka soo farcameen nooleyaal hore, kuwaas oo soo sameeyay isbeddello yar-yar oo facba fac u gudbiyey. Haddaba, maqaalkan cilmiyeed waxa uu dib u eegi doonaa asalka aragtida tadawurka, sababta loogu baahday, waxa ay u taagan tahay iyo tusaalooyin fudud oo muujinaya aragtidaas.

Intaas ka dib, maqaalku waxa uu soo bandhigi doonaa aragtida abuurka ee Islaamka, iyada oo laga raad-raacayo aayadaha Qur’aanka, axaadiista Nebiga iyo fasiraadaha culimada. Sidoo kale waxa aynu is barbar dhrig ku samayn doonnaa labadan aragtiyood, iyada oo la muujinayo meelaha ay isku waafaqsan yihiin iyo meelaha ay ku kala tagsanyihiin. Ugu dambeyntiina, waxa aynu soo bandhigi doonnaa doodaha cusub ee arrintan ku saabsan, kuwaas oo ka kala yimaadda dhinacyada falsafadda, cilmiga noolaha iyo aragtida rabbaaniga ah.

Aragtida Tadawurka

Aragtida tadawurku waa faham saynis iyo bayooloji ah oo qeexaya in dhammaan noocyada kala duwan ee nooluhu ha noqoto dhir, xayawaan ama noolayaal kale e, aanay ahayn wax meelo kala duwan ka bilaabmay, balse ay ka soo farcameen nooleyaal ka horreeyay oo muddo dheer isbeddel ku socday. Kala duwanaanshaha noocyadana waxaa sharraxa hab isbeddel tartiib ah oo jiilasha dhex mara.

Qarnigii 19aad, Jaarles Darwin iyo Alfred Wallace ayaa mideeyay fekradahan iyagoo ku magacaabay “tadawurka ku dhaca xulashada dabiiciga ah.” Xulashada dabiiciga ahi waa habka ugu weyn ee lagu fahmo sida noocyaddani isu beddelaan: noolaha ayaa dhala tiro aad uga badan inta deegaanku uu qaadi karo, waxaana ka dhasha tartan adag oo dhanka kheyraadka ah. Faracyadda leh sifooyin u fududeeya inay ku guulaystaan tartankaas sida adkaysi, la qabsasho ama awood taran oo fiican ayaa sii badbaada, tarma, oo sifooyinkooda u gudbiya jiilasha xiga. Sifooyinkaas wanaagsan ayaana usii kordha jiilasha dambe.

Arrintani waa tan loo soo gaabiyo weedha caanka ah ee ah: “Noolaha ugu habboon ayaa badbaada.” Daarwin, buuggiisii caanka ahaa On the Origin of Species (1859), wuxuu ku faahfaahiyey aragtidan, isaga oo muujiyey in noolaha uu ku socdo isbeddel joogto ahi. Jiil walba waxa uu la dhashaa astaamo cusub oo faa’iido u leh badbaadada iyo la-qabsiga deegaanka, taas oo ugu dambeyn keenta in waqti ka dib ay samaysmaan noocyo cusub oo si buuxda uga soocma kuwii asalka ahaa.

Tusaale muuqda oo lagu fahmi karo sida nooluhu isu beddelo waqti ka dib, waxa uu ka soo baxay deraasaddii Jaarles Darwin uu ku sameeyay shimbiraha loo yaqaan Finjis (finches) ee ku nool jasiiradaha Galapagos. Markii uu halkaas booqasho ku tagay qarnigii 19aad, wuxuu ogaaday in jasiirad kasta oo Galapagos ka tirsan ay ku nool yihiin shimbiro isu eg, balse leh af si cajiib ah u kala duwan. Isbeddelladan yar-yar ee muuqaalka iyo qaabka afkoodu wuxuu u jeexay Darwin waddadii uu ku fahmayay in nooleyaasha maanta jira aanay sida ay yihiin u soo bixin, balse ay ka yimaadeen noocyo hore oo muddo dheer is beddelay.

Daarwin wuxuu aaminsanaa in dhammaan shibirahaas Finjistu ay ka soo farcameen hal shimbir oo asal ahaan ka timid qaaradda Laatiin Ameerika, dabadeedna uu noocaas asalka ahi u kala faafeen jasiiradaha. Jasiirad kasta oo ay joogeen, shimbiruhu waxay la qabsadeen baahiyaha deegaankaasi: nooca cuntada, jawiga, iyo tartanka ka dhaxeeya noolaha kale. Sidaa darteed, shimbirihii Galapagos waxay isu rogeen shaybaadh dabiici ah oo muujinaya sida deegaanka iyo tartanku u beddeli karaan jidhka noolaha jiilba jiil.

Shimbiraha qaar waxay ku noolaayeen jasiirado leh midho adag oo aan si fudud loo jebin karin. Shimbir kasta oo leh af xooggan oo qaro weyn ayaa helaysay fursad badan oo ay ku jabiso kuna calfato midhahaas, halka shimbiraha kale ee afkoodu jilicsanaayeen ay adkaanasay in ay sii noolaadaan. Jiilal badan ka dib, shimbirihii afka adag lahaa ayaa noqday kuwa ugu tirada badan jasiiradahaas, halka kuwii kale ay yaraadeen ama gebi ahaanba dabar go’een. Sidoo kale, jasiiradaha kale ee cuntooyinka jilicsan ama cayayaanka lagu helo, waxay ku bateen shimbiro leh af dhuuban si ay u gaadhaan cuntooyinka yaryar.

Naqshaddan bayoolojiga ah ee isbeddelka ayaa waxa ay mawsuucadda Britannica ku qeexdaa “aragti sheegaysa in noocyada kala duwan ee dhirta, xoolaha, iyo noolaha kale ay si taariikhi ah uga soo farcameen nooleyaal hore, kala duwanaanshahooduna ka dhashay isbeddello ku dhacay facyadii kala danbeeyey” Sidaas darteed, aragtida tadawurku ma sheegayso isbeddel degdeg ah oo hal mar dhacaya; se waxa ay sheegaysaa isbeddel gaabis ah oo soconaya boqollaal kun oo sannadood, halkaas oo deegaanka iyo tartankuba ay si joogto ah u adeegsanayaan nidaamkii xulashada dabiiciga ah.

Caddaymaha maanta taageera aragtida tadawurku waa kuwo aad u ballaadhan, kana imanaya ilo iyo deraasado kala duwan. Marka laga reebo kormeerkii Daarwin, saynisyahannadu waxay hayaan:

  1. Lafaha qadiimiga ah (fossils) oo muujinayaan in noocyo badan oo nolayaal ah oo hore u jiray ay muddo ka dib isu beddeleen noocyo cusub.

  2. Isku ekaanshaha qaab-dhismeedka jidhka (morphology): Noocyada maanta kala duwani waxay leeyihiin qaab-dhismeedyo u dhow kuwo hore, taas oo muujinaysa in ay ka soo farcameen noolayaal hore.

  3. Deraasadaha deegaanka (ecology) oo sharraxaya sida deegaanka iyo tartanku u saameeyaan horumarka iyo la-qabsiga noolaha, gaar ahaan sidii noocyadu u heli lahaayeen kheyraadka ay u baahan yihiin.

  4. Hidde-sidayaasha (DNA) oo ah caddeynta ugu xooggan ee casriga. Tusaale ahaan, hiddo-sidaha aadanaha iyo daanyeerka loo yaqaan “Chimpanzee” ayaa ku kala duwan oo kaliya 1–2%, taas oo muujinaysa in labada nooc ay ka soo farcameen noole aad isugu dhow.

Marka dhammaan caddaymahan la isku daro, aragtida tadawurku waxay bixinaysaa sharraxaad qoto dheer oo ku saabsan sababta ay nooluhu u kala duwan yihiin, sida ay isugu xidhan yihiin, iyo sida la-qabsiga deegaanka iyo tartanka dabiiciga ahi u dhisaan muuqaalka nolosha.

Aragtida Abuurka ee Islaamka

Dhinaca diinta Islaamka, abuuridda adduunka iyo aadanaha waxa lagu arkaa aragti ka duwan tan sayniska casriga ah ee tadawurka. Islaamku waxa uu ku adkaysataa in Ilaahay kaliya uu yahay Abuuraha Sare ee wax walba, oo aanay waxba ku dhicin si shil ah ama ujeeddo la’aan ah. Quraanka Kariimka ah iyo axaadiista Nebiga ayaa si cad u muujinaya in abuurista nolosha iyo adduunku ay tahay hawl toos uga timid Ilaahay, iyadoo la raacayo qorshe iyo nidaam rabbaani ah. Quraanka Kariimka ah ayaa soo bandhigay in Aadan, oo ah aabaha bani’aadamka, laga abuuray ciid ama dhoobo. Tusaale ahaan, Suuradda al-Ancaam waxaa ku jirta aayad odhanaysa:

هُوَ الَّذِي خَلَقَكُمْ مِن طِينٍ

“Isagu waa kan idinka abuuray ciid/dhoobo.”

Aayaddani waxay muujinaysaa in asal ahaan aadanaha laga sameeyay ciidda dhulka, taas oo ah bilowgii nolosha bini’aadamka. Sidoo kale, axaadiista Nebiga ayaa caddeynaya in abuurista Aadan ay ahayd mid toos uga timid dhanka Ilaahay. Tusaale ahaan, xadiis ka mid ah kuwii u wariyey Abu Muusa al-Ashcari waxa uu tilmaamayaa in ciidda Aadam laga keenay ay ka koobnayd dhammaan dhulka dunida, taas oo sharraxaysa kala duwanaanshaha muuqaalka, midabka, iyo xitaa akhlaaqda bani’aadamka. Sidaa darteed, waxa uu islaamku qabaa in kala duwanaanshuhu yahay qayb ka mid ah qorshaha Ilaahay, ee aanu ahayn shil ama dhacdo aan la filayn.

Islaamku wuxuu sidoo kale sharraxayaa in Eebbe si nidaamsan oo qorshaysan u abuuray sammada iyo dhulka. Aayad kale oo Qur’aan ah—Suuradda al-Acraaf, ayaa odhanaysa:

إِنَّ رَبَّكُمُ اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ فِي سِتَّةِ أَيَّامٍ

“Rabbigiinnu waa Alle, kan abuuray samada iyo dhulka lix maalmood gudahood.”

Fasiraadda culimada Islaamka ee erayga “maalin” ayaa ah mid ballaadhan; waxay u qaataan in “maalin” aanay ahayn 24-saac oo keliya, balse ay tilmaami karto waqtiyo dheer oo loogu talagalay marxaladaha kala duwan ee abuuridda adduunka. Sidaas darteed, lixda maalmood ee abuurka adduunka waxaa laga fahmi karaa inay yihiin lix marxaladood oo qorshaysan oo muddo dheer socday, taas oo islaamku qeexay in ay tahay abuur rabbi ee aanay ahayn wax la iska dhaxlay ama isbeddel ku yimi.

Haddaba, Islaamku si cad ayuu u diidayaa fekradaha kale oo sheegaya in noloshu ay ka dhalatay shilal dabiici ah ama ujeeddo la’aan. Sidaas darteed, aragtida abuurka ee Islaamku waxay ku salaysan tahay awoodda Rabbaaniga ah ee Ilaahay, iyadoo nolosha bini’aadamka loo arko mid leh ujeeddo, qiime, iyo qorshe cad oo ka yimid Abuuraha Sare. Halkaas waxa laga soo saari karaa in Islaamku uu nolosha iyo abuurka u arko hab qorshaysan oo macno leh, halka aragtiyada sayniska qaarkood ay ku salaysan yihiin isbeddel iyo shilal dabiici ah.

Sidaas kolka ay tahay Islaamku wuxuu sharraxayada in abuurka iyo kala duwanaanshuhu ay yihiin natiijo toos ah oo ka timid awood Ilaahay, iyada oo dulucdu tahay in adduunka lagu xukumo nidaam, qorshe, iyo tixgelin ruuxi ah oo ka muuqata abuurista aadanaha, noolaha kale, iyo deegaanka guud.

Isbarbardhigga Aragtida Tadawurka iyo Aragtida Abuurka

Inkaste oo aragtida tadawurka iyo aragtida abuurka ee Islaamka ay labaduba ka jawaabayaan su’aal muhiim ah oo ah “sidee bay noloshu ku bilaabatay?”, haddana labada fahan waxay u taagan yihiin laba jid oo aad u kala fog. Diinta Islaamka waxaa saldhig u ah in Aadan uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee jiray, isla markaana Alle si toos ah oo awood Rabbaani ku dhisan u abuuray, sida uu Qur’aanku caddeeyay. Taas beddelkeeda, aragtida tadawurka waxay ku doodaysaa in aadanuhu uu ka soo farcamay makhluuqyo hore u noolaa, iyada oo astaamaha waxtarka leh lagu gudbiyo jiilba jiil, taas oo muujinaysa xidhiidh dhow oo dadka, daanyeerka casriga ah iyo nooleyaal hore u jiray uu ka dhexeeyo.

Si kastaba ha ahaatee, arrintu ma aha in labada dhinac gebi ahaanba ay iskaga hor imanayaan meel walba. In badan oo ka mid ah saynisyahannada iyo culimada Muslimiintu waxay qirayaan in noloshu ku soo bilaabantay deegaan biyo leh, isla markaana noocyo badan oo hore ay lahaayeen xidhiidh muuqda. Sidoo kale, saynisku wuxuu muujiyey in bilowga sammada iyo dhulku uu ahaa xaalad aan nidaam lahayn, taas oo la jaanqaadaysa tilmaamaha Qur’aanka ee ka hadlaya marxaladdii hore ee koonka. Culimo badan ayaa arrintan u fasiray sida in Qur’aanku ka hadlayo xaqiiqo ruuxi ah oo sare, halka saynisku sharraxayo sida ay wax u dhacaan marka la eego cabbirka iyo muuqaalka dabiiciga ah; taas oo micnaheedu yahay in labada dhinac aanay si toos ah isku burinayn.

Hase yeeshee, halka ugu weyn ee ay labada aragti isku diidan yihiin waa ujeeddada nolosha. Aragtida Islaamku waxa ay ku dhisan tahay in abuur kastaa uu leeyahay qorshe, xikmad iyo ujeeddo uu Alle u dajiyey. Nolosha looma arko inay ka dhalatay meel madhan, fursad ama tartan aan lahayn cid maamusha. Sida uu qabo Dr. Haatim Al-Xaj, oo tilmaamay in nidaam ku salaysan fursad iyo isbeddel aan hagitaan lahayn aanu keeni karin nolol leh yool iyo sharaf. Wuxuu yidhi: “Sidee nidaam ku dhisan isbedbedel iyo fursad u noqon karaa mid leh hagitaan iyo ujeedo? Annagu waxaan ognahay in aan nahay faracii Aadan, oo Alle gacantiisa ku abuuray.”

Hadalkaas Haatim wuxuu muujinayaa qodobka ugu weyn ee Islaamku difaacayo: nolosha bani’aadamka iyo kala duwanaanshihiisu waa qayb ka mid ah qorshe Rabbaani ah oo cad, kaas oo ka duwan fekerka Daarwin ee ku salaysan isbeddel dabiici ah iyo tartan aan lahayn ujeeddo ruuxi ah.

Doodaha Casriga ah iyo Aragtiyahooda

Doodda u dhaxaysa taageerayaasha aragtida tadawurka iyo kuwa aaminsan abuurka, sida uu Islaamku u fasiray waa mid muddo dheer taagnayd, balse maanta ka sii iftiin badan sidii hore. Waxay taabanaysaa saddex meelood oo waaweyn: falsafadda, cilmiga sayniska, iyo fahamka diinta.

1. Dhinaca Falsafadda: Islaamka iyo su’aasha ujeeddada nolosha

Qaar ka mid ah falaasifadda Muslimiinta ah ee casriga ahi waxay ku doodayeen in haddii aragtida tadawurka loo fahmo si “Ilaahay-hagayo” (theistic evolution), ay la jaanqaadi karto tawxiidka, taas oo micnaheedu yahay in Alle uu oggol yahay nidaamka dabiiciga ahi inuu shaqeeyo, balse isaga ayaa hagaya. Hase ahaatee, culimo badan oo qaddiimi ah iyo qaar badan oo casri ahiba waxay ku adkaysteen in fekradda “socod aan ujeeddo lahayn” ay si dhab ah uga hor imanayso aqoonta Islaamka, oo ku dhisan in abuur kasta ujeeddo leeyahay. Tusaale ahaan, IslamOnline waxay ka digtay in falsafadda maadiga ah (materialism) oo sheegaysa in wax walba ay maaddo oo keliya yihiin ay dhaawacayso fahamka Muslimiinta, maaddaama ay meesha ka saaraysa doorka Ilaahay ee abuurista. Waxay u aragtaa maadiga mid ka fogeynaysa qofka runta Qur’aanka oo sheegaysa abuur toos ah, qorshe, iyo xikmad. Sidoo kale diimaha kale ee waaweyn sida Kiristaanka iyo Yuhuudda, ayaa arrintan la mid ah, iyagoo wada aaminsan in noloshu leedahay abuur Ilaahay oo ka sarreeya awoodaha dabiiciga ah oo keliya.

2. Dhinaca Cilmiga Sayniska ah: Caddeymo Saynis oo Isdaba Joog ah

Cilmi-baadhayaasha tadawurka waxay tilmaamaan in:

  1. Lafihii hore ay muujinayaan nooleyaal isku xidhan oo isbeddel ku socday.

  2. DNA-ga noocyada kala duwan ay muujiyaan isku dhowaan la fahmi karo.

  3. In kala duwanaanshaha juqraafigu taageerayaan fikradda ah in noocyo badan ay isku farac yihiin.

Arrintan, iyaga oo kaashanaya xogaha Bititaanika iyo hay’adaha kale ee sayniska, waxa ay u arkaan caddeyn xooggan oo muujinaysa in nooleyaashu xidhiidh leeyihiin. Dhanka kale, kuwa difaaca aragtida abuurka, gaar ahaan culimada Muslimiintu, waxay ku doodaan in weli aan la hayn “Lafo dhexe” oo caddeyn kara in noole gaar ahi tartiib ugu beddelmay mid kale. Sidoo kale waxay ku adkaystaan in nidaamka adag ee noolaha (sida unugga bini’aadamka ama qaab-dhismeedka indhuhu) uu xambaarsan yahay naqshad muuqata oo ka baxsan “isku dhac dabiici ah”.

3. Dhinaca Diinta

Islaamku wuxuu si cad u qeexayaa in:

  1. Aadan uu ahaa abuur toos ah oo Alle gacmihiisa ku sameeyay.

  2. Abuurka noloshu uu leeyahay ujeeddo Ilaahay dejiyey.

  3. Samada iyo dhulka loo abuuray si qorsheysan oo marxalado leh.

Machadyada cilmiyeed ee Muslimiinta qaarkood, sida Yaqeen Institute, waxay ku doodeen in mar kasta oo sayniska casriga ahi ogaado sida nidaam nololeedku u adag yahay, ay sii muuqanayso in ay jiraan isku-duwid iyo qorshe qarsoon oo muujinaya Garasho Sare.

Gunaanad

Labada aragtiyood ee kala ah tadawurka iyo abuurka Islaamka waxay leeyihiin meel ay ku kulmaan iyo meel ay si weyn ugu kala fog yihiin. Inta badan, waxa la og yahay in labada dhinac ay oggol yihiin in noloshu leedahay bilow iyo horumar, isla markaana uu jiro nidaam isku xidhan oo dunida ka jira oo lagu sharxi karo hab cilmiyeed. Laakiin marka la gaadho su’aalaha waaweyn ee ku saabsan asalka bini’aadamka, ujeeddada nolosha, iyo habka isbeddelka, labaduba si dhab ah ayay ugu kala tagayaan. Khilaafka ugu culusi wuxuu ka taagan yahay asalka Aadan, halkaas oo aragtida abuurku ku adkaysato in bini’aadamka Ilaahay si toos ah u abuuray, halka aragtida tadawurku ay tilmaamayso in uu ka soo baxay isbeddello taxane ah oo soo maray jiilal badan.

Su’aasha ku xigta waa ujeeddada nolosha: Diintu waxay ku dooddaa in noloshu leedahay qorshe iyo xikmad Rabbaani ah, halka saynisku uu u arko inay tahay natiijo tartan dabiici ah iyo la-qabsasho dhanka deegaanka ah. Sidaas oo kale, marka la eego habka ay noloshu ku samaysanto, aragtida tadawurku waxay ku tilmaantaa inay tahay geeddi-socod aan hagid lahayn oo ku salaysan kala doorashada dabiiciga ah, halka aragtida abuurku ay qirayso inuu jiro naqshad iyo talo sare oo qorshaysan.

Ugu danbeyntii, inkasta oo ay dooddu u muuqato mid murugsan, haddana dhinac kasta waxa uu leeyahay ujeedo cad: sayniska wuxuu isku dayayaa inuu sharraxo sida ay noloshu u dhacday, halka diintu ay sharraxayso sababta ay noloshu u timid. Falsafaddu waxay isku dayaysaa inay labadaas dhinac isu keento, iyadoo raadineysa meel ay ku kulmaan fahamka ujeeddada iyo caddaymaha la taaban karo ee sayniska. Sidaa darteed, faham buuxa oo ku saabsan asalka nolosha waxaa lagu gaadhi karaa marka la isu eego labadan weji ee kala duwan, mid sharraxaya geeddi-socodka, halka midna sharraxayo ujeeddada sare ee ka dambaysa.

Tags
Islaam

Qoraallada kale ee qoraaga