Skip to main content

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Aragtida Gaariye ee isdiiddada dawladnimada iyo dhaqanka raacatada

4 November, 2026
Image
Aragtida Gaariye ee Isdiiddada Dawladnimada iyo Dhaqanka Raacatada
Share

Weydiimaha ay ka mid ka yihiin, “qaran iyo qabiil ma is qaadan karaan?”, “dawladnimada casriga ahi ma la jaanqaadi kartaa dhaqanka Soomaalida ee ku dhisan qabiilka iyo tollaysiga?”, iyo kuwa la mid ka ahi waa weydiimo in badan soo taagnaa, malahayga tan iyo intii uu gumeystuhu keenay dawladda casriga ah, iyo gaar ahaan markii ay Soomaalidu gobannimada heshay. Indheergarad badan ayaa arrintan wax ka yidhi, badankooduna waxa ay tix iyo tiraabba ku sheegeen in aanay labadani is qaadan karin.

Indheergaradkaa dooddan wax ku darsaday waxa aynu ka xusi karnaa Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadhweyne” iyo Cali Sugulle Cigaal “Dun Carbeed”. Gadhweyne waxa uu qoray buug miisaan culus, oo ka mid ah kuwa ugu mudan ee mawduuc siyaasadeed ku saabsan ee Af-Soomaali ku qoran, waana buug ku qotoma cilmibaadhis qoto dheer iyo waaya-aragnimo ballaadhan. Waxa uu ciwaanka buugga ka dhigay “Qaran iyo Qabiil: Laba Aan Is Qaban”. Sida ciwaankaba ku cad, biyadhaca doodda uu qoraagu buugga ku soo gudbinayaa waa in dawladnimada casriga ah iyo dhaqanka qabiilka ku dhisanni ay yihiin waxaan la is waafajin karin ama la is qabadsiin karin.

Cali Sugulle, oo tixdiisu ka horraysay buugga, isna waxa uu mawduucan kala aragti yahay Gadhweyne. Sida ku cad tixda hoose, waxa uu abwaanku labada arrimood ku masaalay dhagax iyo dab. Tusaalayntan waxaa laga qaadanayaa in qaranka iyo qabiilka aan keliya la is qabadsiin karin, balse is dhex gelintoodu ay qarax iyo dhib keeni karto. Markaa, halkii doodda hore ka ahayd ma is qaadan karaan, dooddiisu waa kala ilaaliya oo kala fogeeya.

Dhagax iyo dab

Layskuma dhuftee

Kala dhawraay!

Wax ka dhigan qabiil

Qaran la dhex geshee

Kala dhawraay!

Ways dhinac wadnaa

Kala dhawraay!

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaariye” oo kaalin ku lahaa halgankii jabhadaha ee heeryada kelitaliska la isaga tuurayey, ayaa ka mid ahaa indheergaradkii wax iska weydiiyey sababta ay xaaladdu u sii xumaatay, ee burbur iyo dagaallo sokeeye u dhaceen, markii yoolkii la gaadhay ee taliskii askarta iyo kalitaliska cawda loo jaray.

Maansada Dabataxan ee soo baxday 1997-kii, oo daba socotay maansadiisii ka horraysay ee Ergo, ayuu arrintan ku taabtay. Maansada oo ku saabsan dagaalladii sokeeye ee Somaliland ka dhacay sagaashannadii, waxa uu Gaariye dhibta ubucdeeda u sibir saarayaa fahan-darrada bulshada Soomaaliyeed ee xoolo raacata u badan ka haysata dawladnimada, iyo isdiiddada ka dhex taagan dawladnimada iyo dhaqankooda. Waxa uu u tilmaamayaa Guurtidii iyo siyaasiyiintii xalka raadinayey in ay xalka meel soke ama khaldan ka raadinayaan, balse loo baahan yahay in hoos loo daadego.

Lama dafiri karo in hawshaasi weli Soomaali u taallo, oo aan, waa halka Gaariye e, weli hoosba loo deyin halka uu “dhaqanka dabatadu, ka dabraayo qarankii, shalay doolka ugu yimid”.

Dun baa meel ka xidhan weli

Galdaloolladiinuna

Door bay ku leedahay.

Digdig iyo mutuhis iyo

Dul-ka-xaadis mooyee

Bal si daawo loo helo

Darsa eelka lama odhan.

Danni baana igu jira

Inaan hoosba loo deyin

Sengaha daalay meeshuu

Ka damqaayo heensuhu

Ama dhaqanka dabatadu

Ka dabraayo qarankii

Shalay doolka ugu yimid.

Dillaacuna wuxuu fiday

Markii looga sii daray,

Ee cudur darmaan galay

Laga gubey dameeraha.

Dulucdeedu waxay tahay

Dawga aada Boorama

Kuma geeyo Daafeed.

Xeerkiyo dastuurkii

Loo dejaana kuma fulo

Ummad aan dabci aqoon.

Si uu fahanka arrintan u soo dhaweeyo, Gaariye mar uu waraysi siiyey Telefishanka Jabuuti ayaa uu tusaale cajiib ah soo qaatay. Waa daanyeer indha-darreeyay oo muraayad loo keenay si uu wax ugu arko, balse aan loo sheegin sida loo adeegsado. Dabeeto markii uu muraayaddii saaray dhowr meelood oo jidhkiisa ka mid ah, balse uu waxba ku arki waayey, ayuu ku joogsaday oo burburiyey, isaga oo leh ma waxanbay lahaayeen waxbay taraysaa. Dulucda ama gunaanadka sheekadu waa “dadku waxaanuu aqoon waa u cadow”. Tan iyo maalintii ay gobannimada qaadatay ee qarannimo hanatay, bulshada Soomaalidu waxa ay ku jirtaa xaaladda daanyeerkaa!

Gaariye oo sheekada iyo kadeedka dawladnimada innaga haysta isku xidhaya ayaa sheekada sii waday. “Gaalku waxa uu keenay dawladnimo xaggooda ka shaqaysa oo ay dhaqankooda is ogol yihiin. Waxa uu u keenay dad raacato ah oo aan dhaqan u lahayn. Dabeeto markii uu gobannimada siiyey ayaa si loo adeegsadaba la garan waayey.”

Gaariye waxa uu wax ka iftiimiyey meelaha ay dawladnimada iyo dhaqanka Soomaalidu iska diiddan yihiin. “Dawladnimadu qof bay taqaan, balse bulshada Soomaalidu reer ama wadar bay taqaan, qofkuna waa reer hebel.” Waa dad aan qofkaba arag ee wadar arka. Masuulkii dembi ma le oo reer baa wada qaadaya. Dawlad kastaana waa reer hebel.

Isaga oo abwaanku tilmaamaya sida ay dhaqankan wadareed iyo dawladnimadu isku diiddan yihiin, waxa uu isla Dabataxan ku yidhi:

Nin kastoo dakano galay

Qoluu dabada geliyoo

Dembi dhacay masuul ma laleh

Markaad hebel duqaysaa

Reer hebel damqanayaan.

Dooddan Gaariye waa mid isdultaag mudan. Dawladdu waxa ay aqoonsan tahay qof muwaadin ah, muwaadiniintuna xuquuq iyo waajibaad siman ayey leeyihiin, iyada oo aan loo eegin reerka ay yihiin. Muwaadinku waxa uu daacad u yahay dawladda ee reerkiisa uma aha, dawladda ayaana ah baadisoocdiisa koowaad. Sidoo kale xeerarka iyo nimaadka dawladdu ma yaqaanno qaraabakiil iyo tollaysi, oo fursadaha shaqada iyo manfaca kale ee dawladda muwaadiniintu way u siman yihiin, kartidooda ayaanay ku helaan. Dawladnimadu danta guud iyo ta qaranka ayey ka horraysiisaa ta qabiilka. Sidoo kale, muwaadinku dastuurka iyo hay’adaha qaranka ayuu kaga kalsoon yahay qabiilka iyo qoyska, waajibaadka dawladda ayaanuu ka horreysiiyaa kuwa qabiilka; tusaale ahaan, bixinta cashuurta ayuu ka hormariyaa bixinta qaadhaanka tolka.

Gaariye waxa uu sheekada ku soo gunaanaday in burburka dawladeed iyo dagaallada dhacay ay isdiiddada dhaqanka iyo dawladnimadu keentay. Waatan Dabataxan mar kale:

Ha ka doonin meel dheer

Digta kuu baxaysee,

Kala daadsanaantii

Habkii duunya dhaqatada

Iyo kala-dambayntii

Dawladnimo lahaydbaa

Isku kay dul haystoo

Jeer oo doc loo dhaco

Hawl baa dambaysee.

Sida muuqata, Gaariye waxa uu ka mid yahay indheergaradka dhifta ah ee isku dayey in ay weydiintan hoos ugu sii daadegaan, oo waxa uu taabtay in dhaqanka tolnimada iyo wadarta ku salaysani uu lid ku yahay dhaqanka dawladnimada. Balse waa dood weli u baahan in la sii furfuro, sababtoo ah dhaqanka iyo qaayasoorrada dawladda casriga ahi intan way ka ballaadhan yihiin, meelaha isdiiddadu ka jirtaana way badan yihiin.

Waxaase in lagu baraarugo u baahan, indheergaradka Soomaalidu weli weydiintan kama gudbin, oo kama warcelin halka looga dhaqaaqayo. Marka biyadhaca dooddu yahay dhaqanka raacatada iyo dawladdu isma qaadan karaan, laba doorasho ayaa inna horyaalla: in Soomaalida la dhaqan-rogo, oo kii bulshada Galbeedka ay qaataan koodiina ka tagaan; iyo in ay Soomaalidu dhalan-rogto dawladdii Galbeed ka timid, oo ay abuurto qaran dhaqankooda waafaqsan.

In kasta oo ay sharraxaadda labadan doorasho qoraal intan ka faahfaahsan u baahan tahay, bal haddana aan wax yar ka taabto. Malahayga ma jiro indheergarad rumaysan in Soomaalida la Galbeedeeyo, balse dadka uu Gaariye ka mid yahay waxa ay qabaan in dhaqanka tolnimada iyo qabiilka deegaankiisii miyiga ee uu ka shaqayn jiray loo daayo, marka se magaalo la yimaaddo dhaqan dawladeed la yeesho. Mar kale waxa uu si gaar ah u iftiimiyey in aan dawladda iyo madaxda xilalka haysta reer hebel loo nisbayn, kursigana aanay reeruhu u kala qaadin, oo isugu dilin, sidii geela.

Gaariye waxa uu sidoo kale rumaysan yahay in waaya-aragnimada Soomaalida ee ilaa 1960-kii ay sidan dhaami lahayd haddii ay hoggaanka dawladnimada hanan lahaayeen dadkii ehelka u ahaa. Waxa uu isla waraysigaa hore ku sheegay in dawladda ay gumeystaha ka dhaxleen karraaniyadiisii, iyagana ay talada ka maroorsadeen askartii ilaalinaysay, askartana ay reeruhu qori caaradii kaga faramaroojiyeen. Waxaa se isweydiin mudan, haddii ay dawladnimada la qaatay tahay tii gumeysiga oo aan biyo is marin, wa ayo cidda ugu habboonayd ee hoggaamin lahayd?

In dawlad Soomaalidu leedahay oo dhaqankeeda waafaqsan la dhisaa waa hawl aan weli la xaqiijin, waxaase aan qabaa in iskudeyga ugu wanaagsan ee ilaa hadda la sameeyay uu yahay dawlad-dhiskii Somaliland ka hirgalay sagaashannadii, kaas oo ahaa mid bulshada ka yimid, oo ay Guurtida iyo madaxda dhaqanku horseed u ahaayeen, lagana horreysiiyey nabadayn loo maray hannaankii dhaqanka bulshada Soomaalida, oo ay iyadana Guurtidu hoggaaminaysay.

Dawlad-dhiska Soomaaliya laga sameeyay ee ku salaysan awood-qaybsiga reeraha (4.5) iyo hannaanka federaalka reeraysan, waxaan qabaa in ay tahay mid ku salaysan qabiil ee aan ku salaysnayn dhaqan, kana timid shisheeye ee aan Soomaalida ka iman, isla jeerkaasna aan laga horraysiin nabadayn iyo dib-u-heshiisiin isla bulshada ka timid.

Isla doorashadan labaad waxaa soo hoos galaysa doodda odhanaysa dawlad ama nimaad maamul oo Islaami ah ayaa ah ka waafaqsan dhaqanka bulshada Soomaalida, ayna tahay in la hirgeliyo. Mar haddii Soomaalidu tahay bulsho Muslin ah, isla markaana ay leedahay dhaqan Islaam, waxaa ku habboon dawlad Islaami ah, ayey qabaan indheergaradka badhkood.

Isku soo wada xooriyoo, isdiiddada dawladnimada iyo dhaqanka raacatadu waa mid aan la qarin karin, waana hawl u taal indheergaradku inay ka taliyaan is waafajinteeda ama kala furdaaminteeda.

Qoraallada kale ee qoraaga