Skip to main content

Thursday 5 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Aragtida Ayaan Xirsi iyo aqoonsiga Somaliland

8 September, 2025
Image
Aragtida Ayaan Xirsi iyo Aqoonsiga Somaliland
Share

Marka ay joogto aqoonsiga, bulshada Somaliland wuxu ugu fadhiyaa muhiimad weyn. Waa yoolka koowaad ee ay higsanayso, sidaas awgeed in ay hesho oo dunidu garawshiiyo ka bixiso madaxbannaanideeda oo ay sharciyowdo kana mid noqoto waddamada leh dhawrsanaanta dhuleed waxa ay u tahay guul iyo gobonnimo. Waxa ay u tahay barwaaqo iyo dhaboobidda riyo weyn, halka waayidiisu u tahay guuldarro iyo rejo dhimatay, nolol duntay oo aan lahayn abdo danbe. Sidaas kolka ay tahay, waxa aynu garan karnaa macnaha iyo qiimaha uu leeyahay aqoonsiga Somaliland. Ma aha wax fudud, waayo waxa uu riyo iyo nolol u yahay ama ka dhigtay ummad aad u faro badan. Ummad Geeska Afrika kaga dhaqan buqcad iyo marin istaraatiiji ah. Ummad dhisatay dawladnimo dhab ah oo aan yaxoobin daleel uu gawre ka dhacayo.

Somaaliland, tan iyo intii ay jirtay, dedaalka aqoonsi raadintu waxa uu ahaa mid galinba meel joogay. Xukuumadihii kala duwanaa ee talada Somaliland soo qabtay siyaabo kala duwan ayaa ay uga shaqeeyeen, waxa se uu si dhab ah u bilawday kolkii la degay ee laga soo jeedsaday dib u heshiisiintii beelaha lana dhisay hay’ado taabboggal ah oo isla hawshaas tunka u ridan kara. Halkan waxa aynu ka arki karnaa shacabka Somaliland in aanay aqoonsiga iska caashiqin ee ay wax la yimaaddeen ha’ayado dawladeed iyo xasilloonina dhisteen. Haatan, waxa muuqata doodda aqoonsiga Somaliland in ay marayso meel xasaasi ah oo ay cirka isku shareertay, taasna waxa loo tiirin karaa dhaqdhaqaaq is-huwan oo ay wadaan Somaliland iyo xulafadeeda, iyo siyaasadda ama isbeddellada ka taagan gobolka oo u janjeedha, lana jira, Somaliland.

Dhawaan waxa uu Ted Cruzy oo ka tirsan aqalka sare ee Senate-ka Maraykanka soo saaray baaq uu kaga codsanayo Madaxweyne Trump, in uu Somaliland aqoonsado. Xildhibaanku, si uu dooddiisa uga dhigo mid dan iyo maangalnimo cuskan waxa uu sheegay, in ay lama huraan tahay aqoonsiga Somaliland oo ay weliba dan weyni ugu jirto Maraykanka, waxaanu ku nuuxnuuxsaday 1) In ay Somaliland dhacdo goob Istraatiiji ah oo u muhiima danaha Maraykanka 2) In ay u diyaarsantahay iskaashi iyo xidhiidh ganacsi oo ay Waashintoon la yeelato 3) Iyo in Shiinuhu ku hayo cadaadis iyo collaytan.

Aragtida Maraykanka ee taageersan waxa ay ku qotontaa in Somaliland ay dhacdo aag istiraatiiji ah, u diyaarsan tahay iskaashi, isla markaana ay cadaadis kala kulmeyso Shiinaha

Intaasba horteed, waxa jiray Hindise Sharciyeed oo Somaliland lagu aqoonsanayo oo ay riixayaan xildhibaanno Aqalka Sare ee Maraykanka ka tirsan, hormuudna uu u yahay Jim Risch. Tallaabadani waxa ay keentay in ay Soomaaliya si adag uga falceliso iyada oo qandaraas ku kacay 600,000 oo doollar la gashay shirkad Loobbi si ay jidgooyo ugu samayso dedaallada aqoonsi raadineed ee Somaliland, gaar ahaan Waaxda Fulinta ee Maraykanka oo ah dhufayska ugu dambeeya ee la iskaga horiman karo.

Maqaalka Ayaan Xirsi iyo Saameyntiisa

Dhawaaqyada ka soo yeedhaya gudaha Maraykanka ee ku baaqaya aqoonsiga Somaliland waxa ku soo biirtay Ayaan Xirsi Magan oo asal ahaan Soomaali ah se haysata dhalashada Maraykanka. Ayaan, maqaal dheer oo ay ku daabacday ‘the American Mind’ oo hoos taga Machadka Cilmi Baadhista ee la yidhaahdo ‘Claremont Institute’ waxa ay si aan gabbasho lahayn u sheegtay in la joogo xilligii Maraykanku aqoonsan lahaa Somaliland. Maqaalka Ayaan, waxa uu ka dab-qaadanayay, isla markaasna, uu xusay dhanbaalkii Senator Ted Cruz, waxa se uu kaga duwanaa in aanu ahayn dhanbaal keliya ee uu yahay dhanbaal wata xujooyin cadcad oo faahfaahsan iyo garnaqid ku jeedda miisaska go’aamada ee Aqalka Cad. Waxa aan filayaa in maqaalku uu sidaas u miisaan cuslaado waxa sabab u ah 1) Ayaan Xirsi oo ah gabadh Soomaaliyeed oo u dhuun daloosha dhaqanka, sooyaalka siyaasadeed iyo diimeed ee Soomaalida, si ka duwan Ted Cruz iyo xildhibaannada kale ee u qareemay Aqoonsiga Somaliland 2) Iyo in, sideedaba, ay tahay qof leh aqoon xeel dheer, isla jeerkaasna wax walba ka leh aragti sugan oo ay ku qanacsan tahay, danta ay doonto ha ka lahaato e. Waxa la odhan karaa waa sababta uu maqaalkeedu u dhaliyey sawaxanka iyo huganka badan, uguna yeeshay saameyn ka ballaadhan kuwo dhiggeeda ah Soomaalida dhexdeeda. Ayaan Xirsi, kolka dib loo milicsado sooyaalkeeda qofeed, waxa soo baxaysa in ay ku dhaboobayaan tuducyada maansadii Hadraawi ee sirta nolosha:

In halkii sal hayn waayo,

Laga sabo-rogtaa door ah,

In su’aal Jawaabteed leh,

Lala sara-kacaa fiican.

Waa qof aan sii joogin meel uu ku dareemayo macno-darro ee isaga dhaqaaqa kana taga.

Bilawga maqaalka, Ayaan Xirsi waxa ay, judhaba, taageeraysaa baaqii Senator Ted Cruz, iyada oo odhanaysa: “Waa uu ku saxan yahay baaqiisa”. Intaas ka dib, waxa ay maqaalka u qaabaynaysaa hab dhisan dood ahaan oo ku sal leh fahankeeda tagtada, taaganta iyo farriinta ay rabto in ay gudbiso — kolka hore waxa ay qeexaysaa oo ay sawir dhab ah ka bixinaysaa waxa ay tahay Somaliland. Carrabka ayaa ay ku adkaynaysaa in ay Somaliland, muddo dhan 32 sanno, iyadu is maamulaysay. In ay doorashooyin qabsatay, ciidamo difaac oo xuduuddeeda suga dhisatay, oo ay cashuur ururin samayso, iyo in ay adeegyo bixiso ayaa ay qalinka ku adkaynaysaa. Wax kasta oo dawlad looga baahan yahay, xitaa dal ku ga,l in ay diyaarsatay oo ayna waxba ka dhul oollin ayaa ay sheegaysaa — kolka la soo ururiyana, waxa ay hadalka ku soo koobaysaa in Somaliland ay buuxisay wax kasta oo dawlad lagu noqon karo. Markaa maxaa ka dhiman? waxa keliya ee ka dhimani in uu yahay aqoonsi iyo garawshiiyo, ayaa ay sheegtay, taas na waqtigeedii la joogo.

Sida dabiiciga ah, kolka uu kala daato maamul talinayay, maamulkaasina uu ahaa mid xoog iyo cudud talada ku joogay waxa qarxa wax allaale waxii uu miino aasay, sida la filan karana kala daadashadiisa waxa xigaa waa dadqalatoobid iyo aargoosi sidii ka dhacday waddamo badan oo Afrika ka mid ah. Haddaba, kolkii uu xukunkii Siyaad Barre afweynta goostay, 1991-kii, waxa la filan karayay in qof waliba uu qori qaato oo uu madaxa ka toogto ciddii u dhaw ee uu wax ka tirsanayay, Ayaan Xirsi waxa ay ku doodday Reer in Somaliland ay jidkaas mid ka duwan qaadeen. Waxa ay sheegtay in waxgaradka Somaliland ay shirar isugu yimaaddeen, wada tashadeen, dib u islaaxin iyo heshiisiinta beelaha bilaabeen, halkii ay aargoosi iyo qori qaadan lahaayeenna ay ka door bideen “Isa saamaxaad “. Halkan marka aynu maraynno, waxa inoo muuqanaysa aqoonta xeesha dheer ee ay qoraagu u leedahay waayaha siyaasadeed ee Soomaalida, burburkii ka dib. Waxa la odhan karaa, qoraagu si dhab ah ayaa ay u daraaseysay waayihii ay soo martay Somaliland.

Markii uu dumo talis ku dhisnaa xoog iyo jujuub, waxa inta badan xiga qalalaase iyo gummaadyo. Si taas ka duwan, waxa ay Somaliland qaadday tubka isa-saamaxaadda, heshiiska iyo dawlad-dhiska

Qaybta labaad ee maqaalka waxa muuqata in Ayaan Xirsi, inta ayna gaadhin go’aan iyo gunaanad rasmi ah, ay si dhab ah oo qodobbeysan isu barbar dhigtay Somaliland iyo Soomaaliya, dabadeed ay Somaliland dooratay. Haddii ay Somaliland ku sheegtay maamul leh miisaaniyad, ciidan, qabasaday doorashooyin isla markaana hirgeliyay dimuqraaddiyad wax ku ool ah, waxa ay Soomaaliya ku tilmaantay musiibo baahan oo ku nool, keliya, deeqaha dunidu isku soo dardarto, weliba intaasna musuqmasuq lagu sameeyo. Haddii ay Somaliland ku tilmaantay maamul ay argagixisadu cag soo dhigi wayday, waxa ay Soomaaliya ku sifaysay meel lagu kobciyo argagixisada. Sidaas awgeed, “ Siyaasadda Soomaaliya mid ah” ee Maraynku hore u dhaqmi jiray, waxa ay ahayd go’aan qaldan, sida ay sheegtay.

Kolka ay tahay danaha Maraykanka, Ayaan Xirsi waxa ay aad isugu dayday sidii ay Maraykanka meel gaaban wax uga tusi lahayd. Waxa ay iftiimisay dedaallada is fidineed ee uu Shiinuhu ka wado meel kasta oo uu ka xidhxidho Maraykanku, iyo sida ay qiyam iyo dano u wadaagaan Somaliland. Waxa la odhan karaa Ayaan Xirsi waa qof dhab ahaan garanaya waxa uu doonayo. Somaliland iskama ay caashaqin, waxa ay ka dhex aragtay danaha Maraykanka, qiyamkeeda xorriyad jacayl iyo sida ayna u rabin in Shiinuhu aaggan cag soo dhigo, waana aragtida midigta Maraykanka ee ay jaalka la tahay, gaar ahaan intii ay qaadatay diinta Kiristaanka.

Ugu danbeyn, sida aynu arki karno dedaallada aqoonsi raadineed ee Somaliland waa kuwo soo jiitamayay, intii ay jirtay oo dhan, maantana waxa ay marayaan heer aan la dhayalsan karin, laakiin, haddana u baahan galaangal iyo Istaraatiijiyad weyn. Maqaalka Ayaan Xirsi waa mid saameyn ballaadhan yeelan doona, maaddaama ay ka tirsan tahay golayaal aqooneed, kana mid tahay dhaqdhaqaaqa Kiristaanka midigta, waxaana muran lahayn in ay dogobyo sii saari doonto dedaallada iyo baaqyada loogu qareemayo aqoonsiga Somaliland.