Sunday 16 November 2025
Marba marka ka dambaysa, waxa isa soo taraya dedaallada loogu qareemaayo aqoonsiga Somaliland iyo ka mid noqoshadeeda dawladaha caalamka, walow ay jiraan caqabado muuqda oo hortaagan in si dhakhso ah loo gaadho natiijooyin wax ku ool ah. Dhawrkii sanno ee ugu dambeeyey, waxa awoodaystay xidhiidhada Somaliland iyo dawladaha caalamka, kuwaas oo aynu ka xusi karno xidhiidhkii Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ee 2016-kii, iyo sida uu u beddeley fekerkii laga haystay nidaamka dawladnimo iyo xidhiidh ee ‘Jamhuuriyadda Somaliland’, taas oo soo jiidatay hanqaltaagyo badan oo lagu danaynaayo Badda Cas, marin ganacsiyeedka dekedda Berbera iyo xidhiidho toos ah oo la la yeesho Somaliland, oo isna dhabbaha u xaadhay in ay Taywaan xafiis ka furato Somaliland.
Waxa xigay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee 1-dii Jeenaweri, 2024-kii, kaas oo isaguna kor u qaaday meeqaamka gorgorton ama heshiis ee ay dawladda Somaliland ku dhaqaaqi karto, in kaste oo aanu weli midho dhalin. Intaas waxa dheer, dedaallada iyo dardarta cusub ee xukuumadda hadda ay la timid saaxadda arrimaha dibedda gaar ahaan dalalka Carabta, Afrika iyo Maraykanka. Bishii Ogos dhexdeeda, saxaafadda caalamka waxa qabsatay jawaabtii Madaxweyne Trump, kolkii wax laga wayddiiyay kiiska Somaliland, waxa kale oo indhaha saxaafadda soo jiitay dhanbaalkii Senator Ted Cruz uu u diray Madaxweyne Trump, isaga oo kaga codsanaaya aqoonsiga Somaliland.
Waxa iyana xusid mudan hadal jeedintii Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu ka yidhi madasha shirweynaha dalalka adduunka 2025 oo ka qabsoomtay Dubay, Feebarwari 2025-ka, isaga oo yidhi: “Marka la eego nidaamkayaga dimuqraadiga ah, waxa aannu filaynaa in dunidu ay ka garawdo oo ay nagu abaalmariso hannaanka dimuqraadiga ah. Xidhiidh wanaagsan ayaannu la leennahay Maraykanka, Ingiriiska iyo dalal badan oo dunida ah. Waxa aan rajeynayaa in Maraykanku noqon doono, dalka ugu horreeya ee aqoonsada Somaliland.”
Madaxweyne Cirro: “Marka la eego nidaamkayaga dimuqraadiga ah, waxa aannu filaynaa in dunidu ay ka garawdo oo ay nagu abaalmariso hannaanka dimuqraadiga ah, waxana aanu rajeynayaa in Maraykanku noqon doono, dalka ugu horreeya ee aqoonsada Somaliland.”
Maqaalkan kooban waxa aynu ku falanqeyn doonnaa dedaallada aqoonsiga Somaliland ee ka socda Maraykanka, waxa kale oo aynu ku eegi doonnaa dhufsane-yaraha ay wadagaan Kosovo iyo Somaliland, iyo doorka loobbiga xildhibaannada Aqalka Senatku ku yeelan karaan dardargelinta aqoonsi raadinta Somaliland. Ugu dambaynna, waxa aynu eegi doonnaa maxaa la gudboon Somaliland si ay uga faa’ideysato fursadahan una hesho aqoonsi caalami ah.
Maraykanku waxa uu ku jiraa waddamadii u horreeyey ee Somaliland u soo hambalyeeyey markii ay madaxbannaanida ka qaadatay gumeysigii Ingiriiska, 26-kii Juun 1960-kii, kolkaas oo xoghayihii Maraykanku Christian A. Herter uu dhanbaal soo gaadhsiiyey Somaliland. Sidaas oo ay tahay, haddana xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka waxa laga soo bilaabaa waxii ka danbeeyey dib ula soo noqoshadii dawladnimada Somaliland, waagaas oo wasiirkii arrimaha dibedda ee ugu horreeyey, Yuusuf Cali Sheekh Madar uu booqday Maraykanka 1992-kii. Yuusuf Cali Sheekh Madar waxa uu ahaa wasiirkii arrimaha dibedda ee xukuumaddii Cabdiraxmaan-Tuur, safarkiisanna waxa lagu tilmaamaa safar taariikhi ah oo gogolxaadh u noqday xidhiidhadii danbe ee Somaliland iyo Maraykanka.
Waxa xigay safar uu madaxweyne Cigaal ku tagay Waashintoon, 1999-kii, kaas oo uu kula kulmay Kusimaha Xoghayeha Arrimaha Dibedda, Condoleezza Rice, La-taliyaheeda Arrimaha Afrika, John Prendergast, iyo Agaasimaha Golaha Ammaanka ee Afrika, Ms. Gayle Smith. Cigaal, sidoo kale, waxa uu safarkan kula kulmay Xoghayeha Guud ee Golaha Midawga Adduunka, Kofi Annan. Safarkan taariikhiga ahaa ayaa looga gol lahaa xoojinta xidhiidho cusub oo ay yeeshaan Somaliland iyo Maraykanku. Intaas waxa dheeraa sidii Somaliland looga la shaqeyn lahaa arrimaha amniga iyo dawlad dhiska. Waxa, isna, xusid mudan safarkii Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu, 2013-kii, ku tagay Waashintoon. Safarkan oo ay waftiga Somaliland la kulmeen mas’uuliyiin sarsare ayaa sees u ahaa xoojinta xidhiidhada wadashaqeyneed, amni iyo horumarineed ee Somaliland iyo Maraykanka.
Ugu dambayn, bishii Maaj sannadkii 2022, ayaa wafti uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi ay booqasho ku tageen Waashintoon, waxayna kulamo la yeesheen madax sarsare oo ka tirsan fulinta Maraynkanka. Kulannada waftiga ayaa u badnaa kuwo lagu xoojinaayo xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland ee dhinacyada amniga, xoojinta dimuqraadiyadda, arrimaha bini-aadannimada iyo kaalmaynta Somaliland ee Maraykanka. Dhanka kale, waxa uu Biixi qudbad ka jeediyey Machadka Heritage Institute oo saameyn ku leh siyaasadda Maraykanka, gaar ahaan Xisbiga Jamhuuriga.
Dhinaca kale, iyana waxa aan ka maqnayn safarrada xubno muhiim ah oo ka socda Maraykanka ku imanayeen Somaliland tobbankii sanno ee u dambeeyey, kuwaas oo qayb ka ahaa xoojinta xidhiidhada iskaashi iyo wada shaqeyneed oo hadda jooga heerkii ugu sarreeyey. Madaxweyne Cirro, ayaa la filayaa isna dhawaan in uu safar ugu bixi doono Waashintoon, kaas oo lagu xoojinayo dedaallada aqoonsiga Somaliland. Waxa, iyana dhankooda toddobaadyadan, gogolxaadh wada qaar ka mid ah xildhibaannada Senatka, dedaalladaas oo ay kaga codsanayeen Madaxweyne Trump in uu aqoonsado Somaliland xidhiidh dhawna la yeelato dawladdiisu. Safarkan ayaa la filayaa in uu Somaliland u soo jiidi doono guulo waaweyn oo kor u qaada, xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka iyo dhanka kale iskaashiga dhaqaale, amni, xidhiidh, iyo dublamaasiyadeed ee labada dhinac, taas oo dhalin karta marka ay ugu yartahay in Maraykanku Somaliland ka samaysato xafiis dublamaasiyadeed oo la mid ah ka UK ee Hargeysa ka furan.
Madaxweyne Cirro ayaa la filayaa in uu dhawaan booqdo Maraykanka, xilli ay xildhibaanno Senatka ka tirsani wadaan dedaallo ay ku doonayaan in uu Madaxweyne Trump aqoonsado Somaliland.
Jamhuuriyadda Kosovo waa dal aan xeeb lahayn oo ku yaalla koonfur-bari Yurub, waana waddan aqoonsi ka helay qaybo ka mid ah dawladaha Caalamka. Maraykanku waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray aqoonsiga iyo madax-bannaanida Kosovo, gaar ahaan Senatarrada Maraykanka ayaa qayb weyn ka qaatay sidii loo aqoonsan lahaa ee ay dalalka dunida qayb uga noqon lahayd. Senatarradii ugu cuslaa ee qaybta libaax ka qaatay aqoonsiga Kosovo waxa ka mid ahaa; John Sidney McCain iyo Joe Biden oo, markii danbe, noqday Madaxweynihii 46naad ee Maraykanka.
Waxa aynu yara dul istaagi doonnaa farriintii iyo codsigii Joseph R. Biden, Jr. oo cinwaankeedu ahaa “Aqoonsiga Kosovo waa Jid Muhiim ah oo ku Waajahan Nabadgelyo iyo Mustaqbal Wanaagsan” oo soo baxday 4-tii Maaj, 2008-kii. Warqaddan ayaa si qoto dheer u falanqeyneysa muhiimadda ay leedahay madax-bannaannida iyo aqoonsiga Kosovo. Senatar Biden waxa uu ku adkeysanayaa aqoonsiga Kosovo in uu yahay arrin lamahuraan ah oo gobolka u horseedaysa nabad, xasillooni iyo barwaaqo. Sidoo kale, waxa uu ku dooday aqoonsiga Kosovo in uu muhiimad weyn ugu fadhiyo Maraykanka, gaar ahaan marka la joogo Bolkaniska. Waxa kale oo uu xusay in Kosovo ay la daalaa-dhacayso dhibaatooyin sida; shaqo la'aan ba'an iyo khilaafaad qabiil, laakiin haddana ay leedahay fursado badan oo ay ku dhisi karto dawlad u janjeedha Galbeedka. Dedaalkan Biden iyo saaxiibtinimadii ay Kosovo la lahayd qaar ka mid ah Senatarrada Maraynkanka waxa ay keentay ugu danbeyn in Kosovo la aqoonsado 14-kii Feebarweri 2008-kii.
Senatar Joe Biden, markii uu codsiga Kosovo u diray Madaxweyneha Maraykanka, waxa u uku dooday in aqoonsiga Kosovo in uu muhiimad weyn ugu fadhiyo Maraykanka, gaar ahaan marka la joogo Bolkaniska, iyo in Kosovo ay leedahay fursado ay ku dhisi karto dawlad u janjeedha Galbeedka.
Sooyaalka aqoonsi raadineed ee Kosovo, waxa ay Somaliland ka baran kartaa casharro muhiim u ah geeddigeeda aqoonsi raadinta, maaddaama ay wadaagaan dhinacyada ay ka midka yihiin xidhiidhka Maraykanka, xoojinta loobbiga xubno ka mid ah Aqalka Senatka, adeegsiga awoodda jaaliyadaha, ku adkaysiga koryeelidda dimuqraadiyadda, nidaam wanaajinta gudaha, iyo iibgeynta goobaha istiraatijiyadeed ee ay kaga jiraan gobollada ay ku yaallaan iyo ugu danbeyn muhiimadda ay u leeyihiin xasilloonida dunida iyo marinnada ganacsiga ee caalamka.
Doorka loobbiga xildhibaannada Senatka ee Maraykanka ayaa noqon kara mid muhiim ah oo saameyn ku leh geeddi-socodka aqoonsiga Somaliland, iyada oo loo marayo siyaasad diblmaasiyadeed iyo cadaadis siyaasadeed. Loobbigu waa kooxo ama shakhsiyaad u ololeeya danaha gaarka ah ee koox ama dal, iyaga oo adeegsanaya xidhiidho siyaasadeed, xog-ururin, iyo wacyigelin si ay u saameeyaan go'aan qaadashada sharci-dejiyayaasha. Sida laga soo xigtay aragtida kala duwanaanshiyaha awoodda “theory of pluralism” ee siyaasadda, kooxaha danaha gaarka ah waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraan nidaamka dimuqraadiga ah, iyaga oo matalaya danaha kala duwan ee bulshada (Dahl, 1961). Sidaas daraaddeed, Xildhibaannada Senatku waxa ay leeyihiin awood sharciyeed iyo mid siyaasadeed oo muhiim ah, gaar ahaan marka ay timaaddo arrimaha diblumaasiyadda iyo siyaasadda dibedda. Loobbiga Somaliland waxa uu ka faa'ideysan karaa xidhiidhka xildhibaannada si loo kordhiyo wacyiga iyo taageerada aqoonsiga Somaliland.
Senatku waxa uu leeyahay awood uu ku ansixiyo heshiisyada caalamiga ah iyo magacaabista saraakiisha muhiimka ah ee siyaasadda dibedda. Sida ku cad awoodda dastuuriga ah ee Senatka, waxa uu goluhu door muhiim ah ka ciyaaraa qaabeynta siyaasadda dibedda ee Maraykanka. Sidaas awgeed, xildhibaannada Senatka, oo loo maro ololeyaal loobbi oo xirfad leh, ayaa saameyn ku yeelan kara go'aammada dawladda Maraykanka ee ku saabsan aqoonsiga Somaliland.
Waxa jira tusaalooyin taariikhi ah oo muujinaya sida kooxaha loobbigu ay u saameeyeen siyaasadda Maraykanka. Tusaale ahaan, loobiyadda Israa’iil iyo Taywaan ayaa si weyn u saameeyay siyaasadda Maraykanka ee la xidhiidha danahooda siyaasaeed, iyaga oo ka dhaadhiciyay xildhibaannada iyo madaxda dawladda in ay taageeraan u jeeddooyinkooda. Sida ay caddaysay daraasad ay sameeyeen, sannadkii 2009-kii, kooxaha loobbigu waxa ay isticmaalaan xeelado kala duwan sida wacyigelin, bixinta xogta, iyo xidhiidhka shakhsiyeed si ay u xaqiijiyaan ujeeddooyinkooda.
Sidaas awgeed, doorka loobbiga xildhibaannada Senatku ku yeelan karo aqoonsiga Somaliland waa mid muhiim ah oo leh awood lagu saameyn karo siyaasadda Mareykanka iyo, guud ahaan, aqoonsiga caalamiga ah. Iyada oo la adeegsanayo xeelado loobbi oo xirfad ahaan sarreeya, Somaliland waxa ay kordhin kartaa fursadaha ay ku heli karto aqoonsi rasmi ah. Waxa muhiim ah in la fahmo in geeddi-socodkani uu yahay mid siyaasadeed oo u baahan dulqaad, istiraatiijiyad, iyo xidhiidho adag oo la la yeesho xildhibaannada iyo madaxda ay wax ka go’aan ee Maraykanka.
“Doorka loobbiga xildhibaannada Senatku ku yeelan karo aqoonsiga Somaliland waa mid muhiim ah oo leh awood lagu saameyn karo siyaasadda Mareykanka iyo, guud ahaan, aqoonsiga caalamiga ah”
Xildhibaannada Senatka Maraykanka ayaa marar badan muujiyay taageero ku aaddan nabadda iyo horumarka Somaliland. Farriimahooda waxaa ka mid ah:
Taageerada nabadda iyo xasilloonida: Senatku waxa uu aqoonsan yahay in Somaliland ay tahay meel xasilloon oo ka duwan xaaladda guud ee Soomaaliya, taas oo muhiim u ah amniga gobolka iyo gaar ahaan danaha Maraykanka.
Dib-u-heshiisiin iyo dimuqraaddiyad: Xildhibaannada qaar ayaa boorriyay in la taageero hannaanka dimuqraadiyadda ee Somaliland.
Baahida aqoonsi caalami ah: Waxa jira codsiyo iyo doodo Senatka ka dhex jira oo ku saabsan in la tixgeliyo aqoonsiga Somaliland si loo xoojiyo xidhiidhka Maraykanka iyo gobolka.
Somaliland waxa ay haysataa fursado muhiim ah oo ay kaga faa’ideysan karto ololeyaasha siyaasadeed iyo loobbi si ay u hesho aqoonsi caalami ah. Si taas loo gaadho, waxa muhiim ah in ay qaaddo tallaabooyin istiraatiiji ah kuwaas oo ka tarjumaya baahida iyo duruufaha siyaasadeed ee hadda jira. Somaliland waa in ay si firfircoon ula shaqeysaa xubnaha Senatka ee daneeya arrimaha Geeska Afrika, gaar ahaan kuwa taageersan nabadda, dimuqraadiyadda, horumarka gobolka isla markaasna dhiirrigelinaya saamaynta iyo joogitaanka Maraykanka ee gobolka. Waxa muhiim ah in la sameeyo ololeyaal wacyigelin ah oo xog-ogaalnimo ku salaysan, iyada oo la adeegsanayo xogta rasmiga ah iyo guulaha Somaliland ay gaadhay.
Somaliland waa in ay taageertaa, oo xidhiidhkooda xoojisaa, xubnaha Senatka iyo Kongareeska ee u ololeeya aqoonsigeeda, iyada oo siinaysa macluumaad sax ah, fursado booqasho, iyo xidhiidh joogto ah. Sidaas waxaa lagu xoojin karaa kalsoonida iyo fahamka dunida ee arrimaha Somaliland. Waxa muhiim ah in la sameeyo cilmi baadhis iyo falanqeyn ku saabsan sida loo horumarin karo ololeyaasha loobbi. Warbaahinta caalamiga ah iyo baraha bulshada waa in si xirfad leh loo adeegsadaa si loo faafiyo farriimaha muhiimka ah ee ku saabsan Somaliland, gaar ahaan xaqiiqooyinka ku saabsan nabadda, dimuqraadiyadda, iyo horumarka dhaqaalaha.
Ugu dambayn, Somaliland waxa ay u baahan tahay istiraatiijiyad cad oo salka ku haysa wacyigelin, cilmi-baadhisyo, loobbiyo iyo xidhiidho siyaasadeed oo xooggan, iyo sidoo kale taageero cilmiyeed si ay uga faa’ideysato fursadaha siyaasadeed ee taagan. Awood siinta xubnaha Senatka ee taageersan Somaliland, xoojinta xidhiidhadooda, iyo ka warqabka joogtada ah ee kolba halka uu xaal marayo ayaa noqon kara furayaasha guusha iyo midho-dhalka dedaallada hadda socda ee taageeridda, iyo u qareemidda aqoonsiga Somaliland.