Sunday 14 December 2025
Somaliland waxa ay xorriyaddeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska, 26-kii Juun 1960, taas oo muddo gaaban ka dhigtay dal madax-bannaan, ka hor intii aanay si degdeg ah ula midoobin Soomaaliya, 1-dii Julaay 1960, si loo aasaaso Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed. Hase yeesho e, burburkii dowladdii dhexe iyo dagaalladii sokeeye ee qarxay dabayaaqadii 1980-meeyadii iyo horraantii 1990-meeyadii ayaa sababay in Somaliland ay dib ugu dhawaaqdo madax-bannaanideeda, sannadkii 1991-kii. Go’aankani waxa uu ka turjumayay rabitaanka shacabka iyo hoggaamiyeyaasha deegaanka oo doonayay in ay ka baxaan fowdada, amni-darrada iyo kala dambeyn la’aanta ka jirtay inta kale ee Soomaaliya. Tan iyo wakhtigaas, in kasta oo aan weli si rasmi ah loo aqoonsan caalami ahaan, haddana Somaliland waxa ay si wax-ku-ool ah u dhistay dowlad waaqici ah (de facto state) oo leh hay’ado sharci iyo maamul shaqeynaya, dastuur qoran, iyo nidaam siyaasadeed oo daboolaya baahiyaha bulshada, dhaqaalaha iyo amniga. Waxa si joogto ah loo qabtay doorashooyin ku dhisan tartan furan, awoodda dowladduna si nabad ah ayaa, marar badan, loo kala wareejiyay. Xasiloonida iyo nidaamka ay dhistay ayaa ka sarreeya heerka, inta badan, gobollada kale ee Geeska Afrika. Haddii lagu eego qodobada lagu qeexay Heshiiskii Montevideo ee 1933-kii, Somaliland waxa ay si cad u buuxisay dhammaan shuruudaha dowladnimo:
Bulsho joogto ah: Dad leh aqoonsi mideysan iyo xidhiidh taariikheed oo ku xidhan dhulkan.
Dhul cayiman oo leh xuduudo la aqoonsan yahay: In kasta oo aan la aqoonsanayn, haddana, xuduuduhu waxa ay ku salaysan yihiin kuwii maxmiyaddii hore.
Maamul shaqeynaya: Hay’ado sharci-dejin, fulin, iyo garsoor oo u shaqeynaya si joogto ah.
Awood xidhiidh dibadeed: Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo firfircoon, xidhiidhna la leh dowlado iyo hay’ado caalami ah, in kasta oo aanay rasmi ahayn.
Hase yeesho e, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo dowladaha waaweyn ee caalamku, weli, si rasmi ah uma aqoonsana madax-bannaanida Somaliland. Taas oo loo arko in ay abuurtay xaalad cadaalad-darro ah, iyada oo badanaa loogu yeedho gobol ka tirsan Soomaaliya, in kaste oo ay jiraan ha’ayado dhisan, nidaam dimuqraadi ah, iyo amni ka sarreeya dalal badan oo gobolka ah. Haddana, muddo ka badan soddon sano, Somaliland waxa ay wadday olole diblomaasiyadeed oo joogto ah si ay u kasbato aqoonsi caalami ah, iyada oo qoraallo, warbixinno, iyo kulammo joogto ah la yeelanaysay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo ururrada gobolka. Jaaliyadaha Somaliland ee dibadda ku nool ayaa, iyaguna, door muuqda ka qaatay dedaalladan, iyaga oo abaabulay shirar, dood cilmiyeedyo, iyo ololeyaal warbaahineed oo lagu faafinayo xaqiiqooyinka iyo guulaha ay gaadhay. Si kastaba, ilaa maanta ma jiro dal si buuxda u aqoonsaday, taas oo ka dhigaysa Somaliland tusaale gaar ah oo ku saabsan dal si buuxda u dhisan balse aan weli helin aqoonsiga caalamiga ah ee uu u qalmo.
Somaliland waxa ay ahayd dhul uu Ingiriisku gumeysan jiray, ilaa ay xorriyaddeeda ka qaadatay 26 Juun 1960, xilligaa oo si rasmi ah loogu aqoonsaday dal madax-bannaan. Xorriyaddaasi waxa ay socotay shan maalmood oo keliya, ka hor intii aanay ku biirin Soomaaliya (oo markaas ahayd dhulkii Talyaanigu maamulayay), 1-dii Julaay 1960. Midowgaasi waxa uu ka dhashay rajo weyn oo laga qabay in la dhiso qaran Soomaaliyeed oo mideeya dhammaan dadka Soomaaliyeed. Hase ahaato e, midowgii labada dhul ma aanu marin hab sharciyeed dhamaystiran, loogumana ansixin si rasmi ah baarlamaan mideysan oo ku dhisan qaab dowladnimo oo hufan. Taasi waxa ay sababtay in muddo ka dib ay soo baxaan tabashooyin siyaasadeed, dhaqaale iyo kuwo awood-qaybsiga la xidhiidha, kuwaas oo sii kordhayey sannadihii xigay. Markii dowladdii dhexe ee Siyaad Barre dhacday 1991-kii, shirar isdaba-joog ah oo ay isugu yimaadeen madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada ee Somaliland ayaa lagu go’aamiyay in dib loo soo celiyo madaxbannaanidii ay hore u heshay sannadkii 1960-kii. Go’aankaasi waxa uu ahaa isku-day lagu doonayay in Somaliland lagu badbaadiyo, lagana fogeeyo colaaddaha, fawdada iyo kala dambayn la’aanta ka dhacaysay inta kale ee Soomaaliya.
Tan iyo waqtigaas, waxa ay ku guulaysatay in ay si nabad ah u maamusho dhulkeeda, iyada oo dhistay dowlad leh dastuur rasmi ah, hay’ado shaqeeya, iyo nidaam doorashooyin dimuqraadi ah ku dhisan. Waxaa marar badan la qabtay doorashooyin madaxtinimo iyo baarlamaan, xilliyo kalena si isku mar ah ayaa loo qabtay, taas oo lka dhigtay tusaale ka duwan dalal badan oo ku yaalla Geeska Afrika, marka la eego xasilloonida siyaasadeed, sharciyeynta nidaamka dowladnimo, iyo awoodda maamulka.
Inkasta oo Somaliland muddo dheer isku maamulaysay sidii dal madax-bannaan, haddana aqoonsi rasmi ah kama helin beesha caalamka. Inta badan dowladaha caalamku waxa ay weli ku adkaysanayaan in ay weli qayb ka tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Arrintan ayaa hor istaagtay in ay ku biirto ururrada iyo hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, Bangiga Adduunka, iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF), tusaale ahaan taasina waxa ay caqabad ku noqotay helitaanka gargaar caalami ah iyo maalgashi toos ah.
Si kastaba, Somaliland kama quusan dadaalka ay ugu jirto aqoonsi. Waxa ay samaysay xidhiidho aan rasmi ahayn oo ay la yeelatay dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan Maraykanka, Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Itoobiya, iyo Taywaan. Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha iyo bulshadu waxa ay mar kasta cod dheer ku gaadhsiiyaan beesha caalamka dalabkooda ah in loo aqoonsado dal madax-bannaan, iyaga oo abaabulaya ololeyaal diblomaasiyadeed iyo kuwo warbaahineed. Hase yeesho e, dedaalladaas weli ma noqon kuwo midho dhalay sababta oo ah arrimo siyaasadeed oo adag ayaa hor taagan, kuwaas oo la xidhiidha danaha istiraatiijiga ah ee gobolka, mabda’a Midowga Afrika ee ah in la dhowro xuduudihii gumeysiga, iyo diidmada dowladda Federaalka Soomaaliya. Sidaa darteed, in kasta oo Somaliland ay si dhab ah ugu dhaqmayso sidii qaran madax-bannaan, haddana sharci ahaan, Somaliland waxa ay dooddeeda ku saleysay mabda’a caanka ah ee “uti possidetis juris”, kaas oo Midowga Afrika ay ku adkaysteen in aan dib loo beddelin xuduudihii ay reebeen quwadihii gumeysigu, halka ay Somaliland ku doodeyso arrinteedu in aanay ahayn dib-u-habayn xuduudeed ama dhul ku darsasho cusub, balse ay tahay soo celin xuduudihii Maxmiyaddii Ingiriiska ee 1960-kii si rasmi ah loogu aqoonsaday dal madax-bannaan.
Sida ay sheegto, muddo soddon sano ka badan ayaa ay si de facto ah oo xaqiiqo ah u dhisatay dowlad shaqaynaysa, taas oo sii xoojisay dooddeeda sharciyeed. Aragtidan ayaa sababtay in dalalka qaar oo gobolka ka tirsan, sida Yugaandha iyo Suudaan, iyo kuwo kale oo Bariga Afrika ka mid ahi, ay u arkaan khilaafka Somaliland iyo Soomaaliya mid si gaar ah uga duwan kiisaska kale ee gooni-isu-taagga. Qaar badan waxa ay ku adkaysteen in Somaliland mar hore dal madax-bannaan ahayd, xitaa haddii ay ahayd muddo gaaban, ka dibna ay si iskood ah ula midoobeen Soomaaliya, sidaas darteedna ay dib u soo ceshatay madax-bannaanidii hore ee ay lahayd. Hase yeesho e, Midowga Afrika weli go’aan cad kama soo saarin arrintaas. Ururku waxa uu weli ka cabsi qabaa in aqoonsiga Somaliland uu abuuro tusaale cusub oo sababi kara in gobollo kale oo Afrika ku yaalla ay dalbadaan in ay ka go’aan dalalkooda, taas oo khatar ku noqon karta xasilloonida qaaradda. Sidaas awgeed, in kasta oo doodda Somaliland, sharci ahaan, xooggan tahay, haddana siyaasadda iyo danaha istiraatiijiga ahi waxa ay noqdeen caqabad weyn oo hor taagan aqoonsigeeda.
Marka laga hadlayo xaaladda Koonfurta Suudaan, geeddi-socodka aqoonsiga caalamiga ahi ma ahayn mid si kedis ah u dhacay, balse waxa uu ahaa mid si xeel dheer loo qorsheeyay. Qaramada Midoobay iyo dalalka deriska ayaa door muuqda ka qaatay heshiiskii nabadeed ee lagu magacaabay Heshiiska Nabadda ee Dhammeyskatiran (Comprehensive Peace Agreement – CPA) oo la saxiixay 2005-kii. Heshiiskan ayaa ahaa mid rasmi ah oo u dhexeeyay xukuumaddii Khartuum iyo ururkii hubeysnaa ee SPLM, waxaana si cad loogu qeexay in dadka Koonfurta Suudaan ay xaq u leeyihiin in mustaqbalkooda lagu go’aamiyo afti guud. Aftidan taariikhiga ah ayaa dhacday Jeenaweri 2011-kii, iyada oo natiijadii ka soo baxday noqotay mid aan muran lahayn: 98.83% dadka codeeyay waxa ay doorteen in Koonfurta Suudaan ka go’do Waqooyiga Suudaan oo ay noqdaan dal madax-bannaan. Natiijada waxaa si sharaf leh u aqbalay Madaxweynihii Suudaan, Cumar al-Bashir, kaas oo xusay in aftidu ay si nabdoon u dhacday. Aftidaas ka dib, 9-kii Julaay 2011, Koonfurta Suudaan waxa ay si rasmi ah ugu dhawaaqday madax-bannaanideeda. Isla maalintaas, dowladda Khartuum waxa ay aqoonsatay natiijada, taas oo Koonfurta Suudaan si buuxda ugu biirisay nidaamka siyaasadeed ee caalamka. Dhanka caalamka, go’aanka Koonfurta Suudaan si weyn ayaa loo soo dhaweeyay, iyada oo u hoggaansantay qorshihii hore loo dejiyay. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si degdeg ah uga falceliyay arrintaas, waxaana ay u gudbiyeen Golaha Guud codsi rasmi ah oo ah in dalka cusub lagu daro xubnaha ururka. Muddo lix bilood gudahood, 14-kii Julaay 2011, Golaha Guud ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay xubinnimada Koonfurta Suudaan, taas oo ka dhigtay dalka xubintii 193-aad ee Qaramada Midoobay. Xafladda aqbalaadda waxaa ka soo qaybgalay ergooyin dalal badan ka kala socday iyaga oo bogaadiyay sida nabadda iyo wada-xaajoodka ku dhisan ee uu dalku ku gaadhay madax-bannaanidiisa. Xoghayihii guud ee QM, Ban Ki-moon, ayaa Koonfurta Suudaan ku tilmaamay in ay tahay “qaran cusub oo si nabad ah ugu soo biiray bulshada caalamka.” Sidaas awgeed, Koonfurta Suudaan waxa ay heshay aqoonsi caalami ah oo ballaadhan; dalalkii saaxiibka la ahaa Suudaan waxa ay si degdeg ah u aqoonsadeen madaxbannaanideeda, halka Midowga Afrika uu kiiska Koonfurta Suudaan u arkay xaalad gaar ah oo aan si toos ah loogu dabaqi karin meelaha kale ee qaaradda.
Sharci: Koonfurta Suudaan, sida aan hore u tilmaanay, waxa ay madax-bannaanideeda ku heshay hannaan sharci oo si rasmi ah u qeexnaa. Heshiiskii Nabadda ee loo yaqaanay Comprehensive Peace Agreement (CPA) ayaa dhigay in afti gooni-isu-taag ah la qabto, waxaana si cad u ansixisay dowladdii dhexe ee Khartuum. Sidaas darteed, go’itaanka Koonfurta Suudaan waxa uu ku yimid oggolaansho labada dhinac ah, taas oo sharciyeysay go’aanka shacabka Koonfurta. Somaliland, se, waxa ay ku dooddaa in midowgii ay 1960-kii la gashay Soomaaliya aanu ahayn mid, sharci ahaan, dhammaystiran oo waajib sharciyeed yeeshay. Sidaas awgeed, waxa ay ku dooddaysaa aragtida ah; gooni-isu-taaggu in aanu ahayn jebinta xuduud cusub, balse waa dib-u-soo-celin madaxbannaanidii ay hore u lahayd, oo ku salaysnayd xuduudihii gumeysigu dejiyay. Hase yeesho e, marka laga eego dhinaca sharciyada caalamiga ah, labada xaaladood waa ay ku kala duwan yihiin. Koonfurta Suudaan waxa ay go’day iyada oo ay jirto heshiis qoran oo labada dhinac saxeexeen, halka Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaani, iyada oo ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay oo aanay jirin cid sharci ahaan u matali karta oggolaansho ama diidmo. Sidoo kale, Ururka Midowga Afrika waxa uu xoogga saarayaa mabda’a uti possidetis juris (ilaalinta xuduudihii gumeysiga), taas oo caqabad ku noqotay in si fudud loo aqbalo kala qaybsanaanta Soomaaliya.
Siyaasad: Arrimaha siyaasadeed iyo istiraatijiyadeed ayaa ahaa kuwa ugu saameynta badan labada kiis. Koonfurta Suudaan waxa ay heshay taageero caalami ah oo ballaadhan, gaar ahaan Mareykanka, Yurub, Imaaraatka iyo dalalka Bariga Afrika, kuwaas oo muddo dheer ku doodayay xuquuqda dadka Koonfureed iyo in la soo afjaro colaaddii muddada dheer socday. Taageeradan ayaa fududeysay in aftidii lagu kala go’ay si fudud loo aqbalo, laguna qanciyo dhinacyadii isku hayay. Dhanka kale, Somaliland, weligeed, ma ay helin cid si dhab ah u taageerta gooni-isu-taageeda, maadaama dalal badani ay si rasmi ah u garab taagnaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku adkaysanaysay ilaalinta midnimada iyo xuduudaha dalka. Taas waxaa saldhig u ahaa danaha amni ee lagaga hortagayo argagixisada iyo khatarta xasillooni-darrada gobolka.
Dalalka Afrika iyo reer Galbeedka ayaa, marar badan, ku celceliyey mowqifka “Midnimadda Soomaaliya” si looga hortago fawdo iyo burbur siyaasadeed oo dheeraad ah. Sidaas awgeed, halka Koonfurta Suudaan ay ku faa’iidday taageero siyaasadeed oo xooggan, Somaliland waxa ay ku koobnaatay taageero xaddidan oo ka timid dalal daris ah, iyada oo ka maqan heshiis caalami ah oo dammaanad qaadi lahaa geeddi-socod madax-bannaani oo sharci ah, hadda ayaad se mooddaa in albaabadii caalamku u soo furmayaan, iyada oo xidhiidho cusub iyo wada-hadallo caalami ah la dareemayo. Dalalka jaarka ah, sida Itoobiya iyo Kiiniya, ayaa si dhow ula socda isbeddelladaas, iyaga oo danaynaya dhinacyada amniga, ganacsiga iyo siyaasadda gobolka. Sidoo kale, Maraykanka iyo dalal kale oo reer Galbeed ah ayaa si gaar ah u eegaya xaaladda Somaliland, iyaga oo ka daalacanaya fursadaha ku jira xidhiidhka siyaasadeed, istiraatiijiga iyo dhaqaalaha. Taasi waxa ay ka dhigan tahay in Somaliland maanta fursad u heshay in ay ka baxdo go’doonkii siyaasadeed ee muddada dheer saarnaa, isla markaana ay albaab cusub ka hesho diblomaasiyadda iyo iskaashiga caalamiga ah.
Diblomaasiyad: Koonfurta Suudaan waxa ay si degdeg ah ugu biirtay hay’adaha waaweyn ee caalamiga ah sida Qaramada Midoobay iyo Ururka Midowga Afrika, waxaana loo furey safaarado badan oo caalamka ah. Taageeradaasi waxa ay ku timid sababo la xidhiidha xidhiidhkii hore ee caalamku kula lahaa arrimaha nabadda iyo amniga gobolka, iyada oo aqoonsiga Koonfurta Suudaan loo arkayay tallaabo muhiim ah oo lagu dhimayo colaaddii muddada dheer soo jiitamaysay. Somaliland, dhanka kale, in kasta oo aanay weligeed helin xubinnimo buuxda oo hay’adahaas caalamiga ah, haddana waxa ay dhistay qaab diblomaasiyadeed u gaar ah oo ay ku difaacdo danaha shacabka reer Somaliland. Tusaale ahaan, waxa ay ka qayb gashay shirar gaar ah oo G-1 ah iyo wada-shaqeyn xaddidan oo ay la yeelatay hay’ado ka tirsan QM si ay u soo bandhigto codkeeda. Waxaa intaa dheer, Somaliland waxa ay si gaar ah ula yeelatay heshiisyo horumarineed dalal iyo shirkado caalami ah, tusaale ahaan, mashaariicda lagu horumarinayo dekedda Berbera ee fulinayso shirkadda loo yaqaano DP-WORLD iyo kii u danbeeyay ee loo yaqaanay MOU-gii oo ay la wada galeen Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya. Si kastaba, heshiisyadan aan rasmiga ahayni marar badan waxa ay keeneen xiisado siyaasadeed. Soomaaliya waxa ay, marar badan, ku eedeysay Itoobiya iyo dalal kale in ay si dadban u aqoonsanayaan Somaliland, taas oo keentay in Itoobiya ay, marar badan, ku celiso in ay “hal albaab” u marayso Soomaaliya marka ay arrimaha Somaliland timaaddo. Dhanka kale, Somaliland waxa ay muujisay diyaar u ahaansho istiraatiijiyad dheer oo cusub, mid ka turjumeysa in ay dalal gaar ah la samayso iskaashi qoto dheer ama ay si toos ah ugu tiirsanaato maalgelinta gudaha iyo taageerada shacabka. Si kastaba ha ahaato e, istiraatiijiyaddan weli si buuxda looma hirgelin, taas oo ka dhigtay in Somaliland weli si iskeed ah ugu jirto safarka dheer ee ay ugu jirto aqoonsi rasmi ah iyo madax-bannaani caalami ah.
Somaliland, weli, waxa hor taagan caqabado culus oo badan oo xanibaad ku noqday aqoonsiga caalamiga ah. Caqabadda ugu weyni waa mowqifka Ururka Midowga Afrika iyo mabda’a caalamiga ah, kaas oo adkaynaya in la ilaaliyo xuduudihii gumeysigu ka tegay xilligii xornimada. Mabda’ani waxa uu ka dhigayaa dalal badan kuwo ka baqaya in haddii Somaliland la aqoonsado, ay abuuri karto tusaale kale oo dhiirrigeliya kala-go’ iyo dib-u-habayn xuduudeed oo meelo kale ka dhaca. Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad uga soo horjeedda sheegashada madax-bannaanida Somaliland, taas oo beesha caalamka ku riixda in ay mudnaan siiyaan taageerada midnimada Soomaaliya, halkii ay ka tixgelin lahaayeen codsiga gooni-isu-taagga ee Somaliland. Dhanka dhaqaalaha, aqoonsi la’aantu waxa ay ka hor istaagtay Somaliland in ay si toos ah uga qaybqaadato hay’adaha maaliyadeed ee waaweyn sida Bangiga Adduunka iyo IMF. Tani waxa ay si weyn u xaddidaysaa helitaanka maalgelin, deeqo, iyo mashaariic horumarineed. Intaa waxaa dheer, nidaamka sharciyeed ee aan caalamku aqoonsanayn ayaa yaraynaya kalsoonida maalgashadayaasha iyo hirgelinta mashaariicda waaweyn ee dibadda laga maalgeliyo. Xagga amniga, khilaafaadka ka jira dhulka, gaar ahaan Sool iyo Sanaag oo uu muran ka dhexeeyo Somaliland iyo Soomaaliya (gaar ahaan maamul goboleedka Puntland) ayaa sii hurinaya xasillooni-darro joogto ah. In kasta oo colaadahaasi aanay gaadhin heerka dagaallada culus ee ka socda qaybaha kale ee Soomaaliya ka mid ah, haddana waxa ay dhaawacayaan sumcadda Somaliland ee ku saabsan nabadgelyo iyo xasillooni siyaasadeed.
Ugu dambayn, caqabadda ugu adag waxa ay tahay taageerada caalamiga ah ee wali ku adkaysanaysa aragtida “Soomaaliya mideysan”. Dalal awood leh, sida Mareykanka iyo ururo waaweyn oo caalami ah, weli ma ay gaadhin go’aan rasmi ah oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland. Arrintan ayaa sii adkaynaysa safarka Somaliland ee aqoonsiga, in kasta oo ay jiraan daraasado badan iyo doodo siyaasadeed oo muujinaya in arrintani u baahan tahay xal siyaasadeed oo ka duwan kii hore.
Dhanka fursadaha, In kasta oo ay jiraan caqabado siyaasadeed, dhaqaale iyo sharci oo horyaalla, haddana Somaliland waxa ay leedahay fursado badan oo ay uga dhigi karto xaaladdeeda mid u horseedda guulo diblomaasiyadeed iyo kuwo istiraatiiji. Mid ka mid ah hantida ugu weyn ee ay ku faanto waa xasilloonideeda iyo nidaamkeeda dimuqraadiyadeed. Warbixinno badan oo caalami ah ayaa ku tilmaamay Somaliland in ay tahay deegaan nabdoon oo leh nidaam doorashooyin tartan ah oo ka sarreeya inta badan Soomaaliya iyo Afrika inteeda kale. Astaantan ayaa noqotay sabab ay dalal iyo maalgashadeyaal badani ugu arkaan Somaliland lammaane lagu aamini karo iskaashi iyo maalgelin. Tusaale muuqda waa mashruuca horumarinta dekedda Berbera. Shirkadda DP World ee Imaaraadka iyo dowladda Ingiriiiska ayaa maalgelin ballaadhan ku bixiyey dekedda, taas oo soo jiidatay malaayiin doollar sanad walba. Itoobiya oo aan lahayn bad ayaa, iyaduna, bilowgii heshay 19% saamiga Berbera, taas oo muujinaysa muhiimadda istiraatiijiga ah ee goobtaas iyo sida Somaliland uga faa’iidaysatay iskaashiga gobolka, xitaa iyada oo aan weli helin aqoonsi rasmi ah. Dhanka kale, goobta juqraafiyeed ee Somaliland ayaa si weyn u kordhisa qiimaheeda. Waxa ay ku taallaa Gacanka Cadmeed, oo ka mid ah marinnada ugu mashquulka badan ganacsiga caalamka. Sababtaas awgeed, quwadaha waaweyn sida Maraykanka, UK iyo Midowga Yurub ayaa si dhow u eegaya doorka Somaliland ee amniga iyo ganacsiga gobolka.
Khubaro badan ayaa ku dooday in xidhiidh dhow oo lala yeesho Somaliland uu siinayo reer Galbeedka awood ay ku xoojiyaan saameyntooda Bariga Afrika, isla markaana uu ka caawin karo in ay yareeyaan ku tiirsanaanta saldhigyada kale ee ku yaalla Djibouti. Isbeddelada siyaasadda caalamka ayaa, sidoo kale, albaabo cusub u furay Somaliland. Tusaale ahaan, go’aankii Mareykanku ku taageeray sheegashada Marooko ee Western Sahara waxa uu caddeeyey in mararka qaar quwadaha waaweyn ay diyaar u yihiin in ay dib u eegaan siyaasado ay muddo dheer ku adkaysteen. Arrintan ayaa Somaliland siinaysa rejo ku saabsan in xaaladdeeda dib loo qiimeeyo, gaar ahaan iyada oo gobolka Geeska Afrika uu ku jiro xaalad isbeddel ah oo ay ku jiraan xiisadaha Itoobiya, Suudaan iyo tartanka quwadaha shisheeye ee ku saabsan Badda Cas. Marka la eego dhinaca sharci, aqoonyahanno badan ayaa ku dooda in Somaliland ay leedahay sababo aad u cad oo aqoonsi lagu siiyo marka loo barbardhigo Koonfurta Suudaan, maadaama ay hore madaxbannaani rasmi ah u lahayd 1960-kii. Waxa kaliya ee ka maqan ayaa ah taageero istiraatiiji iyo siyaasadeed oo ay si toos ah uga hesho dalal awood leh ama ururo caalami ah. Heshiiskii is-afgarad (MoU) ee ay Raysal Wasaareha Itoobiya iyo Madaxweyne Muuse Biixi kala saxeexdeen 2024 ayaa tusaale cad u noqday.
In kasta oo uu muran ka dhaliyey gudaha Soomaaliya iyo gobolka, haddana waxa uu abuuray fursad ay Somaliland ugu dhawaatay helitaanka “aqoonsi dadban,” taas oo ka dhigtay in arrinteedu si dhab ah u soo gasho miiska diblomaasiyadda caalamiga ah. Haddaba, iyada oo siyaasadda caalamka iyo gobolku ay sii marayaan marxalado isbeddel ah, Somaliland waxa ay haysataa fursad istiraatiiji ah oo weyn. Haddii ay si xeel dheer uga faa’iidaysato deriskeeda, maalgelinta caalamiga ah, iyo taageerada dalalka awoodda leh, waxaa suurto gal ah in ay gaadho heer aqoonsi rasmi ah oo muddo dheer loo arkayay mid aan macquul ahayn.
In kasta oo aqoonsiga caalamiga ahi uu yahay yool ay Somaliland muddo dheer u taagneyd, waa in la ogaadaa in aqoonsigu aanu had iyo jeer ka dhignayn xasillooni iyo horumar toos ah. Tusaale cad waa Koonfurta Suudaan: waxa ay heshay aqoonsi degdeg ah ,2011-kii, iyada oo haysata taageero caalami ah iyo rejo badan, balse dhowr sano gudahood waxa ay gashay colaado sokeeye oo baaxad leh (2013–2018), taas oo dishay kumannaan qof, isla markaana dib u dhigtay horumarkii iyo kalsoonidii caalamka. Sababta ugu weyn ee arrintani waxa ay ahayd khilaafaadka siyaasadeed, qabiil iyo awood-qaybsiga ee aan xal rasmi ah loo helin ka hor aqoonsiga, ee ka dhex qarxay hoggaanka cusub ee dalka. Aqoonsigu waxa uu kordhiyay maalgelin iyo taageero dibadeed, balse, sidoo kale, waxa uu xoojiyay tartanka awoodda gudaha, taas oo keentay dagaal sokeeye. Dhanka kale, Somaliland waxa ay muddadaa dheer ku guuleysatay in ay ilaaliso nabad iyo maamul shaqeynaya xitaa iyada oo aan la aqoonsan. Tani waxa ay ku timid:
Nidaam siyaasadeed oo ku saleysan heshiisyo beeleed iyo wada-hadal joogto ah.
Doorashooyin muddeysan oo ay aqbalaan, inta badan, bulshadu.
Ciidamo amni oo gudaha ka dhisan oo aan si weyn ugu tiirsanayn quwado shisheeye.
Markii Koonfurta Suudaan la aqoonsaday, 2011-kii, waxa ay ahayd dhacdo taariikhi ah oo dunida oo dhan si weyn looga xusay. Qowmiyadaha Koonfurta oo tobannaan sano ku jiray dagaal, dulmi iyo ku tiirsanaanta Khartuum ayaa ugu dambayntii helay riyaddii madax-bannaanida. Si kastaba ha ahaato e, guushaasi may noqon mid waarta, sababtoo ah waxaa si degdeg ah u soo ifbaxay caqabado gudaha ah oo culus. Hoggaamiyeyaasha qabiilada waaweyn sida Dinka iyo Nuweer ayaa isku dhacay, dagaallo sokeeye oo dhiig badan ku daatayna waa ay qarxeen. Dhaqaalaha oo ku tiirsanaa saliidda Koonfurta Suudaan ayaa noqday mid lagu murmo, mararka qaarna hakad galay, halka barakac iyo gaajana ay sababeen dhimashadda kumannaan qof, malaayiin kalena barakiciyeen. Sidaas awgeed, aqoonsigii Koonfurta Suudaan ma horseedin nabad iyo horumar, balse waxa uu isu beddelay culays cusub. Dhanka kale, Somaliland oo aan weli helin aqoonsi caalami ah ayaa dhistay qaab gebi ahaanba ka duwan kii Koonfurta Suudaan. Markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taaggeeda, 1991-kii, waxa ay bilowday dhisme dowladeed ku salaysan wada-tashi iyo heshiisyo bulsho. Guurtida dhaqanka ayaa noqday laf-dhabarta nabadaynta, iyaga oo qaboojiyey colaado isla markaana isu keenay beelaha. Waxaa la dhisay nidaam siyaasadeed rasmi ah oo leh baarlamaan iyo xukuumad, waxaana la qabtay doorashooyin tartan ah oo marar badan loogula kala wareegay awoodda si nabad ah. In kasta oo ay jiraan caqabado dhaqaale iyo siyaasadeed, haddana Somaliland waxa ay ku guuleysatay in ay ilaaliso xasilloonida iyo kalsoonida bulshada dhexdeeda ah, taas oo ka dhigaysa tusaale ka duwan xaaladdii Koonfurta Suudaan.
Isbarbardhigga labada qaran waxa uu muujinayaa in aanu aqoonsigu kaligii xal noqon karin. Koonfurta Suudaan waxa ay ku tiirsanayd aqoonsi iyo khayraad dabiici ah, balse waa ay ku fashilantay maamulka iyo heshiiska bulshada dhexdeeda. Sidaa darteed, waxa dhaliya guul iyo dowladnimo waarta waa wada-tashiga, cadaaladda iyo kalsoonida bulshada, balse aqoonsiga caalamiga ahi, kaligii, ma aha jawaabta saxda ah. Haddii Somaliland mustaqbalka dhow hesho aqoonsi caalami ah, waa in ay ka digtoonaataa khaladaadkii Koonfurta Suudaan. Hoggaanka siyaasadeed waa in aan lagu salayn qabiil iyo awood qabsasho, balse loo dhisaa nidaam caddaalad ah oo qof walba ku dareemo in uu leeyahay. Hantida qaranka waa in si siman loo wadaago si loo ilaaliyo caddaalad dhaqaale, loogana hortago musuqmaasuqa. Hubka iyo awooddana waa in lagu ururiyaa dowladda dhexe, si looga hortago khatar kasta oo nabadda wax u dhimi karta. Waxaa, sidoo kale, lagama maarmaan ah in mar walba la ilaaliyo nidaamka wada-tashiga iyo isu tanaasulka beelaha, si loo xoojiyo kalsoonida bulshada iyo midnimada qaran. Gabagabadii, aqoonsiga caalamiga ahi waa muhiim, waana furaha albaabada diblomaasiyadda, maalgashiga iyo horumarka caalamiga ah. Laakiin haddii aqoonsigaasi yimaado, iyada oo aan la hayn xasillooni iyo heshiis gudaha ah, waxa uu isu beddeli karaa culays iyo burbur. Somaliland waxa ay leedahay fursad qaali ah oo ay kaga duwanaan karto Koonfurta Suudaan. Haddii ay sii waddo nidaamka nabadda, wada-tashiga iyo maamul la wada leeyahay, waxa ay xaqiijin kartaa in aqoonsiga mustaqbalku noqdo furaha horumar iyo badbaado, halkii uu noqon lahaa cudur iyo balaayo.
Sanadihii u dambeeyay, xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika waxa ku soo kordhay isbeddelo waaweyn oo saamayn ku yeelan kara mustaqbalka Somaliland. Dalalka deriska ah iyo quwadaha waaweyn, sida Maraykanka, ayaa si dhow ula socda dhaqdhaqaaqyada ka socda Hargeysa, taas oo albaabada u furtay in Somaliland ay helaan fursado diblomaasiyadeed oo ka ballaadhan kuwii hore. Arrintan waxa sii xoojinaya is af garadkii Muuse Biixi iyo Itoobiya ay wada galeen, kaas oo si dadban u sahli kara in Somaliland hesho aqoonsi siyaasadeed oo aan rasmi ahayn balse muhiim u ah dhanka joogteynta xidhiidhka caalamiga ah. Hase ahaato e, aqoonsi heliddu waxa ay leedahay khataro iyo caqabado haddii aan si xeel dheer loo diyaarin. Casharka ugu weyn ee Somaliland ka baran karto waxaa ka mid ah kiiska Koonfurta Suudaan. In kasta oo Koonfurta Suudaan ay heshay aqoonsi caalami ah sannadkii 2011, haddana waxaa ku xigay burbur siyaasadeed, dagaallo sokeeye iyo kala qaybsanaan salka ku haysa awood-qaybsiga qabiillada iyo kheyraadka dabiiciga ah. Nabadgelyadii la filayay in ay raacdo aqoonsiga ayaa isku rogtay isku dhac joogto ah oo illaa maanta socda.
Somaliland, walow oo aanay weli aqoonsi rasmi ah helin, waxa ay muddo dheer muujisey nabad deegaan ah oo lafdhabar u noqotay nidaamka siyaasadeed ee ka jira. Nabaddaasi waxa ay si weyn ugu xidhan tahay qaab-dhismeedka qabiillada dega, heshiisyada bulshada iyo wadaagista maamulka heer gobol iyo heer qabiil. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in la xoojiyo nidaamyada wada-tashiga iyo awood-qaybsiga gudaha kahor inta aan si buuxda loo raadin aqoonsi dibadeed. Marka la barbardhigo Koonfurta Suudaan, waxa muuqata in Somaliland ay leedahay fursad ay kaga badbaadi karto khatarahaas haddii ay wax ka barato casharradii dhacay. Taasi waxa ay u baahan tahay:
In si rasmi ah loo qeexo hab-raaca awood qaybsiga, haddii aqoonsi yimaaddo.
In la diyaariyo hab maamulka kheyraadka dabiiciga ah si looga hortago isku dhac.
In la ilaaliyo nidaamka nabadda ku dhisan ee qabiilka iyo heshiisyada bulshada oo ah laf-dhabarta nabadda Somaliland.
In la abuuro hannaan dowladnimo ku saleysan sharciyad iyo isla xisaabtan, si aan loogu tiirsanaan, keliya, heshiisyada beelaha.
Gunaanadkii, ujeeddada qormadani waxa weeye in ay gudbiso casharro muhiim ah oo Somaliland ka baran karto dhacdadii Koonfurta Suudaan. Nabadda Somaliland waa mid ku tiirsan beelaha wada dega sidaa awgeed, haddii aqoonsi yimaaddo waxa suurto gal ah in beelaha dega ay ku loollamaan awood-qaybsiga iyo kheyraadka dabiiciga ah, taas oo khatar ku noqon karta xasilloonida. Sidaa darteed, Somaliland waxa looga baahan yahay in ay si taxaddar leh uga shaqayso sidii ay uga fogaan lahayd halistaas, isla markaana ay uga baaqsan lahayd in ay ku dhacdo godkii Koonfurta Suudaan.