Skip to main content

Monday 7 September 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Aragtida Mahdinimada iyo Siyaasadaynta Diimaha

17 August, 2026
Image
Aragtida Mahdinimada iyo Siyaasadaynta Diimaha
Share

Diimaha Hinduusiyadda, Saraadashtiyada, Yahuudiyadda, Buudiyadda, Taawiyada, Kirishtaanka, Islaamka, Duruusta, Bahaa’iyada iyo kuwo kaleba heerar kala geddisan waxay ka siman yihiin saadaalinta in aakhiru-sebenka uu kheyrku ka guulaysanayo sharka, adduunyaduna ay dhammaanayso.

Xilliyada adag ee colaadaha, caddaaladdarrada bulsho, cudurrada, abaaraha, iyo saboolnimadu ay dunida ku baahaan, dadku had iyo jeer waxay jeclaystaan in la helo wadiiqo looga baxo dhibaatada. Diimaha oo idilna dadka waxay u ballanqaadaan in marka xaalku uu sidaas u xumaado, uu Eebbe soo dirayo ruux dunida badbaadin doona (=nebi, weli, faras cad[i], ilaah yar), oo caddaalad, nabad iyo barwaaqo ka buuxin doona. Adduunyada waxaa laga ciribtirayaa -oo la waayayaa- denbi, shar, xanuun iyo xumaan oo dhan. Marka ay taasi dhacdana, dadka ifka ku nool oo dhammi waxay qaadanayaan diinta keliya ee runta ah, waxayna hoos harsanayaan hal calan oo qura. Jeerkaas wixii ka danbeeya adduunyadu gebi ahaanba way dhammaanaysaa ama weji cusub oo hor leh bay yeelanaysaa -sida aqal la dumiyey oo booskiisa mid cusub laga dhisayo.

Erayga Mahdi macnihiisu waa ‘kan hanuunsan ee wax haga.’ Aragtida Mahdiguna waa fikrad sheegaysa in la rumeeyo ruux barakaysan oo aakhirusebenka uu Alle soo diri doono, si uu dunida ugu cammiro caddaalad, sinnaan iyo nabad ka dib markii laga buuxiyey dulmi iyo gaboodfal. Sida wararka mawduucaan la xiriiraa ay xusayaan, Mahdigu wuxuu soo bixi doonaa xilli qalalaase ba’ani uu dunida ka taagan yahay, oo Masiix beenaale ahi uu fasahaadiyey, wuxuuna midayn doonaa Muslimiinta oo dhan, caddaaladda iyo hawlaha kale ee wanaagsan ee uu qabanayaana waxay u gogolxaarayaan soo degidda Nebi Ciise.

Nebi Ciise -oo sida la sheego- carriga Shaam ku soo degi doona, marka uu yimaado waxa uu la kulmayaa Mahdiga iyo Muslimiinta uu hoggaamiyo, kolka waqtiga salaadda la gaarana Mahdigu nebi Ciise ayuu ka codsanayaa in uu salaadda tujiyo oo uu imaam u noqdo. Hase ahaatee, Nebi Ciise arrinkaas waa ka cudaddaaranayaa, isaga oo sheegaya in Mahdigu uu yahay kan ka mudan xilka imaamnimada. Arrinkaas oo tusinaya fadliga Nebi Maxamed iyo ummaddiisu ay ummadaha kale iyo nebiyadooda dheer yihiin.

Tukashada ka dib, hoggaanka waxaa la wareegaya Nebi Ciise oo calaamad u ah in casrigii fidnooyinku uu dhammaaday, oo la gaaray goortii ifka caddaalad lagu cammiri lahaa. Nebi Ciise waxa uu dilayaa Dajaalka iyo doofaarka (=culumada qaarkood dilidda doofaarka waxay ku macneeyeen dilidda Yahuudda), wuxuuna burburinayaa macatabka (=diinta Kirishtaanka), wuxuuna joojinayaa qaadidda jisyada (=canshuurta laga qaado qofka isaga oo aan Muslim ahayn ku nool dhul ay Muslimiin xukumaan), shareecada islaamkana wuxuu ku faafinayaa arlada oo idil, meel kastana kheyr iyo barwaaqo ayaa la durduuranayaa. Intaa wixii ka gadaaleeya waxaa la galayaa adduunyo-gaddoon.

Wararka ka hadla nebi Ciise iyo Mahdiga qaarkood waxay u sawiraan sida in ay hal qof iksu yihiin, halka kuwo kale ay ka dhigaan labo ruux oo kala madaxbannaan. Nebi Ciisana waxaa loo muujiyaa sida in uu qaadanayo diinta Islaamka, uuna tirtirayo wax walba oo diinta Kirishtaanku ay uga duwan tahay tan Islaamka. Ismaandhaaf xoog leh baana u dhaxeeya Muslimiinta rumaysan in Ciise uu ahaa nebi, kolka uu soo laabtana uu shareecada islaamka wax ku xukumi doono, iyo dadka haysta diinta Kirishtaanka ee qaba in Ciise uu ina Ilaah yahay, uuna soo laabanayo isaga oo ina ilaah ah (=Akhristow, dadka haysta diinta Kirishtaanku waxay aamminsan yihiin in Ciise uu ahaa wiil Ilaah dhalay. Sidaas awgeedna, kolkii Roomanku dileen uu saddax maalmood ka dib geeridii ka toosay, oo cirka la geeyey, halkaas oo uu aabbihiis kula caweeyo. Dhanka kale, walow ay jiraan Muslimiin rumaysan in nebi Ciise uu dhintay, arrinkaasna quraan u daliishanaya, haddana muslimiinta badankoodu waxay qabaan in Nebi Ciise aan la dilin ee samada loo qaaday. Kirishtaanka iyo Muslimiinta badankooduna waxay ka siman yihiin in aakhirusebanka uu Ciise dhulka u soo degi doono si adduunyada caddaalad iyo nabad buuxda loogu cammiro).

Arrinka Mahdigu waxa uu ka mid yahay waxyaalaha dhacaya aakhirusebenka ee hordhaca u ah qiyaamaha iyo ummuuraha aakhiro. Taa awgeed, marka caqiidada laga hadlayo Mahdigu waxa uu soo hoos galaa qodobka calaamadaha aakhiro (=eschatology). Fikradda Mahdiga -ama badbaadiyuhu- waa mid si weyn ugu baahsan dunida oo idil, muslimiinta Shiicaduna ay aad u aamminsan yihiin, kuwa Sunnada qudhooduna ay qabaan, walow aysan ugu xoog badnayn sida Shiicada oo kale.

Firqooyinka Muslimiintu u kala baxaan midda keliya ee la hubo in ilaa xad ay diiddo fikradda mahdiga waa firqada ‘Ibaadiyada /الإباضية’, oo xooggoodu uu ka jiro dalka Saldanadda Cumaan. Firqadaan oo lagu tiriyo in ay ka soo farcantay firqadii Khawaarijta, sababta ay u diidaan fikradda badbaadiyaha ama Mahdigu waa in ay rumaysan yihiin in dadku dulmiga kartidooda ku suuliyaan, oo xumaha af iyo addin looga hortago, sidaas darteedna aysan u baahnayn badbaadiye la mala’awaalay oo meel kale laga sugo. Khawaarijtu waxay ahaayeen dhaqdhaqaaq tawri ah oo rumaysan in Muslimiintu ay xuquuqda iyo waajibaadka u siman yihiin, iyo in caddaaladda af iyo addin labadaba lagu difaaco. Waxay ahaayeen kuwa ugu caddaalad iyo diin jecel dhammaan dhaqdhaqaaqyadii dunida Islaamka soo maray, laakiin waxaa looga kala yaacay qallafsanaan, gacanqaad iyo xoog wax ku maquunin.

Quraanka kariimku kama uu hadlin mas’alada Mahdiga, laakiin waxaa ka warrama buugta Xadiiska qaarkood iyo dhigaallo kale oo badan. Qoraagii Masriga ahaa ee Axmed Amiin (1886-1954) waxa uu yiri: Wanaagga Bukhaari iyo Muslim waxaa ka mid ah in ay ka fogaadeen xusidda axaadiista ka hadla ummuuraha Mahdiga ee buugta kale ee Xadiisku ay xusaan. Bulsho baarihii Ibnu Khalduun (1332-1406), isna waxa uu sheegay in dhammaan axaadiista Mahdiga ka hadla uusan ku jirin mid qura oo la daliishan karo (=waa haddii aan laga eegin dhanka sanadka oo keliya ee sidoo kale laga eego dhanka macnaha ama farriinta uu xanbaarsan yahay, iyada oo caqliga lala kaashanayo).

Axaadiista faraha badan ee mawduuca Mahdiga ka hadla waxaa ka mid ah mid oranaya sida soo socota:

Saxaabada nebiga qaarkood waxay wariyeen in maalin maalmaha ka mid ah iyaga oo la jooga nebiga (scw) ay wejigiisa ka dheehdeen murugo, dabadeedna ay ku yiraahdeen: Nebigii Allow wejigaaga waxaa nooga muuqda wax na dhibaya ee maxaa jira?

Nebiguna wuxuu ugu jawaabay: “Annagu haddaan Ahlubeyt nahay Alle aakhiro ayuu adduunka nooga doortay, qoyskaygu gadaashay waxay la kulmi doonaan belo, barakicin iyo cayrin, jeer ay Bariga ka soo baxaan duul calammo madow sita, waxay weydiisanayaan xaqa waase loo diidayaa, way dagaallamayaan waana guulaysanayaan, markaas baa la siinayaa wixii ay weydiisteen, mana aqbalayaan ilaa ay ku wareejiyaan nin qoyskayga ka mid ah, markaas buu caddaalad uga buuxinayaa si la mid ah sidii ay jawrka uga buuxiyeen, ruuxii idinka mid ah ee lagu simo in uu sebankaas gaaro duulkaas ha ku biiro xitaa haddii ay tahay inuu baraf ku dul gurguurto, maxaa yeelay kaasi waa Mahdiga /إنا أهل البيت اختار الله لنا الآخرة على الدنيا، إن أهل بيتي سيلقون بعدي بلاء وتشريدا وتطريدا، حتى يأتي قوم من قبل المشرق معهم رايات سود، يسألون الحق فلا يعطونه، فيقاتلون فينتصرون، فيعطون ما سألوا، ولا يقبلونها حتى يدفعوها إلى رجل من أهل بيتي فيملؤها قسطا، كما ملؤوها جورا، من أدرك ذلك منكم فليأتهم ولو حبوا على الثلج، فإنه المهدي”.

Waxyaalaha maanka Muslimiinta dhaawacay ee dibudhaca u geystay waxaa ka mid ah axadiista (=wararka) macmalka ah ee la iska rumaysto. Mar kasta oo semenkii nebiga laga soo durko waxaa bata wararka been-abuurka ah ee nebiga lagu maxaabsado ee Musliinta diinta looga dhigo. Saxaabadii waaweynaa ee nebiga ugu dhawaa sida Abuubakar, Cumar, Cusmaan iyo Cali waxay ka wariyaan axaadiis aad u tiro yar oo fara ku tiris ah. Halka kuwo goor danbe bartay sida Abuu Hureyra ama xataa carruur ahaa sida Cabdullaahi ibn Cabbaas ay ka wariyaan axaadiis aad u tiro badan. Waxaana xusid mudan in saxaabada nebiga iyo taabiciintii ugu horreeyey aysan isku hawl jirin wararka nebiga laga sheego ee aan quraanka ahayn. Taana waxaa ugu wacan in nebiga qudhiisu uu ka mamnuucay in ay ku mashquulaan wax aan quraanka ka ahayn, oo uu ka reebay qoridda wararka ka baxsan quraanka kariimka.

Waxaana la wariyaa in Abuu Xaniifa oo ahaa kan u filweyn afarta nin ee loogu abtiriyo madaahibta fiqiga ee ugu caansan Muslimiinta Sunnada dhexdooda, uu caqliga ka hormarin jirey axaadiisa aan mutawaatirka ahayn -ama aan dadka badan warin- ee nebiga loo tiiriyo. Anas bin Maalik oo ka mid ah dadkii ugu horreeyey ee isku daya in ay aruuriyaan axaadista nebiguna waxa uu aruuriyey axaadiis tiradoodu aysan dhowr boqol ka badnayn. Axmed bin Xanbal isna tirada axaadiista nebiga waxa uu gaarsiiyey afartan kun oo xadiis. Hase ahaatee, Bukhaari -oo hilaaddii labo boqol oo sano ay nebiga u dhaxaysay- baa sheegay inuu aruuriyey axaadiis tiradoodu ay ka badan tahay lix boqol iyo konton kun oo xadiis, balse markii uu kala shaandheeyey ay u soo baxday in kuwa sida saxda ah nebiga loogu tiirin karaa aysan ka badnayn lix kun oo xadiis. Lix boqol iyo konton kun oo xadiis baa waxaa laga soo reebay wax ka yar lix kun, oo weli si joogto ah loo sii kala saafo, oo marba xayn la xooro. Axaadiista badan ee been-abuurka ah ee nebiga carrabka loogu tiro waxay ka qaybqaateen in maanka Muslimiinta quful weyn lagu xiro, oo lagu harawsado warar ay rag sameeyeen nebiga oo muddo dheer mootan. Axaadiista ka hadla Mahdiguna waxay ka mid yihiin kuwaas gadaal laga sameeyey ee maanka dadka lagu addoonsaday.

Taariikhda islaamka, fikradda mahdigu waxay ahayd mid si weyn loollanka siyaasadda loogu adeegsaday. Xukuumadaha waxay u ahayd xeelad xukunka lagu xajisto; inta badanse mucaaradka ayaa ka dhigan jirey hub ay maamullada talada haya xukunka uga tuuraan. Waxaana la sheegaa in Mucaawiye bin abii Sufyaan -oo ahaa ninka aasaasay dowladdii Ummadidu- uu yahay siyaasigii ugu horreeyey ee adeegsaday fikradda mahdinimada, isaga oo falkiyey xaddiis nebiga carrabka loogu tiray oo sheegaya in nebigu (scw) uu Mucaawiyey Alle uga baryey inuu ka dhigo mid hanuunsan, dadkana hanuuniya, oo waxay ku been-hawaaseen in nebigu uu yiri: “اللهم اجعله هاديا مهديا واهد به”.

Abuu Jacfar al-Mansuur oo ahaa boqorkii labaad ee dowladdii Cabbaasida, laguna tilmaamo in uu yahay ninka boqortooyadaas dhidibbada u aasay, isaguna wiilkii uu dhalay ee Maxamed bin Cabdullaahi oo ahaa dhaxalsugaha ayuu wuxuu u bixiyey naynaasta ‘al-Mahdi’ isaga oo quuddaraynaya in magacaasi uu qalbiga dadweynaha gacalo ugu beeri doono, isla markaana ka faa’iideysanaya isu ekaanta magaca inanka uu dhalay iyo magaca nebiga. Maxaa yeelay, waxaa jira warar sheega in Mahdigu uu nebiga uga egyahay magaca, muuqaalka iyo inuu ku qolo yahay. Waxaana la wariyey in Mansuur uu maalin nin ay jaal ahaayeen ku yiri: “Ilaah baan ku dhaartaye waan ogahay in wiilkaani uusan Mahdi ahayn, balse magaca waxaan ugu bixiyey gacalo aan u qabo iyo wanaag aan la jeclahay darteed.”

Dhacdooyinka caanka ah ee taariikhda Muslimiinta lagu xusay waxaa ka mid ah goob dagaal oo ay isaga horyimaadeen labo ciidan oo mid waliba uu difaacayo danaha nin Mahdi sheeganaya. Qisada dhacdadaas ka warrantay waxay leedahay sidatan:

Almansuur ibn Abii Caamir (938-1002 miilaadiga) waxa uu ahaa hoggaamiyaha ciidankii dowladdii Ummawida ee Andalus. Laakiin ugu danbayntii, waxa uu la wareegay xukunka dowladdii ummawida, isaga oo casilay wiilkii dhaxalka boqornimada sugayey. Almansuur markii uu dhintay waxaa boqornimada ka dhaxlay wiil uu dhalay oo la oran jirey Cabdiraxmaan, oo la baxay naynaasta ‘al-Mahdi’, balse waxaa mucaaraday oo diidmo iyo dagaal kala horyimid nin ka tirsan qoyskii Ummawida oo lagu magacaabi jirey Muxamed bin Hishaam, laakiin sidoo kale sitay naynaasta ‘al-Mahdi’. Halkaasna waxaa isku hardiyey labo ciidan oo mid kastaa uu u dagaallamayo nin Mahdi sheeganaya.

Hayeeshee, Muslimiinta qofkii ugu horreeyey ee si bareer ah ruux Mahdi ugu tilmaama -isaga oo dano siyaasadeed ka leh - waxaa uu ahaa Mukhtaar bin Abii Cubeyd al-Thaqafi (622-687). Mukhtaar noloshiisa qaybteedii danbe wuxuu hoggaamiye u ahaa koox Shiico ah oo lagu magacaabi jirey ‘Keysaaniya,’ wuxuuna ku andacooday in wiil uu dhalay Cali bin Abii Daalib oo la oran jirey Maxamed bin Cali, asii ku magac dheeraa Maxamed ibn Xanafiya uu yahay Mahdiga axaadiista lagu sheegay. Waxa uu ku dooday in Maxamed ibn Xanafiya uusan dhiman, uuna yahay Mahdi. Waxa uu ku dooday in Maxamed iyo taageerayaashiisii la sheegay in isku goobta lagu dilay ay weli noolyihiin, oo ay ku sugan yihiin buurta Radwa oo ku taal meel aan ka fogayn magaalada Madiina al-Munawara. Buurta hoosteedana ay ku haystaan labo il oo mid biyo ka burqadaan tan kalena malab; uuna soo laaban doono si uu dunida caddaalad uga buuxiyo. Wixii waagaas ka danbeeyeyna Muslimiinta -siiba Shiicada- waxaa ku dhex baahay adeegsiga fikradda ‘Mahdiga la sugayo /المهدي المنتظر’.

Wadaaddada Sunnada iyo kuwa Shiicadu waa ku kala aragti duwan yihiin Mukhtaar al-Taqafi, oo Shiicadu waxay u arkaan in uu ahaa halgamaa xaq u dirir ah, halka kuwa Sunnadu ay u arkaan inuu ahaa beenaale qar-iskaxoor ah, oo madaxnimo ay madax martay.

Guud ahaan, muslimiinta Sunnada iyo kuwa Shiicadu waa ku kala aragti duwan yihiin dabeecadda Mahdiga. Sunnadu waxay qabaan in Mahdigu uu noqonaya mu’min suubban, oo nebiga dhalasho iyo magac la wadaaga, kaas oo Eebbe u gartay inuu noqdo kan aakhirusebenka aadanaha hanuunin doona, adduunyadana islaaxin doona. Halka Shiicadu ay ka rumaysan yihiin in Mahdigu uu yahay hoggaamiye taariikhi ah oo noolaa qarnigii sagaalaad ee miilaadiga, welina meel ku dhuumanaya, soona bixi doona aakhirusebenka si uu u guto xilkaas culus ee hanuuninta. Shiicadu waxa ay garanayaan ruuxa uu yahay Mahdigu iyo taariikhdiisa, halka Sunnadu aysan ummuuraha Mahdiga wax badan kala socon.

Afkaarta Shiicadu ay ka haystaan Mahdiga badankeeda waxaa laga dhaxlay wadaad reer Ciraaq ahaa oo xagjirno ku caanbaxay, oo la oran jirey Shiikh Maxamed bin Nucmaan al-Mufiid (948-1022 C.D.), kaas oo sheegay in xogta Mahdiga ku saabsan uu ka helay Mahdiga qudhiisa. Dalalka Ciraaq, Iiraan, Lubnaan iyo meelo kaleba waxaa ka jira dhaqdhaqaaaqyo badan oo mid waliba uu ku andacoodo in ninka ururkooda aasaasay uu ceelalyo u yahay soo bixidda Mahdiga la sugayo. Waa ururro aamminsan in aakhiruseben lagu jiro, mar dhawna uu Mahdigu soo bixi doono.

Bishii Maajo ee sannadkii 2017, waraysi uu bixiyey Maxamed bin Salmaan wuxuu ku andacooday in isaga iyo Iiraan aysan heshiin karin, sababtana wuxuu ku sheegay in Iiraanidu ay ku hawllan yihiin u gogolxaaridda sidii Mahdigu u soo bixi lahaa: “Sidee baan isu fahmi karnaa nidaam sugaya in Mahdi soo baxo?” Maxamed bin Salmaan si gaar ah wuxuu u tilmaamayaa caqiidada Shiicada badankoodu ay rumaysan yihiin ee ah in imaamkii 12aad ee Shiicada, oo lagu magacaabo Maxamed Ibnu Xasan al-Caskari, kaasoo -sida ay rumaysan yihiin- qarnigii sagaalaad dhuuntay uu yahay Mahdiga dhabta ah ee la sugayo, uuna maalin soo bixi doono si uu dhulka caddaalad ugu cammimo.

Maxamed ibn Xasan al-Caskari oo lagu naynaaso ‘Saaxib al-Samaan /صاحب الزمان’, Shiicada Imaamiyaduna ay ku sheegaan in uu yahay Mahdiga la sugayo, waa wiil aan dhalan, balse la mala’awaalay in uu si mucjiso ah habeen gudihiis ku uurgalay kuna dhashay, dabadeedna uu isla habeenkaas dhuuntay, uuna soo bixi doono aakhirusebenka. Waa wiil habeen qura gudihiis hooyadiis la guursaday, uur galay, dhashay, oo haddana dhuuntay. Arrinkaan oo ka maragkacaya sida dadku ugu nugul yihiin rumaynta khuraafaadka marka maro diimeed la huwiyo.

Hase ahaatee, eedda Maxamed bin Salmaan uu sida gaarka ah Shiicada ugu eedeeyey ma aha mid sax wada ah, waayo rumaynta Mahdinimadu ma aha arrin Shiicada ku gaar ah. Sida dad badani ay ka warqabaan sannadkii 1979, waxa uu ahaa sannad ay dhacdooyin waaweyni dunida ka dhaceen. Dhacdooyinka sannadkaas dhacay waxaa ka mid ah dhacdadii Juhaymaan al-Cuteybi iyo saaxiibbadi ay Xaramka Maka ku qabsadeen. Doodda wadaaddada xaramka qabsaday waxay ku salaysnayd in uu soo baxay Mahdigii la sugayey. Ninka ay Mahdiga ku sheegeenna wuxuu ahaa Maxamed bin Cabdullaahi al-Qaxdaani oo ay Juheymaan xidid ahaayeen. Raggaan xaramka qabsaday ma ahayn Shiico, ee waxay ahaayeen Wahaabiyo isu arka in ay yihiin kuwa dhab ahaan salafiyada saxda ah u metalaya, ururkoodana waxay u bixiyeen magaca ‘Salafiyada Alle Ajarka Ka Sugta /الجماعة السلفية المحتسبة’. Juheymaan Cuteybi awowgiisna wuxuu ka mid ahaa wadaaddadii wahaabiyada ee loo yaqiin ‘Walaalaha Alle Addeecay /إخوان من أطاع الله’ ee Boqor Cabdicasiis ka dhigtay askarta uu Sacuudiga ku qabsaday, markii danbana uu xasuuqay.

Guud ahaan, wararka Mahdiga ku saabsan waxaa isku si u adeegsada ururrada xagjirka ah Shiico iyo Sunno midka ay doonaan ha ahaadeene. Muddo dheer dunida islaamka waxaa xukumay boqorro kelitaliyeyaal ah oo hannaanka xukunkoodu uu ku dhisnaa adeegsiga dahab iyo seef. Dahab iyo seefna caddaalad ma keenaan. Sidaas darteed, Muslimiintii dulmiga tirsanayey waxay u nuglaayeen -welina u nugul yihiin- rumaynta sheekoxariirta Mahdiga la sugayo in uu ifka caddaalad ka buuxin doono.

Si kastaba ha ahaatee, fikradda mahdinimadu waxay ka mid tahay meelaha laga dheehan karo sida ay u fududdahay in diinta lagu danaysto, oo dano dhaqandhaqaale iyo kuwo kale oo adduunyo loogu adeegsado. Rumaynta Mahdinimadu rag badan waxay u suurogelisay in ay Mahdinimo sheegtaan, oo ay abuuraan ururro magacyo diini ah sita, laakiin ujeeddooyin siyaasadeed xanbaarsan. Sheegashada Mahdinimadu Islaamka diinta ah bay waxay u rogtaa dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo kuwa ka soo horjeeda ku shaabbadeeya in ay yihiin dhagarqabayaal loo baahanyahay in lagu jihaado.

Sannadkii 1884, markii Sayid Jamaaludiin Afgaani iyo Maxamed Cabdo ay magaalada Baaris ee dalka Faransiiska ka soo saari jireen wargeyska ‘al-Curwat al-Wuthqaa /العروة الوثقى’, ayaa akhristayaasha wargeyska midkood Suudaan wuxuu ka soo weydiiyey su’aal biyodhaceedu ahaa: Maxaa ka run ah in Maxamed Axmed bin Cabdullaahi (=Mahdigii Suudaan) uu yahay Mahdigii la sugayey?

Afgaani akhristahaas wuxuu ugu jawaabay: “Xataa haddii ay caddaato in ninkaasi uu beenlow yahay, oo aan waxba ka jirin mahdinimada uu sheeganayo waxaa waajib ah in la taageero.”

Afgaani arrinka sheegashada mahdnimada waxaa kala muhiimsanaa dagaalka Maxamed Axmed uu kula jirey gumeystihii Ingiriiska. Sheegashada Maxamed Axmed uu mahdnimada ku sheegtayna waxay ugu muuqatay in ay tahay xeelad lagu xoojinayo dagaalkaas, oo lagu dhiirrigelinayo dagaalyahannada, iyada oo loo marayo kicinta qiiradooda diiniga ah. Sheegashada Mahdinimadu xataa haddii ay been tahay waxay waxtar u leedahay dhisidda ruuxda ragga dagaalka ku jira ee diyaarka u ah in ay naftooda huraan. Isla arrinkaan baa Sayid Jamaaludiin Afgaani, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo rag kale oo badan ku bixiyey in ay qaataan magaca ‘Sayid’ oo muujiya diin iyo qaraabonimo lala wadaago Nebi Muxamed (scw). Waxaana loo badinayaa in Sayid Maxamed muddadii uu ku noolaa dhulka Xijaas -ee Maka iyo Madiina- uu helay xog badan oo ku saabsan dhaqdhaqaaqii Mahdiga Suudaan, taas oo sida muuqata saamayn culus ku reebtay (=Waxaa jira xogo sheegaya in Sayid Maxamed uu Suudaan booqday, balse waxa la hubaa waa in dhaqdhaqaaqii daraawiishta Suudaan uu saamayn ku lahaa Sayidka iyo Dhaqdhaqaaqii Daraawiishta Soomaaliya ‘1899-1920’. Sida la ogyahayna Sayid Maxamed Maka waxaa macallin ugu ahaa Shiikh Maxamed Saalax oo Suudaani ahaa).

Afgaani oo ahaa waaqici (=pragmatic) rumaysan in siyaasaddu ay tahay fanka samaynta wixii suurogal ah, dhaqdhaqaaqii Mahdiyada Suudaan iyo kuwii kale ee ku nooca ahaa wuxuu u arkayey in ay ka qaybqaadanayaan midaynta Muslimiinta iyo xoojinta halganka Muslimiintu ay ugu jiraan iska caabbinta gumeystayaasha reer Yurub, gaar ahaan gumeysigii Ingiriiska.

Iyaga iyo ku allahoode, waxay soo tebiyeen in halgamaa ka mid ahaa ururkii SYL, oo aqoon fiican diinta u lahaa, dadkana wacdi diini ah iyo waddaniyad isugu qooshi jirey, uu maalin labo salaadood rag weeso la’aan ku tujiyey. Dabadeed, markii hawshii dhammaatay, ee madashii lagu kala dareeray, baa nin ay halgamaaga saaxiib ahaayeen wuxuu ku yiri: “Hebelow sidee wax u jiraan, waa maxay salaadda weeso la’aanti ahi?”

Halgamaagii isma dhibin ee isaga oo dhoollacaddaynaya ayuu si fudud ugu halceliyey: “Duf ku bax! Ummad xoraynteed baa lagu hamminayaa, adiguna weeso ayaad ku habsaantay. War dahaarada dhabta ahi waa tan qalbiga, ruuxa mu’minka ahina ma nijaasoobo!” (=Sida sheekadu ay tibaaxayso ikhyaartaani maalinta gelinkeedii hore bay geeldhalay caanihiis si fiican u dhameen, oo kortag badan bay u baahnaayeen. Sidaas baana lagu ogaaday weeso la’aanta wadaadka dadka tujiyey).

Suufigii weynaa ee Ibn Carabi waxaa laga hayaa in uu yiri: “Weligeed wadaaddada fuqahadu muxaqaqiinta waxay ka taagnaayeen halkii Faraacinadu ay nebiyada ka taagnaayeen.” Wuxuu kaloo yiri: “Marka Mahdigu soo baxo, arki uu maayo cadow ka halis badan fuqahada, haddii aysan u jeedin seefta gacanta ugu jirtana waxay fatwoon lahaayeen in la dilo... Dhaqankooda ayaa ah in ay raalligeliyaan boqorrada, amiirrada iyo damaca naftooda.”

Halgamaagii reer Iiraan ee Cali Shariicati (1933-1977) ayaa isaguna isku taxalujiyey inuu fikradda Mahdiga u rogo kacdoon bulsho oo lagu diidayo dulmiga iyo kelitalisnimada, laguna raadinayo isbeddel ballaaran oo Muslimiintu sameeyaan. Shariicati waxa uu ku dooday in sugidda Mahdiga macnaheedu uusan ahayn in la isdhiibo, oo inta gacmaha la isi saarto meel kale badbaadiye laga sugo. Waayo waajibka Muslimiinta la faray ee sama faridda iyo xumaan reebidda ayaa ruuxa Muslimka ah u diidaya in uu meel iska hawaarsado isaga oo sugaya Mahdi ama cid kale oo badbaadisa. Mahdi sugidda dhabta ahi waa in had iyo goor hawl iyo halgan heegan loo ahaado (=الانتظار كمذهب للاعتراض). Muslimku waa in uu ka shaqeeyo sidii looga xoroobi lahaa dulmiga iyo dibudhaca. Dadku mustaqbalka wanaagsan ee ay ku riyoonayaan, waa in ay maankooda iyo muruqooda ku hirgeliyaan.

Si taa la mid ah, wadaadkii Suuriyaanka ahaa ee Jowdat Siciid (1931-2022) waxa uu wariyey dhacdo uu uga sheekeeyey sidaan soo socota:

“Mar baa waxaa la igu martiqaaday in aan ka qaybgalo shir ku saabsanaa Mahdiga la sugayo. Markii aan martiqaadka helay waxaan isweydiiyey: Waxa aan shirka ka sheegi karo maadaama aan ka mid ahay dadka aan rumaysnayn fikradda Mahdiga? Hase ahaatee, shirkii waan tagay, goortii la soo gaaray toogtii aan hadli lahaana waxaan iri: Mahdigii aad sugayseen waa uu soo baxay .. Miyeydaan ogayn?! Markii sawaxankii iyo layaabkii dadku uu xoogaa degayna waxaan la soo baxay warqad weyn oo aan ku qoray ‘Waxaa jira xal Carabta oo dhan guul u ah, oo uusan jirin hal dal oo ku khasaaraya, waa in aad qaaddaan dhabbaha Yurub oo aad sidooda oo kale u midowdaan. Midkaas baa ah Mahdiga aad dhawrayseen!”

Dunidii hore dadku waxay si weyn ugu nuglaayeen diimaha iyo maqanaha ay ka warramaan. Sidaas awgeed diintu waxay ahayd habka qura ee laabta dadka lagu soo jiidan karo, taageeradoodana lagu hanan karo. Arrinkaas baana keenay in dhaqdhaqaaqyadii dunida islaamka -iyo meelo kale oo dunida ah ba- soo maray ay u ahaayeen kuwo diinta siyaasadeeya, oo diinta iyo dowladda isdhexgaliya. Bulsho-baarihii Ibn Khalduun oo qodobkaan u kuurgalay wuxuu qalinka ku duugay: Carabtu “uma hoggaansamaan, lagumana maamuli karo waxaan ka ahayn farriin diimeed.” Carabta waxaa la mid ahaa ummado kale oo badan. Arrinkaas baana kaalin mug leh ka qaatay in fikradda mahdiga ama badbaadiyaha la sugo ay ku baahdo ummadaha adduunka badankooda.

Sida laga warqabo, sannadkii 1429, ciidamadii Faransiiska ee dagaalka kula jirey Ingiriisku, iyaga oo ku sugan xaalad quus ah oo ku sigtay in ay isdhiibaan, ayaa gabar yar oo la oran jirey ‘Jaan Da’arki’ waxay ka dhaadhicisay in ay malaa’igi samada kala hadashay, oo ay ku wargelisay inay helayaan gurmad xagga Alle ka imaanaya, Ingiriiskana ay ka guulaysanayaan. Intaa kadib, ciidamadii Faransiiska oo ay soo gashay rajo cusub, kuna qancay in ay gacanta sare yeelanayaan bay goobtii dagaalka u dareerisay, guushiina iyaga ayay raacday.

Haddaba ma dhab baa in Jaan Aarki ay malaa’igi la hadashay? Muxuuse Eebbe ku kala doortay Faransiiska iyo Ingiriiska oo isku diin haystay?

Sida muuqata, khuraafada Jaan Aarki waxaa allifay waddani Faransiis ahaa oo damacsanaa in uu dadkiisa niyadda u dhiso. Jaan Aarkina waxay ahayd Mahdiga xilligaas ay Faransiisku u baahnaayeen, waxayna siisay awood la mid ah middii Maxamed Axmed iyo dad kale oo badani ay ummadahooda ugu deeqeen. Waxaana xusid mudan, in fikradda mahdinimada ama badbaadiyuhu (=le messianisme /المسيحانية أو المسيح المنتظر أو المهدي المنتظر أو الموعود) ay tahay fikrad fil weyn oo diimaha, falsafadaha iyo ummadaha badankoodu ay wadaagaan. Waayo badbaadadu waa rajo ay dadka oo dhammi wadaagaan, la’aanteedna noloshu aysan yididdiilo yeelateen.

Tusaale ahaan, diinta Saraadashtiyadu waxay leedahay badbaadiye loogu yeero ‘Saawshiinaat /Saoshynat’, Hinduusiyadduna waxay leedahay badbaadiye loo yaqaan ‘Kalki,’ Yuhuudiyadduna mid la yiraahdo ‘Mashyaax /Mashiach,’ Taawiyadduna ‘Li Hung,’ Buudiyadduna ‘Meytiriya /Maitreya,’ Kirishtaankuna ‘Masiix,’ Islaamkuna “Mahdi,’ Duruustuna waxay leeyihiin ‘Xamse bin Cali.’ Dhammaan magacyadaani waa badbaadiyeyaal la rumaysan yahay in ay aakhirusebanka soo baxayaan.

Laakiin su’aasha meesha ku jirtaa waxay tahay: Maxaa dhacaya haddii badbaadiyeyaashaas oo dhammi ay isku yihiin hal ruux oo qura? Maxaa dhacaya haddii Kalki qudhiisu uu yahay badbaadiyaha ay sheegaan Masiixida iyo Muslimiintu? Haddii Li Hung uu yahay badbaadiyaha Yuhuudda iyo Buudiyada? Haddii Mahdigu uu yahay isla badbaadiyaha ay rumaysan yihiin Saraadashtida iyo Taawidu? Haddii Masiix yahay badbaadiyaha Hinduusta iyo Duruusta? Raggaan oo dhan hal calan ma midayn karaa, maadaama Ilaaha xaqa ah ee soo diray uu yahay mid qura?

Waxaa jirta dood sheegaysa in aadamigu isla jeerkii ay ogaadeen in cirka roob ka soo da’o, dhulkana dhir ka soo baxdo, naasaha dheddiguna ay caano dhiiqaan ay isku qanciyeen in ay jirto nolol geerida ka danbaysa, ayna bilaabeen in ay meydka aasid iyo xus ku sagootiyaan, waaqna waxsan uga fishaan. Aadamigu waa noole dhasha isaga oo aad u itaaldarran (=وخلق الإنسان ضعيفا), balse garaadkiisu uu siiyo inuu si joogto ah uga shaqeeyo sidii uu itaal iyo karti dheeri ah ku heli lahaa, si berridiisu ay u dhaanto shalaydiisa, oo waa tan la yiri: Nafi orod bay kugu aammintaa!

Aadamiga itaalka daran waxa awoodda u yeelaa waa kartida ay u leeyihiin in ay rumaystaan sheekooyinka ay iyagu abuureen -Ilaah, ummad, dowlad, sharci, lacag, iyo qaar kale oo badan. Awoodda ugu weyn ee aadamigu waa khayaal wadareedka ay wadaagaan ee ay sheekooyinka ku curiyaan. Dadku waxay u haystaan in go’aannada ay qaadanayaan ay ku saleeyaan caqli iyo feker, balse sida dhabta ah go’aannada dadku qaataan badankoodu waxay ka duulaan dareenkooda. Dareennada dadka ee muhiimka ahna waxaa ka mid ah dareenka ‘damaca iyo cabsida /الرغبة والرهبة’. Awoodda diimuhuna kuma jirto runnimada doodahooda, laakiin waxay ku jirtaa sheekoxariiraha nolosha dadka macnaha u yeela, sida sheekada abuurka iyo nolosha geerida ka gadaalaysa. Xasuusashada waayihii tegay, ka fekeridda timaaddada, iyo in la saadaaliyo wanaag lala kulmi doono goor danbe -if iyo aakhiro midka ay doonto ha ahaatee- baa ah waxa ugu mudan ee aadamigu uu uga duwan yahay noolayaasha kale ee aan tagtada xasuusan, timaaddadana ku mashquulin. Diimuhuna dadka waxay u sheegaan in ay hayaan xog ku aaddan tagtadoodii hore iyo timaaddadooda danbe.

Dhanka kale, guud ahaan bani’aadamku meel kasta oo ay ifka kaga sugan yihiin, nafsad ahaan caddaaladda waa jecel yihiin, dulmigana waa neceb yihiin. Goorta ay dulmi dareemaanna labo go’aan bay mid qaataan. Labadaas go’aan waxay kala yihiin: in la isku taxalujiyo sidii dulmiga loo tirtiri lahaa oo caddaalad loo heli lahaa, iyo in lagu kaaftoomo in laabta laga jeclaysto inuu yimaado xaakim caaddil ah oo uunka oo idil si xaq ah ugu garsoora. Duulka danbe waa kuwa male’awaalay Mahdiga iyo magaalooyinka khayaaliga ah ee caddaaladda iyo sinnaanta lagu cammiray, sida nabdoonna ay wanka iyo waraabuhu isu weheshadaan.

Dadka oo dhammi waxay niyadda ku dhistaan, oo culayska nolosha ugu babac dhigaan rajada laga qabo in waa cusubi uu beryi doono, dhib iyo dulmi oo dhanna laga bixi doono, barwaaqo iyo berisamaadna lala kulmi doono. Sidaa darteed, badiba fikradda Mahdigu -ama badbaadiyuhu- waxay ku xoogaysataa bulshada dulmiga tirsata dhexdeeda, waana sababtaas midda keentay in Muslimiinta Shiicadu ay fikradda mahdiga ka badsadaan Muslimiinta Sunnada, maxaa yeelay muddo dheer oo ka bilaamata dhacdadii Karbala ee lagu dilay Xuseen bin Cali, Shiicadu waxay ahaayeen dad laga tiro badan yahay, oo dulmi iyo duudsi ka cawda.

Ducooyinka Shiicadu ay muddada dheer Alle ku baryaan waxaa ugu caansan middaan oranaysa:

“Ilaahow waxaan kaaga cabanaynaa geerida Nebigeenna, iyo maqnaanta Waligeenna, iyo tiro badnida cadowgeenna, iyo yaraanta tiradayada, iyo culaykska fidnooyinku ay nagu hayaan, iyo ibtilooyinka isu kaayo biirsaday, ee waxaas oo dhan nooga badbaadi gargaar degdeg ah oo dhankaaga ka yimaada, iyo dhib aad feydo, iyo guul aad nagu xoojiso, iyo suldaan xaqa ah oo aad muujiso /اللهم إنا نشكو إليك فقد نبينا، وغيبة ولينا، وكثرة عدونا، وقلة عددنا، وشدة الفتن بنا، وتظاهر الزمان علينا، فأعنا على ذلك كله بفتح منك تعجله، وبضر تكشفة، ونصر تعزه، وسلطان حق تظهره ”.

Dunida islaamka -marka laga yimaado Muslimiinta Shiicada- meelaha fikradda mahdinimadu ay sida baaxadda leh ugu baahday waxaa ka mid ah Waqooyiga Afrika, gaar ahaan dhulka Jasaa’ir ama Aljeeriya. Tusaale ahaan, dhigaallada qaarkood waxay qoreen in qarnigii 19-aad iyo qaybtii hore ee qarnigii 20-aad, dhulka Jasaa’ir si joogto ah loo arki jirey rag sheeganaya in ay yihiin mahdigii la sugayey. Raggaas badankooduna ay si sahlan ku heli jireen dad raaca, oo inta ay rumeeyaan u gargaara. Taana waxaa sabab u ahaa in waayahaas dadku ay la daalaa-dhacayeen dulmi, gumeysi, saboolnimo iyo rafaad, siiba bulshada beeraleyda oo dhulkooda laga dhici jirey. Dadkaas dacaska iyo dulmiga ka daalayna waxay miciin bidi jireen raggaas Mahdinimada sheegtay, waana tii la yiri: Nin daad qaaday xunbo cuskay.

Sheekaba sheekay dhashaaye, qoraagii reer Masar ee Maxamed Jalaal Kashki (1928-1993), waxa uu sheegay in uu mar ka hadlay doorka diinta islaamku ay ka qaadatay halgankii gumeystihii Faransiiska looga xoreeyey dalka Jasaa’ir. Kolkii uu erayadaas ku tiraabayna waxaa soo booday hoggaame Jasaa’iri ahaa oo la oran jirey Qaa’id Axmed, oo yiri: “Aniga qudhaydu quraanka af Faransiis baan ku akhrin jirey!”

Weydiinta meesha taallaa waxay tahay: Quraanka luqadda Faransiiska ama af kale oo aan Carabi ahayn lagu akhriyaa quraan ma yahay? Oo ma lagu cibaadaysan karaa? Sideedabana, ma dhab baa in Ilaah uu kala jecelyahay afafka ay dadku isku afgartaan?

Muslimiinta Shiicada ayaa ugu horreeyey cid welinimada ulajeeddo siyaasadeed u adeegsata. Sida la ogyahayna, wadaaddada suufiyadu waxay ka doodaan xiriirka ka dhexeeya nebinimada iyo welinimada, qaarkood baana waxay ku tageen in darajada welinimadu ay ka sarrayso tan nebinimada. Waxaana xusid mudan, in Shiicadu ay had iyo goor Sunnada ka badsan jireen adeegsiga falsafadda. Taana waxaa u sabab ah in Shiicadu ay caan ku yihiin in nusuusta diinta la awilo, oo lagu macneeyo macne qarsoon oo ka duwan midka erayada ka muuqda. Si ta’wiilka iyo macnaynta ceynkaas ah loogu guulaystana waxaa loo baahanyahay in maanka la tuujiyo, oo diinta aad loo rogrogo. Habdhaqankaas maantuujinta iyo aragti-rogrogidda baana ah macnaha dhabta ah ee falsafadda.

Kirishtaanka iyo Shiicada labaduba bilowgoodii hore waxay rumaysnaayaan in Ciise iyo Mahdigu ay muddo kooban maqnaanayaan, dabadeedna inta ay durba soo baxaan ay dunida caddaalad iyo nabad ka buuxinayaan. Sidaa darteed, dadaal badan kuma bixin sidii ay u heli lahaayeen dowlado ay iyagu leeyihiin. Hayeeshee, goor danbe labaduba -qolaba markeeda- waxay ku baraarugeen in maqnaanta badbaadiyuhu ay dheeraanayso, kolkaasna waxay bilaabeen in ay ka shaqeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen dowlado ay iyagu leeyihiin, oo ay madax ka yihiin.

Tusaale ahaan, Shiicadu waxay dhidibada u taageen dowlado badan oo fikradda mahdinimada loogu gogolxaaray sida; dowladdii Faadumiyiinta Masar iyo tii Muwaxidiinta oo ka talin jirtey dhul ballaaran oo u dhaxeeya Andalus, Marooko, iyo Masar. Sidoo kale waxaa curtay kacdoonno badan oo isla fikraddaan ku hubaysan, waxaana ka mid ah kacdoonkii Senjiga ee addoontii Afrika laga soo daabulay ay ka dhigeen dhulka Ciraaq, gaar ahaan deegaanka Basra, iyo dhaqdhaqaaqii Qaraamidada, iyo kii Xashaashiinta, …, iqk.

Ibnu Khalduun waxa uu ku dooday in dhaqdhaqaaqyadii iyaga oo ka duulay fikradda mahdinimada ku guulaystay in ay dowlad dhaliyaan, sababta u sahashay in ay dowlad dhisaan aysan ahayn runnimada mahdinimada, balse ay ahayd in raggii dhaqdhaqaaqyadaas hoggaaminayey ay ahaayeen kuwa ka soo jeeda casabo xoog leh oo difaacooda iyo ilaalintooda u darbanaa. Kuwa fashilmayna waxay u fashilmeen itaal yarida xigtadooda, ama qorshe iyo xeelad xumidooda. Sidaas oo ay tahay, haddana dowladihii, dhaqdhaqaaqyadii iyo kacdoonnadii lagu dhisay fikradda Mahdigu waxay ahaayeen kuwo afka ka sheegta in ay caddaalad u taagan yihiin, laakiin sida runta ah dulmi iyo jawr badan geysan jirey.

Dhanka kale, diimaha dunida tan ugu nebiyada badan waxaa lagu sheegaa in ay tahay diinta Yahuudiyadda. Nebiyadaas badankoodu waxay soo baxaan xilliyo Yahuuddu ay xaalad adag ku sugan yihiin, waxayna u yimaadaan si ay u badbaadiyaan Yahuudda, oo hoog iyo halaag uga samatabbixiyaan. Halkaasna waxaa laga garan karaa xiriirka ka dhexeeya fikradaha nebinimada iyo badbaadinta. Yahuuddu waxay qabaan in badbaadiyaha imaan doona -ee ay sugayaan- uu yahay mid kulansaday labada xil ee boqornimada iyo nebinimada. Mar qura ayuu wuxuu isku noqonayaa Daa’uud iyo Muuse ama diin iyo dowlad wada jira.

Yuhuuddu weligood waxay ku dhexnoolaayeen ummado ka tiro badan, waxayna rumaysnaayeen in fikradda nebinimadu ay uga faa’iido badan tahay fikradda boqornimada, taasina waxay sababtay in ay nebiyo badan yeeshaan. Sida dhabta ahna, Yuhuudda ayaa kaalinka ugu weyn ka qaatay faafidda fikradda badbaadiyaha. Taana waxaa ugu wacan in bulshada Yahuuddu ay muddo dheer addoonsi iyo cadaadis la kulmi jireen, iyo in diinta Yahuudiyaddu aysan danayn aakhiro iyo nolol geerida ka danbaysa oo la isi soo saari doono, la isna xisaabin doono. Intaas waxaa weheliya, in Yahuuddu ay isu arkaan in ay yihiin ummad Alle doortay, suurogalna aysan ahayn in Eebbe uu dayaco duulka uu doortay, ee ay lamahuraan tahay in uu badbaadiyo. Arrimahaan iyo kuwo kale oo isbiirsaday waxay abuureen in fikradda badbaadiyuhu ay ku xididdaysato bulshada Yahuudda. Waana arrin la yaqaan in dadka itaalka darni ay niyadda ku dhistaan filashada ah in ay meel uun gargaar iyo gurmad ka heli doonaan. Waxaana jira dad rumaysan in asal ahaan fikradda mahdinimadu aysan Islaamka shuqul ku lahayn, balse ay tahay arrin goor danbe ay Muslimiintu ka soo ammaahdeen diimihii Islaamka ka horreeyey oo Yahuudiyaddu ay kow ka tahay (= Inkasta oo muslimiintu ay rumaysan yihiin in buugga Baybalka lagu falaaday oo wax badan laga beddelay, xogta ku qoranna aan lagu kalsoonaan karin; haddana Muslimiintu waxay qaateen qaybo ka mid ah buuggaas oo loo yaqaan israa’íiliyaat. Xogtaas loo bixiyey israa’iiliyaatka badankeeda waxaa laga qaatay wadaaddo uu ka mid ahaa wadaadkii Yahuudiga ahaa ee muslimay ee Kacab al-Axbaar, oo la sheego in la rumaysan karo wararka uu ka sheego nebiga iyo sidoo kale kuwa uu ka sheego Yahuudda iyo Kirishtaanka).

Fikradda Mahdigu waa wejiga kale ee ka soo horjeeda fikradda Masiixu-Dajaalka ama Dajaal cawarka ay diimuhu siyaabaha kala geddisan uga hadlaan (=l’antechrist /الدجال أو المسيح الدجال). Dunidu waa goob Aadan iyo Ibliis –sharka iyo kheyrku- ay si joogto ah ugu legdamaan, oo had iyo goor u baahan cid badbaadisa.

Sanooyinkaan danbe, dalka Maraykanka waxaa ku xoogaysanayey dadka Kirishtaanka ah ee taageera Sahyuuniyadda Yahuudda. Dadkaan oo ah muxaafidiin haysta diinta Kirishtaanka badankoodu Sahyuuniyadda uma taageeraan gacalo gaar ah oo ay Yahuudda u qabaan, laakiin waxay qabaan in taageerada ay Sahyuuniyadda u fidinayaan ay soo dedejinayso soo laabashada labaad ee Nebi Ciise iyo adduunyo gaddoonka. Dadkaani waxay rumaysan yihiin war buugga Baybalka ku jira oo sheegaya in aakhirusebenka ka hor inta aan Nebi Ciise soo laaban ay Yahuuddu ku soo ururi doonaan dhulka Falastiin, halkaasna marka Ciise soo laabto uu ka dhici doono dagaal weyn oo Yahuudda lagu halaagi doono, markaas ka dibna muddo nabad iyo caddaalad lagu naalloon doono, dabadeedna dunidu dhammaan doonto. Dagaalkaas waxaa loogu yeeraa magaca ‘Armageddon’, oo ah magaca goobta la saadaalinayo in uu ka dhacaya dagaalka ugu danbeeya ee dhexmaraya kheyrka iyo sharka.

Run ahaantii, xaaladaha qaarkood fikradda mahdinimadu waa ka gudubtaa macnaha diiniga ah, oo waxaa abuuranta Mahdinimo calmaani ah (=Secular Messianism), oo ay tusaale u yihiin dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo kuwa bulsho ee aamminsan in ay lamahuraan tahay in la helo isbeddello gundheer oo lagu xallinayo dhibaatooyinka bulshada, iyada oo loo marayo ‘badbaadiye’ ama aydaloojiyad gaar ah sida; horumarka cilmiga iyo farsamada, ama samaynta dowlad dimoqoraadi ah ama xisbi shuuci ah kuwaas oo aadamiga u suurogelinaya in ay ku qancaan in qaddartoodu ay gacantooda ku jirto. Bil matel, dhaqdhaqaaqii maanfurka ee sida gaarka ah Yurub uga hanaqaaday dadka waxa uu dhaxalsiiyey ilaahyo cusub -cilmi, horumar, maangalnimo iyo casriyoobid- oo ay badbaado iyo samatabbixin ka sugaan. Dadka qaarkood baana waxay aammineen in goor dhow saynisku uu xal u heli doono weydiimaha waaweyn ee jiraalka (=existential questions). Halkee baa laga yimid? Kuma ayaan ahay? Maxaan u noolahay ama waa maxay macnaha noloshu? Istikhyaar ma leennahay? Sidee bay tahay in geerida loo wajaho? Halkee baan ku danbaynayaa ama ma jirtaa nolol geerida ka danbaysaa? Iyo qaar kale oo badan.

Waxaana lagu doodaa in dadku marna aysan diimaha ka tegin, balse ay ilaah mid kale ku doorsadaan. Sababta oo ah ruuxaaniyaatka iyo muusiggu waxay kow ka yihiin waxyaalaha yar ee bani’aadamku ay wadaagaan, goob walba iyo goor kasta oo ay joogaanna badankoodu aysan ka maarmi karin. Waayo waxay ugu horreeyaan waxyaabaha nolosha dhadhanka u yeela, oo ka dhiga mid loo dulqaadan karo. Haddii aad jeceshahay sidii Kaarla Maarkis waxaad tiraahdaa: Diinta iyo guud ahaan fanku waa qayb ka mid ah daroogada la isku illowsiiyo culaysyada iyo kadeedka nolosha lagala kulmo.

Waxaa jira aqoonyahanno Shiico u badan oo qaba in fikradda Mahdigu ay caqabad ku tahay dimoqoraadiyadda, horumarka, danta guud iyo weliba dulucda ebyidda nebinimada ee islaamku uu ka hadlay (=ختم النبوة). Macnaha ebyidda nebinimadu waa in aadamigu ay gaareen bisayl xagga garaadka ah oo ay ka maarmi karaan in sida dhallaanka uu Eebbe mar walba gacanta ku hayo oo saxa iyo khaladka uu u kala tilmaamo. Soobixiddii nebi Maxamed wixii ka horreeyey aadamigu waxay ku jireen marxalad dhallaanimo oo waxay u baahnaayeen korriin iyo tababar, laakiin wixii ka gadaaleeya markii la ebyey Islaamka oo la khatimay nebinimada, bani’aadamku waa in ay iyagu isku tashadaan, oo garaadkooda iyo kartidooda ku meelmaraan.

Xiriirka nebiyadu ay dadka la leeyihiin wuxuu la mid yahay xiriirka macallinku uu ardaydiisa la leeyahay ama kan dhakhtarku uu bukaanka la leeyahay. Ebyidda diinta iyo gunaanadka nebinimada waxaa ka dhasha in dadku isku filnaadaan oo ay nebiga uga maarmaan sida ardaygu uu macallinkiisa uga maarmo, bukaankuna dhakhtarkiisa uga xoroobo marka uu caafimaado. Nebiyada haddii aan dadku ka kaaftoomin, waxay u fashilan yihiin si la mid ah macallin ardaygiisii aflaxi waayey iyo dhakhtar bukaankiisii bogsan waayeen. Ebyidda diinta iyo gunaanadka nebinimadu waa in aadamigu ay qaangaareen, oo garaadkoodu uu buuxsamay, ayna awoodaan in si buuxda ay maankooda ugu tiirsanaadaan sida iyaga oo waxyi cusubi uu ku soo dagayo oo kale.

Docda kale, buugga Tawreedka waxaa ku soo aroortay aayad oranaysa: “Alle koonka lix maalmood buu ku uumay, maalintii toddobaadna waa uu nastay.” Aayaddaan siyaabo kala geddisan baa loo fasiraa. Fasiraad calmaaniyiinta Yahuudda iyo Kirishtaanka qaarkood ay ku macneeyeen baa waxay tahay in All uu arrimaha adduunyada dadka u daayey, oo uu dadka noloshooda faraha uga qaaday. Eebbe ma daalin ee si istikhyaarkiisa ah ayuu fasax u qaatay, oo hawlaha adduunyada aadamiga ugu wareejiyey. Eebbe dadka wuxuu u sheegay: Lix casho ayaan koonka ku hagaajiyey, wixii hadda ka danbeeyana waxba ku darsan maayo ee idinku garta sida aad ugu noolaanaysaan. Waa kaa macnaha nasashada maalinta toddobaad, waana bilowga calmaaniyadda. Taa macnaheedu ma ah in Alle uusan jirin, balse macnaheedu waxa weeye in uu jiro, asii uu shaqada ka fariistay, dadkana uu u daayey in ay ummuurahooda agaasimaan.

Nasashada Eebbe, ebyidda diinta iyo gunaanadka nebinimadu waxay ka siman yihiin in kulligood ay qabaan in amarraddii cirka ka imaan jirey ay idlaadeen, oo maamulka adduunyada uu Eebbe dadka u daayey. Dadku waa in ay caqligooda iyo cilmigooda ku meelmaraan, waaya-aragnimadooda iyo kacaa-kufkooodana wax ka bartaan. Marka ummuuraha adduunyada la joogo, waa in aqoonta cusub ee aadanaha looga kalsoonaado midda diimaha ee saman fog shakhsiyaad duruufo gaar ah lahaa laga dhaxlay. Diimuhu waxay isku hawlaan ummuuraha maqanaha iyo sidii dadku ay farxad iyo liibaan ugu heli lahaayeen nolosha aakhiro, nolosha adduunyadase baahi weyn looma qabo, oo ilaa xad waa laga maarmi karaa.

Diinta in aydaloojiyad ahaan loo adeegsado, oo dadweynaha lagu abaabulo/kiciyo, waa fal dhib iyo dheef labadaba leh. Waqtiga dhow waxtar bay yeelan kartaa, oo ummado ayaa lagu xorayn karaa. Laakiin waxaa loo badinayaa in waqtiga dheer uu dhibku ka badan yahay dheefta. Waayo diinta ayaa waxay dhuminaysaa ruuxaaniyadda loogu xisho, oo waxay ku soo ururaysaa in ay noqoto aalad dano adduunyo loo adeegsado oo keliya. In diinta la adduumeeyo, oo dano siyaasadeed iyo kuwo kale oo adduunyo loo adeegsado waxay horseeddaa marinhabaabin ku timaadda nuxurka diinta oo ka weecisa waxtarkii asalka ahaa ee ku qancidda weydiimaha waaweyn ee jiraalka iyo nolosha danbe.

Sirta ugu weyn ee diimaha loogu baahdo waa mas’alada waaridda iyo nolosha aakhiro. Haddii dadku aysan ka fakeri lahayn nolosha aakhirana diinta lama daneeyeen. Taa aawadeed, dhuuxa diintu waa in ruuxda qofku ay xasisho, kacaaminta diintuna waa in aysan ruuxaaniyaddaas dhaawicin, balse lagu yoto’o arrimaha dadka macnaha u samaynaya. Caadi ahaan, diimuhu kuma ay guulaystaan in ay maanka dadka qanciyaan, balse waxay ku guulaystaan in ay qanciyaan quluubta iyo caadifadda dad badan.

Isku soo xooriyoo, caddaaladdu kuma jirto gacanta Mahdi la sugayo ee waxay ku jirtaa nidaam wanaagsan oo bulshadu dhigato, kuna dhaqanto. Ummaddu uma baahna Mahdi la sugo ee waxay u baahan tahay madax garasho leh oo sharciga u hoggaansanta, ummadduna la xisaabtanto. Mahdiga dhabta ahi waa garashada, kartida, caddaaladda iyo hoggaanka wanaagsan. Gabyaagii faylasuufka ahaa ee Abuu Calaa al-Macarri oo kun sano ka hor noolaa, isaga oo aad mooddo in uu nagu baraarujinayo xaqiiqadaan fudud ayuu cod dheer wuxuu ku yiri: “Maluhu waa been mana jiro imaam aan caqliga ka ahayn /كذب الظن لا إمام سوى العقل”.
 


[i] . Wadaaddada diimaha kala duwan ee ka hadla fikradda badbaadiyuhu waxay ka siman yihiin in ay sheegaan in badbaadiyuhu uu imaan doono isaga oo fuushan faras cad. Dhaqamada ummadaha kala geddisan, faraska caddi wuxuu astaan u yahay barako, caddaalad iyo guul. Waxaana la xusaa in dunidii hore, madaxda guulaysataa ay fuuli jireen faras cad. Diimaha iyo sheekoxariirooyinkuna faraska cad ee ilaahyada, anbiyada iyo awliyadu ay fuulaan bay waxay u yeelaan tilmaamo cajiib ah oo dhaafsiisan kuwa lagu yaqaan fardaha ifka ku dhaqan. Muslimiinta dhexdoodana waxaa caan ka ah abuurka loo yaqaan Buraaqada ee nebigu (scw) uu u raacay safarradii Israha iyo Micraajka.