Skip to main content

Tuesday 15 September 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Aqoonyahanka Soomaalida iyo Caanka Baraha Bulshada: Laba isu Baahan

19 August, 2026
Image
  Aqoonyahanka Soomaalida iyo Caanka Baraha Bulshada: Laba isu Baahan
Share

Tan iyo goortii ay dhulka Soomaalida soo gaartay caaradda hore ee edegowga dunida iyo barakada intarnaydku, waxaa si tarab-tarab ah u soo baxayay dhalinyaro badan oo si kala duwan caan uga noqonayay baraha bulshada ee Soomaalidu ku kulanto, kuwaas oo aan caannimada waxba uga hoosayn. Dhalinyaradaas waxaa mid walba ku xiran boqollaal kun oo qof oo dhalinyaro u badan, kuwaas oo ay iyagu jiheeyaan isla markaana u abuuraan wacyiga iyo adduun-araggooda ku aaddan nolosha. Marka laga yimaado marar dhif ah oo maamullada iyo siyaasiyiintu u adeegsadaan dano gaar ah, ma jirto dan bulsho oo looga faa'iidaysto caannimadaas.

Dhanka kale, aqoonyahanka Soomaalida ee gumaystihii ka dib kacaamay, waxaa ku kulmay laba cudur oo halis ah, aqoontoodana macna tiray; waa in ay bulshadii iskala weyn yihiin oo noqdeen koox aristoqraadiyiin ah oo ka go'an wacyi ahaan iyo duruuf ahaanba bulshadoodii iyo in ay labada goor ee ay bulshada la xiriiraanba ku hadlaan af qalaad oo aan bulshadu fahmayn! Taasi waxa ay dhashay in doorkii aqoonyahanku bannaanaado, isla markaana ay buuxiso cid aan ahayn ciddii ku habboonayd, iyo in caannimada Soomaalida noqoto wax la fiigo iyo astaan xumaan ka marag kacda. Haddaba, waydiintu waxay tahay, sidee caannradimada dhalinyaa ee baylahda ah iyo aqoonta aqoonyahanka ee go'doonsani u mataanoobi karaan? Sideese mataanowgaasi u beddeli karaa nolosha iyo wacyiga bulsheed ee Soomaalida? Curiskani wuxuu daarran yahay warcelinta waydiimahan.

Sida ruux kasta oo Soomaali ah oo kacaamay soddonkii sano ee u danbeeyay, uu ugu kacaamay duruufaha dhaqan-dhaqaale iyo baylahda darwladnimo, ayaa inta badan dhalinyarada Soomaaliyeed ee caanka ka ah baraha bulshadu u yihiin kuwo aan helin wacyi ka baxsan kan bulshadooda. Waxay caan la noqdeen cudur walba oo bulshadooda hayay. Dhaqan-xumada, qabyaaladda, tuugsiga, af-xumada, beenta, iyo nacaybka oo ahaa cudurro bulshadoodu qabtay ayay sallaanka la soo fuuleen. Waxay u kala af-dheeraadeen sidii ay u kala dhaqan-xumaayeen. Waxayna u kala lacag iyo sumcad bateen sidii ay u kala qabyaalad badnaayeen. Wax kasta oo laga sarriigan jiray baa caadi noqday. Samihii baa gacan ku gabbad iyo wax la isku caayo noqday. Nabaadguur dadnimo iyo mid akhlaaqeed oo xawaara adag ku socda ayaa la galay.

Xagasha kale, aqoonyahanka oo ahaa cidda ugu mudan ee laga filayay in ay u jidbixiso jahawareerka iyo dayawgan bulsheed waxba kama soo naasacadda. Waxay ku jiraan adduunkooda u gaarka ah. Bulshada ma soo dhexgalaan, eedayn iyo doodo quus u badan oo ku kooban fadhiyadooda ayay kaga falceliyaan. Laba goor ayay waaqaca bulshada u holladaan. Waa mar ay madalo kooban khudbado dhagax-tuur iyo cay u badan ka jeediyaan iyo marar kooban oo ay qalinka taagsadaan. Labadaas goorba, farriintoodu ma gaadho bulshada ay ku socoto. Waxay ku hadlaan ama qoraan af qalaad oo inta fahmi kartaa iska yar tahay.

Labadaas kooxood, oo mid walba tahay laan xooggan oo bulshada saamayn ku leh, mid walba tan kale ayay la yaabban tahay. Aqoonyahanku, dhalinyarada caanka ah waxa uu u arkaa wax liita oo ay tahay in aanu wax ku darsan iyo dhooqo mudan in uu ka dhawrsado, halka dhanka kale, dhalinyarada caanka ahi aqoonyahanka u taqaan dad waalwaalan oo aad xaqiiqada iyo waaqaca bulshadooda uga fog. Inkasta oo aragtida koox walba tan kale ka haysato aanay wada been ahayn, oo wax badani ka jiri karaan, haddana, xaqiiqdu waxa ay tahay, in labada kooxood isu baahan yihiin, oo mid walba oo iyaga ka mid ahi tahay laan bulsheed oo muhiim u ah danta guud ee bulshada iyo horumarinteeda, labadooda oo wada jirana ay bulshadu u baahan tahay.

Dhalinyarada caanka ahi, ma aha sida aqoonyahanku ku tilmaamaan koox aan waxba bulshada ugu ool. Balse, waa cidda go'aamisa wacyiga iyo adduun-aragga bulsho weynta, gaar ahaan dhalinyarada. Qof ay ku xiran yihiin hal milyan oo ruux ama boqollaal kun oo qofi, ma aha ruux iska caadi ah, waayo waa il xogeed oo jihaysa wacyiga dadweynaha. Dabcan, saamayntaasi waa mid la arki karo, oo waxaa inoo muujin kara heerka qabyaaladda iyo afxumadu ka marayaan bulshada dhexdeeda gaar ahaan dhalinyarada iyo sida ay qabiil isugu faanka iyo reer caygu caadiga uga dhex noqdeen bulshada waayahan danbe. Sida la dareemi karo, ka hor faafitaankii baraha bulshada iyo soo bixitaankii qaaqlayaasha, qabyaaladda iyo wacyiga reernimadu sidaas uguma faafsanayn dhalinyarada, ama ugu yaraan looguma dhiirran jirin sida maanta loogu dhiirrado. Cayda iyo aflagaadda nimankaas caanka ah ee mid walba ay ku xiran yihiin boqollaalka kun ee qof, ayaa sababtay in nacaybka, qabyaaladda iyo afxumadu heerkoodii ugu sarreeyay gaaraan.

Dhanka kale, aqoonyahanku ma aha koox saamayntoodu yar tahay ama sida bulshadu u taqaan waalwaalan, ee waa unug bulsho oo haddii uu doorkiisa qaato tubta toosan saara bulshada. Waa koox dadweynaha ugu jirta halka sahanku ugu jiro geeddiga. Waa indhaha iyo dhagaha bulshada oo haddii ay shaqo joojiyaan bulshadaasi god dheer bay ku dhacdaa, haddii ay hagaagtana badbaadaa laga helaa. Qodobkan, waxa aynu ka dhex arki karnaa taariikhda aadanaha ee dhow ama dheer. Tusaale ahaan, horumarka iyo barwaaqawga galbeedka ee maanta dunida oo dhami ku hirataa, waxa uu ka yimid aqoonyahan doorkiisa qaatay. Mugdigii iyo waayihii madoobaa waxa ay bulshooyinkaasi kaga baxeen aqoonyahankooda oo qaatay doorka sahanka iyo jihaynta bulshada, natiijada ka soo baxdayna waa tan aynu u tahriibno! Sidaas si la mid ah, ayaa aqoonyahanka Soomaalidu xalalka iyo barwaaqawga ay fadhiyadooda ku hayaan ugu badbaadin karaan bulshada isla markaana ugu jidbixin karaa jahawareerka haysta.

Sida muuqata, labadaas kooxood—waa caanka iyo aqoonyahanka e—waa ay isu baahan yihiin oo kooxi waxa ay haysaa xogtii iyo aqoontii ay bulshadu u baahnayd, halka kooxda kale hayso waddadii xogtaas la marin lahaa oo si siman bulshada loo deeqsiin lahaa. Haddaba, waydiintu waxa ay tahay, sidee labadoodu u wada shaqayn karaan, isla markaana dedaalkooda oo wada jira bulshada ugu jidbixin karaan? Sida ay ila tahay, waxaa loo baahan yahay in tallaabooyinka la qaado si loo gaaro hadafkaas:

1. Aqoonyahanku ha ka soo baxo godka aqoonta: Sida aynu horay u soo sheegnay, aqoonyahanka Soomaalidu ma aha mid bulshada ku dhex jira. Waa koox aristoqraadiyiin ah oo wacyi ahaan iska agdhow, kuna kooban fadhiyadooda gaarka ah. Doodohooda, naqdintooda, faallayntooda iyo xalalkooda ku aaddan dhibta Soomaaliduba ma gaaraan bulsho-weynta. Siyaasadda ma galaan oo ma fariistaan miiska go'aannada lagu gaarayo, dadwaynahana ma dhexgalaan oo ma abuuraan wacyi guud oo dhibaatooyinkaas ku aaddan. Labadaba waa iskala weyn yihiin oo waxa ay u arkaan wax aan u qalmin aqoontooda! “Lama dhooqaysan karno” ayay ku afjigaan qofka ku soo qaada, waxayse moog yihiin in si dhooqada loo nadiifiyo ay lagama maarmaan tahay in la dhexgalo dhooqada. Haddaba, si loo helo xal bulsho, dedaalka aqoonyahankuna macna u sameeyo, waa in aqoonyahanka waaqaca u soo dhowaado. Waa in buurta ka soo dego. Waa in uu bulshada soo dhex fariisto. Waana in dooddiisu fadhi-ku-dirirka dadka caadiga ah timaaddo oo ay geedka qabiilka looga doodayo ka booriso.

2. Waa in aqoonyahanku dhalinyarada caanka ah ka dhex hadlo: Sida aan qodobka kore ku xusay, waa lamahuraan in aqoonyahanku bulshada caadiga ah—oo ah inta badan bulshada—dooddiisa soo gaarsiiyo, si taasi u dhacdo, waa in aqoonyahanku dadkaas af ay fahmayaan kula hadlo, meel ay garanayaanna kala hadlo. Maadaama aan aqoonyahanku haysan saaxad ballaaran oo uu si fudud bulshada ugala hadli karo, lana mid ah tan dhalinyarada caanka ah, waxa uu si ku meel-gaar ah uga dhex hadlayaa dhalinyarada caanka ah! Sidee? Waxa ay noqon kartaa laba hab. 1) in aqoonyahanku dedaal shakhsi ah ku bixiyo dhalinyarada caanka ah, oo uu wax aan hanuunin ugu yeeri karno ku sameeyo shakhsiyaadka caanka ah, si ay iyaguna u sii hanuuniyaan bulshada inteeda kale ee ku xiran iyaga. Waa waddo adag, wakhti badan qaadan karta, laakiin xal waara keeni karta. 2) In aqoonyahanku si joogta ah u soo fariisto madalaha/dagallada dhalinyaradaas caanka ahi ku leeyihiin baraha bulshada oo uu halkaas farriintiisa ku aaddan bulshada ee wacyidhiska ah ka gudbiyo, maadaama ay in badan oo bulshadii ah halkaas ku xiran tahay. Waa qodob ka fudud kii hor, laakiin aan dhib yarayn. Waxay u baahan tahay dulqaad badan iyo in aqoonyahanku qabkiisa beenta ah ka tanaasulo si uu u gaaro xalka weyn! Qodobkan ka dhex-hadalka waxaa aad u isticmaala maamullada Soomalida oo borobogaandadooda iyo guulwadayntooda dhex marsada dhalinyarada caanka ah iyaga oo u maraya sandareerto ay dhalinyaradaas siiyaan. Sidaas si la mid ah ayuu aqoonyahankuna ujeeddasan ugu adeegsan karaa.

3. Waa in aqoonyahanku Baraha bulshada ee dadweynuhu u badan yahay ku soo biiro: Maadaama aynu kor ku soo sheegnay in ay lamahuraan tahay in aqoonyahanku ka soo dego buurta uu saaran yahay oo uu u soo dego waaqaca iyo xaqiiqada bulshada, labada waddo ee horana ku-meel-gaar-yihiin oo aan waligood lagu tiirsanaan karin, waxaa khasab ah in saaxadda lagu soo ciriiryo qaaqlayaasha ku keliyeystay oo uu aqoonyahanku ku dhex yeesho barahaas degello rasmi oo uu isagu leeyahay. Inkasta oo qodobkan horumar kooban ka muuqdo, oo ay jiraan aqoonyahan badan oo saaxaddaas ku soo biirayay muddooyinkan dambe, haddana, fari kama qodna! TikTok iyo baraha la midka ah ee badi bulshadu joogto waa in aqoonyahanku yimaado. Waa in layfaf u dhigma kuwa qabiil-cayga iyo tuugsiga ah ee ka socda bartaas ay aqoonyahanku ku yeeshaan. Waa in fadhiyada aqoonyahanku halkaas u soo guuraan. Waa in aan aqoonyahanku bulshada ka harin ee uu u haro, oo hadba halka ay u guurto ula guuro.

Marka ay intaas dhacdo, maxaa iska baddalaya bulshada sideese arrintaasi wax uga beddeli kartaa xaaladda jirta iyo jahawareerka Soomaalida haysta? Dabcan, degelka u weyn ee dhibta Soomaalidu u hoyataa waa wacyi-xumo bulsho iyo in aan dadweynaha, gaar ahaan dhalinyarada—oo ah kooxda ugu badan bulshadu—aanay helin aqoonyahan jiheeya iyo wacyi ka duwan kii xaafadohooda ee liitay. Marka tallaabooyinkaas la qaado oo aqoonyahanka iyo dhalinyarada caanka ah oo midaysani ay tallaabadaas qaadan, waxaa sida qabiil-cayga u faafi doona oo guri kasta geli doona doodaha wacyi-dhiska. Waxaa halkaas ka abuurmi doona wacyi iyo adduun-arag bulsho oo ku aaddan laamaha kala duwan ee nolosha. Waxaa la helayaa miisaan ka baxsan kii qabiilka iyo qabyaaladda. Waxaa imanaya waydiimo badan oo ay bulshadu iska waydiiso dawladnimadeeda, dhaqaalaheeda, dhaqankeeda iyo guud ahaan laamaha nolosha. Waydiimahaas ayaana dhali doona xalka dhibaatooyinkaas. Gebagabadii, waxa aan ku talinayaa in laga gudbo meertada is-eedeynta iyo is-hiifka. Waxaanan soo jeedinayaa in xalka lagu soo dhowaado oo nuxurka doodaheennu soo dhaafaan fara isku fiiqa; una soo gudbaan xal-abbaarka.

Qoraallada kale ee qoraaga

Dhaqan

Dhashii Hantigoosiga

Masrax

Muuqaalka Dawlad Islaami ah: Timbuktu

Feker

Baraarugga iyo Xuquuqraadinta